JAALIYADAHA DIBADA EE DAAROODKA
WAQOOYI
Ku.Dhinacyadda ku Dagaalamaya Puntland.
Ku. Isimada, Guurtidda iyo Waxgaradka Puntland.
Ujeedo. Baaq xabad joojin.
Waxaan aad uga xunahay dagaalka sokeeye ee ka dhacaya
Puntland, kaasoo ah burbur iyo isku jab reer Puntland,
dhiiga daadanayaa iyo burburka dhacayaa waa kii
Puntland.
Haddii Dagaalku sii socdana waxaa sii kordhaya
isnacayb iyo sii kala fogaansho iyo khasaaraha oo
sii kordha. Dagaalkuna xalmaaha ee waxbuu sii xumeeya.Waxaa
loo baahanyahay isu dhulqaad iyo isusamir.
Sidaasdarteed anagoo ah Jaaliyadaha Dibada ee Daaroodka
Waqooyi waxaan labada dhinacba ka Codsanaynaa.
1. In si degdega xabada iyo Dagaalka loo joojiyo
iyo dhiiga sokeeye ee daadanaya.
2. In la bilaabo wadhadal oo lagu soo afjaro khilaafkan
iyo Colaada.
3. In lala yimaado isu dulqaad, samir, maskax saliima.
4. In dhamaan Isimada reer Puntland, Guurtida iyo
waxgaradkuba meel uga soo wadajeestaa
sidii dagaalkan loo joojin lahaa loona soo afjari
lahaa masiibadan oo mudo soo taagnay.
.
Ugu dambayntii waxaan Soomaalida u soo jeedinaynaa
inay khilaafaadkooda ku dhamaystaan wadahadal kana
digtoonaadaan Xabad Dagaal.
ALLAA MAHADLEH.
Jaaliyadaha Dibada ee Daaroodka Waqooyi.
1. Axmed Maxamed Aadan ( Qudhac ). Gudoomiye.
2. Maxamed Boobe Gaxash. Xubin
3. Cismaan Qawdhan Warsame. "
4. Axmed C/laahi Maxamuud. "
5. Xuseen Dacar.
6. Bile Khaliif Xaaji Cali.
dar_woq@hotmail.com Tel: 004741529576 Dibada NORWAY.
41529576 Gudaha.