Wararka Mudugonline

Faahfaahin Dagaalkii Dhuudo siduu u dhacay iyo warar kale

Nairobi, Bosaaso, 1 Jan 2003 (MOL) - Dagaalkii Isniintii ka dhacay aaga dhuudo ee gobolka Bari oo markii hore aan dagaalkaas wax wara laga hayn sigaarsiinta oo go'nayd awgeed ayaa hadda waxaa noo suura gashay inaan ka helo warar faahfaahsan sida dagaalkaas u dhacay. dagaalkaas Isniintii dhacay ayaa waxuu ku bilowday gaadmo Ciidanka Gen. Cadde Muuse la helay ciidan daraawiish ah oo uu watay ina cali shire, ciidankaas ayaa Miino loo dhigay gododka Dhuudo ka dibna lala beegsaday weerar aad u culus oo looga keenay dhinac walba. Ciidankaas oo khasaare badan ka soo gaartay weerarkaas ayaa waxaa usoo gurmaday ciidan kale oo dhabar jabiyay Ciidankii Gen. Cade, ciidankaan dambe oo uu watay Col siciid dheere ayaa khasaare b'an gaarsiiyay ciidankii Gen. Cade Muuse.

Halkaasna waxaa ka dhacay dagaal ba'an oo ah meesha qasaaraha ugu badan ee dagaalku ka dhacay. isla Duhurnimadii ayaa waxaa yimid Ciidan kale oo Daraawiish ah oo uu watay Col. Carays. Ciidankaas dambe ayaa la sheegay inuu gabi ahaanba dulmaray jabiyayna Ciidankii Gen. Cadde Muuse. dagaaladii ka dambeeyay dagaalkaas hore ee dhacay shalay ma ahayn dagaalo weyn, Ciidanka Cadde Muusena waxii dagaalkaas hore ka dambeeyay waxay ku jireen carar iyo dhuumasho sidii ay uga bixi lahaayeen aaga dagaalka.

Khasaaraha labada dhinac ayaa wali aan la xaqiijin karin, tiroda ugu badan oo dhaawaca oo na soo gaaray waxaa lagu sheegay 70 oo isugu jira labada dhinac. dhimashada dhinaca daraawishta ayaa la sheegayaa ilaa 27, war kale ayaa sheegaya in dhimashada Ciidanka daraawiishtu tahay illaa 18 askari laakiin wali tiro xaqiiq ah lama hayo. dhinaca Ciidanka Gen. Cadde Muuse ayaan la ogayn intay la egtahay dhimashada iyo khasaaraha gaaray ciidankaas. wararku waxay sheegayaan in Ciidanka Cade Muuse uu si ba'an u jabay aanse lahayn faahfahin intaas dheer maadama ay yihiin ciidan jabay oo firdhad ah oo aan lahayn fariisin loogu hagaago.

Ciidanka Gen. Cadde Muse ayaa la sheegay hadda inay u kala firdhadeen deegaano kala duwan, gen. Cadde Laf ahaantiisana uu u gudbay dhinaca gobolka Sool isagoo ay wehliyaan ciidan xoogaa ah oo watay 2 gaari oo Lang-crueser ah. intii la baacsanayay Gen. Cade ayaa la sheegayaa in faraha looga dhigay lagalana haray qori BM ah oo uu damacsanaa inuu ula galo Somaliland. Dhinaca Bender-Bayla ayaa iyana la sheegayaa in haraagii ciidankii Cadde Muuse lagu dabo jiro soo aruurintooda.

Magaalada Garoowe ayaa la keenay maxaabiis gaaraysa ilaa 70-meeyo, maxaabiistaaas ayaa waxa laga xusay laba sarkaal oo lagu kala magacaabo Col. maxamed ismaaciil boqor iyo Abwaan Shube oo lagu soo qabtay dagaalkii DHuudo. isku soo duub oo dagaalkaan waxuu ahaa dagaal geystay khasaare aad u balaaran oo naf iyo maalba leh oo aan Puntland horey looga arag.

Waxii warar dheeraada oo aan helo gadaal ayaan idinka soo gudbin doonaa idinka eebe.

Mudugonline.com



 






Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001