Wararka Mudugonline

Dr.Cabdiwali Cabdiraxman ( Hormuud Kulixada Dhaqaalaha Jaamacada bariga Afrika)
 
Ogeysiis 
 
Toronto iyo agaggaarkeeda

Dadweynaha ku nool magaalada Toronto iyo agaggaarkeeda, waxaan ogeysiinaynaa in lagu qabanayo magaalada Toronto shir ku saabsan Jaamacadda Bariga Africa ee Boosaaso. Shirka waxaa warbixin muuq iyo maqaal leh ka siiddeynaya, hormoodka kulliyadda dhaqaalaha ee Jaamacadda Bariga Africa, prof. Cabdiwali Geyre, oo waqooyiga America ku baahinaya jiritaanka iyo wax-qabadka Jaamacadda Bariga Africa, gaar ahaa dhinacyada:
  • Guulaha iyo horumarka la taaban karo ee ay gaartey Jaamacadda Bariga Africa 
  • Himilooyinka Jaamacadda, qorsha dhow iyo kan fog
  • Dhibaatooyinka Jaamacaddu ka gudubtey iyo kuwa wali hor taagan

Shirka waxaa lagu martiqaaday wax-garad badan oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin, aqoon-yahanno, culimaa'udiin, iyo shakhsiyaad kale oo muhiim ah.

Goobta shirku ka dhacayo:
       
Holiday Inn Airport East Toronto
,
(Phone: (416)240-7511)   
600 Dixon Road, TORONTO 
(Dixon Road iyo Martingrove)
Holiday Inn Airport East Map


Maalinta shirku ka dhacayo:                    Axad, 16 Feb 2003

Saacadda shirku dhacayo:                         18:00 (6da fiidnimo)


Maalinta shirka la qabanayo waa maalinta Axadda ah, mana aha Sabtidii qoraal hore aan ku sheegnay, raalli ka ahaada.

Guud ahaan reer Ontario Region, gaar ahaan Reer Western Ontario iyo reer Ottawa imaantinkooda xiise gaar ah ayaan u qabnaa.

Waxbarashada dalkii hooyo ayadoon loo aabba yeelin, wadajir in loo taageero ayaa habboon. Aqoontu waa ilayska isbeddelka adduunka wada. Shaki la'aanna ummadda Soomaaliyeed isbeddel waa u baahan tahay. U hiilli iftiinka aqoonta.


Guddiga Saaxiibbada Jaamacadda Bariga Afrika
Qaybta Baahinta Jaamacadda Bariga Afrika


 

Halkaan Ka akhri shirkii horudhaca aha







Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001