Toronto:
Taageerada Jaamacadda Geeska Afrika

|
Shirka
Guddiga Saaxiibada Jaamacada Bariga Afrika
|
Shir
ay qabanqaabiyeen Guddiga Saaxiibada Jaamacad Bariga Afrika
ee Ontario ayaa lagu qabtay fiidnimadii sabtida taariikhdu
ahayd 1da Feb, 2003, huteel ku yaal galbeedka magaalada Toronto.
Shirkaa oo ay ka soo qayb galeen xubno muhiim ah ee ka tirsan
wax-garadka reer Toronto, waxaa lagu falanqeeyey, go'aanna
looga gaaray arrimo ay ka mid yihiin:
Habka
iyo hannaanka ugu habboon, uguna miro dhal badanaan kara,
ee si wadajir ah loogu taageeri karo Jaamacadda Geeska Afrika
ee Boosaaso Iyo sidii loo maamuli lahaa xaflad reer Toronto
u qabanayaan taageerada Jaamacadda Bariga Afrika ee Boosaaso
15ka bishan February ee sannadkan 2003.
 |
Shirka
Guddiga Saaxiibada Jaamacada Bariga Afrika
|
Xafladdaa
oo lagu martiqaaday, Hurmoodka kulliyadda dhaqaalaha, ee Jaamacadda
Geeska Afrika, prof. Cabdiwali Geyre, oo Jaamacadda warbixin
ballaaran oo muuq iyo maqaal leh ka wada, waxaa qorsheysan
in ay ka soo qayb galaan shakhsiyaad caan ah iyo siyaasiyiin
reer Toronto ah.
Waxaa
soo diyaariyay: Guddiga Baahinta Jaamacadda Geeska Afrika