URURKA
SAXAAFIYIINTA SOOMAALILAND OO CASHO SHARAF U SAMEEYEY SAXAAFIYIIN
KA SOCDAY MAAMULKA PUNTLAND IYO MAGAALADA MUQDISHO
Hargaysa,
27 Feb 2003 (MOL)- waxaa xalay lagu qabtay casho sharaf aad
loo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen ururka saxaafda soomaaliland
ee solojo. Casho sharaftaas oo loo sameeyay suxufiyiin ka
socotay Maamulka Puntland iyo magaalada Muqdishu oo ka soo
qayb galay shirkii bulshada rayidka uga socday magaalada Hargaysa
asbuucaan.
Waxaana
ugu horayntii hadal gaaban furitaankii ka jeediyey wasiir
ku xigeenka wasaarada warfaafinta Somaliland oo sheegy in
ay muhiim tahay isku xiraanta saxaafda labada dal waa sidii
hadalka u dhigaye. dhanka suxufiyiinta martida ahaa Waxaa
goobtaas ka hadlay Fararax cumar oo ahaa weriye madax banaan
oo mahad u celiyey ururka suxufiyiinta Somaliland.
waxaav
sidoo kale hadalkii qaattay xubno badan oo ka mid ahaa golaha
dhexe ee ururka saxaafiyiinta Somaliland oo ka war bixiyey
baahida loo qabo isku xiraanta saxaafadeed iyo muhiimada iskaashika
saxaafada wadanka guud ahaan.
Weriyahayaga
Shirka C/risaaq shiikhaduun oo ak mid ahaa saxaafiyiinta ku
fadhiyey magaca saxaafyiinta ka socada ismaamul gobleedka
puntlad ayaa isna goobtasi mahad balaaran uga jeedeediyey
ururka saxafiyiinta ee halkaas isugu yimid.
casho
iyo cabitaan ka dib waxaa la galay sawir qaadid si laysu xasuusto
waxaan sawir qaadistaasi ka qaybgalay weriyaasha BBC laanteeda
afka Somaliga oo kala ahaa sicid cali muuse iyo Axmed siciid
Gige oo iyana ka mid ahaa saxaafyiin ururka Somaliland. waaa
Markii ugu horaysay ee saxaafiyiinta Somaliya ee iyo maamul
goboleedyadu hal meel isugu yimaadeen.
Mudugonline.com
Dagaalkii
shalay ka dhacay degmada Madiina oo qaboobay
Muqdishu,
27 Feb 2003 (MOL) -Dagaal la isku adeegsaday hubka waaweyn
noocyadiisa kala duwan oo shalay ka qarxay xaafada Madiina
ee magaalada Muqdishu ayaa la soo sheegayaa inuu saaka qaboobay.
dagaalkaas oo u dhaxeeyay maleeshiyo kala taageersan maleeshiyo
isku hayb ah kalana taageersan Muuse Suudi iyo Cumur Finish
oo ahaan jiray ku xigeenkiisa ayaa la sheegay inuu ku bilaamay
nin Taksiile ah oo lagu dilay xaafada Madiina.
Dagaalkaan
oo ay ku dhinteen illaa 8 qof 10 kalena ku dhaawacmeen ayaa
waxuu ahaa dagaal culus oo daryaanka hubka darandooriga u
dhaca laga maqlay meelo badan oo Muqdishu ka mida. Labadaan
hogaamiyeba waxay wax ka saxiixeen shirkii Eldoret oo hogaamiyaasha
Somalida dhamaantood balan qaadeen inay xabad joojin samaynayaan.
tan iyo intii heshiiskaas la saxiixay ayaa meel walba oo Somaliya
ka mida oo dagaal hore ka jiray heshiiskaasi uusan ka hirgalin.
Urur goboleedka IGAD ayaa hadda waxay iskaashi la sameeyeen
qaramada midoobay si loo sugo inuu hirgalo heshiiskii xabad
joojinta ee la saxiixay.
Mudugonline.com
Rag
u amaba baxaya Kismayo..
Muqdisho
, Feb 27 2003 (AllPuntland)- Waxaa maalmahan ka socday Muqdisho
qaban qaabo loogu jiro siddii rag u dhashay beesha Hartiga
loogu diri lahaa Kismaayo, qabanqaabadaas oo ay wadaan xubno
isla beeshaas ah oo ka tirsan maamulka DKMG ah ama kooxda
Carta qofba sidda uu u yaqaano.
Warka
ayaa sheegaya in ujeedada tagitaanka ragaani ay tahay siddii
ay maamul ula samaysan lahaayeen isbahaysiga Kismaayo haysta
ee beelaha Mareexaanka iyo Cayrka.
Ragga
tagaya Kismaayo oo siyaabo kala duwan u joogay Muqdisho ayaa
ujeedadooda tagitaankooda Kismaayo lagu macneeyay siddii ay
maamul ula samaysan lahayeen kooxda haysata Kismaayo, iyadoo
la fulinayo heshiis dabayaqadii bishii tagtay ay ku saxiixdeen
madaxda Isbahaysigaas iyo xubno sheegay inay matalayaan beesha
Hartiga.
Ragga
laga dirayo Muqdisho ayaa wararku sheegayaan in loo sameeyay
balanqaadyo dhaqaale ka gadaal marka ay soo dhamaystaan hawsha
loo xilsaaray.
Allpuntland
C/Qaasim
Salaad Oo Amar Ku Siiyay Ergada Ka Jirta Kenya In Ay Ka Soo
Baxaan Shirka Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Shirkaas
NAIROBI
25 Feb. 2003 (Yamayska) Sida ay xaqiijinayaan warar
xalay Yamaysku ka helay magaalada Nairobi, ergada Kooxda Carta
ee shirka Soomaalida ee Kenya ayaa isu diyaarinaya inay u
soo baxaan dhinaca Muqdisho kadib markii C/qaasin Salaad u
sheegay inay ka soo baxaan halkaas. Qaar kamid ah xubnaha
shirka ee TNG (Kooxda Carta) oo aan doonayn in lagamaaabo
ayaa sheegay in C/qaasim uu ku sababeeyey amarkaan in aan
dhag jalaq loo siin talooyin uu horay u bixiyay ah in la saxo
khaldaad uu sheegay inuu shirka ku jiro. Warkaan oo soo shaacbaxay
ilaa xalay ayaa intaas ku daraya in ay ka midaysan yihiin
C/qaasim iyo Xasan Abshir oo raysul wasaare u ah. Xubnahaas
ayaa sheegay in taladaani ka timid dawlado Carbeed oo ku taliyay
in haddii uusan shirku ahayn mid loo wada hadlayo dawlad
iyo mucaarad ay isaga baxaan shirka.
C/qaasim
ayaa horey ugu amray ergadiisa shirka inay ka soo baxaan balse,
waxaa arintaas uga horyimid Xasan Abshir oo laftiisu haatan
shirka ka maqan. Dhinaca kalana, war shalay galinkii dambe
ka soo baxay wakiilka Kenya ee shirka ayaa shaaca ka qaaday
in maanta wixii ka bilowda dib loo furi doono shirka, wakiilka
oo isla shalay ka soo laabtay safar uu ku aaday dalka Ugandha
ayaa sheegay in wali uusan hayn liiska ergada kooxaha TNG
iyo tan Cismaan Caato. Inkasta oo hogaamiyeyaal badani shirka
ka maqan yihiin haddana, waxaa Nairobi ka soconaya hadal haynta
ku saabsan sidii iyo goorta shirku dib u furmayo.
Qaar
kamida musharixiinta kursiga ayaa waxaa bilowday in loogu
yeero madaxwayne. Eng C/laahi Axmed Cadow oo ka
mida ragga u taagan kursiga madaxwayanaha ayaa beeshiisu haatan
ugu yeertaa magaca kore (madaxwayne). Cadow ayaa intii la
joogay Eldoret wuxuu qaybshay waraaqo ay ku yaaliin sawirkiisa
iyo madaxwaynayaal Maraykan ah oo la rumasysan yahay inuu
galay intii uu Soomaaliya wakiilka uga ahaa Maraykanka. Taas
badalkeedana, waxaa jira sawiro kale oo ragga diiddan musharaxnimadiisa
ay haystaan kuwaasoo muujinaya sawirka Caddow iyo xubno sare
oo ururdiineedka Al-itixaad ka tirsan, waxaana la iswaydiinayaa
labada dhinac midka uu daacadda u yahay Cadow
Yamayska
Civil
Society Warns Against Disrupting Peace Talks
Civil
society delegates at the Somali peace talks near Nairobi,
Kenya, said on Thursday they would resist any attempts to
disrupt the conference.
They
expressed support for the regional IGAD leadership, which
includes Kenya, Ethiopia and Djibouti, and said they saw no
reason to raise doubts and conditions at this stage of the
talks.
"We
know, of course, that governments have interests but we believe
they all want to see a friendly government in Somalia,"
civil society chairman Dr. Sharif Salah Mohamed Ali told a
press conference. And he said people should not sit around
criticising. He appealed to all groups, including the Transitional
National Government (TNG), to participate.
The
peace talks began last October in the western Kenyan town
of Eldoret, but have now been moved to Mbagathi, near the
Kenyan capital, for financial reasons.
The
TNG has refused to come to the new conference facilities,
saying they are unsuitable. Instead, the delegation is staying
at a central Nairobi hotel. In a statement earlier this week,
the TNG also accused Ethiopia of having "sinister designs
for Somalia" and said Kenya should be allowed to manage
the conference alone.
A
number of faction leaders known as the "G8" have
also complained about Ethiopian "interference",
while leaders of the Juba Valley Alliance (JVA) recently left
the talks citing the same reason.
Civil
society delegates believe Somalis should have ownership of
the conference, said Dr Sharif, but that overall leadership
should be left with the technical committee of the Intergovernmental
Authority on Development (IGAD). He added that the technical
committee, which is made up of Ethiopia, Kenyan and Djibouti,
deserved support.
"Although
the conference needs some structural rearrangement, the civil
society of Somalia, representing the large masses of the country,
believes that no alternative could be found for the reinstatement
of peace and normal governance to Somalia," Dr Sharif
said.
He
added that "neither the Somali ownership issue, nor the
Somaliland participation should constitute a stumbling block
over the continuation of conference proceedings".
The
civil society press conference also took issue with what Dr
Sharif called "pressure from certain quarters" to
ignore civil society's contribution or to question the legitimacy
of civil society representatives.
"The
Somali civil society is the principal stakeholder of the present
conference and the most legitimate component of this process,"
he said.
IRIN