MADAXWAYNE
KU XIGEENKA MAMAULKA PUNTLAND OO SOO SAARAY QORAAL LAGU MAMNUUCAAYO
IN SIMINAARO LAGU QABTO DEGAANKA PUNTLAND
Garoowe,
26 Feb 2003 (MOL)- Qoraal uu soo saray Madaxwayne ku xigeenka
maamulka puntland Maxmed Cabdi Xaashi ayuu waxaa ku qornaa
in ay si is daba joog ah ugu soo badaanayaan degaanada maamul
goboleedka puntland ururada bulshada rayidkaa kuwasoo ah kuwa
dabada ku wata arimo siyaasadeed oo fac wayn.
Madaxwyne
ku xigeenku qoraalkiisa ayuu ku sheegay in aan wax siminaar
ah oo ay wataan bulshada rayidkaa aan lagu qaban Karin dhul
degaameedka Puntland siminaardaasi oo ay wataan ururarda bushahada
Rayidkaa. Tuhun waxaa jira laga qabo in ururada Bulshada inta
badan dad siyaaso ku lug leh ay ku fushadaan arimohooda ee
inta badan aysan dan iyo heelo ka lahayn nabad galyada iyo
xasiloonida deegaanka ay ka hawl galaan. dad badan ayaa aaminsan
qaska ka jira Koonfurta Somaliya inay lug weyn ku leeyihiin
ururadaasi oo qaarkood u xuubsiibtay dagaal oogayaal sida
lagu arkayn magaalada Marka iyo nawaaxigeeda.
Mudugonline.com
MID
KA MID AHAA CULAMADA AWDIINKA PUNTLAND OO SHIL GAARI KU DHINTAY
Garoowe,
26 Feb 2003 (MOL) -Mid ka mid ah culamada awdiinka timo waynta
ee caanka ahaa degaanda puntland ayaa ku dhintay shil gaari
ninkaasoo lagu magacaabo Barkhadle maxamed rabiil ka dib markii
uu shil gaari ku galay degaanka ari cadeeyey oo ka tirsan
degaanka gobolka soool barkhadle waxuu aha nin si wayn looga
ixtiraamo deegaanadan. barkhadle
waxuu kaloo ahaa nin si wayn uga muuqda masraxyada siyaasada
Puntland.
Illaahay
Naxariistii Janno ha ka waraabiyo marxuumbka.
Mudugonline.com
URURADA
BULSHADA RAYIDKAA EE SOOMAALILAND OO QAADACAY SHIRKII BULSHADA
RAYIDKA EE KA SOCDAY HARGYSA.
Hargaysa,
26 Feb 2003 (MOL) -War saxaafadeed ay soo sareen maanta ururada
bulshada rayidkaa ee ka soo jeeda degaanka mamaulkan soomaliland
ayaa ku tilmaamay shirkaan mid aan lagala tashan qaabkii loo
sameeyay Buug lagu soo ururiyay magacyada ururada bulshada
iyo sida loo soo abaabulay toona.
Ururdaasi
waxay cabasho ka muujiyeen qaabkii ay ragii samaynaayey buugaasi
ay hilmaameen in ay la tashadaan raga aqoonta u leh dhul degaameedka
soomaaliland.
Waxay
kaloo sheegeen in ay buugaasi qoreen rag aan u dhalan degaanka
oo dibadaha jooga.
Mar
la waydiyey in ay ula jeedaan Mr gaandi oo isagu ahaa hor
boodaha buugaasi ayey ka gaabsadeen in ay tilmaamaan.
Ururada
qaadacay shirkaasi waxaa ka mid ahaa Axmed calim kaahin oo
Jaamacada hargaysa ka wakiil ah. Jaamac Maxamed Cumar oo ka
tirsan Foobak. oo Hargysa ah Rashiid shiikha cabdulaahi oo
ka tirsan gudiga xasuuqa. Cabdulaahi Shikh Xasan oo ka tirasan
Kosango. xasan shiikh oo isna ka wakiil ah ururka Saxaafada
soomaliland. Ismaciil muumin o kosonango ah. maxamed baaruud
Cali oo isna ah samo ka talis. Barafasoor guuleed oo ka tirsan
jamacada camuud Xasan Siciid oo ah tafaftiraha wargyska Jamhuuriya.
Dhamaan
dadkaasi kor ku xusani waa dadkii ka qayb qaatay war saxaafdeedkii
maanta lagu qaadacayay shirka ururada rayidka ah uga Socday
magaala madaxda Somaliland ee Hargaysa. sidii shirku u bilaamayba
ayaa waxaa jiray khillaaf bulshada rayidka dhexdooda kaas
oo dhinacyo iyo wajiyo badan yeeshay.
Mudugonline.com
MR
GAANDI OO BERITO U DUULAYA DALKA KEENYA
Hargaysa,
26 Feb 2003 (MOL) -Mr gaani oo aha ergay ka mid ahaa ragii
udub dhexaadka u ahaa shirka bulshada rayidka ah ee ka socday
magaalada hargaysa ayaa berito u anbabaxayaa magaalada nayroobi
ee dalka keenya oo uu ka mid ahaa ergada bulshada rayidka
ah ee halkaas uga qayb galayay shirka dib u heshiisiinta Somalida.
Mr
Gaandi oo aan xalay kula kulmay Huteelka Ambasadoor ee Magaalda
Hargaysa ayaa ii sheegay in ay u dhamaatay hawlihii u socday
ee ahaa qaabkii bulshada rayidkaa ugu gudbin lahayd baahiyahooda
waxuu kaloo gaandi ii sheegay inaanu ka daalayn arimaha bulshada
rayidkaa mar aan waydiiyey inuu siyaasad ku jiro ayuu waxuun
yiri kama marni lakiin ma ahi sida hogaamiye kooxeedyda.
Intii
aan shirka dib u heshiisiinta laga soo wareejin magaalada
Eldoret ayaa gacan ka hadal dhexmaray Mr. Gaandi iyo Mawliid
macaane oo ah hogaamiyaha jareerweyne gacan looga jabshay
Mr. Gaandi ka dibna Mawliid Macaane iyo rag uu ku jiro xabsiga
la dhigay. Mr. Gaandi oo wax ku bartay wadanka faransiiska
ayaa waayadaan dambe shirkii uu tagaba kala kulma carqalad
iyo isfahmi waa ergada kale kala hortimaado.
C/risaaq
shiikhaduun, Hargaysa.
Mudugonline.com
Maxay
shirka uga baxeen qaar ka mid ah kooxuhu?
Nairobi
, Feb 25 2003 (AllPuntland)- Sidda laga xaqiijiyey meesha
uu ka socdo shirweynaha dib u heshisiinta Somalida ee Mbagathi,
Nairobi, waxaa todobaadkii hore wada hadlay dhowr kooxood
oo gacan-saar la leh kooxda TNG ama xukuumadda KMG ah ee Carta
qofba sidduu u yaqaan, waxayna ka wada hadleen siddii loo
curyaamin lahaa shirka Somalida uga socda Mbagathi, Nairobi
ee Kenya.
Shir telefooneed ( Tele-conference ) ayaa waxaa ku wada hadlay
rag laga magacabay Cabdiqaasin Salaad Xasan, Kornayl Xasan
Abshir Faarax, Kornayl Barre Hiiraale iyo Kornayl Seeraar
oo is-bahaysiga haysta Kismaanyo matalayay.
Madaxweynaha
DKMG ah ee Carta Cabdi-Qaasim ayaa saaxibadiis u sheegay inuu
intii karaanki ah tanaasulaad waaweyn sameeyay marka ay timaado
ka qaybgalka shirka, uuna u sameeyay ururka IGAD iyo beesha
caalamka, markii uu aqbalay iyagoo ah dawlada jamhuuriyadda
Somaliya inuu la mid noqdo oo ag-fariisto madaxda ururada
Somaliya, balse IGAD iyo beesha caalamku ay noo arkeen buu
yiri koox ka mid ah kooxaha Somaliya.
Markii
aanu muddo ka digeynay in naloo arko koox la mid ah kooxaha
kale waxaa na diiday IGAD gaar ahaan Itoobiya, siddaa darteed
waxaan idiin xaqiijinayaa in aan awoodeeda leenahay in aan
dalka sii xukunno 4 sanno oo kale.
Madaxweyne
Cabdiqaasim wuxuu u sheegay dhageystayaashii ka socday isbahaysiga
haysta Jubbada Hoose in ay iyagu bilaabaan, isagana baxaan
shirka Nairobi.
Marka
uu dalka ku noqdana uu qaban qaabin doono fadhi-gaar ah oo
uu barlamaanku yeesho si uu u ansixiyo xilli kordhinta xukuumadii
Carta lagu soo dhisay iyo shir qaran oo lagu ansixiyo taas.
Cabdiqaasim ma uusan sheegin sidda ay talaabadaasi sharci
u noqoneyso, maadaama dastuurkii lagu soo qoray Jabuuti ee
lagu soo dhisay xukuumadda KMG uu waqtigoodu dhacayo June,
2003, awood sharcina aanu u lahayn waqti kordhin.
Sidda xaqiijinayaan ilaha wararkaas laga soo dheegtay wadda
hadaladaas Tele-conference Cabdiqaasim wuxuu ku sheegay in
uu gacan dhaqaale oo fiican ka soo helay dhowr dal oo carbeed,
marka uu dalka dib ugu noqdana uu isugu yeeri doono golayaasha
oo marka la kharaj gareeyo loo bandhigi doono ajendaha kordhinta
waqtiga xukuumadiisa.
Xasan
Abshir oo soo dhaweeyay hadaladaas Cabdiqaasim ayaa sheegay
inuu la hadlayo wakiiladooda u jooga shirka Nairobi oo uu
fari doono in ay shuruudo adag oo aan laga bixi karin hor
dhigaan IGAD, kadibna ay Muqdisho ku noqdaan haddii aan shuruudahaas
loo fulin.
Ergadii
Dooxadda Jubba waxay dalka Somaliya dib ugu noqdeen qadar
yar ka dib wada hadalkaas, waxayna sheegeen in aan shirka
Nairobi guuli ka soo bixi doonin.
Kornayl
Barre Hiiraale iyo Kornayl Seeraar ayaa wadahalka telefoonka
oo madax kahaa ergadaas ayaa sheegay in ay isu-diyaarinayaan
weerar uu soo wado general Morgan oo u doonayo inuu dib gu
qabsado Kismaayo.
A/qaasim
wuxuu u balalan qaaday Barre Hiirale inuu gacan ka siin doono
gurmadka difaaca Kismayo, isna uu taas bedelkeeda ka baxo
shirka Nairobi.
Wadahadalkaas
Telefoonka ayaa Cabdiqaasim ugu sheegay ragay wada hadlayeen
inuu xiriir la samayay kooxaha Muqdisho qaarkood uuna u socdo
gorgortan la xiriira inay si buuxda uga baxaan shirka Somalida,
wuxuuna u xaqiijiyay inay jiraan rag ka mid ah kooxaha Muqdisho
oo gorgortankoodu meel fiican marayo.
IGAD
iyo guddomiyaha shirka ergayga Kenya waxaa laga soo xigtay
in aan shirku u xayirnaan doonin koox iyo garab toona, isla
markaana aan lagu kala tegi doonin halkaas inta lagu soo dhisayo
dawlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.
Tilaabadaan
uu qaatay Cabdiqaasim ayaa soo baxday ka gadaal markuu safar
dhaqaale raadis ah uu ku maray dalal Carbeed, isla markaana
isagoo sita magaca madaxweynaha Somaliya uu kaga qaybgalay
shirkii Midowga Afrika, haddana uu kaga qaybgalayo shirka
dalalka dhex dhexaadka ah, tilaabooyinkaan oo ku dhiiri galiyay
inuu kor uga ruqaansado shirka Kenya oo maamulkiisa lagula
simay dhinacyada kale ee Somalida.
Allpuntland