Wararka Mudugonline

CIIDAMADA DARAAWIISHTA MAMAULKA PUNTLAND OO GAARAY TUULADA XINGALOOL

Bosaaso, 24 Feb 2003 (MOL) War uu mar dhow na soo gaarsiiyey masuul sare oo ka tirasan maamulka puntland oo ku sugan magaalada boosaaso ayaa sheegaya in ciidamadoodu ay gareen degaankaaasi Xingalool si ay hawl gal ugu sameyeen. ciidanka Puntland ayaa warkaasi sheegayaa inay hubinayaan inaysan xuduudooda ku soo xadgudbin ciidan deegaankaas la sheegay in soomaaliland ay soo dhoobtay iyo waliba ciidamo mucaaradka Puntland oo goobahaas ku sugan.

Warar kale ayaa sheegaya in odayaal ka tirsan beesha Dashiishle ay gaareen deegaanka Ceerigaabo iyagoo halkaas u tagay sidii ay waan waan ula yeelan lahaayeen ciidamada mucaaradka ee uu hogaamiyo Cade Muuse oo haatan ku sugan deegaan beesha dashiisle. waxaa warar kale sheegayaan Ciidamada dawlad goboleedka Puntland ay gaareen Tuulooyinka Fiqi Fuliye iyo Sarmaaye. Tuulooyinkaas ayaa la soo sheegayaa in lagu arkay dhaqdhaqaaqa ciidamada Mucaaradka ah ee Cade Muuse hogaamiyo.

Dawlada la baxday Somaliland ayaa iyadu dhawr goor beenisay warar sheegayay inay soo hubaynayso waxii ka haray ciidankii Mucaaradka ee lagu soo jabiyay deegaanka dhuudo ee aaga degmada Qardho.

Mudugonline.com

AXMED SIILAANYO OO KA CODSADAY DADKA SOOMLIYEED IN AY OGOLDAAN MADAXBAANIDOODA

Hargaysa, 24 Feb 2003 (MOL) -waxaa shalay shir ku qabtay xarunta shaqaalaha Somaliland masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye kuwasoo isu diyaarinaayey doorashadii cidii xisbigooda u noqon lahayd madaxaweyne iyo ku xigeen.

halka shirkaasi ka socday oo aan kula kulmay hogaamiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo oo aan waydiiyey su'aalo dhawr ah ayuu kaga jawaabay badankooda waji furaan iyo isagoo aad u faraxsan.

mar aan waydiiyay bal sida uu arko dadka soomalaiyeed iyo siday u arkaan arinta Somaliland waxuu ku jawaabay "waxaan ka codsanayaa walaalahayaga Soomaaliyeed in ay noo ogolaadaan madaxbanaanidayada, anagu xaasidimayno".

waxaana berito isla halkaasi ka dhacaya shirkii lagu dooran lahaa cidii boosaskaasi u buuxin lahayd xisbiga Kulmiye.

gudoomiya ku xigeenkii ururka kala jabay eeASAD oo isna goobtaasi aan kula kulmay ayaa ii sheegy inuu ka mid yahay xisbiga siilaanyo. C/raxamaan aw cali farax ayaa isaga in mudo ah ka soo ahaa dalka somaliland madaxwayne ku xigeen iminkana waa xubin ka mid ah xisbiga Kulmiye ee uu hogaamiyo siilaanyo.

C/risaaq shiikhaduun, Hargaysa.
Mudugonline.com







Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001