FAALO:carooshaha
Barre Hiiraale, Carqalada kooxda G8 waa xaq feerahuu ka dilaacaa.
Nayrobi,
24 Feb 2003 (MOL) -Tan iyo intii madasha shirka dib u heshiisiinta
laga soo wareejiyay magaalada Eldoret oo lagu soo wareejiyay
xaafad nayrobi ka mida lana badalay ergaygii Mwangale ayaa
waxaa isa soo taraya cabashooyin, carqaldayn iyo marin habaabin
ay wadaan dhawr kooxood oo shirka ka qayb galayay kuwaas oo
intii shirku socday waday dhibaatooyin ay ku jilaafaynayaan
horey u socodka shirka. Kooxahaas oo ergaygii hore ee shirka
Mwangale inta badan ka aqbalay dalabaadkoodii iyo codsiyadoodii
ugu dambeyntiina loo badalay ergaygii Mwangale cabashodooda
awgiis ayaa intii shirku socday samaystay isbahaysi siyaasadeed
ulajeedadiisuna tahay qarbudaada shirka iyo in shirkaas ka
dhicin wax heshiis oo Somaliya kaga samata baxdo aafada dagaalka
sokeeye. kooxahaas ayaa waxaa ay u badan yihiin kuwo ummada
Somaliya ka galay xaqdaro badan.
Dhawrka
kooxood ee ku bahoobay iskuna magacaaba G8 oo uu hogaamiye
u yahay Mohamed Qanyare ayaa waxaa ka mida rag dhiiga ummada
ku falaxashay kana mida qabqablayaasha dagaalka Somaliya kuwooda
loogu neceb yahay, Bare Hiiraale oo aan ku cusbayn samaynta
isbahaysiga xaaraanta ah si dad Muslimiin ah dhiigooda loo
xalaalaysto. waxuu kooxdiisu heshiis la leedahay beesha Cayr
oo uu ka soo jeedo ninka isku magacaaba madaxweynaha Dawlada
KMG ah Cabdiqasin Salad Xasan. Labadaas kooxood oo adeegsanaya
awooda ciidan ee beelahooda ayaa waxay ku haystaan Kismayo
wax lagu sheegay adoonsi iyo wax ka daran gumaysi. waxay xalaalaysteen
hantida dadka deegankaas ku nool. waxay xalaalaysteen dhiigooda
oo maalin walba dadka deegaankaas lagu gumaadaa. waxay kooxahaasi
ku heshiiyeen ku kornoolaansha dadka reer Kismayo iyo deegaanada
u dhow.
Waxaa
ku seddexeeya Qanyare iyo Bare Hiiraale kooxda G8 Cusman Caato
oo isaga si fiican looga yaqaan deegaanada Muqdishu iyo Mudug.
waa nin dagaalkii sokeeya qeyb aad u weyn ka qaatay. waxaa
iyana soo raaca Jees iyo Jamac Cali Jamac oo iyaga maqaar
saar ahaan loo wato maadaama aysan lahayn awood ciidan.
Dhawr
asbuuc ka hor ayaa Qanyare iyo Cusman Caatoba ka baxeen shirka
iyagoo ku noqday magaalada Muqdishu oo ay ku yeesheen kulamo
dhawr ah oo aad xasaasi u ah sidii ay kooxdooda ugu soo dari
lahaayeen Muuse Suudi Yaloxow oo la'aantiis aysan magaalada
Muqdishu wax ka samayn karin. waxaa kaloo arintaa ay isla
ogyihiin Kooxda Carta oo iyadu ka masuul ka ah Bare Hiiraale
iyo Seeraar oo safiiro uga ah kooxda Carta Magaalada Kismayo
una qabta hawlaha xasaasiga ah ee bililiqaysiga, bara kicinta
beelaha deegaanka, dilka iyo kufsiga.
Waxaa
dad badan yaab ku ahayd markii shirka ay ka qayb galeen ergada
Dawlada Puntland iyagoon ka hadlin arinta Kismayo oo la filayay
inaysan tagin goob ay joogaan dad ku faanaaya daadinta iyo
barakicinta dhiiga dadka ku abtirsada Puntland shirkana ku
xirin wax sharuud ah oo la xiriirta arinta Kismayo. waxaa
la yiri xaq feerahuu ka dilaacaaye waxaa hadda shirkii ka
Carooday Bare Hiiraale iyo isbahaysigii G8 oo ka cabanaya
inaysan helin tixgalintii ay mudnaayeen. waxaa la yaab ah
haddiiba loo ogolaaday inay shirka ka qayb galaan iyagoo gacanta
maalin walba kula jira waxyaabaha foosha xun ee ka socda Kismayo
ayay haddana waxay sii raadinayaan aqoonsi intaas ka badan
iyo tixgalin ka sii badan iyadoo ay sii dhiirigalisay kooxahaan
dad wata magac maqaar saar oo la sheegay inay heshiis la galeen
kooxahaan. Heshiisyada noocaas ah ayaa ka imaan dadka la haystayaasha
ah. culumada cilmu nafsiga ayaa waxay ogaadeen cudur ku dhaca
dadka la haystayaasha ah oo mudo ka dib haysashada ka dib
la soo baxa u dabacsanaan haystayaashoodii taas weeyana mida
hadda haysata rag isku sheegaya hogaamiyayaal oo wax la qaybsanaya
rag dadkoodii xoog ku haysta.
Qof
walba oo Somali ah wuu jeclaan lahaa inuu dhamaado dagaalkaan
sokeeye ee aafeeyay wadankeenii hooyo, laakiin inta aan runta
la isku sheegayn oo kii ummada dhiigeeda ku faraxashay loo
soo dhawaynayo sidii halyaygii loona sacaba tumayo waxaa muuqata
inaan dhibkaan laga baxayn wax natiija ahna laga gaarayn shir
kasta oo la isugu yimaado. waxaan ergada Puntland ee shirka
Somalida kula talin lahayn inay hadda ka dib aysan wax tanaasul
ah samayn una hadlaan dadka xaqiran ee reer Kismayo iyo meelkasta
oo dad Somaliya oo loo awood sheegtay joogaan.
Mudugonline.com