XILDHIBAANO
CARTE AH OO SHALAY HARGAYSA ISKU CASILAY
Hargaysa
, 24 Feb 2003 (MOL) -Waxaa shalay ku dhawaaqay iscasilaadooda
laba xildhibaan oo ka tirsanaa maamulka dawlada ku meelgaarkaa
ee Carte oo uu madaxda u yahay C/qaasim salad xasan.
Labadaasi
xildhibaan oo ka soo jeeda degaanka soomaliland magaaladaan
Hargaysa ayaa sheegay in ay joogaan dalkoodii hooyo intii
ay xamar joogeena ay dareensanaayeen in soomaliland yihiin.
Iminka
waxay yiraahdeen waxaan ka baxnay maamulkii aan ku jiray waxaana
rabna in aan la shaqayno mamaulka dhulkayaga hooyo waa siday
hadalka u dhigeene.
dhawr
Bil ka hor ayaa 7 xildhibaan oo iyaguna u dhashay deegaanka
Puntland waxay isku soo dhiibeen Maamulka Puntland iyagoo
sheegay in Somalinimo aysan wadin kooxda Carta iyagoo yiri
waxay ka qayb qaateen dagaalada qabiilada sida dagaalkii ciidanka
Dawlada Carta ku taageeray haysashada Magaalada Kismayo oo
Beesha Cabdiqasim Salad Xasan iyo taageerayaashoodu xoog ku
haystaan.
Weriye
C/risaaq Cumar Ismaaciil (Sheekhaduun)
Mudugonline.com
SALEEBAAN
GAAL OO KU BIIRAY XISBIGA UDUB
Hargaysa
, 24 Feb 2003 (MOL) -War saxaafdeed ay soo saareen ururka
ASAD qaarkood ayey ku sheegeen in ay u kala jabeen laba garab
oo kala raacay asxaabta siyaasada Soomaliland ka jirta.
Hogaamiyaha
ururka ASAD ayaa sheegaya in uu ku biiray ururka UDUB. Saleebaan
maxamad Saleebaan Gaal ayaa ku sheegay war saxaafadeed uu
soo saaray habeenkii xalay kuna sheegay in ay kala raceen
laba garab xisbigiisii. Xisbiga UDUB waa xisbiga Madaxweyne
Riyaale ee talada Hadda haya.
Sidii
kale gudoomiye ku xigeenka ururkii ASAD C/raxmaan aw Cali
Farax ayaa isna sheegay in ay ku biireen isaga iyo xubno kale
ururka kulmiye. xisbiga Kulmiye ayaa ah mid ka mida xisbiyada
waaweyn ee Mucaaradka ah.
Kala
qaybsanaantaasi ayaa keentay khilaaf ba'an oo ku sii baahaya
qaar badan oo ururada siyaasada Somaliland ka mid ah.
Weriye
C/risaaq Cumar Ismaaciil (Sheekhaduun)
Mudugonline.com
MADAXWYNE
RIYAALE OOO LA KULMAY SAFIIRKA
Switzerland
Hargaysa
, 24 Feb 2003 (MOL) -Madaxweynaha dawlada soomliland ayaa
shalay la kulmay safiirka Wadanka Switzerland
u qaabilsan wadamada Geeska.
Waxuuna
kulan balaaran ku yeesheen qasriga madaxtooyada, kulankaasi
oo aad loo soo agaasimay ayaa waxay ka wada hadleen qaabkii
labada dal uga tashan lahayeen arimiha hor marinta mashaariicda.
safiirka oo lagu magacaabo Mr piorre ayaa sheegay in nabada
ka jirata soomaaliland aaney ka jirin meelo badan oo ka mida
ah dunida waxuuna sheegay in ay ku imaan doonaan safaro is
daba joog ah Somaliland hadda waxii ka dambeeya.
Safiirka
oo aan kula kulmay Huteel Abasadoor ayaa ii sheegy in uu aad
ugu faraxsan yahay imaatinka uu yimid Somaliland waxuu kaloo
seegay in kulankii isaga iyo madaxwayne Riyaal uu ku dhamaaday
guul.
Weriye
C/risaaq Cumar Ismaaciil (Sheekhaduun)
Mudugonline.com
GOLHA
WAKIILADA SOOMLILAND OO COD BUUXA KU ANSIXIYEY WASIIRKA WASAARADA
CIYAARAHA IYO DHALINYARADA.
Hargaysa
, 24 Feb 2003 (MOL) -Golaha wakiilada somaliland ayaa cod
buuxa ku ansixiyey wasiirka wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada
maxamud siciid maxmuud oo uu xilka wasiirnimo u magacaabay
Madaxweyne Riyaale waxaana ansixinta ogolaaday 44 mudane oo
ka tirsanaa golaha baarlamaanka Somaliland mana jirin cid
diiday iyo cid ka aamustay ansixinta magacaabida wasiirka.
Wasiirkaan
cuusub ayaa ka soo jeeda degmada Dhar ee goblka Sanaag ka
horna waxuu ahaan sarkaal sare oo ka tirsanaa Bangiga Somaliland.
Weriye
C/risaaq Cumar Ismaaciil (Sheekhaduun)
Mudugonline.com
Wafti
ka Socda Puntland oo booqanaya Ethiopia
Adis-Ababa
, Feb 23 2003 (AllPuntland)- Wafti ka socda Dowlad Gobaleedka
Puntland oo isugu jira labada Gole ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka
ayaa ku sugan magaaladda Addis-ababa ee Wadanka Ethiopia,
xubnaha wafdigaan oo heerkoodu sareeyo ayaa waxaa ka mid ah
Afhayeenka Baarlamaanka Puntland Dr Yusuf Xaaji Siciid, Wasiirka
arrimaha Gudaha Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiirka Caafimaadka
Siciid Caddur.
Booqashadda
waftigaan ayaa ka danbaysay martiqaad ay ka heleen Dowladda
dhexe ee dalka Ethiopia, inkastoo war war ku dhow dhow waftiga
ay sheegeen in Gudoomiyaha Baarlamaanka Yusuf Xaaji Siciid
uu Addis Ababa awal u sii joogay xaalad caafimaad, waftiga
qaybihiisa kale ayaa la kulmay madax sar sare oo ka tirsan
dowladda Ethiopia, waxaana ay ka wadda hadleen sii xoojinta
xiriirka labada dal ee ood wadaaga ah.
Si
kastaba ha noqotee waftiga oo aanay noo suura galin inaan
la kulano ayaa ilo lagu kalsoonaan karo waxay noo xaqiijiyeen,
in waftigu uu joogi doono Magaaladda Addis Ababa muddo dhowr
casho ah, waxaana warku intaas ku darayaa inay la kulmeen
taliyaha ciidamadda Maraykanka ee ku sugan gobolka geeska
Africa una qaabilsan la dagaalanka argagixisadda, isla markaasna
ay ka wadda xaajoodeen siddii ay isaga kaashan lahaayeen ololaha
caalamiga ah ee la dagaalanka argagixisadda.
AllPuntland