Wararka Mudugonline


Qoraalada Maanta ee akhristayaasha waxaa ka mida:

>Anigu waan yaabanahay da dow
>
Horta yaa iska leh Homepageyada Magaca Puntland wata ee mar qudha mudh soo yiri?
>SIILAANYO WUXUU XASUUQAY IN KA BADAN 1500 OO DHULBAHANTE AH

Anigu waan yaabanahay da dow

02/22/003.

Asalaamu caleekum walaalayaal salaan ka bacdi anigu waa yaabanahay waxaan ka yaabanahay dadkeena qaarkiis.

Aduunkaan dadku wuxuu u qayb samaa sadex oo kala ah dad raacsan maamulka markaas jira iyo dad diidan iyo kuwo dhex dhexaad ah . Hadaba haddaaan soo qaato labada hore qofka raacsan wuxuu sheegaa wuxuu ku raacsanyahay kan diidanna sidoo kale waxuu sheegaa wax yaaluhu ku diiidanyahay.

Ulajeedada . Hadalkayga waxaan ulajeedaa dadkeena qaarkiis oo markay rabaan in ay mucaar ku noqdaan maamulka meesha ka jira ama dadka madaxda ka ah ma oranayaan maamulku wuxuu ku xunyahay sidaas iyo sidaas ama talo kama dhiibanayaan. Taladaas oo ah arintaas wax ha lagabadalo iyo sharcigu sidaas ma aha iyo waxyaalo lamid ah.

Waxay toos u abaarayaan oo ka shaqeenayaan dhibaato iyo fidmo iyagoo hadal hays ka dhigta maamulku waa maamul xun oo dhibaato ka shaqeeya. Hadaba waxaa dhaama wax la aan iyo in mugdi lagu jiro.

Hadaba walaalayaalow dadkaan intay ku fakarayaan wax la aan baa dhaanta may yiraahdaan maamulka halahagaajiyo oo ha loo sheego waxay ku khaldanyiin hana layirahdo wxaasbaa ku khaldantihiin aa badala. Yaan lagu fakarin wixii jira ha ladumiyo aa ha lagu fakaro waxa jira aan sii hagaajino si horomar loogaaro.

Waxaan kaloo la yaabaa dad leh waxaan mucaarad ku ahay maamulka ama dadka madaxda ka ah. Sidaas awgeed intuu maamulkan joogihaa oo dadku nabad heli lahaa ha bur burto puntland oo ha isdileen dadku si maamulkaas u dhaco waxaan ka shaqeenayaa dhibaato iyo fidmo waxaan rabana ayaan ku soo qorayaa meelaha wax lagu soo qoro. Khaasi ahaan meelaha cadawga waxaan rabana waan sheegayaa anigoo iska dhigaya nin run ka hadlaya ama xakh sheegaya si cadowga puntlant u arko inaan ahay nin wax xakh ah ka hadlaya.

Hadaba anigu uma arko dadkaan dad jaahiliin ah. Sabab too ah waxaa ku jira dad aqoon leh. Laakiin waxaan u arkaa dad jirran oo u baahan caafimaad dawadoodana waa. 1-ilaahay oo daweeya 2- iyadoo dadku isku meel oga soo jeensada oo qori dheer layskaga qabto....... Ilaahay ha qabto cadowga puntland .....................

Qore. G.Y. abdiasis kalif xaaji jama.
e.mail. abdiasisjama@yahoo.com


Horta yaa iska leh Homepageyada Magaca Puntland wata ee mar qudha mudh soo yiri?

Somaliya waxaa ka dhacay walina istaagin Dagaal Sokeeye, Dagaalkaas oo soo maray Tariikho xanuun badan lahaana wajiyo kala duwan, Intii uu Dagaalkaasi socday waxaa la isu adeegsaday walina la isu adeegsanayaa dhamaan wax allaale waxay Qolo kasta helikarto ama ay haaban karto haba ugu daraato Warbaahintuye.

Waxaana markii Dagaalkaas Sokeeye mudo lagu dhexjiray sida dharaartaas u kala cadaaday oo kala soocmay oo aan marna isku khaldamikarin Qadiyadaha ay Beeluhu kala difaacdaan iyo Qaabka ay ku kala difaacdaan, sidoo kale Erayada iyo Ooraadhda ay Beeluhu hirgalinta Hamiloyinkooda iyo Qadiyadooda u kala adeegsadaan ayaa isna kala miirmay, taas oo keentay in Qofka Somaliga ah inta uuna Afka kala qaadin la sii qiyaasikaro Qolada uu yahay iyo Siyaasada uu aaminsan yahay.

Qalabka Warbaahinta ee ay Beeluhu hirgalinta Himilooyinkooda iyo Qadiyadahooda u kala adeegsadaan ayaa iyaguna la jaanqaaday Qadiyadahaas oo iyana lagu soo bandhigaa Afkaaraha kala duwan ee ay Beeluhu kala aaminsan yihiin, taas oo keentay in la iska sii garto Warkii la shiigo Cida ay ka suurtowdo in ay Warkaas sheegto, waxaana kaliya ee loo bahan yahay si loo garto Warkaas Cida soo tabisay waa in loo dhabo galo Ujeedooyinka iyo Nuxurka ay Qaraalada iyo Wararka la soo tabinayo xambaarsan yihiin iyo Cida ay dani ugu jirikarto warkaas.

Waxaa kale oo iyana xataa dhacda in War aan laguu sheegin Meesha laga soo xigtay in adiga oo u dhabo galaysid Nuxurka Warkaasi leeyahay iyo Cida ay dani ugu jirikarto oo kaliya, in aad sii malaysid Homepageka ama Wargayska Warkaa soo qori kara iyo Cida iska leh Wargayskaa ama Homehagekaas.

Sidaas ayaa lagu kala gartaa laguna kale yaqaanaa Homepageyada iyo Wargaysyada ay Beelaha Somaliyaad ee kala duwan kala leeyihiin, mana u baahna Qofka Dagaalka sokeeye ee Somaliya la socda, yaqaanana Qadiyadaha iyo Mowqifyada kala duwan ee ay Somalidu kala aaminsan yihiin iyo meelaha ay Qadiyadahaas kale duwan iska hardiyaan in uu toydo ama uu raadiyo Cida Raadye cusub ama Homepage cusub iska leh.

Waxaa Qofka raba in uu ogaado Cida run ahaan iska leh Homepage cusub oo uuna aqoon meesha laga soo dabacayo iyo Cida soo daabacay in uu dhadhansado Afkaarta iyo Nuxurka uu xambaarsan yahan Warka ay soo tabinayaan iyo in uu Qofku u dhabo galo Cida ay Dani ugu jirto karto Afkaartaas iyo Danaha in lagu fuliyo looga dan leeyahay Warkaas la tabinayo

Iyada oo ay Arintu marka sidaas tahay oo aan sina la isugu soo dhuumankaran ayaa waayahaan danbe gaar ahaan Markii Carte iyo Taageerayaashooda Puntland lagaga xoog roonaaday oo waxay Warbaahin gudaha ku lahaayeen la xiray, Dadka Gudaha Puntland jooga iyo kuwa Bibada jooga ee reer Puntland ahna u kala cadaatay Warbaahinta kala duwan ee mid Caalami iyo mid kaleba leh ee burburinta Puntland loo adeegsaday, sidaasna Warka Warbaahintaas cadowga laga tabiyo War Cadow iyo Cid ku neceb waxay kaa sheegtay laga soo qaaday oo aan Dhag jalaq loo siin, yaa waxaad moodaa in Cadowga reer Puntland Dhufays Warbaahinineed oo uu markale Dadka ku khaldi rabo qotay.

waxaana mar qudha soo mudh yiri oo soo baxay Homepagyo badan oo Magaca Puntland maqaar saar ahaan u wata iyo kuwa aan Magac Puntland wadan oo laakiin reer Puntland iska dhigaan, kuwaas oo guud ahaan markii Qoraaladooda loo dhabo galo oo loo fiirsado Ujeedada iyo Danaha ay Wararka ay soo qoraan ka leeyihiin, la dareemayo isla markiiba in ay Qadiyado kale oo aan dan reer Puntland ugu jirin difaacayaan iyo in ay Qorsha kale oo reer Puntland Mucaarad iyo Mu´ayid midna Dani ugu jirin fulinayaan.

Waxaana iswaydiin mudan

" Horta Yaale Homepageyada cusub maxayse Meelaha ay Musiiboyinku ka socdaan wax uga qori la yihiin sida Xamar Baydhabo iyo Kismanyo?

" Xageebay Dadkan Homepageyadaan furtay jireen laba iyo tobankii sano ee uu Dagaalku socday ma Hurdadii Asxaabul Kahfi oo kale ayey intii uu Dagaalka sokeeye Somaliya ka socday ku jireen oo hayda ka hurdadii ka soo anfariireen? Waxayna la kulmeen Puntland oo buuq ka jiro, sidaas darteedna war uma hayaan wixii reer Puntland reeraha kale u gaysteen iyo waxa kismayo ka socda.

" Maxay uga hadli la yihiin Qadiyada Kismanyo oo Ninkasta oo reer Puntland ah Mucaarad iyo Mu´ayid muqadas u ah maxayse, Kooxda haysata Kismanyo oo uu kamid yahay Cabdi qaadim iyo Isbahaysiga Dooxatada Juba u buunbuuniyaan?.

" Maxay Moorgan oo halgan ugu jira sidii uu Dadkiisa Jubooyinka duliga ku jira uga saari lahaa ay u weeraraan oo ay Dacaayed ugu hayaan?

" Maxay ugu farxaan waxa guulaha uu Cadowga reer Puntland gaaray
guulaha ay reer Puntland ay gaareena ay uga naxaan?

Waxaa xaqiiq ah in ay cadahay markii la tixgaliyo arimahaa kore iyo arimo kale oo aan qoraal lagu soo koobikarin in Homepageyada cusub ee Magac reer Puntland maqaar saar ahaanta u wata aanay reer Puntland Mucaarad iyo Mu´ayd midna lahayn waxaa kale oo nooca warka ay soo tabinayaan iyo Nuxurka Warka ay soo tabinayaan ka cad in Homepageyadaas meesha laga leeyahay tahay Xamar looguna tala galayn in iyada oo Magaca Mucaaradka reer Puntland lagu dhuumanayo in Puntland lagu khalkhal galiyo.

Mahadsanidin
m.jagne

djagne@hotmail.com


SIILAANYO WUXUU XASUUQAY IN KA BADAN 1500 OO DHULBAHANTE AH.

EAST SOMALILAND FORUM.

Waxaan raacsanahay hadalkii Gudoomiyaha Ururka Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo uu kaga hadlay khayriyada Hargeysa 20.02.2003 ee laga siidaayey idaacada BBC uu ku sheegay inaan la cafiyin cidii ka qaybqaatay xasuuq, islamarkaana aan xil dambe loo dhiiban, xasuuq waa wax xun, cid ka qaybqaadatayna waa dambiile wayn, waana ka soo horjeednaa.cidii loo geystayna ALLA HA U NAXARIISTO.
Laakiin Siilaanyo oo u sharaxan jagada Madaxweynaha wuxuu ilaaway in Beesha dhulbahante u haysato inuu dilay dad ka badan 1500 oo shacab ah mudadii uu ahaa gudoomiyaha SNM 1984-1990. isagoo soo abaabuli jiray weeraradii iyo ciidankii laayey dadkaas shacabka ahaa.Beesha Dhulbahante waxay xasuuqaas kaga samirtay heshiiskii nabadgelyo ee beeluhu wada galeen.
Mudadii yarayd ee Daahir Riyaale hayey talada Somaliland Waxaa soo baxay xasuuq aan hore loo hadalhayn jirin intii Somaliland soo jirtay, taa macnaheedu waa waxaa loola jeedo Daahir Riyaale oo ka soo jeeda Beelaha aan Isaaqa ahayn, sidii uu Muusa Biixi oo Xisbiga Kulmiye ka tirsan ku dhawaaqay.
Hadaba waxaa iswaydiin mudan;

Qofkii aan Isaaq ahayni ee Somaliland xil ka qabtaa ma Faqashtii dadka xasuuqaysaybaa, mase lagu eedaynayaa xitaa haddii aanu waxba geysan?

Siilaanyo weeraradii uu masuulka ka ahaa dadkii lagu laayey ma farajiinbaa oo tirada dadka la xasuuqay ma gelayaan?
Miyuu Siilaanyo ilaaway dadkii masuuliyadiisa ku dhintay mise wuxuu u haystaa in wixii aan Beeshiisa ahayni dhiigoodu xalaalyahay?

Dadka la leeyahay dadbay xasuuqeen oo waa la garanayaa ee waxaa lala sugayaa waqtigeeda maxaa looga jeedaa oo loo cadayn waayey, miyaanayse iyagu garanayn in iyaga

loo jeedo ee laysku meelgaadhayo jaanis aargoosina lala sugayo?

Maxaa dadka la xasuuqay sheekadiisa intii Ina Cigaal noolaa loo bilaabi waayey oo Daahir Riyaale loola sugayey?

Ma wada suurtoobaysaa in wax la noqdo iyo in la aargoosto?

Ugu dambayn waxaan Siilaanyo u sheegayaa in hadii uu ka faa,iidaysan waayo heshiiskii nabadgelyo iyo is cafis ee Beeluhu wadagaleen 1991 la soo saari doono wixii uu geystay, dembi uu isagu Beelaha qaarkood ka galayna aanu dadka kale ku eedayn, sidoo kale waxaan Shacabka u sheegayaa in Beel waliba dad ka tirsan u haysato geesiyaal, kuwo Beelaha kale ka tirsana ay u taqaan gacanku dhiigleyaal, cid yeelaysaa kaygii xaqbuu ku dhintay kaagiina xaqdaro buu ku dhintay ma jirto.Haddii Siilaanyo hadalkiisa bedeli waayo waxaa soo noqondoona wixii beelaha derisyada ahi iska ilaaween oo isaga samreen.
Gudoomiyaha East Somaliland Forum.

Axmed Maxamed Aadan ( Qudhac ).
dar_woq@hotmail.com




Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001