Weriyha
Mudugonline oo jooga Hargaysa oo kaga qayb galay shir ay deeq
bixiyaasha caalami ah ku qabteen
XAALADA
MAGAALADA HARGAYSA
Hargaysa
, 22 Feb 2003 (MOL) -Magaalda Hargaysa ayaa ah magaalo xiligaan
u muuqata magaalo ka soo kabnaysa xasaradii Dagaalkii soo
maray sanadihii burburka waxaana iminka magaaldaasi ka muuqda
bilicsanaan aad u balaaran iyadoo xiligaan ay hor mar ka gaadhay
dhinacyada huteeada, gancsiga, alaabooyinka kala duwan kuwasoo
laga keeno dalalka Far East iyo Yurub.
Magaalda
gebihaan dadka ku nooli waxaa ka muuqda weji furnaan iyo lebis
aad u qurux badan.
ISKU
QABSIGA TIRADA NGO OO SAAKAY GAARAY MEEL XUN-
Hargaysa
, 22 Feb 2003 (MOL) -ma Dawladaa waydiiseen mise iyagaa
la hadasheen SIDAA WAXAA YIRI Axmed Nuux oo reer
Puntland ah.
Agaasimaha
guud ee waaxda qorshaynta Soomaaliland ayaa saakay ka hor
beeniyey qoraalkii ku saabsanaa tirada NGO-yada Goblkaasi
leeyahay tasoo ay ku soo bandhigeen shirkii gudigii soo ababaulay
hawsha shirka oo sheegay in xog dhab ah hayaan meelkasta oo
ka mid ah soomaaliya tirda ka jirta ee NGO ah. Agaasimaha
ayaa tasi ku tilmaamay mid aan sal lahayn waxuuna sheegay
in ay u diiwaan gashantahay iyaga 700 lakiin aad soo bandhigteen
600 sidoo kale dadkii ka socday mamaul gobleedka puntland
ayaa ku tilmamay in laftigood aaney soo badhigin tiradii saxda
ahayd. Axmed nuux ayaa isagu waydiyey qaabka ay u soo xuleen
ma Dawladaa waydiiseen mise iyagaa la hadsheen
oo idin siiyey ayuu yiri waxun ka codsaday in dib loogu noqdo
tirada saxdaa.
Arinkaasi
ay ka hadleen Somaliland iyo puntland oo ah kordhinta Ngo-ga
ayaa waxaa ka xananaqay qaar ka mid ah ragi ka socday Magaalda
muqdisho.
GAANDI
IYO SHIRWAC OO SHALAY LOO DIIDAY GOOBTII SHIRKA DEEQ BIXIYAASHA
Weriye
C/risaaq Cumar Ismaaciil (Sheekhaduun)
Hargaysa
, 22 Feb 2003 (MOL) -Waxaa shalay subaxnimadii loo diiday
in ay ka xaadiraan goobtii ay isugu imaan la haayeen Ururadii
bulashda rayidka ahaa iyo deeq bixiyaashii Caalamiga ahaa
ka dib markii Dawlda Isku magcawdya Somaliland ay ay u diiday
in ay galaan hoolkii shirku ka socday labdaasi nin oo ay ku
tilmaameen in aaney meteli Karin Bulshada Rayidka ah.
Waxay
kaloo dawlda soomaliland ku eedaysay ragaasi in ay door lixaad
leh ka ciyaareen shirarkii siyaasada soomaaliya. Prof.
Gaandi ayaa isagu laba maalin isaga ka hor lagu xayiray in
aanu soo dhaafi karin qolka uu deganyahay.
Buuq
ka dhasahay diidmada niman kaasi ayaa waxaa uu qarka uu fuulay
inuu bur buro shirkii loo socday waxase iigu yaab badnaa markii
shirkii furamay oo ay bulshada soo hor faristeen ragii loo
diidanaa in ay galaan halkaasi oo markiiba la soo baxay shaatiyo
ah in ay iyagu shirka hogaamiye ka noqdaan waxaana meesha
ka baxay qolyihii aan sugaynay oo ahaa hay'adihii Caalamiga
ahaa.
Ka
dib guda gelitaankii ajanidihii aan lahayn waxaa meesha laga
waayey magacayo badan oo ka mid ahaa ururadi la sugaayay tasoo
ka caraysiisay dadkii ka soo jeeday degaanka puntland.
mar
aan saaka la kulmay Hogaamiyha bulshada rayidka ah Prof Gandi
oo aan waydiiyay wax lagu eedaynaayo in ay run tahay ayuu
ku tilmaay wax dhici kara.
Prof
Gandi waxuu xiligaasi aan wada fadhinay Huteelka Ambasadoor
Kor u sitay Gacantii Uu ka jebiyey Hogaamiyaha Mawliid Macaane
shirkii Eldoret waxaa kaloo goobtaasi saakay joogay hogaamiyaasha
Ururada Inxa, Cogwa, Xarunta Ismcaiil Jimcaale Negaad IWM.
TAAGEERADA
MAAMAULKA SOMALILAND EE JANERAAL CADE MUUSE
Hargaysa , 22 Feb 2003 (MOL) -Waxaa maalmahan qaar ka mid
ah huteelada magaalada hargyasa ka dhacaayay shirar aad u
xaasi ah oo ay yeelanayaan qaar ka mid madaxda sar sare ee
mucaaradka mamaul gobleedka puntland.
Kuwasoo
isu diyaarinayaa qabkii ay duulaan ula soo beegsan lahaayeen
magalooyinka puntland.
Maamulka
soomaaliland oo isagu inta badan la tuhunsanyahy inuu taageero
kooxdaasi ayaa taasi gaashanka u daruuray oo ku tilmamay mid
aan raad lahayn mar aan saaka la kulmay wasiirka qorshaynta
Somaliland ayaa taasi ku micneeyey in ay tahay wax aan macquul
ahayn balse jogitaanka ay joogaan dalkayaga ayaan la oran
karaa waa taageero.
Weriye
C/risaaq Cumar Ismaaciil (Sheekhaduun)
Mudugonline.com