Warbixinadii
iyo waraysiyo ku saabsan Shirkii reer Toronto ee Jaamacada
Bariga Africa.
Keynote
Speaker of EAU fundraising event, Toronto
Prof. A/weli Gayre
Dean, faculty of Business Administration and Management
East Africa University (EAU) in Bosaso, Puntland State of Somalia
http://radiogalkayo.com/clips/track1.ram
)))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))
One-
on- one with veteran Somali Journalist, Mohamud M. Muuse and
Friends of EAU
Listen to the interview with Prof. A/weli Gayre
http://radiogalkayo.com/clips/track2.ram
)))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))
Listen to the
interview with Mr. Hassan Osman Alloore
Puntland Community Leader, Toronto
and Chairman, Friends of EAU
http://radiogalkayo.com/clips/track3.ram
)))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))
Listen to the
interview with Dr. Abdishakur M. Abdulle Horeeye
Faculty of Medicine & health Sceinces
UAE University, Al-Ain, U. A.E
(member, Som-can Advisory Board)
http://radiogalkayo.com/clips/track4.ram
)))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))))
Stay tuned for the show, the whole show for the coming
weeks.
Mudugonline.com
Dabab
Gubay 6000 oo geed Timireed
Calluula
, Feb 20 2003 (AllPuntland)- Dab ayaa wuxuu qabsaday dhul
beereed aad u balaaran oo ku yaalla halka loo yaqaan Burka
xaabo oo 4 Km u jirta Tuulada Caabo oo ka tirsan degmada Caluula
ee gobolka Bari ee Puntland.
Dabkaan
oo aan la sheegin waxa uu ka dhashay ayaa bilowday 8-dii subaxnimo
ee shalay wakhtiga Somaliya, dabka ayaa waxyeelo weyn u gaystay
dhul beereed aad u balaaran, waxaana halkaasi ku gubtay in
ku dhow 6 kun oo geed timireed, sidda ay AllPuntland u xaqiijiyeen
dadka degan tuulada Caabo.
Dabkan
ayaa waxaa u soo gurmaday dad wayne aad u badan oo nawaaxiga
goobta uu dabku ka kacay daganaa, inkastoo dabku uu yara qaboobay
11 barqonimo ee maanta .
Dadwaynaha
degen Tuulada Caabo iyo halka uu ka dhacay dabkan ayaa sheegay
inay lasoo gudboonaatay musiibo aad u balaaran .
Deegaanka
Burka Xaabo ayaa ku caanbaxday timirta timir badana looga
dhoofin jiray dalka ayaa masuuliyiinta Puntland waxa ay sheegeen
in ay gurmad ufidin doonaan
Dhinaca
kale habeenkii xalay ayaa dakada Ceel-Macaan ee magaalada
Muqdisho waxaa ka dilaacay dab, kaasi oo sidda la sheegay
wax yeelo u gaystay dhismayaasha ku dhaw dakadaasi, waxaana
ku gubtay guryo iyo goobo ganacsi.
Todobaadkaan
horaantiisa dab ka kacay tuulada Gaashaanle ee Degmada Jowhar
ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa ku gubtay guryihii
tuuladaasi ku yaalay oo ka samaysnaa carshaan.
AllPuntland
Gudoomiyaha
USF/SRRC oo Diiday Goosashada Somaliland
Gaalkacyo
, Feb 20, 2003 (AllPuntland)- Gudoomiyaha ururka USF/SRRC
Maxamed Nuur Hufane ayaa sheegay asagoo jooga magaalada Gaalkacyo
In ururka USF/SRRC uu taageersan yahay midnimada ummadda Soomaaliyeed
uuna kasoo horjeedo kala go'a Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Hufane
ayaa sheegay in ururka USF oo xaruntiisu tahay degmada Saylac
aysan ayagu aqoonsanayn gooni isu taagga Soomali land .
Wuxuu
kaloo gaashaanka ku dhuftay Hufane hadal uu dhawaan BBCda
laanteeda afka Soomaaliga ka jeediyay Xuseen Maxamed Caydiid,
hadalkaasi oo sheegayay in maamulka C/qaasin loo daayo sheegashada
dawladnimada inta xiligiisu dhamaanayo, taasi oo uu sheegay
inaysan dhici Karin maamulka C/qaasina uu la mid yahay kooxaha
ka jira Soomaaliya
AllPuntland
Si
 |
Gudoomiyaha Gobolka
oo furay Siminaarka |
 |
Maxamuud Beeldaaje
oo ku hadlaya magaca isimada xiritaankii siminaarka |
 |
Prof. Saciid Jibriil
Caris oo xiritaankii ka hadlaya |
minaar
u Xirmay dawlada Hoose Boosaaso
Boosaaso
, Feb 20, 2003 (AllPuntland)- Aqoon iswaydaarsi kor loogu
qaadayay hawlaha dawlada hoose ee magaalada Boosaaso ayaa
shalay lagu soo gabagabeeyay qolka shirarka ee xarunta dawlada
hoose Boosaso.
Aqoon
iswaydaarsiga oo socday laba maalmood waxaa hirgalintiisa
iska kaashaday dawlada hoose ee Boosaaso iyo hay'ada African
70 oo ay maalgaliso Midowga Yurub.
Aqoon
iswaydaarsiga waxaa furitaankiisii 18-kii bishaan ay ka soo
qaybgaleen Isimo, Aqoon yahano, waxgarad iyo ururka Haweenka
Gobolka Bari.
Duqa
magaalada Boosaaso Dr. Muuse Geele Yuusuf oo ka hadlay aqoon
iswaydaarsigaas ayaa sheegay in loo qabtay siddii kor loogu
qaadi lahaa hawlaha adeega ee ay dadweynaha iyo magaalada
Boosaaso u hayso Dawlada Hoose, wuxuu sheegay in ay markasta
la tashadaan dadweynaha ay u adeegayaan siddii kor loogu qaadi
lahaa hawlaha ay u hayaan, duqa magaalada ayaa u mahadceliyay
Midowga Yurub oo leh maalgalinta iyo hay'ada talyaaniga ah
ah ee Afrika 70 oo xaga fulinta mashaariicda ku haysata qandaraaska,
wuxuuna sheegay in waxyaabihii Aqoon iswaydaarsiga kasoo baxay
la fulin doono.
Gudoomiyaha
gobolka Bari Ibrahim Cartan Ismaaciil (Xaaji-Bakiin) oo isagu
furitaankii aqoon iswaydaarsiga ka hadlay ayaa ka qaybgalayaasha
ku booriyay inay ka faa'iidaystaan aqoon iswaydaarsiga, mar
uu ka hadlayay dhul boobka ayuu sheegay in la fulinayo amarkii
ka soo baxay wasaarada Arimaha gudaha ee Puntland, iyadoo
goobta aqoon iswaydaarsiga lagu qaybiyay qoraalka amarka wasaarada
arimaha gudaha.
Waxaa
iyaguna ka hadlay halkaas Maxamuud Beeldaaje, Prof. Saciid
Jibriil Caris iyo Maryan Maxamed Xuseen (Maryan guduudo) oo
ku kala hadlay magaca isimada, aqoon yahanka iyo haweenka,
waxayna dhamaantood u mahadceliyeen ka qaybgalayaasha iyo
soo qabanqaabiyayaasha aqoon iswaydaarsiga oo ay ku booriyeen
inay hawlahooda kor u qaadaan gaarsiiyaana Puntland oo dhan.
Gudoomiye
xigaha gobolka Bari Yuusuf Muumin Bide oo xiritaankii ka hadlay
ayaa u mahadceliyay hay'adaha caalamiga ah ee hirgaliyay Aqoon
iswaydaarsiga.
Waxaa
xiritaanka aqoon iswaydaarsigaasi ka soo qaybgalay madaxa
farsamada ee midowga Yurub xafiiskeeda Somaliya Jesper S.
Pedersen oo fadhigiisu yahay nairobi, Kenya iyo Marisio wakiil
ka socday ha'ada Africa 70 oo fadhigeedu yahay Talyaaniga.
Jesper
S. Pedersen oo ka hadlay hawlaha Midowga Yurub ka wadaan Puntland
ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin sidda ay uga faa'iidaysatay
magaalada Boosaso mashaariicdii ay ka fulinaysay Midowga Yurub.
Pedersen
ayaa sheegay in Midowga Yurub ay maalgalin ku samaysay hay'ada
NESHA ee wadooyinka ka shaqaysa, wuxuu sheegay in ay wax ka
qabandoonto wadooyinka gobolada Puntland, haddana ay bilaabi
doonaan dayactirka wadada u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Garoowe,
kuwa kalena ay ku xigi doonaan, Pedersen mar uu ka hadlayay
dakada Boosaaso ayuu sheegay inay doonayeen inay balaariyaan,
lakiin dhulkii loogu taagalay ay kaga yimaadeen caqabado xaga
dad sheeganaya dhulkii dakada lagu fidin lahaa, wuxuu sheegay
in si ay mashruucaas u fuliyaan xalinteeda looga baahan yahay
shacabka iyo maamulka.
Diyaariye:
Sawirqaade Cabdifataax Jaamac
AllPuntland
Bosaso