Wararka Mudugonline

QABAN-QAABO LOOGU JIRO SIDII LOO DHISI LAHAA URUR KULMIYA SUXUFIYIINTA PUNTLAND.


Bosaaso, 17 Feb 2003 (MOL) -Waxaa in mudo ah lagu hawlanaa sidii loo dhisi lahaa Urur ay ku midaysan yihiin Suxufiyiinta deegaanka Puntland.kaasoo wax weyn la filayo inuu ka taro dhibaatooyinka soo Wajaha had iyo goor ama soo foodsaara inta badan Saxaafadda.

Bile Maxamuud Qaboowsade ayaa loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Qaban-qaabada Shirweyne ay yeelanayaan dhamaan Bahda Saxaafadda Puntland. Bile ayaa wuxuu laba todobaad ka hor kula soo kulmay Suxufiyiin ku sugan magaalada Gaalkacyo iyo Garoowe, waxayna isku afgarteen in muhiim tahay sidii loo dhisi lahaa Urur kulmiya dhamaan Suxufiyiinta.

Marar badan oo hore ayaa la isku dayey in la taabo geliyo dhismaha Urur ay yeeshaan Suxufiyiinta Puntland, hase ahatee waxaa ku yimi caqabado badan, lakiin Xiligan ayaa wuxuu u muuqdaa mid ay kuwada qanacsan yihiin bal in marka hore shirweyne looga hadlayo qaab dhismeedka Ururka la iskugu yimaado dhamaan Suxufiyiinta.

Suxufiyinta Magaalada Boosaaso ayaa aaminsan in lagama maarmaan tahay in la dhiso Ururkan wax walba oo ku yimaada waqtigan saxaafada Puntland. Kulanka Suxufiyiinta ayaa la filayaa in uu ka dhaco magaalada Garoowe oo caasimad u ah Maamul Goboleedka Puntland dabayaaqada bisha March.

C/risaaq Cumar Sheekhaduun Boosaaso
Mudugonline.com


Qof ku dhintay iyo 6 qof ku dhaawacantay Tacshiirad ay isweydaarsadeed laba nin oo dablay ah.


Galkacyo, 17 Feb 2003 (MOL) -Hal qof ayaa ku dhintay 6 kalena waa ku dhaawacantay ka dib markii laba nin oo dablay ah isweydaarsadeen Tacshiirad
Bartamaha suuqa magaalada Galkacyo Maanta duhurnimadii. Labada nin oo la soo sheegay in ukala dhasheen beelaha Mariixaan iyo Ogaadeen ayaa la sheegay inay dagaalku ka bilaamay muran ka dhashay qalabka Fooneeyaha oo la isku qabsaday. Dadkii dhaawacmay ayaa haatan lagu daaweeynayaa Cusbitaalka magaalada arintiina waxaa gacanta ku haya Poliska magaalada.

Shilalka noocaan oo kale ayaan looga baran deegaanka Puntland inta badana ka dhaca Koonfurta Somaliya, waxaa muuqata in dhaqan xumada Koonfurta Somaliya loo soo raray deegaanka Puntland taasna ay keeni doonto xasilooni la'aan iyo cabsi.

Mudugonline.com






Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001