Wararka Mudugonline

Hasan Abshir oo ka badbaaday shil gaari

Nayrobi, 17 Feb 2003 (MOL) -Wararka ka imaanaya magaala Madaxda dalka Kenya ee Nayrobi ayaa sheegaya in ra'iisal wasaaraha Dawlada KMG ee kooxda Carta uu ka badbaaday shil gaari ka dib markii gaarigii uu la socday ay isku dhaceen gaari kale. Gaariga Xasan Abshir saaraa ayaa la soo sheegay inuu dhawr jeer is rogrogay uuna gaaray khasaare weyn. Xaalada Xasan Abshir ayaa la sheegay inuu nabad qabo oo uu ka badbaaday shilkaas balse warar saxan wali lagama hayo. Xasan Abshir iyo dadkii la socdayba waxaa isla markiiba loo daad gureeyay cusbutaal ku yaal magaalada Nayrobi.

Xasan Abshir ayaa ka mid ahaa ergada Somalida ee ku shirsanaynd magaalada Eldoret. dhamaan ergada Somalida ayaa maalintii Sabtida iyo Axada waxaa loo soo daad guraynayay madasha cusub ee shirka oo ah xaafad ka mida Nayrobi oo lagu magacaabo Mbagathi. Ergada Somalida ayaa la soo raray ka dib markii urur goboleedka IGAD awoodi waayeen inay bixiyaan qarashka ku baxaya ergada.

Mudugonline.com


Waraysi ay Gen. Cadde Muuse la yeelatay idaacada Hornafrik

Muqdishu , 17 Feb 2003 (MOL) -Idaacada FM-ka ee laga dhagaysto nawaaxiga magaalada Muqdishu ayaa waraysi la yeelatay Gen. Cade Muse oo hogaaminayay ciidankii Mucaaraadka Puntland ee dhawaanta looga itaalka roonaaday dagaalkii ka dhacay deegaanka dhuudo. Waraysigaas oo dad badan la yaabeen sida uu u hadlay Gen. Cadde oo ay ka muuqatay xanaaq badan iyo caro iyo waliba Gen. oo ah nin afgaaban oo aan oo dhib ku tahay inuu gudbiyo waxa uu ka cabanayo ayuu waraysigaasi ku dhamaaday ka dib markii Jen. Cade telefoonkii ku damiyay wariyihii idaacada Hornafrik. su'aasha uu Jen. Cade ka xanaaqay oo uu diidayay in la weydiiyo ayaa ahayd bal haddii uusan Dawlada Somaliland ka helin caawino ciidan iyo saanad xagee kale oo wax uga yimaadaan? Su'aashaas ayaa Gen. Cadde ka taabatay meel xun ka dibna uu si degdeg ah u soo afjaray waraysigii. bilihii u dambeeyay ayaa waxaa la soo sheegayay warar isa soo taraya oo sheegaya in Dawlada Somaliland hubaynayso Mucaaradka Puntland oo hadda uu hogaamiyo Gen. Cade Muse. arintu si kasta ha ahaatee su'aasha hadda la isweydiinayo ayaa waxay tahay maxaa dheriga karka ka keenay? Maxaa Gen. Cadde su'aashaas uga xanaaqay haddii uusan caawino ciidan iyo mid hub ka helin Somaliland? waxaa iyana waraysigaan ku cad in Gen. cadde Muuse uusan haatan diyaar u hayn wax nabad ah oo uu la galo Maamulka Cabdulahi Yusuf oo iyaga sida muuqata raadinaya in qilaafkaan si nabad galyo ah lagu soo afjaro.

Afgaabnida oo ay Caadiyan u badan yihiin saraakiisha Puntland ku abtirsada kuna dhashay Koonfurta Somaliya haatana ku jira siyaasada Puntland ayaa noqotay arin muhiim ah dadka Puntlandna si gooni ah ugu dhaga nuglaadaan, Deegaanka Puntland ayaa caadiyan xushmo gooniya bulshadu u haysaa hogaamiyaasha afmaalka ah oo ajendahooda siyaasadeed si sahlan bulshada ugu cadayn kara. Jan. Cadde iyo Jamac Cali Jamac ayaa labaduba u hadlaan sida dhalinta Magaalada Muqdishu ku barbaartay, Lahjada lagaga Hadlo Magaalada Muqdishu ayaa inta badan dadka Puntland ku maadeeystaan taas oo adkaynaysa si Gen Cade iyo Jamacba u helaan dad dhagaysta oo arimaha ay ka hadlayaan siiya muhiimad gaara. (Halkaan ka dhagayso waraysiga oo maqal ah)

Waxaan hoos idinku soo gudbinaynaa waraysigaas oo qoraal ah oo kooban.

HA: Generale sidee hadda u aragtaa xaaladaan hadda socota?

Gen. Cadde: Haah, xaaladayadu waa fiican tahay, insha ALLAAH haddana ciidankayagu guduhuu ku jiraa, waa fiicanahay, ee haddeed dagaalkaas baa jirah, haddee anagu waxkeelo kuu hayo ma jirto, Anaga dagaalbaa Cabdullaahi nagu qaaday, dhulkayagii buu bixiyay, haddeed baaqna inuu sameeyay, uu lee yahay nabad baan rabaa, haddee Cabdullaahi Yusuf hadduu nabad rabo, wax yaalihii lagula hadlay markuu fuliyo waa lala hadli karaa laakiin inta kale lama hadli karno, ciidankayagu waa diyaar dhawaan idaacadaha aduunka waxbaad ka maqli doontaa.

HA: Marka hadda adigu halkeebaad igala hadlaysaa Jeneraale?

Gen. Cadde: Anigu dhulkaan kaala hadlayaa ee gobolkaas baan kaala hadlayaa Bari, meel ah baan jooga.

HA: Markaa hadda kolay dagaalkii ka dhacay Dhuudo, een waxaa wararku sheegayaan in adiga xoogaa khasaarooyin farabadan dhinacaaga ay soo gaareen, marka bal ka waran maxaad khasaaro ah oo kala kulantay dagaaladii ka dhacay Dhuudo?

Gen. Cadde Anigu taas ka hadli maayo, maxaa jira ee dhulka ninkii yimaadaa ogaan kara, ee waana ka xumahay dagaalka dhacay oo dadkayagii famiil ahaan baan isugu dhimanay meel kastaba waxaa weeye dad wada dhashay baa wada dhintay, marka anigu sheegi mayo labadayada midkii khasaaro gaartay.

HA: Wararka qaar waxay sheegayaan in een wasiiro ka tirsan maamulka kornayl Cabdullaahi Yusuf aad is aragteen oo aad wada kulanteen, wararkaas baa Boosaaso naga soo gaaray ee maxaa ka jira?

Gen. Cadde: Waa been wax ka jiraa ma jiraan, mid Cabdishakuur la yiraahdaa been qoray, afar baa nala hadleen, hadday yiraahdeen iyagaa soo doontay nin nala shaqeeyay la hadleen, anay ii dhiibeen aniguna wax wanaaga kalama kulmin, wanaag uma samaynin oo waxay wateen oo waxaan iri la taga, mar dambana hana soo wicina.

HA: Marka ma is aragteen mise waa wicitaan uun?

Gen. Cadde: Teleefoon ay nin u soo direen weeye.

HA:: Marka maxay idin waydiisanayaan adiga, Telefoonka waa maxay sababta ay idiinku soo direen?

Gen. Cadde: Walaahi ma naqaan, ninkay is yaqaaneen, oo wasiir ay isla ahaayeen, xaga isla joogeen Boosaaso, ninkaas bay soo waceen

HA:: Ninkaasi marka waa kuma?

Gen. Cadde: Waa nin Maxamuud Shido la yiraahdo, weeye.

HA: Hadda adigu ma doonaysaa in haddii siddaas oo kale lagaaga dalbado in wadahadal lagu yeesho inad aqbasho?

Gen. Cadde: Anigu waxaan ku iri siyaasi ma'ihi, ee dhibaatada dadka haysata inaan ka saaraan rabaa, maalintay ii dhamaatana Kanadaan ku noolaan jiray iyadaan aadayaa.

HA: Kornayl Cabdullaahi Yusuf wuxuu ku eedaynayaa Somaliland inay gacan weyn ku siisay oo hub iyo saanad iyo siddii aad dib maad aragtay isugu hubayn lahayd inay gacan weyn ka gaysato, taas maxaa ka jirah?

Gen. Cadde: Waa beentaa adigaa been sheegaya iyo isaga, ciddee la jirtaa, Cabdullaahi Yusuf hadduu kugu yiri... war maqal waryaa, Cabdullaahi Yusuf wuxuu kugu yiri aniga ha ii sheegin.

HA: Marka haddee halkee baad hubka iyo saanada aad doonayso halkee bay kaaga imaanayaan? Generale

Gen. Cadde: Yaanan ku caynin.

HA: Marka hadda adigoo mahadsan ma nabad baad wax ku doonaysaa mise haatan waxaad doonaysaan inaad abaabul samaysaan, adoo mahadsan?

Gen. Cadde: Adeer raali ahoow nabadeey.

HA: waa tahay aad baad u mahadsan tahay, kaasna waxuu ahaa Jen. Cadde Muse.

(ka dhagayso halkaan Riix-Guji)

Mudugonline.com


Shir ka furmay Xurunta Cilmi Barista Puntland

Garoowe , Feb 16, 2003 (AllPuntland)- Shir balaaran oo ay soo qaban qaabisay hay'adda laga leeyahay dalka Swededen ee Diakonia ayaa saaka 8:30 kii ka furmay xarunta cilmi baarista Puntlanda ay ku leedahay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntlnad.

Shirkaan oo uu abaabulay Madaxa xarunta Cilmi baarista iyo hawlaha Puntland C/raxmaan Cabdille Shuuke, waxa uu socon doonaa sadex maalmood.

Waxaa furay wasiirka arimha gudaha iyo dawladaha hoose Axmed Cabdi Xaabsade iyo latliyaha madaxwaynaha ee dib udhiska iyo horumarinta Maamulka Puntland C/kaafi Cabdi Abshir, waxaana kasoo qayb galay xubno ka socda Baarlamaanka Puntland hay'ado caalami ah iyo NGO yo kala duwan iyo sidoo kale aqoonyahano ka kala yimid dawlad goboleedka Puntlnd.

Waxaana shirkaan looga wada hadlayay siddii sare loogu qaadi lahaa hawlaha ay qabtaan hay’adaha amniga ee ay ka mid yihiin maxakamadaha.

Madaxadii kasoo qaybgashay ee ajnabiga ahaa waxaa ka mid ahaa Madaxa iskaashiga Caalamiga ah ee hay'addda Diakonia Mr Uwa.

Farayaamo
AllPuntland







Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001