QORMADII
3AAD EE GABAYGA DAAWO NABADEED"
GABAYGAAN WAXAAN CURIYEY MARKII
DAGAALKII SOKEEYE EE SOOMAALIYA GAAREY 12 SANO
IYADOO AYAN WALI MUUQAN WAX KA SOO RAYN AH IYO
WAX SAADAAL AH OO MUUJINAYSA IN DADWEYNUHU ISU
ARKO MID AAN SINA U KALA MAARMIN, TAASOO WAX KASTA
/DHIB KASTA OO AY ISU GEYSTAAN AY LAGAMA MAARMAAN
TAHAY IN LAGA
HESHIIYO, MUDDO KASTA HA QAADATEE.
WAXAA IGU KHASBAY GABAYGAAN DAREENKAYGA,
ARAGTIDAYDA, WADDANIYADDAYDA, WAAYA'ARAGNIMADAYDA
IYO DAACADDA AAN U AHAY DADKAYGA IYO DALKAYGA,
IYADOO AY AAD IILA QALDAN TAHAY IN LA QARIYO DHIBAATOOYINKA
LA HARAY DADKA IYO DALKA SOOMAALIYEED. SIDAAS
OO KALE AYAAN SANNADKII 2000 U CURIYEY DHAMMAAN
HEESAHA WADDANIGAA OO KU JIRA ALBUMKA DIB
U HABAYN", ISLA MARKAANA AAN U QORAY
SANNADKII 2001 BUUGGA MAXAA DIB NOO DHIGAY".
HEESAHAAS IYO BUUGGUBA SI TOOS AH AYEY FARTA UGU
FIIQAYAAN DHIBAATOOYINKA UGU WAAWEYN OO NOO DHIGAY
DIB WALINA NAGU HAYA FARA KULUL.
HADDA IYO DAN, AKHRISTAYAASHA SHARAFTA
LOHOOW KU SOO DHOWAADA QAYBTII 3AAD EE GABAYGAAN
OO AAN LA AQOON GOOR UU DHAMMAAN DOONO, SIDAAN
LOO AQOON DHAMMAADKA DAGAALKA SOKEEYE, GABAYGAAS
OO AH MID DADWEYNAHA SOOMAALIYEED KA ABHINAYA
DAGAALLADA DOQONNIMADA AH OO AY ISKU HAYAAN,
WAANA KAN GABAYGII:
WAR DIINTAAN IDINKU DHAARIYEYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR CAANO DAATAY DABADOOD LA QABAYE
JOOJIYA DAGAALKA
WAR WIIXII DIB NOO DHIGAY BARTOO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DIBU NOQOSHO WAYNOO EGTAHAY'E JOOJIYA DAGAALKA
WAR DAD HURDAYNNU NAHAY OO SOCDEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR RAGANNIMO DAGAAL KUMA JIRTEE
JOOJIYA DAGAALKA
WAR FAKARKII MIYIGA DOORIYOO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DOWLADNIMO AQOON BAY RABTAAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DADNIMO INTAAD YEELATAAN JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DILLAAL IYO MALLAL BAYNA HELAY'E
JOOJIYA DAGAALKA
WAR DOQOMMAA INOO TALIYEY'E JOOJIYA DAGAALKA
WAR NIN WALAALKI DILEY BAAN NAHAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DIB WAXAY KA NOQON LAMA OGEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DABIN BAAN SHISHEEYE U GALLAYE
JOOJIYA DAGAALKA
WAR HUB DILAA AH BUU INAKU RARAY'E JOOJIYA DAGAALKA
WAR ISNA DAHABKI BUU MEERSADAY'E JOOJIYA DAGAALKA
WAR DOQONTOOYADEENNUU ARKAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR MASUULIYADDI DIBEDDAAN DHIGNAYE
JOOJIYA DAGAALKA
WAR SIDII XOOLIHII BAAN DIDNAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DADYOHOW JIRRANI WAABTA OO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DAMIIR FAKARA YEESHA OO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DADKA KALE SIDEENNA ISMA DILEE
JOOJIYA DAGAALKA
WAR DHAAXAAN IDIIN DIGAHAYEYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DANBAA INA WALAALAYNAYSEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR QAYMAHA DAD LEEYAHAY ARKOO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR QABIIL DAL HORUMARINMAYEE JOOJIYA
DAGAALKA
WAR QABIIL DADKIIS LA HARYEY'E JOOJIYA DAGAALKA
WAR QABIIL WAXBAA LAGU DUNSHAAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR QABIIL HORUU NOO DAGAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DULUGLE IYO CAYR BUU NA BADINAYAAYE
JOOJIYA DAGAALKA
WAR DIBJIR IYO JIRRIBU BADININ'E JOOJIYA DGAALKA
WAR NABAD BUU INOO DIIDAYAAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DOOXATIYO COLAAD BUU KORDHINE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DOC KASTABA DHIBBUU NAGA GALINE
JOOJIYA DAGAALKA
WAR NINNA DARAJO KAMA GAARAYEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DAACUUN KA DARAN WACAD ALLEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DOQON BAA SI KALE MOODAYEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DARYEEL BULSHADA AN U DHISNEE
JOOJIYA DAGAALKA
WAR HABKII DUQOOBEY AN XIRREE JOOJIYA DAGAALKA
WAR GAAJADA AN DABAR GOYNNO'E JOOJIYA DAGAALKA
WAR DAL HODON AH BAAN LEENAHAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DAMAQ IYO XANUUN BUU KORDHINE
JOOJIYA DAGAALKA
WAR DADKA WAALAN BUU BADINAYAAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DEMBIYADA LA GALAYUU BADINE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DHAQANKUU INAGA DUMINAYAAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DOORKII WADDANIGAA DHIMMANE
JOOJIYA DAGAALKA
WAR COLAAD DOQONNIMAA NALA TAGTAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DAB WUXUU KU BOXO WUU GUBINE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DEYRKI NABADDA AAN DIB U DHISNEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DARBI BAAN JAFAYNNAA ADAGE JOOJIYA
DAGAALKA
WAR DUL ABAAR AH BAAN SAHANSANNAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR RUNTII AYAAN DIIDNEY'E JOOJIYA DAGAALKA
WAR CAWAANNIMO HA DOORANNINEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DARAJAA INAGA CARARTAYE JOOJIYA
DAGAALKA
WAR DEG-DEG TAAJIR BAAN BARANNAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DOC KHALAD AH BAAN AADNEYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DAMIIRKII AYEYNAGA DHINTAYE JOOJIYA DAGALKA
WAR DALKU YUU DADWAAYINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DAD AAN DHAQAN LAHAYN BAA BATAYE
JOOJIYA DAGAALKA
WAR MAADDAA DADKII RAACAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DABAQADA BULSHAA NAGU CUSUBE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DADWEYNOW DANTIINNII GABTEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR INTAAN DAMEER WEYLO DHALIN JOOJIYA
DAGAALKA
WAR INTAAN DEKHSIGU NAGA ADKAAN JOOJIYA DAGAALKA
WAR INTAAN DUGAAG INAKU KICIN JOOJIYA DAGAALKA
WAR INTAAN AFKUBA HADALKA DEYN JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
KA: QORAA & ABWAAN
SAID
ABDILLE ALI-ILWEYN
- DENMARK -
DHULKII
SOOMAALIYEED = BAROOR-DIIQ (Qormadii
labaad)
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
DHULKII
OO DHAMBAAL HELAY:
Haddaan
dhulkii Soomaaliyeed ahay dhambaal baan kahelay
dadka dibadda jira ee Soomaaliyeed, kaddib markii
aan dhawaaq dheer gaarsiiyey, kuwa dhulkayga
joogana horaan ulahadlay, laakiin aan ku hormaro
waxa ay kuwa dibadda jiraa isoo yiraahdeen:
Waxay
yiraahdeen: Dalkayagiiyoow dibad baan kaa aadnay,
daruuro kalaan hoos joognaa, daaro dheerdheer
oo aadan lahayn baan dugsannaa, dukaamo kalaan
wax kagadanaa, dugsiyo kalaan dhiganaa, adigu
dalkayagiiyoow daciif baad tahay oo dambas iyo
dhagax badan baad leedahay, dibu socodna waad
tahay, ilaa aad dawladaha dayaxa aaday aad doowgooda
noqotidna dibad-baan kaajiraynaaye dalab dambe
hanoo soo dirin, dadka dibaddu haddaan dalkii
ahay dacwadaasay iisoo direen.
Aniguna
dabuub-yar baan si dabacsan ugu diray anoo da'da
ka higaadinaya : Dadkaygii dibadda jiroow, su'aal
diirran iga hooya: Dawladaha dayaxa aaday oo
aad diirka kaqaaddeen, ma ayagaa iska duulay
mise dadkoodaa ukacay oo daryeelay, oo daruus
badan ubartay dugsiyo badanna ugalay, soo dadkoodu
madaryeelin, oo daacadnimo uguma shaqayn, idinkuse
soow ima dayicin oo sidii deero iyo cawl ma
iinnaan didin, dadqalka dalka joogaana dibnaha
ima goosan, haragiina igama diiran, duriyaddaydiina
ma duban!.
Kuwa
daakhilka joogaana waxay doorbideen inay laba
dariiqo kala qaadaan: Kuwo waa kuwa iyagu idilaya,
dhiigana igu daadshay, daarahaygii dunshay,
dugsiyadaydii dayacay, dumarkaygii dooxay, korontadaydiina
diirtay, markii aan ladooday oo aan iri idaayana,
wuxuu mid waliba iyiri : Ilaa aan anigu kuxukumo
dagaalka dayn maayo, aniguna waxaan ku iri:
War dulli miyaad tihiin iyo diin laaweyaal,
markaad aniga dibnaha igooyseen, dambasna iga
dhigteen, madariiqyada bannaan baad xukumaysaan
mawiinnaan damiir lahayn?.
Dadka
kale oo qaybta labaad ah daakhilka joogaana
waxay ku dacwiyeen: Dalkayagii hooyoow, annagu
daawadayaal baan nahay, hadba meeshii loodidaan
udidaynaa, dabayshu dhankay aaddaan aadaynaa,
daalinkii kuqabsadaan durbaanka u garaacaynaa,
xataa hadduu dameer yahay diintaan kabaranaynaa,
inta kahoraysana dirintayadaan jiifaynaa oo
dibnaha kala furi mayno illeen annagu dareen
malihine, sidoo kale dalkayagiiyow, haddii kan
kudilayaa uu dadkayaga yahay(qabiilkayaga) darbi
baan unoqonaynaa oo waaba daafacynaa!.
Haddaba gunaanadkii dadkayga dibadda jiroow
duuduub iiwada dhagaysa oo dabuubtayda maqla:
Haddii
bakhiilnimo idin qaaday oo aad wax ii quuri
weeydeen anoo dhulkiinnii ah, haddaba aan isaga
kiin warramo:
Anigu
cunno macuno oo idinka dooni maayo, lacagna
maqaato oo idinka rajayn maayo, hayeeshee maadaama
aad dhabarkayga ku gurguurateen, ood kusocoteen,
haddana ku hana-qaadeen, ood caanahaygii iyo
cayshkaygii cunteen, toddobo calaamo ayaan idinka
doonayaa ee iiyeela:
~
Inaad dib iigu soo laabataan oo aad dalkiinna
iimaansataan.
~ Inaad cilmi adduun & mid aakhiro iisoo
barataan.
~ Inaad cudurka iga daaweeysaan oo aad isbitaalo
dushayda kadhistaan.
~ Inaad doollar badan keentaan oo aad daaro
waaweeyn iga jeexdaan.
~ Inaad taageerada udiiddaan kuwa dhiigga igu
daadinaya.
~ Inaad dadka hanuunisaan ood qabiilka ladagaalantaan.
~ Inaad magacaygii duugoobay dib udoontaan,
dowladahana gaarsiisaan.
Maxaa
kuusoo haray, Soomaalida dalka joogta soow maaha,
kuwaas horaan ugu daalay oo dood badani noo
dhexmartay, hadday dib war iiga rabaanna waxaan
si dadban ugu sheegayaa " Nin fadhigaaga
ujeeda looma sara- joogsado".
"DHAAXAAN JARREEREE DHEG-BAAN JALAQ LA
IISIIN DHEH"
Maxamed
Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
GADASHO DHUL
KU.dadweenaha
reer puntland. dalka iyo dibadda
02/12/003.
Asalaamu
caleekum walaalayaal salaan ka bacdi waxaan rabaa
hadal yar inaan iraahdo hadakas oo ku saabsan
dhulaka ama xerada daraawiishta oo la xaraashayo
waxaana ulajeedaa hadalkayga dadweenaha siyaabo
kala duwan oga hadlay si kastaba ha ahaate ma
fiicna in la caayo ama wax laga sheego maamulka
sabab too ah waa maamulka meesha ka jira.
hadaba
anigu malihi maamulku waa sax boqolkiiba boqol
khalad wuu leeyahay aduunk oo dhan maamulada ka
jira khalad wey leeyihiin ogowna waa maamul aan
wali helin dhaqaale iyo dad u bisil maamulka shaqadiisa
meel an sharci ka jirin oo laysku cunay waa soomaaliye
sida koonfurta somaaliya.
marka
dadweenow waxaan idin leeyahay ha fiirina khaladka
uu galay maamulka iyadana fiiriya waxa uu samayay
iyo dhibka haysta sabab too ah maamulka iyo sharcigaba
waxaa gacan siiya dadweenaha haday dadweenuhu
daba maryeeyan oo la tixgalin wixii lagu hashiiyay
maamulkiina waa xumaanaya.
hadaba
walaalayaal waxaan oga danleeyahay dadka isla
simaya wadamada ay ku noolyihiin iyo wadan bur
buray oo dadkiisi ay noqdeen bahalo sharcina jirin
ninkii ka sameeya wax kala haga umadda in la aflagaadeeyo
waa laga fiicanyahay.
waxaan
leeyahay qofkii wax dhaamow soo bandhig waxaad
hayso oo dalkii ama gobaladii aad kana shaqee
danta dadweenaha dhehna oo caddee inaad dhaamayso
ku waan hortaagan dadka bahaloobay.
hadii
kale ka daa afxumada dadka u istaagay inta tabartooda
ah inay wax qabtaan sabab too ah balaayo ayay
hor taaganyihiin waad aragtaa waxa ka socda xamar
haday ku heshiin lahaayen ama u ogalaan lahaayen
hal koox inay xukunto sidaas way dhaamilayeen.
walaalayaalow
fiiriya waxa ka socda somaaliya iyo waxa ka socoda
puntland isbarbadhiga si fiicana oga fakara una
fiirsha laakiin yaa lays la barbardhigin puntland
iyo waqooyiga ameerika ama yurub sabab too ah
dadkaas waa dad ka baqa sharcigooda gacana siiya
maamulkooda waana wadamo horay u maray.
fiiri
fiiri fiiri fiiri waxa u dhaxeeya puntland iyo
somaaliya ha deg degin walaalow...
wax
ha caayin aa wax fiican sheeg waxaa layiri waxa
xun aragtay maxaa kuu diiday waxa wanaasan.
dad
badanbaa markay akhristaan is waydiinaya ninkan
wuxuu taagarsanyahay abdulaahay yuusuf laakin
waxaan halkan ka cadeenaya inaan abdulaahay ku
taageersanahay wanaagu sameeyo isaga iyi maamulka
uu madaxda ka yahay wixii khalad ahna kuma raacsani
waan ka soo horjeeda runtii abdulaahay khalad
waa leeyahay wanaagna waa leeyahay midaan ku raacsanahay
oo ugu wayn waa umaddan bahaloowday ninka hortaagan
oo waraaba cunaya ka yiri yur .
ninkasta
oo loo dhiibo ceeb waaleeyahay dambina waa galayaa
oo waa bani aadan nin sida ay caddaludu tahay
u fulinaya ma jiro ilaahay oo kaliya ayaa caddaalad
sameen kara boqolkiiba boqol.
hadaba
walalayaal abdulaahi yuusuf khalad waa leeyahay
oo ma diidani laakiin waxaan si aada u fiiriyay
dadka uu hortaaganyahay iyo maamulkiisa waxaan
kaloo fiiriyay waxa ka jira soomaaliya.....
G.Y
Abdiasis khalif X. Jamac
e.mail abdiasisjama@yahoo.com