Wararka Mudugonline

Shirkii Somalida oo laga soo rarayo Eddoret iyo hogaamiyaasha Muqdishu oo intoodi badani wali ka maqan yihiin.

Nairobi , 14 Feb 2003 (MOL)- Shirkii dib u heshiisiinta ee Somalida uga socday magaalada Edoret ee ku taal galbeedka dalka Kenya ayaa maalinta beri ah oo bisha febraayo tahay 15 loo soo rari doonaa xaafad ku taal koonfurta magaalada Nayrobi, Mbagathi ayaa noqon doonta madasha cusub ee shirka lagu qaban doono. ergayga heshiisiinta Bethwell Kiplagat ayaa saxaafada u sheegay in sababta ugu weyn ee shirka loo soo raray ay tahay dhinaca qarashka ku baxaya ergada shirka ee ku nool hoteelada Magaalada Eldoret.

Illaa hadda 4 million oo lacag ah ayaa lagu leeyahay qabanqaabiyaasha shirka, si loo yareeyo qarashka shirka ayaa dawladu Kenya iyo urur goboleedka IGAD isla ogolaadeen in la badalo madasha shirka lagu qabanayo.

Shirka oo illaa hadda soo socday 4 bilood ayaan wax la taaban karo oo heshiis ah lagu gaarin, bilihii hore ee shirku socday waxaa lagu mashquulsanaa xalinta fawdo ay bilaabeen qaar ka mida dagaal oogayaasha koonfurta Somaliya oo rabay inay afduubtaan shirka si ay danahooda ugu gaaraan. Somali badan ayaa rumaysan inaan shirka waxba lagu heshiin doonin haddii aan Dawladaha daneeya arimaha Somaliya joojin sida gooni goonida ah ee ay hoosta ugu kala wataan hogaamiyaasha iyo dagaal oogayaasha.

Waxaa hadda shirka ka maqan inta badan hogaamiyaasha Muqdishu oo shirar qarsoodi ah ku leh magaalada Muqdishu, shirarkaas oo looga hadlayo sidii loo fulin lahaa heshiis ay awal Eldoret ku gaareen oo ay ku heshiiyeen inay furaan dekada iyo garoonka diyaaraha Muqdishu. hogaamiyayaashaas oo ay ka mid yihiin Muuse Suudi, Qanyare, Cusmaan Caato, Cabdiqaasim iyo Seeraar oo ah ninka madaxda u ah isbahaysiga xasuuqa ka wada magaalada Kismaayo, hogaamiyaashaasi waxay aaminsan yihiin haddii ay ku guulaystaan inay fuliyaan heshiiskaan inay taas siin doonto culays iyo miisaan siyaasadeed oo haataan ay ka waayeen shirka Eldoret. illaa hadda lama sheegin wax ay ku heshiiyeen iyadoo laga soo sheegayo inay bilaabeen isqab qabsi ay ku muransan yihiin sidii ay heshiiskaas uga sal gaari lahaayeen. dadka Muqdishu ayaan iyagu ka daalin rajada ay ka qabaan in dagaal oogayaashu dhexdooda iswaansadaan kana heshiiyaan oo magaalada Muqdishu nabad ku soo dabaalaan. waxaase horey loo yeri "waano abuuris baa ka horaysay"..

Mudugonline.com

 SHIR JARAA”ID OO KU SAABSAN WAR BIXIN & TALO SOO JEEDIN.

khamiis 13/ /2 03, saacaddu markey aheyd 11: 25 , ee barqadii Ergeyga cusub ee ay dowladda Kenya u magacawday shirka dib u heshiisiinta Soomaalida Mudane Kipligaat ayaa shaleyto khamiis shir jaraa’id ku qabtay hoolka shirarka ee hotel Sirikwa , si uu ugu sheegay ergada Soomalida ee Shirka ka soo qeyb gashay war bixin la xiriirta waxa uu kala soo kulmay shirkii waddamada Afrika & waddamada IGAD ee safka hore ay ku yeesheen magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya , wuxuu yiri :

Waxaan jeclahay inaan idin la wadaago arin guud oo ku saabsan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ,waxaan halkaan idinkugu caddeynayaa in mujtamaca Caalamka guud ahaan ,gaar ahaan dalalka Yurub ay ka go’an tahay iney gacan siiyaan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ilaa laga gaarayo gebagebada shirka , taleefan ayaan ka helay xafiiska xoghayaha guud ee UN-ta , waxey inoo sheegeen iney garab inagu siinayaan shirkan ,AU waxey iyana inoo caddeeyeen iney la socon doonaan dhammeynta khilaafaadka Soomaalida ilaaxal laga gaaro , Jaamicadda Carabta iyana waxey sheegeen iney shirka gacan siinayaan , shaleyto ( Arbaco ) , waxaan taleefan aan ka helay Madaxtooyada dalka kiinya iyo Hoggaanka xisbiga dalka ka taliya ee NARC , waxey yiraahdeen salaan diiran naga gaarsii ergeda Soomaalida waxaana u rajeyneynaa guul .

Adduunka wuu nala jiraa , haddeynu nahay waddamada IGAD ee safka hore waxeynu ku kulanay Adis Ababa , su’aalo badan ayaa halaa la igu wey diiyey , waana shirkii ugu horryey aan ka qeyb galo intii mas’uuliyaddan la ii magacaabay , 1da maarso mar kale ayey kulmayaan , waxaana haadda inaga xiga 2bo toddobaad , sidaa soo kale bil kastaa wey kulmayaan ilaa uu shirka ka dhammaado . Tallaabo wanaagsan ayey ku tilmaameen halka uu shirka marayo , waxeyna soo dhoweeyeen xabbad joojintii la saxiixay bishii Oktoobar ee kal hore, waxey ka xumaadeen in meelo Soomaaliya ka mid ah uu ka dhacay gacan ka hadal .waxeynu soo jeedineynaain la sameeyo guddi ilaaliya xabbad joojinta

Oo ay ka mid yihiin : AU , EU , UN , Arab Leage , waayo shirka wax macno mayeelanayo haddaan la dhowrin xabad joojinta , kuwa dagaallada sii wada qaanuun qabta ayaan soo saari doonaa .

Waxaan ka codsaneynaa madaxda siyaasadda Soomaaliya iney dhowraan dhammaan baaqyada la saxiixay , haddey diidaan waxey dhibaato u geysanayaan dumarka & caruurta Soomaaliyeed , aynu wada hadalno taa ayaan wax ina tareysa .

Waxaan ka codsanayaadhammaan 6dii guudi ee Farsamada iney shaqooyinkooda sii wadaan markeynu guurno oo ay dhowraan xilliyada shaqada , waan abaal marin doonaa markey shaqadooda dhammeystaan , aadioy aad ayaan isugu mashquulineynaa xal uhelidda mushkilada Soomaaliya ilaa ay inooga suuro gasho inaan caano ka soo cabno Soomaaliya oo nabad ah .

Haddeynu nahay kuwo Soomaaliya deris la ah nabad la’aanta & dowlad la’aanta Soomaaliya ka jirto , waxaan darensanahay iney jiraan waxyaalo yaryar oo aan dadka wada raalli gelineyn sidaa aawadeed yeynaan Shirka carqaladeyn , aynu si wada jir uga shaqeyno dib u heshiisiinta .

Waxeynu diyaar u nahay aniga iyo saxiibadey inaan idin la shaqeyno , waxaan ahay qof nafley oo bani’aadam ah ha i dhibina oo khilaafkiinna xallintiisa ayeysan ka dhigin mid anigoo waayeel ah ii dhameysa oo cimri dedejisa , oo markaa la idin soo magacaabo ergey kale oo arrimihiinna xalliya .

Goor dhow waxaan guda geleynaa inaad koox koox isu argtaataan , si khilaafk dhexdiina loo xalliyo , runtii waxaa muhiim ah mustaqbalka .Taariikhda la soo dhaafay waa muhiim , laakiin ayesan noqonin mid keenta far isku fiiqidiyo aargoosi .

Haddeynu nahay kuwo Soomaaliya deris la ah nabad la’aanta & dowlad la’aanta Soomaaliya ka jirto , waxaan darensanahay iney jiraan waxyaalo yaryar oo aan dadka wada raalli gelineyn sidaa aawadeed yeynaan Shirka carqaladeyn , aynu si wada jir uga shaqeyno dib u heshiisiinta .

Waxaan idin sheegayaa sheeko gaaban Habeenkii hadii aad gaari wadato iftiin nalka gaariga wuxuu kaa caawinayaa inaad wax aragto , hadduuse kaa horyimaado gaari nalkiisu fuul yahay indhool ayuu kaa dhigayaa , oo waxaa dhici karta haddii aadan ka istaagin inad shil gasho , markaasoo kale waxaa kuu hbboon inaad is taagto ilaa uu kaa gudbo , hadduuse nalka kaa gaabiyo waxey dhaceysa inaad badbaaddo .

Sida nalkaasi oo kale haddii wixii la soo dhaafay aad xoogga saartaanwaxey taasi keeneysaa in mustaqbalkii aad tiigsaneyseen aad illowdaan , ma doonayo inaadn illowno wixii hore ee nagu dhacay , laakiin wax yar ayaan ka soo qaadaneynaasi aynaan mustaqbalka u illoobin . Inta aynu shirka ku jirno waxeynu adeegsanynaa taariikhdeenna & dhaqankeenna si aan xal u gaarno .

Sabtida markaan guureyno ha u arkina wax dhibaato ah qol ku yaal dalka keenya ayaa waxaad uga wareegeysaa qol kale oo isla Kiinya ku yaal , waxaad guureysaa aydoo nala ku leeyahay deyn dhan 285, 000,000 Ksh oo isagu jirta deymaha hotteellada , gaadiidka iwm . aduunka waa idin jecel yahay 4 bil ayaa in ka badan 600 ergo la masruufayey , tirada macno ma sameyneyso shirkii dib u heshiisiinta Suudaan waxaa ka soo qeyb galay 20 ergo , Musanbiig 25 qof guul ayaana la gaaray muhimaduu waamirha ee ma aha tirada.

Assiyaasa News paper

qormadii hore ee Assiyaasa News paper

Mudugonline.com


Waraysi AllPuntland la yeelatay Wasiir Xigaha Warfaafinta Puntland

Boosaaso , Feb 13, 2003 (AllPuntland)- Khadka telefoonka Boosaaso waxaa AllPuntland kula yeelatay waraysi ku saabsan dadaalka nabada Puntland wasiir xifgaha Warfaafinta Puntland cabdishakuur Mire Aaden, waraysigaas oo uu qaaday Tifaftiraha AllPuntland, ka dhagayso waraysiga halkan ama isagoo aan qaar ka mid qoraal kusoo koobnay akhri:

Waxaan waydiinay guud ahaan sidda ay tahay xaalada nabadgalyada Puntland, wuxuuna ku Jawaabay Cabdishakuur " Guud ahaan xalada nabadgalyada Puntland waa caadi, Puntland waxay gashay jawi rayn rayni ka muuqato, dadka reer Puntland-na u saanqaadeen xagga nabada iyo in wadahadalka iyo nabad soocelintu ay tahay mid aan la dhaafi karin, run ahaantii baaqii uu soosaaray madaxweynaha DG Puntland, waxa uu bilaabay in lawada hadlo, wadahadalkaasi oo ay tahay siddii danta guud iyo dadka walaalaha ahi ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen, loona dhamayn laha khilafka siyaasadeed ee jirah iyadoo la wada hadlayo.

AllPuntland: Waxaad ku sheegtay khudbadii ciida garoonka ciyaaraha Boosaaso aad ka jeedisay inaad la hadasheen raga hubaysan ee idinka soo horjeeda, yay yihiin kuwaad la hadashay?

Cabdishakuur: Run ahaantii waxaan la hadalnay ragga walaalahayga ah ee ku sugan Ceel-Afweyn kuwaas oo ah garab hubaysan oo iyagu in mudo ah ka baxay deegaamada Puntland joogana deegaanka ka tirsan degmada Ceel-Afweyn, waxaa ka mid ah Jen. Cadde Muuse, Col. Cabdi Yasiin iyo Maxamuud Shido, dhamanatood wan wada hadalnay waxaana kawada hadalnay inay lama huraan tahay in nabada laga wada shaqeeyo isla markaana miiska la soo wada fariisto oo waxa la isu qabo lawada sheego iyadoo lawada fadhiyo, iyadoo ay furan tahay wadada wadahadalku.

AllPuntland: Wadahadal noocee ah ayaa idin dhexmaray ma mid shaqsiyuu ahaa mise mid dawli ah oo afka dawlada aad ku hadlayseen, yaase la hadlay?

Cabdishakuur: Dabcan afka dawladaanu ku hadlaynay, waxaana wadahadalka xudun u ahaa xil hayaha dawlada ee mandiqada gobolka Bari ahna wasiirka Ganacsiga Faarax Maxamuud Yusuf (Dooxo-Joog) iyo xubno kaloo golaha xukuumada ka tirsan oo wasiir ku xigeeno ah, marka wadahadalkaasi wuxuu ahaa mid dhamaantayo si furan aan ugu wada hadlaynay khadka teleefoonka, iyadoo kaftan iyo wada hadal uu aahaa.

AllPuntland: Markaa maxaa natiijo ah oo kasoo baxay wadahadalkaas?

Cabdishakuur: In lawada hadlo oo miiska wadahadalka lawada yimaado.

AllPuntland: Ragaas aad hadda sheegaty waa ragii dagaalka idinla galay, haddana Ceel afweyn waxay u joogaan baa la lee yahay ciidan uruursi, markaa siddee buu wadahadalku ku imaanayaa?

Cabdishakuur: Wadahadalku waa lama huraan dadku waa dad wada dhashay, in lawada hadlana meesha kama marna.

AllPuntland: Ma ragaas hubaysan kaliyaad la xiriirteen mise rag kaloo siyaasiyiin ah baa jira oo aad la xiriirteen?

Cabdishakuur: Way jiraan rag siyaasiyiin ah oo aan la xiriirnay iyo rag aan siyaasiyiin ahayn ee door weyn ku leh, ragaasoo wadanka dibadiisa jooga, ragaan la xiriirnay waxaa ka mid ah oo wadahadalku noo bilowdeen Yusuf Abshir cadami oo ku sugan Yaman, Axmed Guure Aaden oo isagu jooga magaalda Dhahar oo isagu nin siyaasiya oo mucaarad ah ahaa iyo rag kaloo farabadan, rag kaloo iyaguna wadamada Maraykanka, Imaraadka Carabta iyo Australia jooga, xiligaana waxaa muuqata inaan jiho u wada jeedno haddaan nahay dhamaan reer Puntland, lama oran karo mucaarad ma jiro hase ahaatee dadka inta badan waxay wada qaateen in nabad lawada gaaro, waxaan u aragnaa marka dagaal ka dhaco Puntland badownimo iyo liidnimo, marka dhamaantayo waxaan u heelanahay inaanu nabada kawada shaqayno, dadku fikirka waa ku kala duwanaan karaan.

AllPuntland: Ma jiraan wax tilaabooyin ah oo nabadaas ada raadinaysaan aad ku muujiseen oo aad horay u qaadeen?

Cabdishakuur: Haah, waxaa ka mid ah waxaa la sii daayay maxaabiistii dagaalka, garoowe iminka waa la sii daayay, kuwa ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Boosaasana ILLAAHAY hadduu raali ka noqdo sababo farsamo awgood maalinta Sabtida ah ayaa la siidaynayaa, taasina waxay ka mid tahay niyad samida aanu dhankayaga ka muujinayno iyo sidda aanu mar walba u rabno in lawada hadlo, khilafka Puntland-na nabad lagusoo afjaro.

AllPuntland: Siiddaynta maxaabiista kuwa dhaawaca ah maahee kuwa kale waxaad ku xirteen shuruud, markaa ma shuruudii baa lagu siidaynaynaa?

Cabdishakuur: Dabcan wax walba waa in la hubsadaa, tilaabo kasta oo la qaadayo waxaa barbar yaal in wax la hubsadaa, dagaal baa lagu soo qabtay maxaabiistaan, dabcan qofaan damiin lahayn waa qofaan ujeedaba dagaalka marjkii hore u galin, tani waxay noqonaysaa in damaanad la helo si uusan mar kale muxbuuskani ugu noqoin wixii mar kii hore lagu soo qabtay.

Waraysiga oo wali socda qaybaha kale ka dhagayso halkaan

Cabdishakuur Mar aan waydiinay sidda looga dareemay baaqii nabada ee Cabdullaahi Yusuf maagaalooyinka puntland wuxuu noo sheegay in si weyn looga soo dhaweeyay, wuxuu noo sheegay inay manta ka qaybgaleen xubno golaha xukuumad ee ku sugan Boosaaso shir lagu qabtay xarunta madaxtooyada oo duqayda beesha Maxamaed Harti (dashiishle) ay kula kulmeen wuxuuna sheegay in odayaasha beeshaasi ay cadeeyeen sidda ay diyaarka ugu yihiin inay hormuud ka noqdaan nabadaynta Puntland.

Halkan ka dhagayso waraysiga oo dhan

AllPuntland



Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001