Soomaalida
ku nool Denmark ayaa waxaa laga Yaraynayaa Lacagaha ay Qaataan
Sababo la Xiriira Carruurtooda.
Ottawa,
1 Feb 2003 (MOL) -Dalka Denmark oo damacsan in lacagta gargaarka
ama Cayrta (Welfare) laga jaro walidiinta caruutooda dib ugu
celiya Somaliya si ay dhaqan celin ugu sameeyaan caruurtooda
oo u muuqata kuwa aad ula qabsaday dhaqamada reer galbeedka,
sidaasi waxaa ku dhawaaqay Wasiirka Isdhexgalka (Integration
Minister), Wasiirka ayaa sidaas u sheegay Wargays Maalinle
ah oo la yiraahdo Jyllands-Posten, wuxuuna yiri
arrintaani waxay ka danbaysay ka dib markii aan helnay warbixin
sheegaysa in walidiin badani wiilashooda iyo gabdhahooda Somaliya
dib ugu celiyaan sababo akhlaaqda la xiriira, waxayna dareemeen
in caruurtoodu aad u noqonayaan Danish xaga fakarka iyo akhlaaqdaba.
Caruuro
dhowr ah ayaa yimid Safaardaha ay Denmark
ku leedahay dalalka Geeska Africa iyogoo caawimaad doonaya
waxayna sheegeen in Somaliya dib loogu celiyay iyaga oo aan
raali ka ahayn waxayna waydiisteen cawimaad si ay mar labaad
dib ugu noqdaan dalka Denmark.
Mr
Haarder wuxuu wargayska u sheegay inay dabagal ku samaynayaan
sabab kasta oo ay ku joojin karaan safarada caruurta dib loogu
celinayo.
Waxuu
kaloo yiri waa dhibaato aad u wayn in caruurta dib laagu celiyo
Saomliya iyadoo sabatu tahay dhexgalka ay bulshada dhexgalayaan.iyadoo
waalidku ku harayaan wadanka iyagoon innaba aan bulshada dhexgalayn.
Wadanka
Kanada ayaa isna waxaa ka jira sharci dadka la siiyo lacagtaas
gargaarka(welfare) sannad walba la weydiiyo inay soo xaadiriyaan
caruurtooda si loo hubiyo inay wadanka joogaan iyo in kale.
Arintaas oo ka dambaysay ka dib markii dad badan oo Somali
ah ay caruurtoodi Somaliya dib ugu celiyeen walina ay ku qaataan
gargaarka lacagta Dawladu siiso dadka aan shaqayn ama hawl
gabka ah.
Mudugonline.com
Dayax Gacmeedkii Colombiya oo Hawada
sare ku qarxay
Ottawa,
1 Feb 2003 (MOL) -Wararka ka imaanay wadanka Maraykanka ayaa
sheegaya in Dayax Gacmeedkii colombiya uu qarxay isagoo dib
u soo galaya Hawada Sare(Earth's atmosphere). waxaa loo malaynayaa
7-dii qof ee la socday inay dhinteen walise si cad looma xaqiijin.
7-da cirbixiyeen ayaa waxaa ka mid ahaa ninkii ugu horeeyay
oo ka socda Dawlada Israa'iil oo raaca Dayax Gacmeed.
Dawlada
Maraykan ayaa sheegtay in arintaani aysan la xiriirinaynin
argagixiso ee ay ahayd cilad ku timid dayax Gacmeedka markuu
soo galay Hawada sare ee aduunka ka dibna uu ka go'ay isgaarsiintii
looga hagayay Xurunta Dayax Gacmeedyada ee Houston. Calanka
Maraykanka xurunta dayax Gacmeedyada Houston ayaa hoos loo
dhigay iyadoo loo baroordiiqayo qasaarahaas lama filaanka
ah ee la soo gudboonaaday. waa markii labaad ee hay'ada Dayaxgacmeedyada
NASA uu ka qarxo Dayax gacmeed dad saaran yihiin, kii ugu
horeeyayna waxuu qarxay sannadkii 1986 waxaana ku dhintay
7 qof.
Mudugonline.com
Wararkii
ugu dambeeyay caawa
Muxuu shirku u xayiran yahay, mase tagayaan Eldoret Cabdiqaasim,
Qanyare iyo Suudi ?
Eldorert, Jan 30,
2003 , (AllPuntland )- Goor aan siddaas u fogayn waxaa war
qabadka mid ka mid ah xog uruuriyayaasha AllPuntland soo gaaray
war laga soo xigtay nin siyaasiya oo jooga Muqdisho, kaasi
oo aan doonayn inaan magaciisa baahino, warkaas ayaa sheegayay
in Cabdiqaasim Salaad Xasan madaxweynaha dawlada Carta uu
tagayo dabayaaqada todobaadkaan magaalada uu ka socdo shirka
Somalidu ee Eldoret, Kenya.
Markaasi
si aan u xaqiijino jiritaanka warkaas ayaa uu tifaftiraha
AllPuntland Yusuf khadka telefoonka Eldoret kula xiriiray
wariye Maxamed-Deeq Cabdulqaadir oo isagu ku sugnaa Eldoret
tan iyo bilowgii shirka Somalida uga socda halkaas, Oktobar
2002.
Maxamed-Deeq
oo aan waydiinay waxa ka jira warkaas waxa uu ku jawabay "Waxaa
jira warar kutiri kuteen ah oo aan la xaqiijin karin oo la
dhex wado Eldoret, kuwaas oo sheegaya inuu Cabdiqaasim imaanayo
Eldoret, waraka imaanshaha Cabdi-Qaasim ayaa dhanka Xamar
ka imaanaya, mana ahan war ilaa hadda si xaqiiq ah loo sheegay,
laakiin Xasan Abshir Farax Ra'iisal wasaaraha maamulka Cabdiqaasim
ayaa sheegay in ay wada hadleen Cabdiqaasim, ayna kawada hadleen
islana dhameeyeen wixii khilaaf dhex dooda ku jiray, ayna
isla garteen inay hawsha sii wadaan (Xasan Abshir iyo Cabdalle
Deeroow)".
Maxamed
Deeq ayaa noo sheegay in shirka Somalidu hadda uu u taagan
yahay is qabsi u dhexeeya hogaamiyayaasha siyaasadda oo dhinac
ah iyo kooxaha loogu yeero ururada bulshada Rayidka ah, is
qabsigooda ayaa waxaa ugu wayn cidda hogaaminaysa shirka,
kooxaha la baxay ururada riyidka ayaa qaba in shirka ay hogaamiyaan
dawladaha ajnabiga ah ee dhexdhexadainta wadda, halka maxada
siyaasadu ka qabto in kaalinta caalamku ay ahaato taageero
iyo talo, go'aaminta shirkana loo daayo Soomaalida.
Dhinaca
kale warar AllPuntland siyaabo kale uga heshay ilo ku dhaw
dhaw Ciise Waheliye oo ah kusimaha shirka Eldoret ee Maxamed
Qanyare Afrax ayaa sheegaya in Maxamed Qanyare uu maalmaha
soosocda kusoo noqon doono Eldoret, isagoo ka imaanaya Muqdisho
oo uu waxayaabihii uu u tagay ay ugu waynayd heshiis kooxaha
Muqdisho ee Eldoret ku gaareen wax ka fulintiisa..
Muuse
Suudi Yalaxoow ayaa laf ahaan tiisa la hadal ahayaa inuu kusoo
laabto Eldoret, warka Muuse ayaa sheegaya inuu halkaas ugu
soo noqonayo markii ay caqabadi ka hortimid qorshihii uu uga
tagay Eldoret ee ahaa in maamul laga sameeyo Muqdisho, lana
furo garoonka diyaaradaha iyo dakada Muqdisho, ka gadaal markii
qorshihii heshiiskaas laga hor yimid, dad badan oo deeganka
Muqdisho ah ayaa qaba in talada Muqdisho ka timaado dadka
deegaanka, waa sidda warku u dhigayee.
Warkaan
ayaa tilmaamaya in ay sii diciifayo rajadii laga qabay in
dib loo furo garoonka iyo dakada Muqdisho oo tijaabada koowaad
u ahaa hirgalida heshiis kooxaha Muqdisho qaarkood ku gareen
Eldoret, ka gadaal markay saluugeen kaalintooda shirka Eldoret.
Wariye
jooga Muqdisho ayaa qaba in kooxaha heshiiska gaaray ay deg
deg u saxiixeen waraaqaha heshiisku ku qornaa, laakiin sidda
runta ah deg degii heshiiska lagu saxiixay natiijadiisii uma
noqon mid deg deg ku timaada siddii shacabka Muqdisho filayeen,
ayuu wariyuhu warkiisa sii raaciyay.
AllPuntland.com
Akhlaaqdii
Dhallaanka Soomaalida oo sii Xumaanaysa
Gaalkacyo
- Sida diinteenu inoo sheegtay umadiba umad intay uga dhawdahay
akhlaaqda, asluubta, iyo anshaxa wanaagsan ayay uga dhawdahay
horumarka, ilbaxnimada iyo xadaarada cilmiga aduunka. Sanadihii
burburka dalka waxaa waaridiin badani iska hilmaameen waajibaadkii
ka raasaa waxbarida iyo barbaarinta dhalaankooda, kadib markii
dariiq walba oo kamida magaalooyinka dalka laga furay goobbo
lagu daawado filimada oo looyaqaan fiidyow, kuwaas oo runtii
ku banaan in loogu yeero goobbaha dhaqan halaabinta dhalaanka
Soomaaliyeed.
Waxaana
lagu soo bandhigaa nooc walba oo kamid ah filimada, iyadoo
waliba ay ka mid yihiin kuwa anshax xumada ah ee aan u fiicnayn
amaba ku haboonayn daawashada caruur muslim ah. Waxaa arintani
timid kadib markii ay meesha ka baxday wasaaradii Filimada
Soomaaliyeed oo faafreeb iyo jasuurayn ku samayn jirtay filimada
loo ogol yahay daawashada dadwaynaha.
Wadamada
reer galbeedka oo iyagu xataa aan haysan diinta islaamka ayaa
sanadihii sideetanaadkii soo saaray qoraal looga mamnuucayo
goobaha lagu dhigo filimada in lagu daawado filimada anshax
xumada ah, iyadoo qoraalku amray in cidii danaynaysa ku daawato
gurigooda u goonida ah. Waxaa wax caadi ah noqotay inaad aragto
caruur Soomaaliyeed oo xiligoodii waxbarashada gaar ahaana
galinka hore ee maalinta ku xeraysan mid kamid ah xeryaha
dhaqan halaabinta oo dhagaha iyo indhaha u raaricinaya sawaxanka
iyo sawirka murugada leh ee filimka.
Marka
meel layska dhigo waxbarashada ka dhumaysa, anshax xumada
ay baranayaan, iyo dhaqanka meesha looga dhacayo, waxaa iyana
mar dhaw lays waydiindoonaa Afkii Soomaaliga kadib markii
dhalintani ku badaleen errayo laga bawsado filimada hindiga
ee lagu badalo luuqad kolay barkeed Afsoomaali yahay. Waxaan
maalin dhawayd la kulmay mid kamid ah dhalinta macaamiisha
la ah goobaha filimada oo saaxiibkiis ku leh, ama ugu yeeraya
erayo uu ka soo min guuriyay filimka. Waxaan ka gartay oo
kaliya xerada daraawiishta, hadee ma qiimihii laga bixin lahaa
ayaa laysu sheegay?, ma iibkiibaa laga daayey?,mise wax kalaa
ka dhacay?.
Shaki
kuma jirro in waqti aan dheerayn loo baahan doono turjummaano
safiraad ka bixiya waxa ay filimada ka barteen. Waxaa la gudboon
waaridiinta caruurta, maamulka dawlada, iyo waxgaradka kale
ee bulshada intaba, in loo istaago wax ka qabashada dhaqanka,
anshaxa, asluubta iyo waxbarasho halawga dhalaankooda,waayo
caruurtu waa madaxdii, macalinkii, ama waaridiintii umada
ee barito.
Mulkiilayaasha
goobaha lagu dhigo filimada waxaan xasuusin lahayn qof walba
taariikhda ayaa xusaysa xumaan iyo samaan wuxuu ku soo kordhiyo
bulshadiisa.
Yamayska.com
C/laahi Yuusuf wixii aan ka wada Hadalnay
Xog-waraysi
aan la yeelanay Siciid Cismaan (Saciid Cayayaan)
GAALKACYO
28 Jan 2003 (Yamayska) - Labadii todobaad ee aan soo
dhaafnay waxaa magaalada Gaalkacyo joogay Siciid Cismaan Islaan
oo wasiir-ku-xigeen ka ah wasaaradda warshadaha Kooxda Carte.
Intii
uu Siciid joogay Gaalkacyo waxaa soo baxay warar kala duwan
oo saxaafadda dalka badan keedu baahisay kaas oo ku saabsan
in Siciid yahay ergay isaga dab-qaadaya C/laahi Yuusuf, Madaxwayanaha
DGPL, iyo C/qaasin Salaad Xasan ee Kooxda Carte.
Hadaba,
si war dheeraada aanu uga helno arrintaas ayaa shalay wargayska
Yamaysku wuxuu xog-waraysi la yeeshay Siciid oo jooga Gaalkacyo.
Siciid Cismaan wuxuu beeniyay inuu wado dhex-dhexaadin u socota
C/laahi Yuusuf iyo c/qaasin, wuxuuna isaga oo arintaas ka
hadlaya uu yiri waa labo nin oo is yaqaan, haddii ay
doonayaan inay xiriiraan toos bay u xiriiri karaan, mana jiro
warkaasi. Siciid wuxuu qiray inay is arkeen isaga iyo
C/laahi Yuusuf.
Mar
Yamaysku wax ka waydiiyay wixii ay ka wada hadleena wuxuu
ku jawaabay waan is aragnay C/laahi Yuusuf wixii aan
ka wada hadalnayna maahayn wax public (shaac) ah. Siyaasad
waa loo baahan yahay, C/laahi Yuusuf-na wuxuu ku jiraa odayaasha
wax la bidayo, mana reebbana inaan ka wada hadalno siyaasad,
ayuu yiri Siciid oo ka jawaabayay in waxyaalihii ay isla soo
qaadeen ay ku jireen arimo siyaasadeed. Puntland iyo
TNG Eldoret ayay ka wada qayb galayaan oo way is horfadhiyaan,
ayuu yiri isaga oo ka jawaabaya in markii uu la kulmayay C/laahi
Yuusuf uu matalayay TNG iyo in kale.
Dawlad
Goboleedka Puntland ayaa bartamihii 2001 soo saartay xeer-sharci
oo mamnuucaya in cid xil mansab (masuuliyad) ka wadata kooxda
Carte aysan imaan karin dalka Puntland. C/shakuur Mire Aadan
oo wasiir xigeen ka ah wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa
war saxaafadeed uu Boosaaso ka soo saaray todobaadkan wuxuu
ku cambaareeeyey joogitaanka dadka Carta xilalka ka wata ee
jooga Puntland.
Haddaba
Saciid muxuu u joogaa Gaalkacyo, yuu matalaa, muxuuse uga
reebbanyahay kuwa kale ee aan imaan karin Puntland? Sharciga
Puntland hadda ma qabto miyaa kuwii shalay dhiiga dadkooda
daadiyay una guntaday inay gumaadaan? Waa suaal u taal
masuuliyiinta Gaalkacyo iyo maamulka Puntland!
Yamayska.com