Wararka Mudugonline

 Sannadguuradii 12aad ee ee kasoo wareegtay xasuuqii ka dhacay Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali

W/Q: Cabdulfataax M. Cabdulle

Feb. 10, 2003

Maanta oo ku beegan 10-ka Febaraayo ee sannadkan 2003, beesha Nuux Maxamuud meel kasta oo ay joogaanba, waxay si murugo iyo tiiraanyo leh u xusayaan sannadguuradii 12aad ee kasoo wareegtay xasuuqii 86 qofood oo dhamaantood ka tirsanaa beesha Nuux Maxamuud. Dadkaas waxaa si gardarro ah loogu gumaaday Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali oo ku yiil degmada Kaaraan ee magaalada Muqdishu taariikhdu markay ahayd Feb. 10, 1991. Maalintaas iyada ah ciidamo hubeysan oo daacad u ah maamulkii Cali Mahdi ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti, ayaa si bani’aaddanimada ka baxsan u xasuuqay dadkaas. Sababta shacabkaas aan waxba galabsan loo xasuuqayna waxay ahayd cadowtannimo qabiil oo xilligaas si gaar ah loola beegsaday guud ahaan beelaha ku abtirsada Daarood.

Shacabkaan la xasuuqay waxay ahaayeen dad kasoo qaxay dagaalladii ka socday magaalada Xamar ee lagu riday dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Waxayna saarnaayeen gaari xamuul ah oo ay ku qaxayeen, kadibna waxaa xoog ku qabsaday maleeshiyo hubeysan iyaga oo maraya tuulo la yiraahdo Mubaarak oo u dhaw degmada Afgooye. Waxaana si qasab ah loogu celiyay magaalada Muqdisho oo ah goobtii ay hore uga soo barakaceen.

Markii Muqdisho lagu celiyay, waxaa loo gacan geliyay ciidamo nacayb gaar ah u qabay oo ay ood-wadaag yihiin beesha Nuux Maxamuud. Isla markiina, guddi si gaar ah loo xulay ayaa ku shiray Hotel Towfiiq, waxayna ansixiyeen in la xasuuqo dhammaantood iyaga oo aan waxba galabsan, danbina lagu soo oogin.

Aroornimadii 10-kii Febaraayo 1991, ayaa xukunkaasi lagu hor fuliyay guddi sare oo loo xilsaaray fulinta gumaadkaas. Dadkaas waxaa lagu laayay qoriga loo yaqaan Baroon, maydkoodiina waxaa lagu aasay hal god!

Wax yar ka dib, marki la fuliyay xasuuqa dadkaas, Cali Mahdi ayaa wareysiyo kala duwan ku sheegay in ilaa 50 qofood oo ka tirsan Jabhaddii USC la dilay kadib marki looga shikiyay in ay abuurayaan amni darro carqalad ku ah USC. Hadalkaas waxaa laga sheegay Idaacadda ku hadasha codka maamulkiisa, wuxuuna ahaa marin-habaabin loola jeeday in lagu baabi’iyo dambiyada dagaal ee la fuliyay. Shacabkan la xasuuqay waxay ahaayeen dad ku abtirsada beesha Nuux Maxamuud waxayna bah-wadaag yihiin qabiilka Majeerteen kamana mid ahayn jabhaddii USC. Sidoo kale ma ahayn dad hubeysan. Dadkan la xasuuqay waxay isugu jireen arday, ganacsato iyo culumaa’udiin, da'dooduna waxay u dhexeysay (8 jir ilaa 65 jir). Cali Mahdi wuxuu wareysigiisa ku sheegay in tirada dadka la laayay ay ahayd ilaa 50 qofood balse tirada runta ah waxay dhamayd lix iyo siddeetan (86) qofood. Bayaanka idaacadda laga sheegay wuxuu muujinayaa ujeeddadiisa oo ahayd in uu daboolo ama qariyo falalka bani’aadannimada ka baxsan ee maamulkiisu ku kacay.

Xasuuqani  wuxuu ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho, waxuuna qayb ka yahay gumaadyo iyo falal argagax leh ee isugu jira: jirdil, kufsi iyo Afduubyo loo geystay beesha Nuux Maxamuud. Falalkaas oo dhammaantood diiwan gashan xilliyadi ay dhaceen iyo goobihii laga fuliyayba waxaa weeye kuwo naxdin leh oo aragagax kugu beeraya.

Xuskan sannadguurada 12-aad ee xasuuqii ka dhacay Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali, oo ah mid aan ka baa’bi doonin xuxuusta dadka Soomaaliyeed ee nabadda jecel, gaar ahaan beesha Nuux Maxamuud, waxuu kamid yahay dhacdooyinka murugada leh ee ka dhacay dalka Soomaaliya 12-kii sano ee ugu dambeeyay. Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed iyo hey'addaha aan dowliga ahayn ee u dooda xuquuqda aadanaha, in ay xil iska saaraan sidii looga hortagi lahaa xad-gudubyada ka dhanka ah bini’aadannimada loona aqoonsado kuwa ka dambeeya dambiilayaal-dagaal. Sidoo kale waxaan u soo jeedineynaa dhammaan Ururada Bulshada oo ay saxaafadda Soomaaliyeed qayb ka tahay in la hor mariyo ololaha wacyi galineed ee ku wajahan nabadda iyo dhowridda xuquuqda aadanaha, si loo abuuro jawi nabadeed oo saamaxaya in dadka Soomaaliyeed ay ku wada noolaadaan si nabad ah oo cadaalad iyo sinaan ku dhisan, loogana digo kuwa geysanaya xadgudubyada ka baxsan Xuquuqda Aadanaha ee dhacaya goor walba.


Warbixintan waxaa diyaariyay:

___________________________
Cabdulfataax M. Cabdulle
Golaha Wada Tashiga ee beesha NM
warbaahinta@yahoo.com


 


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001