MUNAASABADLE ,TIR .40aad
,Kismaayo ,Jimco, 7 dii Febraayo ,2003 , waxaa
soo saara Waamo Information Center- Cali Saciid
Maxed , Tel :254722723344.Email :assiyaasa_newspaper@yahoo.com
Jimco,7/2/03, KISMAAYO
KU
TUMASHADA XUQUUQDA AADANAHA OO HEERKII UGU
XUMAA GAARAY
Magaalada Kismaayo oo ay 3dii sano ee ugu
dambeysay ay ku hoos jirtay gacanta malleeshiyada
Reer Galgaduud oo ka ammar qaadata Dambiilayaasha
Dagaal ee la kala yiraahdo Barre Aadan Shire
( Barre Hiiraale )oo ah reer Caabud Waaq ah
iyo Seraar oo reer Guuro Ceyl ah waxey magaalada
Kimaayo u geysteen dhibaatadii ugu badneyd
kolka loo eego kufsashada faraha badan oo
ay la kulmeen dumarka reer Kismaayo labadii
toddobaad ee la soo dhaafay , Heyadda
Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed waxey ku eedeyneysaa
iney howshaasi ay ka dambeeyaan labada dambiile
dagaal ee shirka Eldoret jooga kuwaasoo ka
soo jeeda guryo tarbiyad laaani ay ka
jirtay xilligii ay caruurta ahaayeen , si
ducfiga heysto ay kabid uga dhigaan ayey dhaqan
xumidaasi uga sameynayaan Halkaa .
REER SOOL & SANAAG
OO CANBAAREYN U SOO JEEDIYEY UN-SOOMAALIYA
.
Annagoo ah xubnaha beelaha Soomaaliyeed ee
deggan gobollada Sool iyo Sanaag uga soo qeyb
galaya Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida
ee Eldoret waxeynu halkan ku canbaareyneynaa
UN / Soomaaliya laanteeda ugu qaabilsan Isku
xirka howlaha Baniaadannimo oo marka
lasoo gaabiyo loo yaqaan SACB, sababtana waxa
weeye qoraal ay faafisay Jannaayo 2003 waxey
ku sheegtay degaannadeena Sool & Sanaag
iney Somaaliland ay ka tirsan yihiin , taasoo
caddeyneysa faragelin iyo isku dir dadka Soomaaliyeed
oo ay daashadeen dagaallada sokeeye 12kii
sano ee la soo dhaafay .
Waxeynu ka xurownay gumeystayaashii reer yurub
26kii Juun 1960kii ilaa iyo maanta waxeynu
nahay ummad xur ah oo madax bannaan annaga
ayaa ka tashanna aayahayaga hadba waxa nala
gudboon oo aynu u aragno maslaxaddayada iney
ku jirto ayaan ku dhaqaaqnaa, keliya waxaa
ina heysta burburkii saameeyey ummadda Soomaaliyeed
meel kasta ay joogto .
Waxeynu goaansannay ineynu innaga &
ehelladayada ku nool gobollada Woqooyi bari
Soomaaliya ineynu wada jir u dhisanno maamulka
Puntland , waxaase jirtay muddadii Soomaaliya
ay burbursaneed taakulada iyo deeqaha UN Soomaaliya
ay ugu talogashay degaannadeenna ay wiilshii
ay dhaleen gumeystayaasha Reer yurub ee masuulka
looga soo dhigay UN-ta laanta ugu qaabilsan
Isku xirka howlaha Baniaadannimo iney
Hargeyso geeyaan , si ay inoogu khasbaan inaan
u hoggaasanno maamulka dowladda iskeed is
magacowday ee Somali land , annagu taasi weynu
diidnay kana goimeyno walaalahayaga
Soomaaliyeed , waxeynu ka codsanay-in haddii
ay diideen iney deeqaha inoo soo marsiiyaan
maamulka Puntland iney si toos ugu dhiibaan
Siyaasiyiinta iyo Isimada Reer Sool iyo Sanaag
iyadana wey diideen , keliya waxaa haray in
nala ku khasbo aqbalidda goosashada .
Soomaalida
waxey ku mahmaahdaa ( Haddaad dhimaneyso dhareerka
waa la iska duwaa ) , wax kasta aan ku waaynee
katana zulimeyno midnimada Soomaaliyeed .waxeynu
u sheegeynaa wiilasha gumeystayashii reer
Yurub ee hadda UN Soomaaliya ka taliya iney
qeyb libaax leh ay ku leeyihiin burburka Soomaaliya
welina ay ku dhaqmayaan sidii aabbayaashooda
fikraddii ( Qeybi oo xukun), tusaale dhacdadii
ugu dambeysay ee labo bil muddo haatan laga
joogo markuu Hoggaamiye kooxeedka Daahir Riyaale
Kaahin uu soo weeraray magaallada Laascaanood
oo uu halkaasi ku laayey dad fara badan oo
rayid ah , waxey taasi tuseysaa qaabka ay
wiilasha gumeystayaasha u dhiirri gelinayaan
iska hor imaadka beelaha deriska ah .
DUQII HORE MAGAALADA
BURCO OO LOO XIRAY CALANKA SOOMAALIYEED OO
AY KA SUREEN BURCO.
Mushkiladda ugu ee ka jirta Soomaaliland waa
ku xadgudubka xuquuqda aadaanaha , dhacdadii
ugu dambeysay waxey tahay xariggii la xiray
duqii magaallada Burco iyo 3 nin oo kale ,
sababta dhab ahaan loo xiray waxa weeye calankii
Soomaaliyeed oo ay ka sureen magaalada Burco
, waxaa la yaab leh sida ay BBC-da laanteeda
Af-Soomaaliga u marin habaabisay ummadda Soomaaliyeed
iyo Mujtamaca Caalamka markii ay ka been sheegtay
xaqiiqda dhabta ah ee loo xiray duqa magaalada
iyo saaxiibadii oo ay ku sheegtay in loo xiray
kulankii ay la yeesheen madaxweynaha Puntland
iyagoo kala hadlay iney dhexdhexaadiyaan fallaagada
Puntland ee hadda ku sugan degaannada Soomaaliland
meel ka tirsan , taa lafteeda haddii ay sameeyeen
wey ku ammaanan yihiin .
Waxey Heyadda Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed
ka codsaneysaa maamulka Soomaaliland inuu
soo daayo Duqii hore magaalada Burco iyo saaxiibadii
shuruud laaan , waxey kaloo heyadda
ka codsaneysaa mujtamaca Caalamka iney deeqaha
iyo taakulada ka jaraan maamulka Soomaali
land ilaa ay u soo celinayaan xurriyaddii
ay ka xayuubiyeen duqii hore ee magaalada
Burco iyo saaxiibadii iyo in BBC-da laanta
Afka Soomaaliga lagu cadaadiyo maamulka
heyadda BBC-da iney cayriso shaqaalaha
ka been sheega dhacdooyinka la xiriira ku
tumashada xuquuqda aadanaha , oo ay shaqaale
ka run sheegayo xaqiiqooyinka jira qorato
, maadaama ay badatay ka been sheegidda dhacdooyinka
Soomaaliya .
CUSMAAN CAATO OO
CARQALAD CUSUB WADA
wuxuu
abaabulay koox dumar iyo dhallinyaro si shirka
khaakhuul ay u geliyaan oo la is maqli waayo
una lunto nidaamkii iyo kala dambeyntii uu
shirku ku socday markii ay ka qey gelayeen
23ka Hoggaamiye ee Siyaasadda oo keliya ,
waxaa kaloo shirka carqalad ku haya ka qeyb
galka Axmed Cumar Jees oo uu Caato dabada
ka wado waxey Jees siyaasiyiinta & Isimada
beelaha Absame ay ku eedeynayaan inuu yahay
xubin Al-Qaacidda ah iyo isagoo lug ku lahaa
dilkii Xaaji C/ Laahi Qorraxey , isaguse wuxuu
ku andacoonayaa arrimo aan caqli gal aheyn
, arintuse sida uu ku andacoonayo wey ka duwan
tahay oo wuxuu waayey kalsoonidii Beelaha
Absame.
Caato
waxey dhakhaatiirta kula taliyeen inuu muddo
10 sano ka nasto siyaasadda iyo ganacsiga
, amarkaasi wuu jebiyey isagoo u heysta iney
tahay khiyaamo ay dad kale ka dambeeyaan ,
si looga faaiideysto inta uu siyaasadda
ka maqan yahay , la arki doonee midda rumowda
digniinta dhakhtar ka iyo khatarta uu uga
imaani karta haddii uu fulin waayo amarrada
dhakhtarka iyo iney socoto waxa isaga uu rabo
inuu helo ayadoo uusan la kulmin wax dhibaato
ah.
WAA CUSUB OO U BARYEY
URURADA BULSHADA RAYIDKA BEEN ABUURKA AH .
Guddoomiyaha cusub ee Shirka Dib u Heshiisiinta
Soomaalida Mudane Kipligaat ayaa kula shiray
Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed magaalada
Eldoret Arbaco 5tii Febraayo 2003 ayadoo ay
goob joog ka ahaayeen labo wakiil oo ka socday
EU- Soomaaliya hadafka kulankuna wuxuu ahaa
in loo kuur galo xaqiiqda ururada bulshada
Soomaaliyeed si loo ogaado waxa dhaliyey khilaafka
. waxaa marka hore hadlay ururada bulshada
been abuurka ah oo ku andacooday waxaa diidan
inaan shirka ka qeyqaadanno Hoggaamiye kooxeedyada
Soomaaliyeed oo iyaga neceb Ururada Bulshada
, waxaa arrintaasi si car leh uga jawaabay
Ururada Bulshada Dhabta ah oo sheegay ineyan
waxba ka jirin sheegashadoodaas ee dhibka
jiraa uu yahay qas iyo walaaq ay wadaan kuwa
eedeynaya siyaasiyiinta oo liiska ka saaray
dad ka tirsan xubnaha Ururada Bulshada dhabta
ah ,iyagoo dane siyaasadeed wata ,necebna
ururada Bulshadadhabta ah sida Suxufiyiinta&
ururada u dooda Xuquuqda aadanaha ,Ururada
bulshada been abuurka ah waxey ka kooban yihiin
dambiilayaal dagaal sida Cali mahdi maxediyo
Xuseen xaaji Bood , Xubno ka tirsan baarlamaanka
kooxda Carto sida : Caasho Xaaji Cilmi&
zakiya , iyo Golaha wasiirada Carta sida :
wasiirka gaanshaandhigga Jeneraal C/wahaab
makaahiil , Kuwo masuul ka ah ururo
siyaasadeed sida Shariif Saalax C/Laahi Caddow
, &
Jeneraal
Jaamac Maxed Qaalib oo guddoomiye iyo
ku xigeenno ka yihiin Ururka Siyaasadeed ee
loo yaqaan : Golaha Heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed
, ururkan wuu u qarsoonaa balse waxaa Assiyaasa
u suura gashay iney caddeyn u hesho taasoo
ah warqad arintaasi la xiriirta oo uu ku saxiixan
yahay Shariif Saalax taa soo Shariifka iyo
saaxiibabadii ay wadajir u qoreen 26kii Septembar
,2002dii iyagoo Muqdisho jooga . Maxed
Abshir Walde oo isaga halkaa ka Hadley wuxuu
sheegay waxaa nimanakan loo diray iney ka
soo taliyaan qaabka loo dhisayo ururada bulshada
ee laguma oran idinku is magacaaba . waxaaisn
meesha ka hadlay Waliid Muuse oo EU-da wakiil
uga ah Shirka Eldoret wuxuu yiri yaa idin
ku yiri siyaasiyiinta sirarkooda carqaladeeya
oo jago ku qabsado soo idin kuma eeynaan oran
ku dhiirri geliya dib u heshiisiinta .
Munade Kipligaat oo dhageystay dhaliilaha
loo soo jeediyey ururada Bulshada Been Abuurka
iyo khilaaka ay dhex dhigeen dumarka iyo dhallinyarada
wuxuu goaamiyey kala diridda ururada
Bulshada Been Abuurka ah , isagoo intaa raaciyey
in Ururuda bulshada Rayidka ee Soomaalida
ay dib isugu laabtaan oo ay soo dhistaan waxey
u dhan yihiin , Soomaalida isaga ayey ku celiyeen
inuu goaan ka gaaro .
MUDANE C/LAAHI CADDOW
OO MUSHARAXNIMADIISA AY SOO FOOD SAARTAY DHIBAATOOYIN
.
Mudane C/ Laahi Caddow oo ka mid ah murrashaxiinta
u tartameysa madaxweynenimada Soomaaliya ,
oo ku guuldarreystay doorashadii shirkii Carta
.Mudane Caddow wuxuu isku dayey inuu wax ka
saxo khaladaadkii uu sabab ahaa guuldarradii
ka raacday shirkii Carta , wuxuu magaalada
Eldoret keenay xubno badan oo ka tirsan ururada
Bulshada rayidka been Abuurka ah wuxuu isaga
qudhiisa ku biiray ururkaasi isaga ,C/Raxmaan
jaamac barre , Cali Mahdi & xuseen Xaaji
Bood oo intooda ka mid ahaa maamulkii dowladdii
keligii taliyihii geeriyooday ama kuwii ka
qeyqaatay mashruucii la magac baxay ciribtirkii
Daaroodka , taa ayaa keentay in lagu magacaabo
Ururada Bulshada Been Abuurka ah , dhibaatooyinka
asi waxaa ka mid ah :
1-
mudane Caddow wuxuu u wakiishay u ololeynta
doorashadiisa 4 dumar oo ay ka mid yihiin
Zahro Ugaas iyo Caasho Xaaji Cilmi muddo dabadeed
waxaa isku dhacay 4tii dumar oo isku qabtay
qaabka loo maamulayo lacagta soo jiidashada
dadka , labo ka mid ah dumarkaasi waxey mudane
Caddow ku eedeeyeen inuu sad bursi iyo eex
qabyaaladeed uu u sameeyey Zahro Ugaas iyo
Caasho xaaji Cilmi waxey iska cazileen howshii
ay ugu xil saarnaayeen .
2-Dhibaatada
kale ee soo foodsaartay waxey tahay beddelaadda
Mudane Mwangala oo laga qaaday jagadii guddoomiyenimadii
shirka ,tani dhabar jab ayey ku noqotay qorshihiisa
doorashada , gabadhii xiriirineysay isaga
iyo Mwangala iyana bannaan cidla ah ayey ku
soo dhacday oo kuma ayan jirin 5ta xubnood
ee dumarka ee loo ogolaaday ka qeyb galka
shirka , iyadoo ergeda shirka hore ugu eedeysay
iney lunsatay $US15,000 doolar oo Mwangale
ugu soo dhiibay iney qado ugu sameyso ergeda
Soomaalida Ciiddii Soonfureed .
3- Ma heysto kalsoonida beesha uu ku abtirsado
oo shirka Eldoret ku yimi 3 jabhadood oo mid
kastaa gaarkeed wax u rabta .
4-
Kala diriddii la kala diray Ururada bulshada
Been Abuurka Arbaco 5tii Febraay oo ku doodayey
iney 130 xubnood ay ku leeyihiin 300 ergo
taasoo hadafka ka dambeeyo uu ahaa haddii
ay intaasi ay helaan inta kale beelaha qaata
ay ballan qaadyo lacageed ay u sheegaan si
Mudane Caddow loo doorto , oo markaa Shariif
Saalax laga dhigo Afhayeenka Baarlamaanka
, Gaandi Raiisal Wasaare, Shirwac wasiirka
arimaha dibadda , Caasho Xaaji Cilmi guddoomiyaha
ururka Haweenka Soomaaliyeed , Xuseen xaaji
Bood wasiirka Arimaha Gudaha , in katoo Caddow
uu Xasan Ashir iyo Gaandi uu mid walba ballan
qaad been ah siiyey oo mid kastaa ku yiraahdo
adiga ayaan kaa dhigayaa Raisal Wasaare
, tani waxey soo af jaran tay markii la kala
ceyriyey Ururada Bulshada been Abuurka ah
.
5-
C/ Raxmaan Jaamac Barre oo la kulmay Caddow
ayaa Caddow wuxuu C/Raxmaan ka codsaday inuu
lacagtiisa ku biiriyo tartanka uu ugu jiro
doorashada madaxweynaha Soomaaliya , C/Raxmaan
wuxuu ku jawaabay haddii aan ku dhiso maxaad
ii ogoshahay ,Caddow wuxuu ku jawaabay waxaan
kaa dhigayaa wasiirka arimaha dibadda , c/Raxmaan
Jaamac Barre oo arintaa la dhacsan ayaa dib
ugu laabay beesha Sade oo ku yiri war Caddow
ila dhisa , waxey ugu jawaabeen aan kula dhisnee
muxuu ku ogol yahay , wuxuu ku jawaabay wasiirka
arimaha dibadda , intey ku qosleen ayaa waxey
ku yiraahdeen lacagta aad isaga ku diseysid
maad adiga ku doonatid madaxweyne, maxaadse
ka heysaa 10 sano ayaad aheyd wasiir arrimo
dibadeed . Mudane Caddow halkaa fashal kale
ayaa ka raacay .
6-
Waxaa soo idil waxaa ka daran isagoo lagu
shabadeeyey inuu xiriir fog la leeyahay ururka
Argagixisada khatarta ah ee Al-Islaax oo mujtamaca
caalamka ay gacanta ku hayaan sawirro uu la
galay iyagoo hareerihiisa ay taagan yihiin
Ibraahim Dasuuqi , Cali Baashi , Daahir Sheekh
Axmed Abuubakar dhowr jeer oo kala duwan ay
isku sawireen hotel Sirikwa iyagoo wada taagan
, iyagaana inta badan bixiya lacagaha ololaha
doorashadiisa . Haddii ay shaqeyneyso dowlad
argagixiso ay hoggaankeeda sare ku jiraan
shirakan lama qabteen oo wuxuu Caalamku taageeri
lahaayeen Tii C/Qaasim oo Carta lagu soo dhisay
oo ay Argagixisada ka buuxeen .
7-
Hadda wuxuu naf bidayaa Ururka dhallinyarada
ee ka soo qeybgalay shirka Eldoret oo iyaga
marka hal qof laga reebo inta kale xubno la
marti geliyey ma aha oo ergeda codeyneeysa
ka ma mid aha ,waayo qabaailkii ay ka
dhasheen ugu ma qorna ergo ahaan ,sidaa aawadeed
waxba uma kordhin karaan oo waa labo qaawan
isma qaaddo .
WARGEYSKA KULMIYE
OO AY SUMCADDIISA BAABADAY
Wargeyska
Kulmiye ma aheyn wargeys shirka Eldoret ka
hor ka jirey Soomaaliya , ee waxaa aasaastay
heyadda NOVIB waxey ugu talo gashay
in ka soo qeybgalayaasha shirka Eldoret uu
ku dhiirigeliyo dib u heshiisiinta , balse
nasiib darro wuxuu wargeysku gacanta u galay
wax magarato aqoon yar , caadifada qabiilkana
ku weyn tahay , oo garab iyo musuqmaasuq lagu
keenay ka dib markii laga ceyriyey aqoonyahannadii
Soomaaliyeed ee billaabay qoraalka wargeyska
, - oo sidii Assiyaasa loogu talo galay in
lacag laaan loogu qeybiyo dadka Soomaaliyeed
ee shirka Eldoret jooga si ay wargeysyadu
u siiyaan ergeda Soomaalida talo wax ku ool
ah oo wax ka tari karta badbaadinta shirka-
Tirsigiisii soo baxay toddobaadkan Axad 26/2/03
dadweynihii Soomaaliyeed ee shirka ka soo
qeyb galay wey diideen iney qaataan oo ay
akhristaan iyagoo ku tilmaamay iney cudur
ka qaadayaan akhrintiisa , wuxuu dhooban yahay
hoteellada ergada Soomaalida ay deggan tahay
qeybta soo dhoweynta sida hotel Sirikwa, Wagon
hotel , Aziz Hotel iwm qeybo ka mid ah ayaa
la geyn jirey Nairobi xaafadda Islii dadweynihii
fadhi ku dirirka iyana wey diideen waxeyna
cillad uga dhigeen caku Kulmiye & buunbuuninta
ururada Bulshada been abuurka ayeynu isku
nacnay .
ASSIYAASA
NEWS PAPERS
4/2/03
Shir
Jaraaid
Hotel Sirikwa ,Eldoret Kenya
Beesha Dir ee shirka
Eldoret oo bayaan wada jir ka soo saaray qaabka
Soomaliland ay uga soo qeyb galeyso
Shirka
dib u heshiisiinta Soomaalida ee Eldoret waxey
Dirta Koonfureed iyo ta waqooyi isku waafaqeen
in Somaliland maamulkeeda ,labada gole iyo
mucaaradkooda in si wada jir ah loo marti
geliyo , waxey kaloo sheegeen iney ka soo
horjeedaan dad bannaanka laga soo ururiyey
ayan wakiil ka noqon Karin Somali land, sidaa
soo kale TNG-da ( kooxda Carta ) iyana wakiil
kama aha Somali land , barnaamijkii nabad
raadinta ee Carta looga soo dhibay wey ku
guuldarreysatay , balse weeraro kala duwan
ayey ku qaadday degaanno badan oo ka tirsan
gobollada Koofureed ee Soomaaliya , haddana
naxash ayey saran tahay oo in la aaso oo qura
ayaa u harsan , 65% dadkii Carta wax ku soo
dhisay waxey ahaayeen xubnaha beesha Dirta
oo wada jirey waa sidey hadalka u dhigeen
,madaxweynaha iyo raiisul wasaarahaba
wax baan ka soo dhisnay , kuwa ku hadlaya
magaca TNG ee maanta oranaya haddii la keeni
waayo Somali land shirka waan ka baxeynaa
maxey u oran waayeen markii laga dhigaayey
madaxweyne ama raiisul wasaare ama raiisul
Baarlamaan maxey u oran waayeen Soomaliland
ayaa maqan jagadaasi ma qaban karno .
Walaalahayaga
Somaliland waxaan u sheegeynaa iney u diyaar
noqdaan wafdi ka socda mujtamaca Caalamka
oo hadafka socodkiisu yahay iney Somali land
ka soo qeyb gasho , maxaa ka dhawaajiyey siyaasiyiinta
- maanta oo shirka Eldoret uu gebogebo yahay
oo keliya waxa harsan uu yahay wejigii 3aad
oo ay hadda u oranayaan waa in Somali
land la keenaa .
Xasan Suudi Xirsi , Maxamed Warsame Cali ,
Xassan Maxed Xassan & Cabdi Daahir
Xassan Sheekh Yuusuf Direed oo shirkani jaraaid
si wada jir u qabtay waxey hoolka shirarka
ee hotel Sirikwa ku qeybiyeen markuu shirka
billaabanayey qoraal ka tarjumaya codkooda
waxaana qoraalkaasi si wada jir u saxiixay
61 qof oo isagu jira siyaasiyiin , isimo ,
odayaal, iyo ka soo qeyb galayaasha shirka
oo dhammaan ku abtirsada beesha Dir , waxey
kaloo halkaasi ka qireen iney jiraan koox
Dirta waqooyi oo shirka Eldoret jooga oo aragtidoodaan
ka soo hor jeeda , waxaan kaloo ku arkay markaan
dibadda u soo baxnay rag ku abtirsada Dirta
koonfureed oo iyaga aan ka soo qeyb gelin
waxna ka saxiixin bayaanka wada jirka ah ,
markaan weydiiyey sababta ay uga soo qeyb
geli waayeen waxey ku jawaabeen annagu nuxurka
iyo macnaha shirka uu xambaarsan yahay weynu
taageesannahay ,balse dad ay xurgufi inaga
dhaxeyso oo halkaa jooga darteed ayaan uga
soo qeyb geli weynay .
Waxay
ka soo qeyb galayaasha shirka Eldoret is weydiinayaan
suaashan haddii ay Somali land sidii
hore looga bartay ay tiraahdo shirkaasi annaga
inama khuseeyo , sidee laga yeelayaa 53kii
ergo ee Dir loogu talo galay qeybtii Dirta
waqooyi ay heli laheyd ? ma loo dhigayaa mustaqbalka
dambe ,oo markii inta kale ay wax dhisato
ayuu markaa caalamku soo khasbayaa ? ma Dirta
koonfureed ayaa la wada siinayaa? Ma Soomaalida
shirka timi ayaa loo qeybinayaa ?
C/Laahi
Axmed caddow oo ka mid ah murrashixiinta madaxweynaha
ee shirka Eldoret isagu wadnaha ayuu farta
ku hayaa haddii ay Somali land shirkan ka
soo qeyb gasho, oo wuxuu aminsan yahay inuu
waaynayo wax weyn uu filanayey .
Qeybo
ka tirsan Argagagixisada Caalamiga oo ku dhuumaaleysanaya
hotel Lincolin
Markuu
soo baxay tirsigii 37aad ee Assiyaasa ee looga
hadlayey argagixisada Al-Islaax ,dabadeed
loo qeybiyey ergada Soomaalida waxaa goobaha
shirka ka cararay hoggaankii sare ee Al-islaax
qaarkood ilaa iyo Muqdisho ma ayan istaagin
,waxaa hadda dhiirraday Ibraahim Dasuuqi oo
isagu ku dhuumaaleysta qolka 10aad ee hotel
Lincolin , ma yimaado hotel sirikwa inta badan
hoteello uu is leeyahay Soomaalida ma timaaddo
ayuu ku ballansadaa qeybo ka xirsan kooxda
Carta , iyo dadka uu doonayo iney u codeeyaan
C/laahi Caddow , si toos iyo si dadbana waa
loogu sheegay iney argagixiso yihiin caalamkuna
uu dabo taagan yahay iskaba dhaaf iney dowlad
Soomaaliyeed jago ka qabtaan ,dalkiinna Itoobiya
ku laabta ayaa lagu yiri iyaguna wax kale
ayaa u muuqda , Soomaalida waxey ku maahmaahdaa
( Mukulaal meyshey macal uga baratay ayey
macluul ugu bakhtidaa ), ma doonayaan iney
qaataan awaamirta Caalamka waayo waxey u barteen
iney dadka Soomaaliyeed sawirtaan dabadeed
dalalka carabta geeyaan si ay deeq ugu helaan
magaca dadkaasi , waxey ku yiraahdaan carabta
dadkaan ayaa soo islaaminay ee deeq ayey u
baahan yihiin ,haddii ay gaajoodaan diinta
wey ka baxayaan
Nin
Soomaali oo Kiristaan oo sheegtay inuu u doodayo
xuquuqda dadka Kiristiyaanka ah
ASSIYAASA,
Eldoret 6/2/03
Nin
Soomaali ah oo ka codsaday madaxa Guddiga
Farsamada IGAD in loo ogolaado iney shirka
Eldoret ka qeyb galaan wuxuu ugu yeeray Mujtamaca
Kiristiyaanka Soomaaliya ee laga tiro badan
yahay , qoraalka ninkaasi nuqul ka mid ah
oo uu ku illoobay ninkii codsigaasi qoray
goobtii uu ku qortay ayaa wargeyska Assiyaasa
uu helay , hase yeeshee inooma suurtoobin
in aan ninkaasi helno si aynu wareysi uga
qaadno waayo warqadda kuma qorna magaca ninkaasi
, taariikhda madaxda IGAD loo geeyey ama la
qoray warqadda .
Dadka Soomaalida shirka Eldoret argagax ayaa
ku dhacay , ninkaasina waa nin is qarinayo
sida muuqata hadda , balse siyaasiyiinta Soomaalida
ee Eldoret jooga waxey aaminsan yihiin in
ninkaasi iyo cidda uu magaceeda sheegtay aysan
jirin balse ay tahay caqabad hor leh oo shirka
lagu burburinayo . Xaqiiqda jirtaa waxey tahay
mujtamac Soomaali Kiristiyaan ah oo aynu og
nahay ma jiraan , balse waxaa jira dad damiir
xumo iyo imaan laaan ay u geyso iney
Kiristiyaan sheegtaan si ay u helaan sandareerto
gelin ku noolow oo Markey helaan fursaddey
raadinayeena ku soo laabta diinta Islaamka
.
Marka
hore waxa is weydiin leh qof muslim ahaa ab
ka ab ma la oran karaa waan kiristiyaan hadduu
yiraahdo kiristiyaan baa ahay ? jawaabta waa
maya waa Murtad ee Kiristiyaan waxaa la oran
karaa qofkii ab ka ab kiristiyaan ahaa. Koobi
ka mid codsigaasi ayaan idin kugu soo lifaaqnay
warbixinta Assiyaasa si aad uga bogataan waxa
ay warqaddaasi xambaarsan tahay .
SOMALI CHRISTIAN COMMUNITY MINORITY
FROM: SOMALIA CHRISTIAN COMMUNITY
TO: KENYAS SPECIAL ENVOY TO SOMALIA
SUBJECT: CHRISTIAN
INCLUSION IN THE SOMALIA NATIONAL RECONCILIATION
CONFERENCE ELDORET
This is to inform you that the above named
is for the peace of the Nationa of Somalia.The
Somalia Christianity Community has faced many
difficulties in their country and as you are
aware it is God who is holding the universal
so if we are not included in the Government
it will be difficulty for the peace which
many are looking for to be found. God is the
prince of peace.
Note that:If we are not included in the parliament,
it will be difficult for us to be in the land
of Somalia and this will force us to leave
the country.
The
Somalia constitution started in 1960 when
we got independence up to now the constitution
states that every Somalia has freedom of religion.
For
a long time Christians have been represented
in the Parliament as M.Ps and ministers e.g.
Antony Mariama, Michael Maariama and others
including myself.
We
are fighting for the right of all the people
even Kenyans because Christians are pillars
of peace.
We
are looking forward to have three members
of Parliament in the Somalia Government one
of them to Dr. Ahmed Abde Ahmed.
Finally
this is what God is saying to the people of
Somalia.
2
Chronicles 7:14
"If
my people, which are called by my name, shall
humble themselves, and pray and seek my face
and leave and turn from their wicked ways
then I will hear from heaven, and will forgive
their sins and will heal their land".
Assiyaasa:
waxey kula talineysaa kuwa Soomaalida ee kiristiyaan
sheeganaya doonayana iney madax noqdaa ha
aadeen dowladda Fetikaanka, halkaa ayey ka
helayaan waxa ay rabaan .
Waxaan idin rajeyneynaa inaad ciid wanaagsan
ciiddaan hadduu Alle idmo , waxeynu la socodsiineynaa
akhristayaasha Assiyaasa news paper in shirka
loo rarayo Nairobi 15/2/03 , hadduu Alle idmo
waa sii wadi doonaa inaan idinla socodsiino
hadba wixii soo kordha
©ASSIYAASA
NEWS PAPERS