XADGUDUB
SHARCI
KU.maamulka
puntland
02/07/003.
OG.dadweenaha
puntland dalka iyo dibadda
Ujeeddo.
anigoo ah abdiasis khalif x.jama waxaan rabaa
inaan ka hadlo waxa abuura dhibaatada ama iska
hor imaadka waana waxa ummad dhisan kala bur buriya
taasna haddii layska ilaalin lagana fogaan waxaana
imaanayasa dhibaato aad u weyn dhibaatadaas oo
ah inuu burburo horomarkii umada sabab too ah
waxaa lagu tuntay sharcigii.
hadaan
usoo dhaadhoco ujeedada hadal kayga. sharcigii
oo xadgudub lagu sameeyay (yaa ku sameeyay ) waxa
ku sameeyay maamulka puntland. (waa maxay sababtu)
sababtu waa sida tan iyadoo cad oo markhaati u
baahneen maamulka puntland wuxuu iska dhagatiray
oo indha ka jeediyay dadka ka imaanaya oo sheegana
madaxda maamulka carta ama qaasin oo jooga puntland
waa in uu maamulka puntland wax ka qabto oo dadkaas
la soo qabto maxkamadna la keeno sharcigana la
mariyo sida ninka lugu magacaabo siciid islaan
oo cabdi qaasin u ah wisiir ku xigeen cartoo aan
ognahay inay ka shaqeso bur burka puntland hadaba
sharcigu maha kanaa ina hebala ama ahow ina boqor
ama wasiir kan ugu yar umada iyo kan ugu wayn
sharcigu waa isku mid waxaa layiri haday hasha
weyn dur duriso maxaad moodaa aarankii waxaan
oga danleeyahay hadii maamulkii sharciga bur burinaayo
maxaa mooda shacabkii umadna markay bur burayso
waxaa lagu yaqaan sharcigaa lagu tuntaa hadii
sharciga la dhooro oo laga dambeeyo lagana boqo
ilaahaybaa laga baqaaye waxaa lagaaraya horomar.
sideebaa looga baqaa sharciga waa sidatan... oo
ah hal qodab muhiimadu qodab kaas oo ah..
1-
waa in sharcigii umadu dhigaday ama ku hishiisay
uu qabto qofka u sareeya iyo kan u hooseeya lana
mariyo siduu sharcigu yahay loona aabe yeelin
kanaa madax ah iyo kanaa ina hebel ah markaasbaa
cadaalad loo dhawaanaya ilaahaybaa cadaalad leh
wax walbana waxay leeyihiin asaas hadaba horomarku
asaas kiisu waa sharciga oo la dhooro hadii la
dhoorin lama gaari karo horomar wax walba oo aduunka
ku nool dad iyo duunyo waxaa kala haga sharciga........
sidaas iyo nabad gelyo walaalayaal
Garyaqaan:
Abdiasis khalif X. Jama
E.mail.abdiasisjama@yahoo.com
Naasaha
Maandeeq Waa Amaano
"Intaan
u qabo iima qabow waraabaha galbeed ka soo roor"
waxaa yiri dhulkeeni hooyo (Dhulki Soomaaliyeed)
oo wiilashiisi ka caajiseen taakulaynta hooyadood
oo waayeel ah indhana aan lahayn darxumo ku raagtay
awgeed, hilmaamayna hooyadood dhib waxaay ka soo
martay iyo dhib wixi laga soo maray jiritaankeeda
go'aansadayna daqara culus oo loo geystay keddib
in ay fogeeyaan hoyadadood kagana soo tagaan meel
cidla ah in ka badan tiro afar iyo toban jeer
oo ay ugu danbeyso Eldorat .
"Dadow ina dadbana maansha dadab laguu xanbaar"
hadalkaana waxaa yiri dhurwaa deris u ahaa cidladi
ugu danbeysay ee la geeyay Maandeeq (dhulki Soomaaliyeed)
oo marki uu doonayay in uu si raaxa leh u feento
hilibkeedi arkay libaax ka mid ah wiilasheedi
uuna ku tirinayay doqon oo leh u gaadi war aniga
hooyadeey ma fogaynin waana la joogaa ee waxaan
ka raacdaysanayay walaalaheey oo aynan jirin wax
deeqo waxna aan lala wadaagi Karin oo gedigoodba
u hanqal taagayo sadki aan ku lahaay Maandeeq
oo caafimad qabto keddib marki reerka ku dhacday
oday la'aan hooyana sidaa ku indhabeeshay .
Nabad ,wanaag,isafgarasho ,wadashaqayn salka ku
hayso kaladanbayn iyo ixtiraam ma hayno haddii
aan nahay Soomaali weyn oo jiritaanki wadankeeni
wuxuu ku jiraa mugdi sidaa darteed Su'aasha waxaay
tahay sidee wadankeeni looga saari karaa mugdiga
looguna gudbi karaa in aan dabada qabsano tareenka
casrigan lagu tartamayo ku kala horaynta, difaacida
iyo dhaqan gelinta xadaarada ay cidwalbo u aragto
in ay ku haboontahay in lagu dhaqmo qarniga 21
annaga oo ku dhegan Diinta Islaamka oo aanan hadda
ugu dhaqmin sidi la rabay badankeena sheegasha
maahine.
Dhurwayga
galbeed iyo tiro kale oo dool ah gedigoodba waxaay
tartan ugu jiraan una hanqal taagayaan hanashada
khayraadka dhulkeena iyaga oo doonayo in ay abuuraan
dowlad kursiga ay ku fadhida yahay mid aan lahayn
dhidiba adag ee u adeegto danahooda ka hor danaha
dadka Soomaaliyeed oo ay magacooda dowlad ku yihiin,waxaa
iyagana culayska wadankeena saaran ka mid ah hogaamiyayaal
ay ka maqan tahay fikirkooda iyaga oo wax ku qeybsado
meel ka mid ah wadankooda,garashada in nicmada
dhulkeena naga badan tahay iyo iyaga oo noqdo
ul iyo diirkeeda in ay ka wacan tahay iyaga oo
hub la isugu dhiibo dana kalana u adeego iyago
oo cabsi ku joogo kana maarmin quwada leh la'aanteey
waxba noqonmaysid.
Soomaaliyeey Guud ahaan, reer Muqdisho gaar ahaan
Cawska jiilaal waa lama huraan sida ay lama huraan
u tahay in aan xal u helno madmadowga ku kala
dhex jiro ummaddeena,turxaan bixinta khilaafka
kala dhaxyaal hogaamiyaal mayal adag oo nooc walbana
ku dhex jiro iyo sidi Maandeeq looga badbaadin
lahaa bohol sireed oo in mudaaba loo qodayay ,haddaba
markaan hoos ugu daadago nuxurka qoraalkan beryahaan
danbe waxaa soo if baxayay Soomalida indheergaradkeeda,
aqoonbyahankeeda iyo odayaal mudda dheer ku soo
jiray siyaasada Soomalida in ay hadal haayaan
in Magaalada Muqdisha tahay meeshi lagu kala tegay
sidaa darteedna ay noqon karto meesha la isugu
imaan karo mar kale haddii caqliga la adeegsado,
caadifo iyo anigaa dhahayna meel la iska dhigo
laguna dhaqmo xadiiski Rasuulkeena(CSWS) oo ahaa
"ma iimaanayo midkiina ilaa uu la jeclaado
walaalkiis wixi naftiisa uu la jecelyahay"
Waxaa
guul ah ,in la dhiirigeliyana mudan hogaamiyayaasha
dadka dega magaalada Muqdisho ee gartay in ay
u dhaqaaqaan mideynta beelaha dega deeganka gobalka
Banaadir iyo agagaarkiisa, waxaa iyadana guul
ah in ay mideyntaas fikirka ka danbeeyo uu salka
ku haayo in uu noqdo bilow iyo jidki loo mari
lahaa mideynta dadweynaha reer Muqdisho gaar ahaan
iyo dadweynaha Soomaaliyeed guud ahaan kana fog
yahay debandaabyo hor leh iyo turaanturooyin loo
dhigo xal u helida arrimaha murugsan ee ummadda
Soomaaliyeed ,waxaa iyadana in farta lagu fiiqa
mudan garashada mideynta dadka dega degaanka gobalka
Banaadir in ay tahay xal loo mari karo nabadaynta
magaalada Muqdisho iyada oo uunan daadan mar kale
dhiiga dad wada dhashay Soomalinimana wadaago.
Waxaan
rajeynaynaa ilaaheey idinkiis in ay akhyaarta
deegaanka Muqdisho ka dhabeeyaan mideyntooda iyo
noqoshada in uu ku dhex jiro libaaxi gartay in
ay lama huraan tahay daryeelka Maandeeq kuna daraan
wanaajinta dhabti loo dhigi lahaa wiilasheedi
iyaga oo kalsooni ugu adeegayo in ay dhabtan noqoto
tii aan cadaalo ka danbeyn raga soo agaasimeyna
hadafkooda yahay badbaadinta Maandeeq oo kaliya
.
Waxaan
iyadana aan ka digaynaa in geedi socodkan wanaaga
lagu sifeeyay u amba qaado dhinac xun oo ay ka
danbeyso siyaasad guracan iyo aragti gaaban oo
aan ka tarjumayn rabitaanka dadka reer Muqdisho
oo ah soo celitaanki nabad ka dilaacdo magaalada
Mudisho, Soomaliweyna u horseedo isafgarasho iyo
cadaalad wax lagu qeybsado.
waxaan iyadana ruux walbo oo soomaaliya kartina
u leh in uu dowr wacan ka qaato soo gabagabeynta
taariikhda madow ee ummaddeena ugu baaqaynaa in
uu ku dhaqaaqo dhiirigelinta odayaasha iyo akhyaarta
gobalka uu ka soo jeedo in ay abaabulaan wada
hadalo lagu dhameeyo khilaafka ka dhex jiro qolo
walbo oo wada deggan si loogu gudbo wada hadalla
guud oo lagu soo dhameynayo murugada waddankeena
ku habsatay iyo in laga maarmo faragelin shisheeyo
oo u adeegayso danahooda danaheena ka hor.
Maandeeq
Madaxeeda iyo qoorteeda dheer waa Woqooyigalbeed,duudka
oo tuurta ku jirtana waa Puntland , lugaheeda
horana tan midig waa Galgaduud iyo Mudugta koofureed
tan bidixna waa Hiiraan ,bogeeda oo naasaha ku
jiraan waa Banaadir ,lugaheeda danbana tan bidix
waa Bay iyo Bakool tan midigna waa Kismaayo iyo
Bu'aale, dibkeedana waa Gedo.Maandeeq xanuunkeeda
wuxuu ka bilowday madaxa wuxuuna ku danbeeyay
dibka waxayna gurantay oo caana beeshay marki
naasaha laga toogtay.maandeeq oo godlato waa naasaha
oo daawa loo helo xabaddana laga bixiyo keddibna
la siiyo xabad asbaro ah si uu madax xanuunka
u daayo lugaha horana makaankoodi ugu noqdaan
si ay u istaagto lugaha danbana culayska uga kaco
si ay afarta lug dhulka ula haleesho dhurwayga
galbeedna uga dhaco tuurteeda ka gadaalna dibka
garto in uu dabada ku yaal .
Soomaaliyeey daryeelka mandeeq waa daryeelka nafteena
ee dhinac walbo xagashada ha ka daayo qeybta hoos
taal si loo maalo deeqdiisana noo wada gaarto
.
Abdallah Moallim Mahamud(siyaasi)
Moallem10@hotmail.com