Wararka Mudugonline

Saxaafada wadanka Denmark oo si kulul wax uga qoray waalidiinta Somalida ee dhaqan celinta caruurtooda Somaliya ugu celiya.

Ottawa , 7 Feb 2003 (MOL)- Iyagoo soo xiganaya war uu ku dhawaaqay Wasiirka Isdhexgalka (Integration Minister) ee wadanka Denmark ayaa maanta Wargayska Copenhagen Post waxuu qoray dhibaatada iyo muranka ka aloosmi karta Caruurta waalidiinta Somalidu dib ugu celiyaan Somaliya iyo wadamada Muslimka ah si caruurtaas bay yiraahdeen loo soo dhaqan celiyo. wargayska ayaa sheegay in waalidiinta Somalidu kuwooda ku nool wadamada Yurub ay cinqaabaan caroortooda si ay u dhaqan celiyaan. Wargayska Copenhagen Post ayaa intaas ku sii daray in waalidiinta Somalidu walwal weyn ka qabaan caruurtooda oo yeelata dhaqanka reer galbeedka waana arintaas tan ay u cinqaabayaan caruurtooda ayuu sheegay wargayskaasi.

Wargayska oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ka dib markii arintaan ay dawladu Danmark ogaatay ay ku talo jirto in ay lacagtii gargaarka ka goyso Somali badan si aysan caruurtooda ugu celin Somaliya. Wargaysku waxuu tusaale u soo qaatay gabar Somali ah oo lagu celiyay Somaliland iyadoo aan raali ka ahayn ka dibna la kulantay nolal adag iyo rafaad badan. gabadhaas ayaa ku baryoontantay ayay yiraahdeen "fadlan gudniinka hayga badbaadinina oo kaas mar horey igu sameeyaan balse iga caawiya sidaan Denmark ugu noqon lahaa" Wargaysku waxuu sheegay inay jiraan caruur badan oo laga kaxeeyay Denmark iyo wadamada Yurub dhamaantood oo lagu hayo Somaliya.

Ole olehaan ay wadaan Saxaafada Denmark ayaa Somalidu u arkaan in ay horseedaan in caruurta Somalidu faraha ka baxdo oo ay lumiyaan aqlaaqda Islamka iyo edabta bini'aadanimo. waxaa muuqata inaan saxaafada iyo qaasatan wargayskaan copenhagen Post aysan waxba ka qorin caruurta Somalida ee faraha ka baxay oo hadda qaarkood gadaan ama cunaan muqaadaraadka aduunka laga mamnuucay. marnaba isma ay weydiin maxaa waalidiintaan ku qasbay inay caruurtooda Somaliya ku celiyaan. miyaysanse xor u ahayn in waalidiintaasi caruurtooda ula guuraan meeshii ay u arkaan inay munaasib ku tahay barbaarinta iyo koronta caruurtaas. yaase uga naxariis badan waalidka ilmaha uu dhalay?

Jaaliyada Somalida ee yurub ayaa iyagu u muuqda kuwo horda ama ku mashquulsan hawlo kale oo aan ogaynba ole oleha ba'an ee lagu hayo.

halkaan ka akhri qoraalka wargayska Copenhgen

Mudugonline.com


Cabdullaahi Yusuf oo Soosaray Baaq Nabadeed

Eldoret, Feb 07, 2003 , (AllPuntland )- Baaq nabadeed ku socda dadweynaha Puntland oo uu maanta soo saaray Madaxweynaha Puntland Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa nuqul ka mid warqadii uu ku qornaa wuxuu soo gaaray mid ka mid ah xog uruuriyayaasha AllPuntland ee Eldoret ku sugan, baaqaas oo siddii uu u dhignaa aan uga soo guurinay warqadii uu ku qornaa ayaa u dhigna siddaan:

7 February 2003

Ku: Dhamaan Dadweynaha Puntland

Ujeedo: Baaq nabadeed

Aniga oo ah Madaxweynaha Puntland Cabdullaahi Yusuf Axmed, kuna hadlaya magaca dadweynaha, kan dawlad goboleedka Puntland iyo kaygaba waxaan si xushmad iyo qadarin mudan ugu baaqayaa dadkeena adkaynta midnimadeena iyo nabadgalyada dhexdeena iyo inaan xallino khilafaadka siyaasadeed ee gudaheena.

Walaalayaal, wadahadal iyo isu taanaasul baa xal lagu gaari karaa. Waxaan idinku adkaynayaa inaad xoojisaan nabadda, xasiloonida iyo kala dambaynta dadweynaha Puntland. Waxaan si xushmad leh dhamaantiin idiinka codsanayaa inaad kordhisaan dadaalkina ku dhisan maslaxad doonka, wadahadalka iyo xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee dadkeena dhexdiisa.

Talooyin kasta oo wax ku ool ah, laguna xallinayo khilaafadka siyaasadeed waa soo dhawaynaysaa dawlad goboleedka Puntland. Waxaana ballan qaadaynaa inaan si hagar la'aan ah uga shaqayno raadinta xal siyaasi ah oo lagu dhameeyo khilafaadkeena.

Ugu dambayntii, maadaaba haatan loo fadhiyo shir qaran oo lagu nabadaynayo Soomaaliya oo dhan, laguna dhisayo dawlad dhexe oo federal ah, waxaan ugu baaqayaa walaalaheena wali rumaysan inay colaad ku gaaraan ujeedooyin siyaasadeed inay taas ku bedeshaan nabad, wadahadal, saamixaad iyo wixii ay xaq u leeyihiin oo ka maqan.

Cabdullaahi Yusuf Axmed

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland

Warqadii uu Baaqaani ku qornaa waxaa ka soo guuriyay Qaybta Wararka AllPuntland

 



Cabdishakuur Mire Aaden oo ka hadlay joogitaanka xubin ka tirsan Kooxda Carta iyo Warar La isla Dhexmaro gaalkacyo in ninkaas xabsiga la dhigi doono

Gaalkacyo , Feb 07 2003 (AllPuntland)- Wasiir ku xigeenka war faafinta Puntland C/shakuur Mire Aadan ayaa maanta Saxaafadda ka sheegay asagoo jooga magaalada Boosaaso in ergada ka socota Maamulka C/qaasin Salaad Xasan ee uu hogaaminayo Siciid Cismaan Islaan ay dalka ku joogaan sharci daro.

Cabdishakuur waxaa uu sheegay in maamulka C/qaasim Salaad uu ka qayb qaatay dumintii maamul goboleedka Puntland, sidaas darteedna uusan Puntland Joogi karin qof jago ka hayaa maamulkaas hadii uu joogana ay tahay sharci daro..

C/shakuur ayaa intaasi ku daray in hadii uu Siciid Sii joogo Puntland ay dhici karto in wado furan tay unoqoto dadkii dumiyay Puntland inay dib mar labaadna ay khal khal u abuuraan.

Waa markii labaad ee wasiir ku xigeenku sheego in Siciid Cismaan uusan sharcigu u ogolayn inuu siijoogo Puntland, wuxuuna sheegay inaan wali labadalin qodobkii qeexayay in qofka xil kahaya Maamulka C/qaasin uusan iman karin Puntland.

Waxaana saacadihii ugu danbeeyay la isla dhexmarayay magaalada Gaalkacyo sidda uu soo sheegay wariyaha Allpuntland ee Galkacyo in Siciid Cismaan xabsiga la dhigi doono.

Qaybta Wararka AllPuntland

 

 



Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001