Xisaabiyaha
Idman ee Canada oo ku Eedeeay Dawladdu Inaysan Wax ka Qaban
(Social Insurance Number).
Ottawa
, 6 Feb 2003 (MOL)- Eedayntaani waxay ka danbaysay ka dib
markii la ogaday inay Khasnaddda Dawladda Canada Wasaarada
Shaqada iyo Socdaalka ay ka maqantahay lacag dhan labo malyan
iyo saddex boqol oo kun oo dollar lacag lagu qiyaasay, waxaana
la sheegay lacagtaasi inay qaateen labo nin oo dalashadooda
lagu sheegay Carab inay yihiin, wararka qaar ayaa sheegaya
in laga yaabo inay nimanka lacagta la baxay argagixiso ku
xiranyihiin inkastoo aysan xaqqijin ma'uuliyiinta ka shaqeeya
hayadaha nabagalyada wadanka, mid ka mid ah labada nin ee
lagu eedeeyay arrinta ayaa la sheegay inuu wadanka kabaxay
lana tuhunsunyahay inuu jiro Africa meel ka mid ah.
Waxaa
kaloo dawladda lagu eedeeyay inaysan dadka waydiin documenti
orginal ah markay codsanayaan waraaqaha sharcigaa, ee aqbalaan
kuwa sawirada ah (Photo Copy), dawaladda ayaa taas kaga jaqaabtay
inay hadda wixii ka danbeeya la waydiin dooona dadka inay
la yimaadaan sharcigooda dhabtaa aanna hadda wixii ka danbeeya
laga aqbali doonin kuwa sawirada ah (Photo Copy Document).
Tilaabooyinka
cusub ee ay dawladda Canada sheegtay inay qaadayso ayaa waxaa
ka mid ah in qofkii aan xarayn Canshuurta shaqsigaa mudda
ka badan shan sano in warqadiisa Aqoonsiga Xisaabaadka laga
Xayuubinaydoono (Social Insurance Number), isla markaana dadka
wadanka aan shariciga rasmiga ah ku lahayn loo samayn doona
wakhti go'an oo cusboonaysiistaan waraaqhooda (Social Insurance
Number).
Irrintani
waxay ka danbaysay ka dib markii Waaxda Canshuuraadku ay daboolka
ka qaaday dad lagu qiyaasay Saddex malyan iyo labo boqol oo
kun inaysan xarayn wax canshuur celin ah oo tilmaamaysa inay
dakhli soo galay iyo in kale.
Isbadalkaan
ayaa saamayn wayn ku yeelan doona Somalida ku nool wadanka
Canada oo aan wax badan kala socon qawaaniinta ka dagsan waraaqaha
sharciga iyo kuwa Waaxda Dakhliga (Revenue Canada), intii
September 11, 2002 ka danbaysay ayaa waxaa soo baxay sharciyo
badan oo wax looga badalayo qaab dhaqameedka dowladda, sharciyadaas
oo intooda badani si gooniya u khuseeyaan dadka Muslimka ah
oo ay Somalidu ka midka tahay, sida la ogyahayna Somalidu
waxay ka mid tahay Jaaliyadaha ugu ballaaran ee Muslimkaa
oo ku nool wadanka Canada.
Mudugonline.com
Wafdi
hay'adaha Qaramada Midoobay oo Tagay Garoowe
Garoowe,
Feb 05, 2003 , (AllPuntland )- Wasiirka Iskaashiga Caalamiga
iyo Qorshaynta ee Puntland Xasan Axmed Jaamac (Daafeedoow)
oo ay la socdaan madax sare oo ka socota Hay'adaha Qaramada
Midoobay ee Somaliya ka hawl gala ayaa maanta yimid Garoowe
xarunta Puntland iyagoo ka soo kicitimay Nairobi oo hay'adaha
Qaramada Midoobay ee Somaliya ka hawl gala fadhigoodu yahay.
Wafdiga
Qaramada Midoobay oo ujeedada safarkooda Puntland yahay siddii
loo dardar galinlahaa hawlaha hay'adaha Qaramada Midoobay
ee ka howlgala Puntland ayaa bilaabay kulamo ay la yeelanayaan
madaxda Puntland.
Wafdiga
dhinaca Qaramada Midoobay oo uu horkacayo wakiilka Qaramada
Midoobay ahna xiriiriyaha hay'adaha gargaarka Somaliya Maxwell
Gaylard ayaa waxaa ka mid ahaa inta badan madaxda hay'adaha
caalamiga ah ee Somaliya ka hawlgala.
Waxaa
lagu waddaa inay Puntland joogaan maalmaha soosocda iyagoo
isla maantaba bilaabay kulamo ay la lee yihiin xubnaha maamulka
Puntland.
Qaybta
Wararka AllPuntland
Goonle
Iyo Eng. Kulmiye: War Murtiyeed ku Saabsan Puntland
ELDORET 04 Feb
2003 (Yamayska) - War-murtiyeed ay shalay Eldoret si wada
jir ah uga soo saareen Madaxwayne xigeenkii Jaamac Cali Jaamac,
Axmed Maxamed Goonle, iyo Eng. Maxamed Cabdi Kulimiye oo ahaa
Wasiirkii Xiriirka Caalamiga ah ee Jaamac ayey ku sheegeen
in Maamulka Puntland haatan ka jira uu yahay kan rasmiga ah
ee Puntland ay leedahay.
War-murtiyeedka
waxaa kale oo raggaasi ku sheegeen in xasiloonida iyo midnimada
Puntland ay tahay mid muhiim ah. Maxamed-deeq C/qaadir Axmed
oo ah suxufi jooga Eldoret oo warkaan aanu xalay mar aan taleefoonka
kula hadalnay noo sheegay ayaa intaas ku daray in labadan
nin ay ugu baaqeen saaxiibadooda wali daacadda ah Jaamac Cali
Jaamac inay ilaaliyaan amaanka iyo midnimada Puntland.
Goonle
iyo Kulmiye, labaduba waxay markii hore xilal sare ka hayeen
DGPL balse waxay markii dambe ka mid noqdeen dadkii nasiibka
u yeeshay in Col. Jaamac Cali Jaamac xilalka socon waayay
u dhiibto.
Yamayska.com
Bantu
Refugees Being Prepared for Life in the US
Ottawa
, 6 Feb 2003 (MOL)- The first Somali Bantu refugees will probably
reach the United States this spring after the US agreed to
take them in, according to a report released by the US State
Department on Wednesday.
The
12,000 or so refugees under consideration for admission to
the US have been in refugee camps in Kenya for over 10 years.
Most of them were moved from the Dadaab camp in northeastern
Kenya to Kakuma in the northwest between June and September
last year, Sasha Chanoff, a spokesman for the International
Organization for Migration (IOM) told IRIN on Thursday.
The
refugees have already begun the process that will see them
into the US. "US Immigration and Naturalisation Service
(INS) officers had already started interviewing them from
September up to the end of November last year, said Chanoff,
noting that the officers had since taken a break, but would
resume in March.
"IOM
is conducting ongoing cultural orientation classes and the
medical examinations," he added. The cultural classes
are meant to prepare the refugees for life in the US.
Once
they arrive in the US, "they will be placed in in extended
family groups in up to 50 cities and towns across the US throughout
2003 and 2004", the State Department report said. Each
family would then be assigned to one of 10 voluntary agencies,
which would "assist with basic immediate needs such as
housing, furniture, clothing, food, and referrals to employment".
These
agencies are Church World Service, Episcopal Migration Ministries,
Ethiopian Community Development Council, Hebrew Immigrant
Aid Society, Iowa Bureau of Refugee Programs, Immigration
and Refugee Services of America, International Rescue Committee,
Lutheran Immigration and Refugee Services, United States Conference
of Catholic Bishops, and World Relief Refugee Services.
Most
of the Somali Bantu refugees are the descendants of slaves
taken from Tanzania and northern Mozambique to the southern
Somali coast in the late 19th century.
Irin