Dagaal
Oagayaasha Somalida oo Digniin La Siiyay!
Ottawa
, 4 Feb 2003 (MOL)- Ergayga Gaarka ah ee Kenya u Xilsaartay
Shirka Dhexdhexaadinta Somalida uga socda Magaaladae Eldret
iyo urur Goboleedka IGAD iyo Wasiirada Arrimaha Dibbadda Kenya,
Djabouti iyo Ethopia ayaa ka codsaday Wafdiga ka soo qaybgalay
shirka African Unionka uga socda magaalada Addisababa in cunaqabatayn
lagu soo rago dagaal Oggayaasha Somalida ee ku xudgudba Xabadjoojintii
shirka Edoret lagu saxiixay iyagoo intaasi ku sii daray in
shirka laga cayriyo hogaamiyaasha lagu soo eedeeyo inay xabad
joojinta ku xadgudbeen iyo in socdaalka laga joojiyo, waxay
kaloo beesha Caalamka ka codsadeen in arrintaas garab lagu
siiyo si loo soo afjaro dagaalada iyo dawlada la'aanta ka
jirta somaliya muddo labo iyo toban sano ka badan.
Sanadkii
la soo dhaafay ayaa Eldret waxaa heshiis xabad joojin ah ku
saxiixay kooxda Carta oo ka talisay qayb yar oo xamar ka tirsan,
Maamulka Puntland iyo Kow iyo labaadan Hogaamiye kooxeed oo
kala duwan oo intooda badan aysan cidna matalin qaarkoodna
qabiil lagu keenay heshiiskaas oo markii danbe lagu xadgubay
ka dib markii ay dagaalo ka dheceen meelo badan oo wadanka
ka tirsan.
Shirka Somalida uga socda Eldret waa kii 14 aad tan iyo intii
wadanka laga cayriyay Madaxwaynihii Hore ee Somaliya Mohamed
Siyaad Barre.
Mudugonline.com
Ra'iisal
wasaaraha Ingiriiska oo Sheegay Markhaatiga ay hayaan Inaan
lagu Khaldami Karin
Ottawa
, 4 Feb 2003 (MOL)- Ka dib markii Madaxwayne Bush uu sheegay
inay Iraq aysan haysan muddo bilaah ee ay haysato asbuucyo
kaliya inay hubka ku dhigto ayaa maanta waxaa mar labaad Mr.
Blair wuxuu yiri mar uu la hadlayay Baarlamaanka Ingriiska
waa markhaati cad inaysan Iraq la shaqaynayn Kooxda Hub Baarista
ee Qaramada Midoobay,isagoo isla markaasna ciidamadiisu ku
qulqulayaan Khaliijka, wuxuuna sii raaciyay inuu hadda bilaabmay
wajigii ugu danbeeyay ee wadanka Iraq hubka looga dhigi lahaa,
wuxuu kaloo yiri siddeed asbuuc ayaa laga joogaa tan iyo intii
Saddam Husien la siiyay fursadii ugu danbaysay oo uu hubka
ku dhigi lahaa wadashaqayn la'aantiisuna maaha mid lagu khaldamo.
Washington
iyo London in badan ayay ku celceliyeen in wadashaqyn la'aanta
wadanka Iraq ee Kooxda Qaramada Midoobay ay tahay ku xadgudub
ay Iraq ku xadgubtay heshiiskii ugu danbeeyay ee Golaha Amaanku
ka soo saaray Iraq sidaas darteedna ay haystaan fasax inay
weeraraan si ay hubka uga dhigaan Saddam Hussien.
Madaxwaynaha
Dalka Russian President Vladimir Putin ayaa isaguna Roma ka
sheegay maanta in loo baahanyahay in Kooxda Hub Baarista ee
Qaramada Midoobay la siiyo wakhti dheeraad ah si ay howshooda
u dhamaystaan, laakiin dadka siyaaysadda Maraykan u dhuundaloola
waxay muujijeen inay Bush ka go'antahay inuu weeraro Iraq
marka Xajka laga soo noqdo labo asbuuc ka dib, taasoo u suurta
galinaysa inaan Iraq helin dad Muslinimo ugu hiiliya maadaama
hadda ka hor la waayay wax Carabnimo ugu hiiliya, maalinta
Arbacada ayaa Golaha Amaanka waxaa warbixin ka jeedin doona
, Colin Powell si uu ugu qanciyo inay Iraq haysato hubka sida
aadkaa wax u gumaada tilaabadaas oo ay dad badani u arkeen
inay tahay in aduunka la tuso sida maraykanka ay uga go'antahay
gacan u qaadidda Iraq maadaama Colin Powell oo ah ninka raga
maraykan ka taliya u qunyar socodsan uu golaha amaanka hordhigi
doono sawiro iyo warbixino lagala xishooday in loo dhiibo
Kooxda Hub Baarista ee wadanka Iraq joogta oo in badan codsatay
in markhaatiga iyo cadaymaha ay Maraykanka iyo Ingiriisku
hayaan loo soo gudbiyo si ay ugu fududayso howsha ay Iraq
ka hayaan.
Ninka
u qaabilsan Iraq xiriirka Kooxda Hub Baarista ee Qaramada
Midoobay ee Jooga wadanka Iraq oo magciisa la yirahdo General
Hossam Mohammed Amin ayaa BBCda u sheegay Colin Powell inuu
daboolka ka qaadi doono sawiro la been abuuray oo dayax gacmeed
ah iyo kuwa kale oo meelo laga soo qaaday, wuxuuna ku tilmaamay
dacaayad siyaasadeed oo raqiis ah.
Qorshaha dagaalka ee wadanka Iraq ayaa lagu sheegay inuu isugu
jiri doono cir iyo dhul,waxaana lagu qiyaasay in labada maalmood
oo dagaalka ugu horaysa lagu ridi doono 3,000 kun oo gandaal
oo toban jeer ka badan gantaladii lagu furay dagaalkii 1991
ay ku qaaday xulufada Maraykanku wadanka Iraq, waxaana la
qiyaasayaa in dhowrka maalmood oo ugu horaysa ay rabaan inay
ku burburiyaan goobaha Militriga Iraq iyo maamulka wadanka.
Mudugonline.com
Cabdullaahi
Yusuf iyo Wafdigiisa oo kasoo Nooqday Kimsuumu oo ay Booqdeen
Shalay
Eldoret,
Feb 03, 2003 , (AllPuntland )- Wararka ka imaanaya magaalada
Eldoret ayaa xaqiijinaya inuusan Itoobiya aadin wafdi ka
socda Puntland iyo golaha SRRC midnaba.
Cabdullaahi Yusuf
iyo wafdi la socda ayaa iyagu shalay gaaray magaalada ku
dhaw Eldoret ee lagu magacaabo Kimsuumu oo ku taal galbeedka
Kenya, halkaas oo ay martiqaad qado ah ugu sameeyeen ganacsato
iyo Siyaasiyiin reer Kenya ah, wuxuuna dib ugu soo noqday
hoygiisa Eldoret xalay.
AllPuntland oo
aad isugu dayday inay ogaato xaqiiqda wararka sheegayay
safar Itoobiya uu ku tagayo wafdi uu hogaaminayo Cabdullaahi
Yusuf iyo xubno golaha SRRC ah, ayaa ilo war gal ah kuna
dhaw dhaw ergada Puntland iyo tan SRRC-ba ay u xaqiijiyeen
inuusan Jirin safar ay damacsanaayeenba iyo mid hadda qorshaysan
inay ku tagaan Itoobiya, ma jirto sabab aan u aadno Adis-Ababa
ayuu yiri sargaal aan telefoonka kula hadalnay oo ka mid
ah ergada Puntland ee Eldoret ku sugan, shalay ayaa sooryo
qado ah waxaa noosameeyay Siyasityiin reer Kenya ah oo nagu
casumay magaaladooda Kamsuuma, halkaas baan shalay gaarnay,
markaan soo noqonay ayaana ugu nimid Eldoret warar la been
abuuray oo sheegaya inaan Adis-Ababa aadnayba, warkaasina
waa midaan wax ka jirin ayuu yiri sargaalkaasi.
Wuxuu sargaalkasi
noo sheegay in iyaga iyo golaha SRRC-ba ay isku afgarteen
inayan ka qayb galin wax shir ah oo loogu yeero Somalida
inta natiijo laga gaarayo kan Eldoret loo fadhiyay 3-da
bilood, ma jirto sabab aan hadba dal u tagno anagoo halkaan
(Eldoret) raadinta xalka Somaliya u fadhinay 3 bilood, ninkii
danayna xalka Somaliyana halkaan waa inuu yimaadaa, halkaan
baa Soomaalidii ku shirsan tahayee, uma socono Adis-Ababa
iyo meel kale toona ayuu ku jawabay sargalkaasi, mar aan
waydiinay su'aal ahayd inay Adis-aba cidi ka aadayso.
Dhinaca kale
AllPuntland oo isku dayday inay wax ka ogaato xaqiiqda safarka
Cabdiqaasim ee Adis-Ababa ayaa la hadashay ilo diblamaasiyadeed
oo ku sugan Adis Ababa oo u xaqiijiyay inuu halkaas gaaray
Cabdiqaasim Salaad Xasan hogamiyanaha maamulka Carta, ilahaas
diblaamisayadeed ayaa telefoonka noogu sheegay in Cabdiqaasim
ku tagay Adis-Ababa casuumad shirka Midowga Afrika, mar
aan waydiinay sidda Cabdiqaasim halkaas loogu soo dhaweeyay
ayaa ilahaas diblamaasiyadeed noo xaqiijiyeen inayan jirin
soo dhawayn heer dawladeed ah oo loo sameeyay, waxaana garoonka
kaga hortagay xubno ay ka dhex muuqatay safaarada Liibiya
iyo ergada Jabuuti iyo Masar, waxaa socota qalqaalo maamulka
Cabdiqaasim ay ugu jiraan dawladahaasi inuu shirka kaga
qayb galo magaca Somaliya ayay intaas racaiyeen, Ilahaas
Diblaamaasiyadeed ayaa shaki galiyay in aan la hubi karin
in Cabdiqaasim inkastoo uu yimid Adis-Ababa in si buuxda
loogu ogalandoono inuu uga qaybgalo shirkaas, iyagoo taas
sabab uga dhigaya iyadoo dalalka IGAd iyo Afrikaba ay shirka
Eldoret ka sheegeen inayan jirin dawlad Somaliya cid loo
aqoonsan yahay.
Cabdiqaasim ayaa
ka qaybgalay kulankii kan ka horeeyay ee Midowga Afrika
ee lagu qabtay Koonfur Afrika,
Magaalada Adis-Ababa
ayaa waxaa ku taal xarunta Midowga Afrika oo iyada inta
badan shirarka ururka lagu qabto.
Kulanka Madaxda
Afrika ee Adis-Ababa ka akhri
Halkaan
Qaybta Wararka AllPuntland