Madaxda
African ayaa kulan Gooni ah ku leh magaalo madaxda Eithipia
ee Addisababa.
Ottawa
, 3 Feb 2003 (MOL) Wasiirada Arrimaha Dibadda ee wadamada
Africa ayaa kulan uga furmay magaalada Addisababa ee dalka
Eithopia, kulankaas oo hor u dhac u noqonaya kulan labo maalmood
ah oo la filayo inuu ka dhaco Addisababa ay isgu imaanayaan
Madaxwaynayaasha wadamada Africa, wax yaabaha ay ka wada hadlayaan
waxaa ugu waawayn dagaalda iyo qulquladaha ka taagan meelo
badan oo ka tirsan Qaarada Africa.
Dawlada
Eithopia ayaa aad u adkaysay amaanka kulanka, waana markii
ugu horaysay ee wadanka Eithopia lagu qabto kulanka African
Union tan iyo intii ururka la aasaasay. kulankii kan ka horeeyayna
waxay ku yeesheen dalka South African July 2002.
Madaxdii
ugu horaysay ee shirka timid ayaa waxaa ka mid ahaa Muammar
Gaddafi, madaxwaynaha Libya, Thabo Mbeki madaxwaynaha South
Africa, Robert Mugabe, Madaxwaynaha Zimbabwe, Omar Hassan
Al-Bashir, madaxwaynaha Sudan iyo madax kale oo badan, waxaana
la filayaa in shirka uu furmo barrito oo isniin ah sida ay
sheegeen qabanqaabiyaasha shirka.
Qulquladaha
ku soo kordhay Qaarda Africa tan iyo intii la aasay African
Unity waxaa ka mid ah dagaalo ka qarxay dalka Ivory Coast
tasoo oo sii siyaadisay dagaaladii horay uga socday Qaarada
oo ay ka mid ahaayeen Republic of Congo (DRC) Sudan Somalia
iyo Burundi.
Waxaa
kaloo la rajaynayaa in shirka lagu soo qaadi doono dagaalada
maraykanku damacsanyahay inuu ku qaado Dalka Iraq taasi oo
laga yaabo inay qiimaha shidaalka kor u qaado Africana aysan
ka soo kaban Karin maadaama ay tahay Qaarda Aduunka ugu saboolsan.
Nkosazana Dlamini-Zuma, oo ah Wasiirka arrimaha dibadda ee
dalka South Africa ayaa oo isagu furay shirka Wasiirada wadamada
Africa ee shalay ayaa ka digay in hadii dagaal lagu qaado
Iraq ay keeni karto hoos u dhac ku yimaada dhaqaalaha waxaa
kaloo oo aad shirka uga muuqatay in Golaha Amaanka loodaayo
hubka dhigista wadanka Iraq lagana war dhowro go'aamada ka
soo baxa Golaha Ammaanka sida uu ka caddeyay shirka Madaxwaynaha
Dalka South Africa Mbeki, sidoo kale waxay wasiiradu aad uga
digeen dagaal ka dhaca dalka Iraq inuu sababi karo in deegaanka
Middle East daganaansho laga waayo..Waxay kaloo xuseen khasaaraha
shacabka Iraq ka soo gaaraya dagaalka inuu aad u badanyahay
ayna codsi u dirayaan dalka Maraykanka inuu ka joogsado dagaalka
uu damacsanyahay inuu ku qaado Iraq.
Waxaa
kaloo lagu wadaa inay ka wada halaan madaxda shirka ka soo
qayb galaysa dowrka ay ka ciyaariyaan xallinta dhibaatooyinka
Qaarada haysta iyo inay abuuraaan Xoogag Nabadgalyo oo wadajir
ah, arrintaasna waxaa hadda ka hor lagu diiday Gaddafi oo
horay usoo jeediya in la abuuro Midowga Wadamada Africa, sidoo
kale Gaddaf wuxuu Garoonka shalay kala so dagay dhawr diyaaradood
iyo dhowr baqol oo ilaaladiisaa. Sida ay cadeeyeen qaar ka
tirsan maamulayaasha Airportka.
Wasiirada Arrimaha Dibadu way diideen aaragtida Gaddafi oo
ah in la abuuro Midowga Wadamada Africa oo yeelaynaya Maamul
dhexe iyo Ciidamo Midaysan, laakiin sida ay cadeeyeen danjirayaal
African ahi Gaddafi aad ayuu uga dhex muuqdaa Madasha Shirka
sababtuna waxaa weeye lacagta uu haysto iyo wadankiisa oo
hodan ku ah Shidaalka.
Waxaa kale oo la rajaynayaa in shirka lays kula soo qaado
sidii loo abuuri lahaa nidaam dhaqaalaha kor loogu qaadayo,
waxaana la filayaa shirka inay yimaadaan soddon iyo sagaal
(39) madaxwayne oo African ah, waxaa sida la sheegay aan shiraka
imaanayn Isayas Afewerki oo ah Madaxwaynaha Dalka Eritrea
mana uusan imaan Addisababa tan iyo intii dalkiisu dagaalka
la galay wadandanka Ehtopia sanadkii 1998 oo ay ku dagaalameen
khilaafaad xuduudda la xiriira.
Mudugonline.com
Madax
Soomaaliyeed oo ku Qul qushay Adis-Ababa
Adis-Ababa, Feb
02, 2003 , (AllPuntland )-Wafdiyo Soomaali ah ayaa kusii
qulqulaya caasimada Itoobiya ee Adis-Ababa, halkaas oo uu
ka furmi doono shir madaxda dalalka Midowga Afrika (AU).
Waxaa
la filayay inay Eldoret ka dhoofaan Madaxweynaha Puntland
Cabdullaahi Yusuf iyo Wafdi kale oo ka socda golaha SRRC ,
halka Muqdishana uu kaba dhoofay wafdi uu hogaaminayo Cabdiqaasim
Salaad Xasan madaxweynaha Maamulka Carta lagu soo dhisay.
Warar
AllPuntland ka heshay ilo xog ogaala ayaa sheegaya inay tahay
ujeedada wafdiyada Somalidu ka qaybgalka shirka AU-da uga
furmaya Adis-Ababa casimada Itoobiya, waxayna u muuqataa in
la isku haysto cidda ku fariisanaysa kursiga Somalida ee shirkaas.
Maamulka
Cabdiqaasim ayaa dhawr shir oo caalami ahaa kagaga qayb galay
magaca Somaliya tan iyo markii lagu soo dhisay dalka Jabuuti,
isagoo markaas ka faa'iidaystay kala daadsanaantii kooxaha
kale iyo magacii dawladnimo ee lagu unkay Jabuuti, laakiin
maamulka Cabdiqaasim kama qayb galin shir la mid ah kan Adis-ababa
hadda loo aaday wixii ka dambeeyay shirka dib u heshiisiinta
Somalida ee loo fadhiistay Eldoret, kaasi oo bilowgiisiiba
lagu diiday in heer dawladeed loogu aqoonsado maamulka Cabdiqasim
ka soo qaybgalka shirkaas, taasina ay keentay in Cabdiqaasim
uu isagaga joogo inuu shirkaasi Eldoret tago mar haddaan lagu
casumin inuu shirka kagaga qayb galo isagoo madaxweynaha Somaliya
ah.
Waxaa
Khamiistii Adis-Ababa ka dhacay shir albaabada loo xirtay
oo dhexmaray wasiirada arimaha dibada dalalka Itoobiya, Jabuuti
iyo Kenya oo iyagu gacanta ku hayay arimaha shirka Somalida
ee Eldoret, Kenya ka socday, shirkaas oo ay ka qaybgaleen
wakiiladii dawladahaas uga wakiilka ahaa shirka Somalida ee
Eldoret ayaa la iskula soo qaaday siddii looga miro dhalin
lahaa shirka iyo siddii xal loogu heli lahaa wixii caqabad
shirkaas ka jiray, inkastoo aan warar badan saxaafadu ka helin
kulankaas, waxaana lagu waddaa inay madaxda IGAD ee kalana
kulan fguud arinta ka yeelan doonto marka la isugu yimaado
kulanka AU-da .
Warka
ku sabsan wafdiyada Somalida ayaa xaqiijinaya in casuumada
Cabdiqaasim ka helay shirkaas ay qalqaalo xoogbadan usoo galeen
Liibiya iyo Jabuuti oo iyada maamulkaan soo dhistay, wasiirka
dibada ee Jabuuti oo ku sugnaa dabayaaqadii todobaadkaan Adis-Ababa
ayaa qalqaalo xoogbadan ka galay xarunta AU-da oo iyadu Adis-ababa
ku taal, halka madaxda kale ee Somalida ee Eldoret ku sugnaydna
ay casuumadooda ay ku tagayaan Adis-Ababa qaalqaalada u galeen
dalal ka Suudaan, Ugaanda iyo Itoobiya.
Warka
ayaa tilmaamaya inuu jiro qorshe kale oo arimaha Somaliya
la xiriira oo horyaal shirka AU-da oo qodobada looga hadlayo
ay ka mid yihiin xalinta khilaafaadka Afrika, isla markaana
waxaa la filayaa in qorshahaasi uusan ahayn mid ka hor imaanaya
shirka Eldoret ee uu yahay mid lagu xoojinayo..
Isku
soo duuboo xeel dheerayaasha arimaha Somaliya u dhuun daloola
ayaa aaminsan haddii shirka AU-da ee Adis-Ababa loo ogolaado
mid ka mid dhinacyada Somaliya inay kaga qaybgasho magaca
Somaliya, iyadoo aan natiijo fiican laga gaarin xalinta khilaafka
Somaliya iyo Shirka Eldoret inay tahay taasi caqabad kale
oo lagu hor gudbay xal loo helo arimaha cakiran ee Somaliya,
xili rajo fiican laga qabay shirka Eldoret, caqabadaasi oo
noqnaysa mid kale oo ula kac uga timid dalalka dibada ee arimaha
Somaliya ku lugta leh, mid ka mid xeel dheerayaasha Somalida
oo AllPuntland la hadashay ayaa qaba in mas'uuliyada wixii
caqabad halkaas kaga yimaada shirka Eldoret ay yeelanyso cida
(Dawladii) casuumada ugu horaysa siisay mid ka mid ah kooxaha
Somaliya taladeeda isku haysta.
AllPuntland.com