Jawaab
Warqaddii Been abuurka iyo Faaladii Cabdi waxid
Khaliif
Dulkaad
joogto waan kula dacwiyi doodna waan odhane.
Mudane C/waaxid.Nuxurkii qoraalkaaga waxaad Ishaartay
Saxnimada warqadda iyo
ka darane suurtaglnimada raggaas magacyadooda
lagu been
abuurtay uu ka suurto galo fal caynkkas ahi.
Haddaba si aynu akhristayaasha wax ugu sii iftiimino
aan tilmaanno
qoysaska raggaan la xusay.
Axmed Sulaymaan Cabdalla,
Dhulbahante
Axmed Cabdi Xaabsade, Dulbahante
Saciid Cadduur, Dashiishe
Prof. Cabdirisaaqa Juurile, Dashiishe
Cawad Axmed Cashara,Warsangeli
Yusuf Xaaji Saciid ,Warsangeli
Haddaba iyadoo ay jiri karto in siyaasad ahaan
isku mabda'a la wadagi karo. ayaan hadda waxaan
meesha ool sabab keeni karta in rag ka soo kala
jeeda beealaha kala duwani aysanna jirin waxa
ay iyagu gaar isugu xigaan amaba dhibaato gaar
ahaaneed ama guud ahaaneed ee ka dhaxaysa Majeerteen
in ay ku farxaan is-dil dhexmara amase dhibaato
ku dhacdo curadkii reerka. (Majeerteen).
Saaxiib waxaan aad la soo shir tagteen ee beenabuurka
ah iyo buun- buuninta aad kala dabo tagtay adigu
ayaa ah wax aad looga naxo. sidee baad ku fekerteen
warqad lahjad Bari salkiis nin u dhashay uu qoray
in aad u nisbaysaan nin aad ugua lahjad duwan
.
waxba u dhumi mayaso sharafta odayaashan iyo guud
ahaanba walaalnimada beelahooda ee dabcan idinka
uun baa bannaanka is keenay.
Bal Caqaligaagu dib wax ha umaareeyo oo adigoo
deggan si kale amaba nacayb reer ahaaneed ama
shakhsi ahaneed kugu jirin dib u dheeho warqadda
adiga iyo saaxiibadaa (Puntland post) aad la soo
shir tagteen. sida aad qortay af-jooga looma adeego.
maangaabnimadaada saaxiib ma waxaad sugeysey in
Dafle ama Prof. Juurile adiin soo jawaabo..Dabcan
waxay u arkaan wax aan meelna jirin ee caruuri
abuuratay.
bal eeg haddii la idin weydiiyo qofka aad tiraahdeen
ha la i qariyo buu yidhi/yiri oo Gal uu leeyahay
nin raagga lagu been abuurtay leeyahay buu ka
soo bixiyey warqadda. sheega ninka Warqadda ninka
galkiisa ka soo bixiyey isna ha sheego ninka galka
lahaa
ee warqadda laga soo bixiyey. illeen waa arrin
aad weyn eh. dabeedna arrini halkaa ku caddaato.
Sidaa ma yeeli kartaan? Hubaal maya!!!!
Hadal iyo dhammaantiis CabdiWaaxid adiga iyo saaxiibadaa
dadka maskaxdooda ha u gafina...
Haddii adan dammiin iyo ahayn doqon la soofeeyey
ama aadan diiraddiyo la'ayn daaqaddiyo laabta
dib u fiirso xaajada wax badan baa qalbigu dibaada
kaa yiille.
Maxammed
Saalax (Cawl-mareero)
Puntlandpost
Ma musqulbaa?
Waxa
Jirtay Been abuur laga sameeyay Axmad Saleebaan
Cabdale oo Mudo laga joogo laba iyo toban
Sanadoodba ku jirin Siyaasadda Soomaalida.Lama
yaabin qofka Boosaaso ka soo qoray qoraalkaa balse
waxa iga yaabisay Bogan la yidhaahdoPuntlandpost
oo soo daabacday warqadaa "Rakhiiska"ah
ee loogu talagalay in la isku diro beesha puntland
degan.
Warqada
qofkii qoray ma ahayn qof labadiisa dhagood wax
u dhaxeeyaan waayo waxa uu ku xisaabtami lahaa
................
1.lahjada
nin la yidhaahdo Axmad Saleebaan ku hadlo oo aad
uga fog tan qoraalka ku xusan.
2.Waxa
uu ku xisaabtami lahaa in meesha uu hada ku siman
yahay Axmed Saleebaan in aan laga isticmaalin
"Type" writer ama makiinada qoraalka
loo adeegsaday oo aad moodo wakhtigii Ciise
(Nabi Ciise Ma aha)uu dhashay tii la isticmaali
jiray.
Su'aashaydii
aan u soo noqdee.....Puntlandpost ma Musqulbaa
Maangaab kastaa adeegsado mise waxay ahayd in
ay iska hubiso waxii ay ku soo daabacayso Bogeedan............
Talo
"Reer Saciid"aan siiyo qolada Riyoole
ee reer London ee bogan iska leh.........
Ka
fiirso waxa aad soo qorayso dadka aad la hadlaysaa
ma aha reer miyi aan Internet(Ka)
wax
kala socon.
Hadii
ay tagto tii miyigana xagayaga Riyaha si ba'an
baa loo cunaaye War ninkow Ninkow Ninkow.......
abdinasir
haginur
ahaginur@hotmail.com
Yaa
Danbi Ka Galay Walaalaheen Isaaq??
Waxaan
ku dhashay magaaladii quruxda badnayd ee Muqdisho,
haddana haaraha, burburka, fool-xumada, ammaan-darada
iyo ibtilada ku habsatay cid horay u taqaanay
aanay marnaba qiyaasi karin, inteeda badanna waa
bahala-galeen maanta.
Waalidkay, qaar waxay ka yimaadeen gobolada dhexe,
qaarkoodna waxay kasoo jeedaan gobolada Waqooyi
Galbeed. Walaalahay, ilma adeeraday iyo ilma abtiyaashay
waxay ku kala firirsan yihiin Bosaso, Laas-aanood,
Muqdisho, Hargeysa, Gado iyo kuwa dibadaha firxad
ku tagay oo adduunka daafihiisa igala soo xiriira.
Qowsa reerka aan ka dhashay wuxuu kasoo jeedaa
oo uu galaa qabiilooyinka Somalidu ku abtirsato
intooda badan, qabiil aanan xigaalo ku lahayna
waa yar yahay. Waxaan hubaa in qofwalba oo Somali
ahi uu ila mid yahay oo aan walaalo nahay.
Haddaba,
walaalayaal, yaa danbi ka galay Walaalaheen Isaaq
oo ay ka cabanayaan oo ay leeyihiin dib danbe
ula midoobimayno? Haddaan yare jaleecno dhibaatadii
Siyaad Barre u gaystay ummadda Somaliyeed intii
uu xoogga ku xukumaayey. Dagaalkii ugu horreeyey
wuxuu ku qaaday gobalada dhexe iyo kuwa Waqooyi
Bari, asagoo ceelasha xooluhu uga cabi jireen
sun ugu shubay, wiilkii qaar-gaar ah oo ay qabtaana
in la qisaaso askartiisa amar ku siiyey, walibana
u fasaxay gabdhoohii yar yaraa in la kufsan karo.
Markii ay dhibaatadaasu dhacaysay xaggee Somalidii
kale iyo walaalahay Isaaq ku maqnaayeen?
Siyaad Barre xooggiisu wuxuu ahaa midkii ummadda
Somaliyeed oo uu maalinba mid adeegsan jiray,
markuu burburinaayey gobolada dhexe iyo kuwa Waqooyi
Bari askartiisa waxaa ka mid ahaa oo hogaaminaayey
qaar walaalahay ka mid ah oo kasoo jeeda Waqooyi
Galbeed. Xumaan uma xasuuqayn ee waxaa laga dhaadhiciyey
inay kacaan diid yihiin iyo waxay markaa ugu yeeri
jireen oo ahaa magac aad u fool xun oo ahaa Qurmis,
ayagoo ula jeeday inay Ina Siyaad diidan yihiin
dadkaan ay laynayaan.
Markuu Siyaad ka wabxay dhiiggii walaalihii aan
ku lahaa gobolaa asagoo adeegsaday walaalkaygii
W.Galbeed iyo Somalidii kale ee aan fahan-sanayn
aragtida guracnayd ee Barre adeegsaday, ayuu mar
labaad mindida kula soo jeestay walaalkay Isaaq,
dhibaataduu u gaystana waa la ogaa. Intuu toban
toban isu xiray ayuu xeebta Jesiira ku gowracay
dad aan waxba galabsan, Wuxuu burburshay guryahoodii
dad shicib ah oo danbi lahayn, magac qabiil daraadeed.
Intii ka badbaaday xabaddii xanuunka badnayd ee
Siyaad la beegsadayd walaalahay W.Galbeed waxay
firxad ku galeen Itoobiya iyo Muqdisho ayagoo
naftooda la baxsanaaya.
Intaa aabihii Kacaankii habaarnaa kuma ha kane
wuxuu mar sadexaad dabka saaray dadkii daganaa
magalaadaan ku dhashay iyo agagaarkeeda ee Koonfurta
Somaliya, dadkaan oo uu marar badan u adeegsaday
caburinta walaalahooda Somaliyeed ayuu maalintaa
go'aansaday inuu maanta ay maalintoodii ay tahay
oo uu cagta saaro.
Haddii
aan usoo daadago dulucdayda oo ahayd yaa dulmiyey
Isaaq? Waa Maxamed Siyaad Barre iyo Kacaankii
halaagga baday dadkii Somaliyeed, waxaana Siyaad
Barre adeegsaday Somali dhammaanteed, walaalahay
Isaaqna qayb bay ka qaateen u adeegii Ina Barre.
Walaalaheen
Isaaq, markaan weydiiso sababta ay u rabaan inay
calankii quruxda badnaa ee loo soo wada halgamay
inay mid kale ku badashaan, waxay ku orayaan "waa
nala xumeeyey oo nala xasuuqay".
Haddaba, ayaa xumeeyey oo xasuuqay? Miyuusan Daahir
Riyaale Kaahin ka mid ahayn hogaamiyayaashii ugu
dhawaa Ina Siyaad ee sirdoonka u ahaa. Kuwii usoo
tabin jiray wararka iyo sidii loo caburin lahaa
walaalahay Isaaq. Haddii walaalahay Isaaq ay cafiyeen
Riyaale, ogaadeena in Barre adeegsaday Somaliya
oo dhan si uu u noolaado, haddaba walaalaheen
W.Galbeed, maxay u cafin waayeen walaalahayga
kale ee Koonfur ku nool?
Walaalayaal,
aan isweheshano, kuwa Koonfur ku nool iyo Waqooyi
nool waa walaalo, waana is-wada dhaleen, danbiga
Isaaq Ina Barre ka galayna Somali oo dhan buu
ka galay, raggii hogaaminaayey halaagaa oo halbowlayaalka
u ahaana maanta Walaalahay Isaaq bay hogaaminaayaan
oo ay igu beer-laxawsanayaan waa nala guumaaday
ayagoo gumaadkaas hormood ka ahaa!.
U malayn maayo in Somaali kala go'ayso, waayo
ma kala maaranto, dhibaatana ma dhextaalo, kuwa
kala gownaya waa kuwo aan meel dheer wax ka arkayn
oo la mid ah kuwa Afweyne adeegsan jiray, ayagoon
ka fiirsan jirin cawaaqibka kasoo bixidoona ficilada
ay u fulin jireen.
Waxaan nahay hal qows ee yaan nala kala qaybin!
Raage Jama
jamarage@aol.com
USA.