Wasiiro Puntland ah
oo safar ku tagay wadanka Cumaan
Bosaaso, 30 April 2003 (MOL)-Wararka naga soo
garaaya caasimada Dalka Cumaan ee Masqad ayaa sheegaya in caawa
halkaasi ay gareen laba wasiir oo ka socda maaulka puntland.
wasiiradaasi
oo asbuucaan gudahiisa u duulay dalka Imaaratka Carabta
kana kooban wasiirka Maaliyada Cabdiraxman faroole, wasiirka
Hawlaha Guud Axmed Maxamed Cigaal iyo madax kale ayaa socdaalka
wasiiradaas la xiriiray shir la sheegay inuu ku saabsan yahay
naaxinta xoolaha oo ka dhacayay wadanka Imaaraatka Carabta.
Warar kale ayaa sheegaya in safarka Wasiiradaas ku jirtay qalqaalo
soo daabicid lacag been abuur ah sida ay sheegeen dad xog ogaal
u ahaa anba baxooda.
Warku waxuu intaasi ku darayaa in labadasi wasiir ay dalka
Cumaan u tageen Maraakiib asbuucii hore ay shirkada ilaalada
xeebaha puntland dagaal ku dhex maray baddaha Puntland tasoo
loo xiriirinaayo in ay lug ku lahaayeen ama sheer ka ahayeen
Maraakiibtaas labada wasiir.
Mar aan goor dhawayd khadka isgaarsiinta kula xiriiray magaalada
Masqad ayaa waxaa la ii xaqiijiyey in aaney weli cidna wax qaabilaad
ah la samayn Wasiiradaasi.
C/risaaq Sh.aduun
Mudugonline.com
Shir ay qabanqaabinayaan
G8 oo Muqdishu laga abaabulayo
Muqdishu, 30 April 2003 (MOL)- Shir dad badan aaminsan yihiin
in ujeedadiisu tahay burburinta shirka dib u heshiisiinta Somalida
ee ka socda wadanka Kenya ayaa waxaa laga qabanqaabinayaa magaalada
Muqdishu. shirkaan oo isbahaysiga G8 oo uu hogaamiyo Maxamed
Qanyare iyo Cusmaan Caato ku sheegeen inay doonayaan inay maamul
midaysan u sameeyeen magaalada Muqdishu ayay waxay asbuucaan
dar dar cusub galiyeen sidii shirkaas u qabsoomi lahaa. Caqabada
ugu weyn ee illaa hadda hortaagan shirkaan oo qabqanqaabadiisa
lagu jiray mudo ka badan laba bilood ayna iska kaashadeen kooxda
Carta iyo isbahaysiga G8 ayaa la sheegay inay tahay qilaaf u
dhexeeya hogaamiyayaasha Muqdishu dhexdooda oo aysan iyagu waxba
isku ogalayn.
Warar kale ayaa sheegaya in ujeedada shirka markii horeba ahayd
in buuq lagu furo shirka Somalida ee Nayrobi ee aysan hogaamiyaasha
Muqdishu daacad ka ahayn maamul loo sameeyo Muqdishu. waxaa
iyana jirta Dawlada Carta oo iyana raadinaysa sidii ay u heli
lahayd barnaamij cusub oo ay ku kororsadaan xukunka oo xiligii
loo qabtay hadda dhamaad ku dhaw yahay. dhawr hogaamiye oo Muqdishu
ka soo jeeda ayaan warsaxaafadeed ku sheegay asbuucii hore inaan
haatan oo uu socdo shir Somali u dhan tahay inaan loo baahnayn
in mid kale laga dhinac furo.
Mudugonline.com
Roobab khasaare gaystay
oo ka da'ay Sool iyo Hawd
Laascaanood, (AllPuntland)- Roobabkii guga ayaa
ku hooray gobolo ka mid ah maamul goboleedka .Puntland.Goboloada
Sool iyo Hawd ayaa laga soo sheegayaa in halkaasi uu shalay
iyo maantaba ka da’ay roob baaxad wayn oo qaboojiyay magaalooyinka
iyo tuulooyika deegaanada Hawd iyo Sool.
Wararka ka imaanaya gobolada Roobaystay ayaa sheegaya
in roobabkii halkaasi ka da ay ay khasaare balaaran u gaysteen
xoolo badan iyagoo la tagay aqalo ay daganaayeen reer miyigu
daganaayeen . Waxaa jira tuulooyin aan wali roobsan balse uu
roobku hareeraha ka jiro.
Todobaad ka hor abaaro ba an ayaa dad ku dilay
tuulada Yagoori ayadoo dad badan ay ka soo bara keceen goobihii
ay daganaayeen.
AllPuntland
Is Somalia a Model?
By:Alan Bock
April 29, 2003
The conventional wisdom during periods of transition
– or revolution if the term is appropriate, as may well be –
is that the most important priority is to establish order. Disorder,
on this understanding, is pretty close to the natural condition
of man, especially in times of stress and uncertainty. So U.S.
military people – subject to possible problems from "pockets
of resistance," a marvelous military euphemism meaning,
as nearly as I can figure it out, guys with guns who want to
kill you – are to be the establishers and keepers of order,
through force exercised as a de facto, if not necessarily de
jure just yet, central government.
While Gen. Garner would no doubt sincerely prefer to have help
from some kind of Iraqi constabulary in the process, the important
thing is to be prepared and systematic about applying force
to stave off disorder. Everybody knows that without an entity
prepared to use force – preferably one with the cachet of being
designated a state, government or legitimate designee thereof
– you would have anarchy, and anarchy inevitably means chaos,
disorder and a surfeit of suffering. So somebody has to have
power and a willingness to exercise it.
Click
here to read the rest of the article