Websidka Puntlandstate,
waraysigii Jini Boqor sidaan ayuu ahaa ee ma ahayn sida aad
horay u dhigteen.
“Qardho
dagaalku u dan maaha, caruurteeda u dan maaha, Cadde dagaalku
u dan maaha caruurtiisa u dan maaha, aniga dagaalku ii dan maaha,
reer Boosaasood u dan maaha…….”
Waraysi Radio
Midnimo la yeeshay Cabdi C//le Siciid Jinni Boqor.
Waraysigaan waxaa
qaaday Maxamed Siciid Cumar (Kaashawiito)
Waxaanu waraysi la yeelanay Wasiirka dhaqan
celinta, dib-u-dhiska iyo dib-up heshiisiinta Maamulka Dowlad
Goboleedka Puntland Cabdi Cabdulle Siciid JiniBoqor oo ka mid
ahaa wefti uu hogaaminayey Madaxweynaha DGPL oo dhowaan ku soo
laabtay dalka, Arrimaha ay weftigani u yimaadeen ayaa la sheegay
in ay ugu weyn tahay heshiis la filayo in uu dhex maro Maamulka
DGPL iyo Gen. Cadde Muuse, waxaanuna ugu horeyn wax ka
weydiinay imaanshahooda ay Puntland yimaadeen in ay raad ku
leedahay heshiishka laga dhex wada Maamulka iyo Gen. Cadde Muuse
ciidamada uu horkacayo, wasiirka oo arrintaas ka jawaabayana
wuxuu yiri:
J. Arrintaasi
run weeye, wefti baanu aheyn Madaxweynaha Puntland Hogaaminaayo,
anaguna waxaanu aheyn raggii la socday, waxaana u nimid in dibu-heshiisiin
Soomaaliya laga sameeyo, maamulka Puntland, Dowlad Goboleedka
Puntland iyo kooxaha mucaaradka ah ee hadda jira dibadda sidii
la isgu keeni lahaa, taas oo aanu mudnaan siineyno haddii aanu
Maamulka nahay, ama waxgaradka Puntland nahay waayo dantayada
ayaa ku xiran in aan dadka walaalaha ah heshiisiino, waayo Soomaalidu
waxay tiraahdaa waxaa isugu dhow carab iyo laba daan iyana waa
is qaniinaan, in la diriro ceeb ma ah, laakiin in la heshiin
waayo baa ceeba, khasaaraa dhacay, dadbaa dhintay, dalkii oo
awalba tabar yaraa ayaa shaqadiisii carqalad gashay, dadka u
dhan maaha, maslaxad uma aha ummadda reer Puntland dagaalkaasu
dhimashadu ka sokoow, dhaqana uma laha, khasaarooyinka waa ka
soo gaareen.
Caano qubtay hanbadoodaa
la qabtaa, waxay noogu muuqataa oo aanu u nimid in nabad
la gaaro, in colaada la joojiyo, haddii kumanyaal qolo disho
qolada dishay ma guuleysan qolada laga dilayna guul darro keligood
ma gaarin, guul darradu dadkoo dhan bay ku dhacaysaa, kugu dhimay
oo kaa dhimay weeye, in aan carada iyo xiniinyo taabadku inala
tegin oo danteena burburin baanu dadka u sheegeynaa, iyadaanuna
u nimid, Maamulka Puntlandna taasuu diyaar u yahay.
Walaalahayo xayaga
jira oo mucaaradka ahina sida aanu warka ku hayno diyaar bay
u yihiin, waxaana rajeyneynaa wakhti dhow in nabad la gaaro.
S. Waxaa
nagu maqaalo ah in ay jiraan Laba Isin oo waday warqad fariin
ah oo Jen. Cadde Muuse idiin soo dhiibay, maxaa ku qornaa warqadaas?
J. Qolyahaas
aad sheegeyso anigu ma arag, lamina kulmin meel lagaga hadalaayana
anigu ma arag.
S. Haddii
la heshiinayo dabcan waa in ay jiraan wax la isku qanciyo, haddaba
maxaad ku qancinaysaan qolada dhinacaas jirta?
J. Waxaan
ku qancinaynaa dantooda, dantoodaa nabadda ah, dalkoodii, caruurtoodii
iyo naagahoodii ayey la dagaalamayaan, anaguna caruurtayadii
iyo walaalahayo ayaan laynaynaa, labada qolo qolona dan uguma
jirto, waa in nabad la helaa, waa in aynu isu nimaadnaa, waa
in aanu gacmaha is qabsanaa, Cadde iyo raggiisu dalkaan waxbay
ku leeyihiin, anagu kuwa xaga jira wax baanu ku leenahay caruurtayadii
iyo walaalahayo waaye, dad haboon in aanu is layno maaha, dagaalku
meesha kuma jirto, dagaal sokeeye waa la yaqaan faa’iido ma
leh, anagaa ku soo jirnay muddo dhowr iyo labaatan sanno ah,
wixii laga dheefana waa la ogyahay, marka waxaanu ku qancinaynaa
oo isu keenaynaa in labadayada qoloba aqbalno in aan qolana
dagaalku dan u aheyn, waxa meeshaan yaal baanu wada leenahay
waa nagu filan yihiin in aanu wada maamulanaanu rabnaa, welcome
baanu leenahay, digsiga dheriga dhiniciina qabsada dhinacayagaanu
haysanaynaa,
Maamulka Puntland
oo tabarta yar oo cusub in la hirgeliyo Dowlad Gobleedka Puntland
ay shaqeyso, dowlad Federaal ah ay ku xirnaato, tartanka adduunka
wax ka gasho baan rabnaa taasna adduunka wax ka gasho baanu
rabnaa taasna dagaalku u dan maaha baan qabaa, Qardho dagaalku
u dan maaha, caruurteeda u dan maaha, Cadde dagaalku u dan maaha
caruurtiisa u dan maaha, aniga dagaalku ii dan maaha, reer Boosaasood
u dan maaha, ninkii hadda is yiraahda dagaalka ka faa’iideyso
waa wakhti kala jaban ahe arargti gaaban buu noqonayaa,
dagaalka iyo colaadu waa in ay dhamaadaan dhaladii kala jabtay
waa in la isku kabaa.
S. Waxaa
nagu maqaalo ah in qoloda Gen. Cadde Muuse ay soo jeediyeen
in la qabto doorashooyin cusub si hogaan cusub loo doorto, idinku
arrintaas ma aqbalaysaan?
J. Fikrad
khaldan weeye, doorashooyin ha sameeyo, haddaan la sameyn dagaal
baan sameynayaa, doorashooyinku waa iska najaraal, dadka ayaa
wax doorta, dadka ayaa go’aanka leh, dadka ayaa madaxda wax
u dhiibta, wakhti haboon goor ay timaadaba doorasho waa imaaneysaa,
laakiin hadda dagaal joojin mayo haddaan doorashooyin la sameyn
laga hadli mayo, dagaalku inoo dan maaha ee hubka aynu dhigno
oo isu nimaano, oo wax wada qabsano weeye, dadbeedna markaas
waxaa imaanaya side wax u wada qabsanaa, maxaa inaka khaldamay,
wixii khaldamay side u saxnaa, waxaynu haysano side u hagaajinaa,
sidee wax u hagaajinaa,sidee wax u qabsanaa, waxaasoo dhan baa
imaanaya.
Arrintu doorashooyin
waa ka weyn tahay, dadka nabadaa deeqda, dalka nabadaa deeqda,
qolo waliba nabad bay u baahan tahay, anagu nabad baan u baahanhay,
Maamulku nabad buu u baahan yahay, Cadde nabad buu u baahan
yahay, dhulkooda in ay ku soo noqdaan oo aysaan qaxooti ahaan,
oo aanay dhulkooda soo weerarin baa maslaxadi ugu jirta, nacas
baa manta ka faa’iideysta waxaan, Caddana nacas ma aha oo anigaa
kuu aqaan, waxaan ku rajo weynahay in uu dalka nabad ka sameyn
doono, waxaan kaloo ku rajo weynahay, anaga Maamulka reer Puntland
oo Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf hogaamiye in aanu diyaar u nahay
in aanu nabada soo dhoweyno, walaalahayana aanu soo dhoweeyno
oo gacmaha is qabsano.
S. Col.
Jaamac Cali Jaamac isaga ma is aragteen, waanwaantan nabadeedse
qayb ma ka qaadanayaa?
J. Isaga
waanu is aragnay, shirkaanu wada jognaa, oday halkaas jooga
oo reer Puntland ah weeye, laakiin siyaasada kama wada sheekeysano
oo isku layn ma nihin, nabadeynta hadda halkan ka socotana wax
warkiisa haya ma maqal.
S. Si nabad
loo helo Maamulka Puntland ma ogol yahay in jagooyin muhiim
ay siiso kooxaha mucaaradka ku ah?
J. Puntlandta
manta dhisan horta dadkaa leh, dadkaa dhistay, dadkay u sheqeysaa
tabar kasta ha lahaato, waxa laga rabo ma wada gudbin karto,
oo ma dhiibi karto oo tabar uma hayso istiil bay ku socotaa,
weli gurguurad bay ku jirtaa, waxa looga hanqal taagayo lagama
wada heli karo.
Caam ahaan markaan
ka hadlo maamulka waxaa weeye, sababtu waxay tahay maamulka
dhaqaalihiisu waa kooban yahay, madaxnimadiisu way kooban tahay,
waa gobol Qarankii Soomaaliya oo Maxamed Siyaad xukumi jiray
18 gobol maaha, waa Shan gobol oo sigu tegay oo beelo koobani
degaan, mitaal hadda anigu wasiir baan ahay laakiin Wasiir dowlad
goboleed baan ahay, dad kooban baa masuuliyada u haya marka
ninii u hanqal taiga Wasiirkii Maaliyada ee C/raxmaan Jaamac
Barre wuxuu hayn jiray oo C/raxmaan Faroole ugu hanqal taaga
waa nin aan garan maamulka iyo xilka meesha ka jira, anagu dalkaanu
u shaqeynaynaa, waxaanu qanbo Allaaa og, dadkuna waa in ay sidaas
u gartaan.
Madaxweynaha Puntland
waa Madaxweyne Dowlad Goboleed, Madaxweynihii Qaranka Soomaaliyeed
ma aha, risoorsiga iyo awooda uu leeyahay waa ay kooban yihiin,
marka marar badan waxaa lagu diriraayaa “Cunno Jiilaal Canba
Canbuu bidaa”.
Walaalahayo waa
ogyihiin, Caddana wuu ogyahay, jabhadna waa yaqaan, maamul dowladeed
oo weyn waa yaqaan, mid goboleedna waa uu yaqaan iyo raga la
socdaa, haddiise niyad samami timaado waxba la isla waayi mayo,
laakiin hadda gorgoradu ma aha, amxaa nala siinayaa, iyo boos
hebel miyaa nala siinayaa, iyo noo kordhiya, waxa weeye
nabadaa ina deeqdee nabada aynu qaadano, dhulkeena aynu maamulano
waxeena aan isku kakabano, aynu riixno, aynu riixno oo haddaan
dalag weyno dug aynu ku kaxeyno weeye waxa lagu gorgortamayaa,
ee qaybsi manta taagan oo miiska dushiisa ah lama gaarin.
Haddiise ay timado
oo raggu dalka ku soo noqdo, dee dadkani xaq bay leeyihiin,
wadaniyiin weeye, dad wadanka laga yaqaan weeye, wixii wadanka
ka jira bay qayb Libaax ku yeelanayaan oo rasmi ah.
FG:Wareysigaas
waxaa Radio Midnimo u qaaday Maxamed Siciid Cumar (Kaashawiito),
Waxaa Mudugonline soo gaarsiiyay Radio Midnimo, waxaana lagu beeninayaa
war ay horey u faafisay Puntlandstate oo ay ku sheegeen inay ka
soo xigteen waraysiga Jini-Boqor ee Radio Midnimo. [Halkaan
ka gal warkii Puntlandstate ay ka soo xigteen Radio Midnimo]
Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com