Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

SICIID CADUUR IYO CABDIRAXMAAN FAROOLE; KUD KA GUUR OO QANJE U GUUR

Shalay:Maalmihii murugada iyo dhibka ugu badan ka jiray PL, Maalmihii Carte iyo ciidamadii is bahaystay ee ina Cumar geele ay calanwalaynayeen cirifyada dunida iyagoo sheeganaya dawlad Soomaaliya wakiil ka ah, Maalmihii shacabka reer PL Culimo iyo caamo, Marwo iyo Mudane, Madax dhaqan iyo mid siyaasadeedba madaxa layskula wada jiray, maalmihii kacdoonka la galiyay shacabka reer PL ee ay in badan oo ka mid ahi ceeryaamadii Carte roobka moodeen; wasiirkii maaliyada ee xilligaas PL waxa uu laafyoonayay wadooyinka magaalada Bosaaso iyada oo aad moodo in aan wax xil ahi ka saarnayn waxa ka dhacaya PL iyo Soomaaliya midna, wasiirka xilligaas Siciid Caduur waxaa maalmahaas lagu xamanayay in uu lacago ku shubtay Bank ku yaal imaaraadka.

Siciid Caduur ma ahayn nin aqoon maaliyadeed lahaa, hase ahaatee waxa uu caan ku ahaa in uu yahay nin aysan ka muuqan wax ku tagri fal lacageed iyo maamul xumo ah toona, dad badan ayaa is waydiinayay shaatiga iyo surwaalka aan duugoobin ee uusan Siciid iska badalin, hase ahaatee Dad xog ogaal ahi waxa ay sheegeen in Siciid Caduur uu ka soo iibsado shay walba hal darsin oo isku midab ah, iyo waliba in uu xirto oo dharka ugu qaalisan ee maalqabeenadu xidhaan, taasina ay tahay xeeladda marin habaabisay dareenka dad badan.

Siciid caduur waxa uu caan ku ahaa in uu diido wax u baahan dhaqaale yar oo PL wax weyn ugu fadhiya, isla mar ahaantaasna in uu ogolaado wax dhaqaale badan ku baxayo isla mar ahaantaasna aan faa’iido u dhigantaa ka imaanayn. Nin cabdullaahi marka uu la joogo aad ugu dhaw marka uu ka maqan yahay dadka ula siman. Nin aan awood ku lahayn magaaladda Bosaaso, ninkii laga qabsaday Bosaaso isaga oo jooga, dhaqaalihii iyo awoodiina gacanta ku haysta ee Martida ku dhex ahaa.

Maanta: waxaa wasaaradda Maaliyada PL gacanta ku haya Cabdiraxmaan Faroole, oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay bangiyadii Soomaaliya, waxaa in xilkaas loo magacaabo soo jeedinteeda lahaa Axmed Maxamed Cigaal oo ay ilaa iyo maanta yihiin saaxiibo far iyo faraanti ah, isku meelna ay dagan yihiin. Axmed oo haatan ah wasiirka hawlaha guud iyo Faroole oo ah wasiirka maaliyaddu waxa ay haatan ku maqan yihiin shir imaaraadka Carabta ah, oo laga hadlayo naaxinta xoolaha, iyadoo ay haatan PL madaxdeeda iyo wax garadkeedu abaabul ugu jiraan sidii looga mira dhalin lahaa wada hadalo nabadeed oo beryahanba loogu googol xaarayay sidii loo dhamaystiri lahaa khilaafaadkii siyaasadeed ee PL

Cabdiraxmaan Faroole Wasiir lagu falay Guryo iibsi; nin Cuno jecel iyo ceeb allaa is badaye, mudadii uu joogay Bangiyada Soomaaliya waxa uu xamar ka dhistay ama ka iibsaday Guryo aan yarayn, mudadii uu Garoowe Joogayna waxa uu dhistay laba Guri oo kale, muddo gaaban oo uu ka mid ahaa ergadii Nabadaynta ee ay hay’adda Diakonia maalgalisayna waxa uu balaariyay guri uu ku lahaa magaalada Garoowe, dhawaantan mar uu safar ku tagay magaalada Nairobina waxa uu wakhtigiisa inta badan ku lumiyay baayacaad iyo baadi doonka laba guri oo uu midna sheegay in uu naftiisa u raadinayo midna uu sheegay in uu dawladda u iibinayo, iyadoo guriga danbe loo qaatay in uu yahay daah uu u samaynayay guriga uu doon doonayay in uu ka iibsado Nairobi, dadka xog ogaalka ah qaar ayaa ku macneeyay in uu doonayay in uu labada guri qiimahooda ku xisaabiyo jeebka dawladda si toos ah, isagoo ka dhigaya in uu guriga dawladda ka bixiyay lacagta uu labada guri ku iibiyay.

Maalmahaas Nairobi, sida wararku nagu soo gaareen Faroole waxa uu ku qarash gareeyay lacag ka badan 30 kun oo oo Doollar kaligiis, isagoo isla mar ahaamtaana ka dhuumaalaysanayay markii danbana si bareer ah u diiday boqolkii Doollar ee bishiiba mar la siin jiray Ergada PL ee shirka ka qayb galaysa, iyo baahiyihii mihiimka ahaa ee hawlaha shirka. Ciidanka daraawishta PL ayaan iyaguna marnaba helin mushaarka iyo kharashiyaadka kale ee ay u baahan yihin inta madaxweynuhu dalka dibada uga maqan yahay.

Intaas kuma eka oo kaliya ee wasiirku dalka imaaraadka Carabta oo uu soo maray waxa markii uu ka soo laabtay Kenya ayaa sida wararku sheegayaan waxa uu niman dilaalo ah u diray in ay u soo sheegaaan qiimaha ku baxaya guri weyn oo degaan ah oo nin madax ahi dagi karo, arrinta layaabka lihise waxa weeye guri kale oo weyn oo la ii sheegay in uu dhawaantan ka iibsaday magaalada Bosaaso bartamaheeda, meel ku dhaw Hoteel Kamaaludiin, kaas oo haddii ay cadaato muujinaya in Cabdiraxmaan Faroole qabo nooc waali ah oo gurya jacayl ah.

Madaxweyne ku xigeenka PL maxamed Cabdi Xaashi ayaa bishan Abriil bilowgeedii intii aan madaxweynuhu dhawaan ka soo laaban dalka Kenya waxa uu soo jeediyay in Cabdiraxmaan Faroole laga qaado xilka wasaaradda Maaliyadda lacago badan oo ku maqan awgood iyo in baaritaan lagu sameeyo lacagtaas, hase ahaatee sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan Cabdullaahi Yuusuf ayaa mudane Xaashi ka codsaday in arrintaas laysaga yimaado oo dib loo dhigo.

Dadka siyaasadda indha indheeya ayaa waxa ay qaarkood qabaan in Mr. Faroole xilka looga qaadi doono nin ka soo jeeda mucaaradka PL ee haatan ku sugan Somaaliland haddii is afgarad yimaado sidaas awgeedna in faroole qorshaynayo abuurista mucaarad kale oo uu hadda u sii xaabxaabayo si mar kale isagana wasaaradda loogu soo celiyo, halka saaxiibkiis Axmed Maxamed Cigaal iyo Siciid Caduur oo wasiir iyo wasiir ku xigeen ka soo noqday wasaaradda maaaliyadda labada midba gaarkiisa ugu taamayo in uu yeelan doono wasaaradda Faroole kadib.

Marka la is barbar dhigo Faroole iyo Caduur ayaa labadaba lagu tilmaamaa in ay yihiin niman gacan adag oo aan lacagta laga soo saari Karin jid iyo jid daraba, hase yeeshee Siciid ayaa waxa uu dheeree Faroole dabeecad wanaag iyo asluubta qancinta qofka wax doonaya, Siciid Caduur waxaa heli karay qof kasta oo doonaya wuxuuna u fadhiyi jiray baararka sida dadka caadiga ah isaga oo meel kasta oo uu marayo dadka si wanaagsan ula hadli jiray, xataa Siciid marnaba teleefon laguma waayi jirin, halka Faroole uu dadka ka cararayo dhuumaalaysanayo taleefanka uusan dadka ka qabanayn qof uu isagu dan ka leeyahay mooyaane, hadana aysan sababtu ahayn mashquul hawleed.

Si kasta xaalku ha ahaadee Wasiirkii Maaliyadda PL iyo saaxiibkiis Axmed M. Cigaal waxa ay maalmahan ku wareegayaan dalka imaaraadka Carabta iyagoo sida wararku sheegayaan ay doondoonayaan guryo iib ah iyo maraakiib kaluumaysi oo ay wakiil uga noqdaan PL, iyadoo madaxweynihii iyo ergadii shirka Kenya qaarkood ay dalka din ugu soo laabteen arrinmo la xiriira dib u heshiinta PL.

Caaqil Samaale.(Codka Xornimada)
Bosaaso, Puntland, Somalia.
29/abril/2003
caaqilsamaale@hotmail.com



Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


Mudugonline.com keeping you Informed.