Mudugonline.com keeping you Informed.    


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

Wasiiro ka socda maamulka Puntland oo safar ku aaday Dalka Imaraatka Carabta

Bosaaso, 28 April 2003 (MOL)-Waxaa maanta ka dhoofay Gegida dayuuradaha ee magaalada boosaso wafti heer wasiiro ah oo ka socda maamul goboleedka puntland. Wasiiradaasi oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka maaliyada, Wasiirka hawlaha guud iyo xubno kale. Waxayna waftigaasi u kaceen dalka Imaraatka Carabta.

Wararka laga helaayo meelo ku dhaw dhaw dawlada ayaa sheegaya in safarka wasiiradu la xiriiro arimihii nabdaynta Puntland halka wararka qaar kalena sheegayaan in ay u baxeen soo daabicid lacageed iyadoo xiligaan dadka beekhaamiya dhaqaalaha Puntland ay odorasayaan in ay soo wajahantahay xili dhaqaale xumo oo u baahan in laga gaashaanto.

C/risaaq Sh.Aduun
Mudugonline.com


Roob lixaad leh oo xalay ka da'ay Gaalkacyo iyo qasaarooyin roobkaasi watay.

Galkacyo, 28 April 2003 (MOL)- Wararka saaka naga soo gaaraya magaala madaxda gobolka Mudug ee Galkacyo ayaa sheegaya in halkaas xalay roob lixaad leh ka curtay abaarihii 1:00am saqdii dhexe ee habeenimo uuna si xawli leh oo aan kala go'o lahayn u socday illaa 2 saac. roobkaas oo la sheegay inuu ka soo curtay tuulada abaaray oo aan magaalada ka fogayn kana xigta dhinaca waqooyi ayaa la soo sheegayaa inuusan gaarin tuulooyin iyo degmooyin waqooyiga uga toosan magaalada. tuulooyinka Bacaadweyn, Xarfo iyo degmada Burtinle ayaan laga soo sheegin wax roob ah.

Dhinaca koonfurta magaalada Galkacyo ayaa la sheegay in roobku uu socday illaa iyo deegaanka Dhuuso mareeb halkaas oo laga soo sheegay in 7qof oo oo hal qoys ahayd ay haleeshay Biriq, qoyskaas oo ahaa xoolo dhaqato ayaa la sheegay inaan cidna ka badbaadin. wali si sugan looma hayo qasaarooyinka dhabtaa ee uu gaystay roobkaas dhinaca baadiyaha. Dhinaca degmada Jariiban ayaa la sheegay in iyana roob sidaas u badnayn inuu gaaray.

Magaalada Galkacyo ayaa shalay waxaa ka jiray kulayl aad u badan oo uu yaraa socodka magaalada halka maantana hawada magaaladu ay leedahay caraf saxan saxo oo qof walba u soo baxay banaanka. Roobkaan ayaa waxaa lagu tilmaamay naxariis illaahay waxuuna ahaa roobkii ugu cuslaa ee Galkacyo ka da'a illaa iyo waqti fog.

Mudugonline.com


Masuuliyiin sar sare oo iska casilay Puntland

Boosaaso, (AllPuntland) - Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose Axmed Cabdi Xaabsade iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Hawlaha guud iyo Gaadiidka Axmed Maxamed Nuur ayaa maanta madaxwayanaha Dawlad goboleedka Puntland Cabdullaahi Yuusuf Axmed u gudbiyay qoraal is-casilaad ah.

Nooma suurtoobin inaan helno nuqul ka mid ah xaashida iscasilaada, balse waxaa la sheegay in masuuliyiintaasi ku saba-beeyeen codsigooda shaqo-ka-tagista ah wadashaqayn iyo xiriir xumo soo dhex gashay xukuumadda.

Warar kale ayaa sheegaya in arintu ka dhalatay adeegga wasaaradaha oo hoos loo dhigay, taas oo masuuliyiintaasi aad uga xumaadeen, warar ka soo baxaya madaxtooyada ayaa sheegaya in aan illaa hadda laga aqbalin masuuliyiintaas istiqaaladooda.

Ma cadda, in labadaan masuul isku arin tabanayaan (cabanayaan) iyo in kale, maanta iyo caawaba, waxaa Boosaaso ka soconaya shirar kala duwan oo xukuumadda Puntland inta joogta Boosaaso ay ugu jirto sidii loo dhamayn lahaa tabashada masuuliyiinta.

Dad badan ayaa u arka istiqaalada masuuliyiintani inay tahay, miday ku muujinayaan waxa ay tabanayaan balse aysan daacad shishe ka ahayn.

Maahan markii koowaad oo masuul xil sare ka haya dawladda uu is casilo, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Eng. Yuusuf Xaaji Siciid ayaa 23 Feb 2003 sidaan oo kale ugu dhawaaqay is-casilaad, maalin golaha wakiiladu u fadhiyeen kalfadhi caadi ah, taas markii dambe baarlamaanku ka diiday, is casilaaddaas Eng, Siciid ayaa lafteeda lagu macneeyay mid uu ku eegayay taageerada uu ka haysto goliihiisa.

AllPuntland






Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
Mudugonline.com keeping you Informed.