Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Mucaaradku ma Xalaal baa mase waa xaaraan?

Akhristaw haddii aan ka jawaabo, su'aasha ah: Mucaaradka liddiga ku ah Dawladda Puntland "Ma xalaal baa mase waa xaaraan"? Arrintaas haddii aan idin ka siiyo jawaab caddaalad ku dhisan, waxaan oranayaa sida hoos ku qoran, oo aan u qaybshay labo qaab ee midna xaaraan tahay midna xalaal tahay:

Tan Xalaasha ah: sida xisbiyada dimoqraadiyada ah ee ka dhisan Dalalka Yurub, Maraykanka iwm, Xisbi mucaard ku ah dawladda taliska haysa waa bannaan yahay, sida uu dhigaayo dastuurka Dimoqraadiyada ah. Xisbiga Mucaaradka ahi wuxuu ka shaqeeyaa oo qur ah danta guud ee dadka uu rabo inay doortaan, wuxuu kaloo difaacaa dalkiisaiyo dadkiisa, taasoo uu kala mid yahay dawladda uu mucaaradka ku yahay. Waxaa u furan inuu ka hadlo meeshii siyaasadda dalku ka qaloocan tahay, ee uu rabo inuu hagaajiyo, sidaas darteedna ay habboon tahay in shacabku doorto si uu wax uga qabto adeegyadii awal ka maqnaa ee dawladdu u qaban wayday. Inuu mucaaradku ka shaqeeyo nabadda, horumarka, mustaqbilka ummaddaas, iyo difaaca degaanada dalkiisu ka kooban yahay, gaar ahaann ay ku bahoobeen dan middaysan, isku jinsiyad, isku ab ah, isku diin ah, dan wadaag ah, ugu dambayntana ah dad sinnaan iyo cadaalad ku wada noolaan kara. Mucaaradka Puntland haddii ay la yimaadaan waddanimo noocaas ah , siyaasaddooduna mid reer Puntland u danaynaysa, oo noloshoodana dhisaysa, waxay ila tahay inay noqon karaan Xisbi xalaal ah, isla markaasna xukunka dalka wax ka wadaagi kara, maxaa yeelay waa dad wata magaca reer Puntland oo aan dalka cidina ka xigin hadday dadka caddaalad ugu shaqaynayaan. Arrintu ayadoo sidaas ah, ayaa haddana la isweydiin karaa dabeecadda nimanka u taliya xisbiga mucaaradkaah ay leeyihiin, ayadoon loo eegin qabiilka hoose ee ay yihiin. Sidaas awgeedna waxaa laga maarmaan ah marka hore in laga helo arrimahaan:
1) Aqoon waafi ah, iyo waaya-aragnimo dheer.
2) Geesinimo uu cadowga dalkiisa iyo dadkiisa uga difaaco.
3) Inuu yahay nin u soo halgamay muddo dheer xoraynta dadkiisa, sida mudaneyaasha imminka hoggaamiya dawladda Puntland, oo dhammaantood aan ka dareemay xilkasnimo iyo waddanimo lagu doorto.
4) In laga helo tayo wacan iyo caddaalad, iyo iimaan wacan.
5) Inuusan shisheeye la haysan, laaluushkana uu ka caaggan yahay, isla markaasna uu damiir leeyahay xor ah ee lagu tixgeliyo. Inuusan madaxnimada musuqmaasuq, dagaal oogid, iyo dad isku dirdir ku raadsan. Shuruudahaas haddii laga helo, anigu waan u codayn lahaa,taasoo ah si caddaaladda ku salaysan, oo aan eexi ku jirin.

Mucaaradka Xaaraanta ah:Maaddaama ay burburtay dawladdii weynayd ee Soomaaliya, isla markaasna aan wali laga soo kaban khasaarooyinkii uu geystay dagaalkii sokeeyuhu, waxaa xaaraan ah in laga furto Puntland Xisbi laga xukumo dalka dibadiisa sida Hargeysa iyo Muqdisho iwm. Waxaa kaloo xaaraan ah in xisbi loo furto in lagu burburiyo Xisbiggii dalka ka talinaayey,ama gaar ahaan liddi ku ah madaxda dalka Puntland ka talisa. Haddaan ka soo qaado Xaaraanta dhawr qodob waa sidaan hoos ku qoran:
1) In Mucaaradku hub qaato, oo dalka dagaal ka oogo, waa xaaraan.
2) In mucaaradku Puntland uga soo duulo dalalka aynnu deriska nahay, sida:kuwa liddiga nagu ah waa xaaraan, haddii ay sidaas yeelaanna waa in la isaga qabto gacmo bir ah, waayo waa shisheeye kalkaal(Traitors).
3) Inuusan mucaaradku isku dayin inuu dalka Puntland shisheeye soo geliyo ama qaar siiyo, ama uu saldhig ka samaysan dal kasta oo cadow ku ah dawladda Puntland, sida xukuumadda Hargeysa ee sheeganaysa dal uu Harti leeyahay.iwm
4) In mucaaradku uusan dhaqan qalaad dalka ka abuurin, ayagoo xagga diinta ka soo gelaya si ay dadka u marin habaabiyaan, maxaa yeelay Soomaalidu waa Muslin, madhabo cusubna uma baahna sida Al-Itixaad, iyo Islaax, waayo kuwaasi ummaddii bay iska hor keeneen, kadib markay khamiisyo Carbeed u soo gashadeen.
5) Mucaaradku waa inuusan la safan cadowga reer Puntland.
6) Mucaaradku inuu cod wax ku doonto mooyee waa inuusan hub iyo dagaal xukun ku doonan dadkana dambi ka gelin, haddii kale waa lagu qaanayn mustaqbilka dambe..

Waxaan intaas ku darayaa, nabad baa dadku doonayaan, mustaqbilkooduna ku dhisan yahay, waxaase aan maqlay in odayaasha wata mucaaradka Puntland ay ka yimaadeen Yurub, America, iyo Canada, kadib markay halkaas hawl gab ugu adkaysan waayeen, dalkana ay muddo dheer ka maqnaayeen, halganna aysan waligood u gelin Puntland. Haddii ay sidaas yihiinna ay dalkii ugu noqodeen oo keliya: Inay lacag helaan, meel kastaba u maraane, dawlado xaaraan ahna la qabsadaan si ay lacag uga helaan. Waxaa la sheegay in habar waalan rati la buubay, kadibna ay tiri inta qosol la dhacday "Waa sidaan rabey". Kuwaasi waa talo xun yihiin, mooryaanna waxba kama duwana hadday shisheeye gacmaha hoos dhigteen. Waxaase aan iimaan lahayn iyo aqoon toona qofkii kuwaasi duufsadaan, oo ay dadkisa ka hor keenaan ama ka xanaaqa qoraalkayga xaqa ah, ee aan eexda ahayn. Marka mucaaradku ha joojiyo siyaaso xumada iyo caada-qaadashada oo dadkooda dhinaca ha ka raaceen, haddii ay run sheegayaan.


Waa Billaahi Tawfiiq.

Aden Dirie Ali
dirieadam@hotmail.com


BAYAANKA REER X. SALEEBAAN WAA MID GARAWSI & GARASHO LEH....

Beesha reer Xaji Saleebaan ayaa waxay kaga duwan tahay beelaha kale ee USC iyadoo aheyd beeshii keliya ee ka qayb qaatay halgankii hubeysnaa ee ugu horeeyey ee lagaga horyimaado Diktator M. Siyaad bare xilligii SSDF.

Beesha waxaa kaloo keli ahaan intaas u wehelisa in halganka ay ku jirtay ay si gooni ah ay ugu dhabar adeegtay in ku dhow 20 sanadood ilaa laga soo gaaro kacdoonkii USC ee Siyaad talada ka tuuray.

Nasiib daro, Siyaad ka dib waxaa dhacay kud ka guur oo qanjo u guur iyo in la xalaaleystay wax kasta oo xun sida dilka, dhaca , kufsiga iyo xataa in degaan ahaan leysku boobo.

Wax kastaba ha ahaatee, beeshu waxay inta awoodeeda ah isku dayday in dhalinyaradeeda ay ka hor istaagto in ay ku talax tagaan falalka foosha xun ee aan soo tilmaamay,sidaasina waxay u dhisatay maxkamad Islaami ah oo khaladaadka beesha ay geeysato looga dacwoodo.

Iyaduna waxaa xusid iyo tixgelinba leh doorkii weynaa ee beesha Saleebaan ay ka qaateen in Somali fara badan ay Xamar iyo agagaarkeeda ka soo badbaadiyaan una soo gudbiyaan degaanadii ay ka soo jeedeen.

Ugu dambeyntiina, bayaankani waa mid ku haboon in ay ku daydaan wali kuwa aan xaqiiqda garan ee naf la caari darteedna isku dayaya in ay hor istaagaan in Somaliya loo dhiso dawlad qaran oo fawdada ka saarta.

A.O.Dirie


DOORO CAASIMMADDA SHIRKA NAIROBI!

CAASIMMAD QABIIL, MISE CAASIMMAD QARAN?

CAASIMMAD MOORYAAN, MISE CAASIMMAD DAD CAQLI LEH?

CAASIMMAD QASSAN, MISE CAASIMMAD DEGGEN?

CAASIMMAD DHISAN, MISE CAASIMMAD BURBURTAY 1990?

CAASIMMAD LA YAABAYSA MADAX LASOO DOORTAY, MISE CAASIMMAD TAQAAN?

CAASIMMAD ASKARI KALI AHI QORI WATO, MISE CAASIMMAD WADA HUBAYSAN?

CAASIMMAD NIN HUBAYSAN UUN KU HOYAN KARO, MISE CAASIMMAD NIN WALIBAA NABAD KU SEEXAN KARO?

CAASIMMAD QABIILKA HUBAYSANI POLICE KA YAHAY, MISE CAASIMMAD POLICE:KEEDA MUSHAARIGA AH LEH?

CAASIMMAD HADDII QOF LA DILO, LA DHACO, LA KUFSADO AYSAN JIRIN WHY, MISE CAASIMMAD DAMBIILAHA FARTA LAGU WADA FIIQAYO OO UUSAN BADBAADAYN?

CAASIMMAD QOFKA MARTIDA KU AHI GARANAYO INAYSAN CAASIMAD AHAYN, MISE CAASIMMAD QOFKA MARTIDA AHI MARKIIBA GARANAYO INAY CAASIMMAD TAHAY?

CAASIMMAD 13 SANO HAL QOLO LAHAYD AYNA KA SOCOTAY BUR BUR, MISE CAASIMMAD DHISMAYSAY 13 SANO LOONA DHISAYEY INAY NOQOTO CAASIMMAD?

CAASIMMAD DADKA XUN XUN EE KU NOOLI AY KA BADANYIHIIN DADKA WANAAGSAN, MISE CAASIMMAD DADKA WANAAGSANI BADANYIHIIN?

CAASIMMAD GANACSATADEEDA AAN LA HAYN SIDA AY XOOLAHA KU HELEEN, MISE CAASIMMAD GANACSADE KASTA LA HAYO SIDUU XOOLAHA KU HELAY?

CAASIMMAD U OOMMAN MADAXWEYNE, MISE CAASIMMAD MADAXWEYNAHA IYO MOORYAANKA ISKU NIN U TAQAAN?

CAASIMMAD LEH DUQA MAGAALADA OO SI BUUXDA U XUKUMA, MISE CAASIMMAD LEH 1000 DUQ MAGAALO OO AAN MIDNA XUKUMIN?

CAASIMMAD LAGU KUFSADAY LIX BILOOD JIR ILAA BOQOL JIR DADKII FALKAAS GEYSTAYNA KU JIRAAN WELI, MISE CAASIMMAD FIIRINTA GABAR LA FIIRIYO AY DANBI IYO CEEB KA TAHAY?

LA SOCO................................................................................

Eng. A. M. Ali


Balanteenu waa dulqaad, cadaalad, isqadarin iyo ka fogaanshaha caadifada qabiil

Afhayeenka Beesha cumar maxamuud ee magaalada Manchester/Uk
Xuseen Maxamed (Xuubsireed)

Waxaan dhamaan dadwaynaha puntilland ugu baaqayaa ama aan ku baraa rujinayaa in ay ka fogaadaan wax ala wixii keenaya kala fogaansho ama colaad daba dheeraata oo qof walba oo wax tabanaya uu isku dayo bal intii karaankiisa ah in uu xal nabeed ku dhameeyo dhibka uu tirsanayo, waxaa xaqiiqa oo aan laga beensheegi akrin waa in uu khilaaf siyaasadeed jiro iyo mid beeleedba, hadii aan kala qaado labadaa arimood

* Mida siyaasada waxaan filayaa in ay ku haboonaan lahayd in dulqaad badan la muujiyo oo waxa maanta ku hardamaya Puntilland waa laba kooxoode kooxda hada banaanka jirta in ay miiska u saaraan kaaxda hada maamulka haysata in ay ogolaadaan Axsaab mucaarada oo wadanka oo dhan tuulada ay doonaan iyo magaalada ay doonaanba ay ka furankaraan xafiisyo ay qofka ay doonaan uga dhaadhicin karaan mabda'ooda siyaasadeed oo ay doonayaa in ay wax ku xukumaan, iyo in ay hor dhigaan kooxda maamulka haysata in ay la qaybsadaan awooda puntilland si looga gudbo midi-midi ku taaga. Iyo inay hor dhigaan maamulka hada jira in ay ogolaadaan Doorasho xor ah in la qabto la'islana garto wakhtiga la qabanayo.

* Khilaafka beeleed waxaan filayaa inay u taal Nabadoonada iyo Cuqaasha iyo wax garadka beelaha Puntilland xalinteeda, Hadaan tusaale soo qaato Suldaan Hure waa uu ka duwanaa shakhsiyaadka caadiga ah oo wuxuu ahaa suldaan beel dhani ay tirsanayso aniga aragtidaydana maqabo in ay haboon tahay in la'isaga aamuso oo sidaas la'isaga gudbo oo wax ka hadla iyo wax isaga yimaada midna aysan jirin taasna waxaan khaladkeeda saarayaa Isimada iyo Nabadoonada iyo waliba Cuqaasha Puntilland sabab too ah iyagay ahayd in ay arinkaas wax ka qabtaan maxaa yeelay hadii maanta laga aamuso barina Isim kale ayaa la dilayaa waxa ayna noqonaysaa dhaqan xumo ku soo korodha Puntilland iyo xeerkii nabad kuwada noolaanshaha oo lagu tunto.

ma, aha wax walba in laga sugo maamulka puntilland markaa ka jira qofkii doona mas'uul haka noqdee, Dawladu waa dadwaynaha ama shacbigaba aan iraahdee kaalinkii shicibku lahaa waa banaan yahay, kaalinkii Odayaashu waa banaanyahay kaalinkii wax garadku waa banaanyahay, waxa ugu horeeya oo dadku ka fakarayaan waa colaad iyo dagaal iyo xoog, aaway maskaxdii ama Caqligii saliimka ahaa mise dadkii caqliga lahaa way ka dhamaadeen Puntilland. Hadaan dulqaad badan la samayn oo aan laga fogaan Caadifad iyo hurinta dabka dadka wada dhashay iyo dacaayado aan jirin oo dadka la isugu dirayo, nabad dhaba lama gaarayo, horumar lama gaarayo .
in horay loo socdo ayaa haboon in hadaad dadka la hadlaysana wax wanaagsan aad u sheegtid ayaa haboon hadalka aad aadoo xanaaqsan ama caadifadi ay ku hayso aad ku hadashid oo aadan ka fiirsan ogoow in uu wax badan kharibayo oo aadan waxba kordhine aad wax halaysay .

Balantayadu waa ka shaqaynta nabada dadkayaga wada dhashay iyo ku baraarujinta in ay ka fogaadaan colaad sokeeye iyo wax sababayaba , wixii horay u dhacayna lagaga gudbo xal aan dagaal ahayn.

Wabilaahi tawfiiq
Afhayeenka Beesha cumar maxamuud ee magaalada Manchester/Uk
Xuseen Maxamed (Xuubsireed)
E-mail: mohamoud_hussein@yahoo.co.uk


Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


Mudugonline.com keeping you Informed.