Mudugonline.com keeping you Informed.    


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

WAR SAXAAFADEED:Gudiga sare ee siyaasadda Beesha Reer Xaaji Suleyman
 
Mr.S.Shirwac
Dhibaatada Dalkayaga ka taagani waa meerto dunida badankeeda soo martay, Isla markaana meelo badan ka jirta hase yeeshee sababaha dhacdooyinka is qilaafsan waa lakala sababeeyaa waa dhowr sida:- Siyaasadda, Dhaqaalaha, Deegaanka, Awooda, Diinta, Isirka IWM ah.
Dhamaan wax yaabahaas waxaa dhiiga ka lisa Cadaalad daro ka dhex ooganta Bulsha kasta oo meel ku wada nool haday ahaan lahayd gudeheeda ama dibaddeeda (Fara Galin), haddii aan eegno qadiyadda Soomaaliya hor iyo haatanba waa mid la saanqaadeysa dareenka Mas’uuliyadeed ee Umaddeena markastabana waxay ahaayeen kuwo ku kala qeybsan ama isku maandhaafsan arimahaan oo aanan marnaba sinaan karin sida:-

·        Difaaca iyo Dayaca

·        Daryeelka iyo Daneysiga

·        Isku duwid iyo Docfaruurid ku salaysan Daneysi

·        Diiranaan iyo Dabacsanaan kolba Dabeysho dhan u tuurato

In kastoo dadka yagu qoraalka dhacdooyinka ku badin hadana maansooyinka iyo murtida ayay ku cabiraan hadday ahaan lahayd mid la soo dhaafay, joogta iyo mid soo fool lehba, sidaas darted baan oran karnaa dadku 2-bogbay ku kala qoranyihiin dhanka wanaaga iyo xumida mana dhici karto in indhaha laga saabto marxaladda adag ee dalkayagu marayo ama ku sugan yahay iyo kuwa sababay:-

=     Gorfinta Qaranimadeena

=     Dilka, Barakicinta iyo Boobka loo geystay Dalka iyo Dadkaba

=     Ragaadinta, Xal u helidad Dhibaatada Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Midda Bulshadeed ee Murugada badan

Baadigoobka xal u helidda qilaafaadka iyo Abuurista madal ay ka dhalato Dawlad ku dhisan cadaalad hirgelisana nidaam iyo kala dambeyn badasha Fawdada iminka taagan, taasi waa hadafka laga leeyahay Shirarka isdaba jooga ah ee loo qabanayo ama loo qabtayba Ummadda Soomaaliyeed sida kii Djibouti oo dhalay Baar lamaan iyo dawlad K.M.G ah, kuwaasoo aan aaminsanahay in ayan u mira dhalin sidii loo maskax iyo maal galiyayba, sidaas darteed Murti la’aan ay tahay mar 2-aad in la maqaarsaaro maadaama mudadii ay lahayd gabaabsi tahay xeer iyo qaynuun lagu tol tolo mar labaad loo heli mayo, sidaas darteed ha ogaadeen in xubnaha TNG-ga iyo TNA-duba baal madow ka galin Qadiyadda Soomaaliya taasoo ula jeedno in aysan ka qeyb qaadan Ololaha loogu jiro Xagal daacinta iyo hantaataqidda howlaha dib u heshiisiineed isla markaana xubnaha Baarlamaanku ha ! ogaadeen hana ka foogjignaadeen dabinada iyo dhagaraha lagula dhex meereysanayo si aydaan u sababin dhiig kale oo ku dhexdaata Bulshada dabadeedna aydnaan u noqon koox hubeysan.

Xoogagga hubeysani waa kuwa sababay dhibaatada manta dalkeena ka taagan waana kuwa doonaya in ay ku xaajoodaan qoriga afkiisa taasoo loo baahan yahay in laga samata bixiyo Ummadda Soomaaliyeed.

TNG-ga, TNA-da iyo Kooxa hubeysani waa kuwa sababay una googol xaaray Shirka madasha Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Kenya ka socda, isla markaasna ku amar taagleeyay ku tagri falka xubnihii ergooyinka loo qorsheeyay iyagoo labada luguud midba meel dhigtay (Shirka Kenya iyo mid Xamar laga ololeynayo).

TALO

Waxaan si adag ugu talo bixinaynaa Ummaddeena Soomaaliyeed in aan mar kale la rarin colaad sokeeye oo xambaarsan waji cusub sida sasaankeedu hadda uga bilowday Xamar, isla markaasna in aan lalaabin madasha dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda Tolada Mbagathi si looga gun gaaro loogana mira dhaliyo maadaama aan gacanta lagu hayn xal ka haboon waqtiga xaadirka ah isla markaana ay joojiyaan shaqsiyaadka ololaynaya dhabar jabinta Shirka dadaalka loogu jiro Dawlad hanata geyiga Soomaaliyeed.
BAAQ
Waxaan ugu baaqaynaa Dhamaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool G/banadir in ay la yimaadaan baraarug cusub oo ka turjumaya waayo Aragnimada laga dhaxlay 13-ka sano dhibaatadii ka taagneyd caasimadda Xamar ayna ka foojignaadaan Shirarka lagu naafeynayo dadaalka guud oo loogu jiro dadaal sidii Dowlad fulisa Nidaamka iyo kala Danbeyn baahida weyn loo qabo loo heli lahaa ama loo gaari lahaa.

F.G qoraalkaan waxaa Hay'adaha war baahinta u qaybiyey wakiilka Beesha suleymaan ee Afrika.

Wakiilka Afrika ee Beesha Reer Xaaji Suleymaan

Mr.Saciid Siyaad Shirwac Tel.254722230027

Email=ssshirwa@hotmail.com or yahoo.com

 


 





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
Mudugonline.com keeping you Informed.