Mudugonline.com keeping you Informed.    


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

Riyaale oo ka hadley doorashada iyo arrimo kale

Madaxweynaha Jamhuuriyda la magac baxdey Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin ayaa ay BBCdu ku wareysatey khadka telefoohka. Waxuuna Riyaale sheegey in uu ku faraxsan yahay sida ay doorashadu u dhacdey.

Mar wax laga weydiiyey tilaabada xigta ee uu qaadayo waxaa uu Riyaale sheegey in uu mustaqbalka dhow uu dhisayo dowlad caaqibo leh. Waxuunna sheegey in maadaama ay dhameystireen nidaamkii dimuquraadiga ahaa, in uu ugu baaqayo caalamka in ay aqoonsadaan Somaliland.

Waxaa Riyaale la weydiiyey in xisbiga Kulumiye uusan ku qancin natiijadii ka soo baxdey doorashada, marka sidee baa uu u xalinayaa arrintaa. Waxuun ku jawaabey Riyeele, in uu isagu qabo in danaha umaddu ay ka weyn tahay madaxtinimada.

Waxuuna xusey in xisbiyada oo dhan ay hore u balan qaadeen in ay oofiyaan natiijada ka soo baxda doorashada, ayna waajib tahay in loo hogaansamo balanqaadkaa.

Daahir Riyaale waxaa kale oo la weydiiyey maadaama uu xisbiga Udub caqlabiyad weyn uusan kaga adkaan xisbiga kulmiye in uu xisbgaa meelleenayo iyo in kalae. Riyaale waxaa uu sheegey in uu diyaar u yahaya in uu la kulmo xisbiyada kale ee Ucid iyo Kulmiye oo ay ka wada hadlaan danaha ummadda. Waxaa uu intaa ku darey in aysan wanaagsaneyn in uu ku deg dego go'aan ah waxaas ayaa yeelayaa in waxaas ee marka hore uu la kulmo xisbiyada kale, lana wadahadlo.

Mar wax laga weydiiyey gobolada Bariga ee Sool iyo Sagaag oo meelaha qaarkood aan doorashada laga qaban waxaa uu sheegey, in ay dhibaato badan uu Cabdullaahi Yusuf uga hayo jiida barri, hase yeeshee buu yiri, waxaa ku dadaalney in aysan dagaalo dhicin inta doorashada lagu howlanaa. Waxaa uu intaa ku darey in mustaqbalka dhow in maamulkoodu uu gaari doono dhamaan xuduudada Somaliland.

Mar wax laga weydiiyey shanta sanno ee socota waxyaabaha ugu mihiimsan ee uu meel marin doono, waxaa uu sheegey in maamulkiisu uu gaari doono meel walba, in dowladda ay u howlgali doonto horumarinta bushada iyo in uu lagu dagaalayo in maamulkiisu uu aqoonsi ka helo caalamka.

BBC Somali


GUDDOOMIYE KU XIGEENKII MAXKAMADDA SIINAAY OO SAAKAY LA AFDUUBTAY

Talaado , April 22-2003

Guddoomiye ku xigeenkii Maxkamadda Islaamiga ee Siinaay Sheekh Cabdi Cosoble ayaa saakay Maleeshiyo hubeysan ku afduubteen meel u dhaw Girigiisa oo ku yaal Garoonka Kubadda Cagta ee Stadio Muqdisho.

Afduubka Guddoomiye ku xiegeenka ayaa lala xariinayaa inuu ka dambeeyay khilaaf la sheegay inuu ka dhashay Dhul iyo Ceel laysku haystay oo Deegaanka Turdho ah, iyadoo ay jiraan dad u xernaa arrintaas oo ku jira Maxkamadda Siinaay, ayaa waxaa dhacay falkan oo isagna la xariira, Dad joob joogayaal ah ayaa Midnimo u sheegay in Sheekh Cabdi Cosoble lagu afduubtay Gaari Toyota ah oo ay wateen Maleeshiyada.

In kastoo ay caddeyn meesha la geeyay Sheekha ayaa waxaa la sheegayaa iney jiraan dad kale oo loo afduubay arrinta ka dhacday Deegaanka Turdho oo ku dhow Magaalada Kismaayo.

Ma aha markii ugu horeysay oo dad lagu afduubto Magaalada Muqdisho, waxaana Bishii Janaaayo la afduubtay Ilmo sideed bil jir ah oo aabahooda laga doonayay in laga qaado lacag lagu sameyn lahaa Baabuurta loo yaqaan Tiknikada.

Midnimo Information Center
Xafiiska Midnimo ee Muqdisho
panorama100@hotmail.com





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
Mudugonline.com keeping you Informed.