Mudugonline.com keeping you Informed.    


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

BAHAL SUMAYSAN OO WAX KU CUNAY DEGAAN KA TIRSAN GOBALAKA BARI

Bosaaso, 22 April 2003 (MOL)- Waxaa galabta soo gaaray cusbitaalka magaalada Bossaso laba qof oo qaba dhaawacyo uu u gaystay bahal sida la sheegay sumaysan oo aan haybtiisa la aqoon. Labadaasi bukaan ayaa ahaa kuwa miyir la'aan ah mar aan ku booqday Isbitaalka magaalada Bossaso waxaana dhaqaatiirtu ay ku hawlanaayeen sidii ay ula tacaali lahaayeen dhibka haysta dadkaas bukaanka ah.

Oday Axmed oo ah nin ay qaraabo yihiin Dadka Bukaanka ah ayaa Mudug online u sheegay in bahalkaani loo malaynaayo inuu yahay dawaco ku sumawday ari halkaasi bahal ku cunay oo la sumeeyay oo la rabay inuu ku dhinto bahalkaasi markii uu cuno hilibkaasi waxaase nasiib daro ah inuu halibkaasi ka abuurmay bahal muhdi ah oo dad cun ah oo anana la garanayn.

A/risaaq Sh. Aduun
mudugonline.com


Xasan Abshir: " Cabdiqaasim xil igama qaadi karo..."

Muqdisho: (AllPuntland)- Ra'iisul wasaaraha maamulka Cabdiqaasin Salaad Xasan, ayaa shaaca ka qaaday inuu sii hayn doono jagada ra'iisul wasaaranimada maamulka TNGda .

Xasan Abshir Faarax oo u waramayay saxaafadda Muqdisho ayaa sheegay inuusan C/qaasin ka qaadi karin jagada uu hayo ee uu ku joogo rabitaanka shacabkiisa .

Xasan Abshir Faarax iyo Cabdalle Deeroow oo ka mid ah masuuliyiinta ugu sareeya maamulka TNG-da ayaa C/qaasin uu dhawaanahanba damacsanaa inuu jagooyinkooda ka qaado ka dib markii ay ka horyimaadeen amarkiisii uu ku faray inay isaga soo baxaan shirka Somalida uga socda Kenya.

Cabdiqaasin ayaa dadaal ugu jiro inuu helo tirada xubanaha baarlamaanka ee suuro galin kara codaynta xilka qaadista, isagoo kii yimaada ee fuliya amarkiisana loo balan qaaday lacag.

Waxaa sidoo kale amarkii C/qaasin ka hor yimid wasiirkii ganacsiga C/raxmaan Diinaari oo sheegay inaan la casili karin.

Cabdulqaadir C. Cusmaan
AllPuntland Somaliya





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
Mudugonline.com keeping you Informed.