Mudugonline.com keeping you Informed.    


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

Dowlad

The

Goboleedka

Government of

       Puntland

Puntland

 

Somalia

 

                                    Ministry of Fisheries, Ports & Marine Transport

April 21, 2003

Ku:Maamulka Shirkadda SOMCAN

Og:Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland 

Pages: 2

Ujeedo:Ka Noqosho Heshiis

Anagoo tixraacayna heshiiskii aan la galnay shirkada SOMCAN ee ka diiwaan gashan Ajman Free  Trade Zone UAE ee ujeedadiisu ahayd ilaalinta xeebaha Puntland Tariikhdu markay ahayd December 2, 2002. Kaas oo ka koobnaa 19 qodob oo u qoran si qurux badan balse aan la hirgelin.

Kadib markii ay si toos ah uga shaqa geleen badaha dawlad Goboleedka Puntland ayaa shirkada SOMCAN waxay jabisay heshiisyadii qayb ka mid ah ku waas oo ay ka mid yihiin Qodobka 6aad iyo kan 14aad. Sida:

1. In ciidanka la saarayo gaadiidka bada ilaalinaya ay leedahay Dawlad Gobleedka Puntland kuwaas oo ku shaqaynaya sida caadiga ah amarka taliyaha Ciidanka Mariinada

2.  In ay leedahay soo saarista laysamada Wasaaradda Kalluumaysiga, Dekedaha iyo Gaadiidka Bada cidkalena aysan xaq u lahayn.

Sidaas darteed iyada oo ay saaran yihiin gaadiidka Shirkada ciidamo Dawlad Goboleedka Puntland ah ayey shirkada SOMCAN u isticmaashay qaab khaldan kaas oo ah mid ka baxsan qorshaha iyo hab sami u socodka shaqada Dawlada

Waxaa kaloo jirta in doonyo ay leeyihiin dad muwaadiniin ah iyo dad ajnabi ahiba ay dhib u geysteen kuwaas oo haystay Laysamo ay u soo saartay Wasaaraddu iyaga oo qaybo badan oo ah kalluumaysato yar yar ee degaan ah dhib u geystay sida ka jar jarid shabaago iyo dhibo kale oo badan.

Sidaas darteed, iyada oo shaqada wasaarada socodsiinteedii ay dhib u geysteen iyo weliba cabasho joogto ah oo dadku noo soo gudbinayaan ayaan anaga oo tixgelinayna heshiiskii aan la galnay SOMCAN in badan indhaha ka laabanay ayey hada waxay bilawday falal burcad nimo ah, sidaas darteed, Wasaaradda Kalluumaysiga, Dekedaha iyo Gaadiidka Badu waxay go’aansatay inay ka noqoto heshiiskii ay la gashay shirkada SOMCAN ka dib markii ay buuxin waayeen shuruudihii looga baahnaa, laga bilaabo maantay oo ay taariikhdu tahay April 21, 2003.

Wabilaahi Tawfiiq

Wasiirka Wasaaradda Kalluumayisga, Dek. Iyo Gad Badda
Cabdirisaaq Cali Sidiic (Shaahdoon)


FAALO:BIYO DIIDSANAANTA SHIRKADDA SOMCAN IYO XOG DHABA OO KU SAABSAN DAGAALKA BADDAHA PUNTLAND.

"Mid ka mida mulkiilayaasha shirkadda SOMCAN ayaa sheegtay ku simaha Taliyaha Ciidamada Daraawiishta!!!"

Furitaanka baalasha qarsoon

Runtii waxaa la oran karaa waa hurgumo mudo dheer daawo loo waayey oo iskeed isaga dillaacday.

Shirkadda SOMCAN waa shirkad la aasaa santay dib u soo noqoshadii maamulka Puntland, waxaana ay qaabilsan tahay ilaalinta xeebaha Puntland, iyadoo adeegsaneysa ciidamada ilaalinta xeebaha Puntland.

Shirkadani waxay u muuqataa mid bedeshay shirkadii Hart Group oo Saddexdii sanno ee hore iyadu nidaam caynkan oo kale ah dalka kaga shaqeysaneysay, hase yeeshee labada shirkadood waxay ku kala duwan yihiin Shirkadda Somcan ma bixiso Laysimada kalluumeysiga halka shirkaddii Hart Group ay bixin jirtay, shirkadii Hart Group waxaa agaasime ka ahaa Khaliif Ciise Mudan oo daacad u ahaan jiray maamulkii Cabdulaahi Yuusuf, balse meesha ka baxay markuu ku caasi garoobay.

Agaasimaha shirkadda Somcan waa C/weli Cali Taar, wuxuuna ahaa taageerayaashii ugu firfircoonaa xiligii Madaxweynaha DGPL uu fadhiyey Quricii magaalada Gaalkacayo, C/weli wuxuu u huray xiligaas hanti aad u fara badan sidii C/laahi dalka dib ugu qabsan lahaa, C/weli wuxuu ahaa ninkii ka danbeeyey fikradii aan hana qaadka noqon ee dhismaha deked balaastiik ah oo laga dhiso deegaanka Gara-cad ee Gobolka Mudug, hase yeeshee wuxuu ku guuleystay in uu halkaas ka dhiso garoon diyaaradeed iyo jid caratuur ah oo loogu magac daray Taar Airport.

Waxaa la sheegaa in uu jiray ballan weyn oo ka dhexeysay C/weli Cali Taar iyo Madaxweynaha DGPL C/laahi Yuusuf Axmed oo aheyd in loo dhiibo shirkadda ilaalinta xeebaha Puntland, isla markaasna ay bixiso Laysimada Kalluumeysiga, laakiin arrintaasi way mira dhali weyday, waxaana loo xilsaaray shirkada Somcan in ay ilaaliso xeebaha oo keliya, isla markaasna ay khidmad ku yeelato Laysimada ay dowladdu bixiso. Waxaa laga yaabaa in aad is weydiiso maxay u suura geli wayday in shirkaddu bixiso laysimada?

Arrintaas ayaa la sheegaa in uu ganafka ku dhiftay Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha, Kalluumeysiga iyo gaadiidka badda C/risaaq Cali “Shaahdoon”, oo qudhiisa la rumeysan yahay in uu ballan adag ka haystay xiligii Quraca Madaxweynaha DGPL in loo magacaabo Wasiirka dekedda.

Isxulufaysiga siyaasadeed ee ka dhex jira Golaha Wasiirada ayaa raad weyn la sheegaa in ay ku leedahay shirkadda SOMCAN oo weyday khidmadeedii ay ku lahayd dowladda. Mar kale ayaa shirkaddu dareentay in maraakiib aad u fara badan ay badda ku jirto, kuwaasoo haysta Laysimo sharci ah oo dhinacooda aysan ka diiwaan gashaneyn, oo lagu eedeynayo in Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ay baddaha soo geliyeen.

Arrimahaan oo dhan marka la isu geeyo ayaa waxaa soo baxaya in shirkadda SOMCAN uu ku dhacay jaahwareer sababay in ay garan waayaan meel wax u socdaan iyo meel wax ka socdaan, maxaa haddaba xigay?

Xiif Cali Taar oo ay walaalo yihiin Agaasimaha shirkadda Somcan C/weli Cali Taar ayaa sheegtay isagoo waraysi siinaya Raadiyo Midnimo in uu ku sime u yahay Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Col. Careys, xiligaas wuxuu ku sugnaa markab badda dhexdiisa yaala, wuxuuna intaas ku daray in ay badda ka saareen maraakiib kalluumeysi oo tiradoodu kor u dhaafayso Tobban Markab.

Xiif Cali Taar, ayaa isagu ah nin shacab ah oo ka mida mulkiilayaasha shirkadda Somcan, wuxuuna ka soo qayb qaatay dagaaladii ka dhacay meelo Gobolka Bari ka mida, waxaana dhaawac ka soo gaaray dagaalkii Qayaadsame, xiligaas wuxuu ku shaqeynayey taytal Sarkaalnimo, waxayna aad isugu dhowaayeen Taliyaha Ciidamada Daraawiishata Col. C/laahi Cali Mire Careys, Xiif wuxuu kaloo ka mid ahaa abaanduulayaashii ciidamada Gobolka Sanaag kaga daba tegay kuwii Gen. Cadde, gacantana kaga dhigay qorigii PM-ka ahaa, dad badan ayaa haddaba waxay is weydiinayaan xiriirka ka dhexeeya Xiif Cali  Taar iyo Ciidamada Daraawiishta.

Arrintu siday doonto ha ahaateem maanta ayaa tallaabadii ugu xumeyd la oran karaa way qaaday shirkadda SOMCAN, kadib markii ay weerar ku qaaday maraakiib kalluumeysi oo la sheegayo in ay haystaan ruqsada kalluumeysiga ee baddaha Puntland, taasoo la soo werinayo in ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, toddobaadkii horena dadka xeebaha degmada Caluula ka akallumeysta ayaa waxay ka cabanayeen shirkadda SOMCAN kadib markay 14 doonyood oo dadka danyarta kalluumeystada ahi isticmaali jireen oo dalka Yemen laga leeyahay ruqsadna la siiyey ay shirkaddu midiiba ka qaaday Afar Boqol oo Doolar oo ganaax ah, taasoo ah mid aysan shirkadii hart Group aysan sameyn.

Jawiga magaalada Boosaaso ayaa caawa si weyn loog dareemayaa hadal haynta dagaalka badda oo meel kharaar maraya, dagaalkan oo u eg kii xeebta Ceelaayo ku dhex maray SSDF iyo dhuxuleysatada Sanadii 1996.

Shirkadda Somcan ayaa galabta dirtay gurmad ciidan waxaana muuqatay in looga gacan sareeyey weerarkii koowaad, balse ay shirkaddu dooneyso in ay guulo ka gaarto hadafkeeda, shirkaddu way iska dhega tirtay ammaro kala duwan oo kaga yimid Golaha Xukuumada, Taliyayaasha Ciidamada oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidamada Ilaalinta Xeebaha Bootaan Juu Juule, waxaana jira abaabul ballaaran oo qolooyinka maraakiibta iska lihi ay iyaguna gurmad ugu dirayaan bad weynta Hindiya oo maraakiibtoodu taagan tahay.

C/Risaaq Sh.Aduun
Mudugonline.com

 





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
Mudugonline.com keeping you Informed.