Xisbiga Kulmiye ee Ahmed Siilaanyo oo
qaadacay natiijadii doorashooyinka Somaliland
 |
A.
Silanyo
|
Hargeysa 20 April 2003 (MOL)-War saxaafadeed uu
saaka ka soo saaray shir jiraa'id oo uu qabtay hogaamiyaha Xisbiga
Kulmiye Axmed Siilaanyo ayuu ku sheegay inuusan xisbigiisu aqbalayn
natiijadii doorashadii Somaliland oo 80 cod aqlibiyad ah uu ku
guulaystay xisbiga talada haya ee UDUB sida ay sheegeen gudiga
doorashada Somaliland maalintii shalay ahayd.
Mudaharaad dad caraysan oo ah taageerayaasha xisbiga
Kulmiye ayaa waxaa kala eryay posliska, magaalada Burcana sidoo
kale waxaa ka dhacay shaqaaqooyin ay gaysteen dad ka caraysan
sida doorashadu u dhacday, taageerayaasha xisbiga Kulmiye ayaa
rumaysan in doorashada lagu shubtay. Axmed Siilaanyo ayaa taageerayaashiisa
ku booriyay inay nabada iyo kala dambaynta dhawraan.
Soomaali badan ayaa u hanweynayd in doorashooyinka
Somaliland u dhacaan si nadiifa taas oo dad badan rajaynayeen
in Koonfurta Somaliyana uga dayan doonto in doorasho lagu kala
baxo intii qori caaradi wax lagu dooni lahaa.
Halkaan ka gal
website-ka xisbiga Kulmiye
Mudugonline.com
Wararkii ugu dambeeyey: Dagaalka Badda
Puntland
Boosaaso (AllPuntland): Wararkii ugu dambeeyey
ee galabta ka soo baxa dagaal xalay ka bilowday xeebaha Badda
cas ee Puntland ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof ku dhinteen.
Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidanka illaalada xeebaha
Puntland iyo shirkadda la yiraahdo NEFCO (North East Fishing Co.)
ee kaluumaysiga. Iska hor imaadka ayaa ka dhashay arin la xiriira
haysashada ruqsadda ka kaluumaysiga badda Puntland. Ma jiro warar
madax banaan oo xaqiijinaya inta khasaaruhu le'eg yahay.l
Guddoomiyaha gobolka Barri Ibraahim Cartan (Xaaji-bakiin)
ayaa galabta AllPuntland u sheegay in arintu ay ka baxday faraha
maamulka gobolka kadib markii waxba laga maqli waayay. Wasiirka
Kaluumaysiga Shaahdoon Cali ayaa isna galabta sheegay in lagu
jiro sidii loo xalin lahaa dhibta.
Cabdirisaaq Shiikh-adduun
AllPuntland, Boosaaso
ERGAYGA DOWLADDA KENYA EE U QAABILSAN SOOMALIDA
AYAA KU GACAN SEYRAY QORSHE UU CUSMAN CAATO WATAY
Ergayga Dowladda Kenya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, isla markaasina
ah shir guddoonka shirka Soomaalida Bethwel Kiplagat ayaa ku gacan
seyray qorshe uu watay Hoggaamiye Kooxeedka Cusmaan Xasan Cali
Caato ee ahaa in Ergaygaasi taageero dadaalka loogu jiro in wax
looga qabto nabadgelyo xumada Gobolka Banaadir iyo Shirarka qaar
ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Muqdisho hormuudka ka yihiin.
Cusmaan Caato oo laba Beri ka hor gaaray Magaalada
Nairobi ayaa kulan uu la yeeshay ergaygaasi waxa uu ugu warbixiyay
shirarka ka socda Gobolka Banaadir, gaar ahaan kulamadii dhex
maray Madaxweyne C/qaasim iyo kooxaha G—8, balse wararka ayaa
sheegaya in Bathwell Kiplagad uu wax kama jiraan ka soo qaaday
qorshaha uu hor dhigay Cusmaan Caato, taasoo Cusmaan Caato ku
kaliftay inuu ku soo laabto Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in ereyga Kenya uu u sheegay
Cusmaan Caato in shir dib u heshiisiin kan haatan ka socda Kenya
mooyee mid kale aan lagu barbar furi karin, wuxuuse Cusmaan Caato
maalintii shalay sheegay in farriin uu ka waday hoggaamiyayaasha
kooxaha Muqdisho uu gaarsiiyay Bathwell Kiplagad.
Midnimo Information Center
Xafiiska Midnimo ee Muqdisho
panorama100@hotmail.com