Mudugonline.com keeping you Informed.    


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

WAFTI ISUGU JIRA MADAXDA PUNTLAND IYO XUBNO KA MID AH MADAXDA SOOMAALIDA EE KA QAYB GALAYAY SHIRKA KENYA OO U DHOOFAY PUNTALAND.

Nayrobi, 20 April 2003 (MOL)-wafti balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Cabdullaahi Yuusuf ayaa saaka 8-dii subaxnimo ka duulay gagida Diyaaradaha Nairobi ee la yirahdo Wilson Airport, iyaga oo u sii jeeda Magaalo Madaxda Maamul Goboleedka PL ee Garoowe, kadib markii ay Fasax rasmi ah ka heleen Guddiga dib u heshiisiinta IGAD ee hogaaminaya shirka haatan loo fadhiyo Dalka Kenya.
wasiirka arrimaha Diinta iyo Garsoorka oo aan wax ka waydiiyay ujeedada safarka masuuliyiuinta Dawlad goboleedka ayaa sheegay in ujeedada safarkoodu la xiriiro laba qodob oo kan hore yahay soo afjaridda khilaafkii Siyaasadeed ee PL dhexdeeda ahaa iyo kan labaad oo la xiriira dhaqan galinta sharci cusub oo ku saabsan dhismaha golayaasha degaanada Puntland, wuxuuna wasiirku intaas raaciyay in madaxda dawlad goboleedka PL oo beryahanba wada hadalo nabadeed u socdeen dhinaca Janaraal Cadde muuse Hogaamiyo ee ku sugan Soomaaliland iyo taageerayaashooda, kuwaasoo la filayo in dhawaan ay wada hadalo rasmi ah isu soo hor fariistaan Masuuliyiin iyo wax garad ka tirsan PL.

warar kale oo lagu kalsoon yahay ayaa waxa ay intaas ku darayaan in qorshahani ka dhashay dadaalo is daba joog ahaa oo ay beryahanba wadeen qaar ka mid ah Isimada Puntland kuwaasoo laga magacaabay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Garaad Maxamuud Cali Shire, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo qaar kale.
Waftiga PL ee saaka ka dhoofay Nairobi ayaa waxa ka mid ahaayeen Cali Ismaaciil Cabdi Giir (Gudoomiyihii ururkii SNDU, kana mid ahaa Asaasayaashii PL), wasiirka kaluumaysiga PL shaahdoon Cali Yare, Wasiirka hub ka dhigista iyo dib u heshiinta PL Cabdi Cabdulle Siciid, la taliyaha Madaxweynaha PL ee xaga Horumarinta Cabdikaafi Bawdokuus iyo xubno kale.

waftiga ayaa waxa kale oo safarkooda ku wehliyay Masuuliyiin ka mid ah Madaxda Soomaalida ee ka qayb galaysa shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Kenya, kuwaasoo kala ahaa Imaam Hilowle Imaam Cumar oo ka mid ah Gudoomiyayaasha golaha SRRC, Cabdullaahi Shekh Ismaaciil oo isna ka mid ah gudoomiyayaasha golaha SRRC iyo Maxamed Maxamuud Gacma dheere oo ah Gudoomiyaha Daladda Aragtida Cusub.
masuuliyintan oo aan wax ka waydiinay ujeedada safarkooda ayaa ku gaabsaday in safarkoodu yahay Booqasho walaalnimo. Cabdullaahi Sheekh oo aan si gaar ah wax uga waydiinay waxa laga yaabo in ay qabtaan mudada ay PL Joogaan ayaa Tilmaamay in ay suuro gal tahay in ciddii ay arkaan ay uga waramaan dadaalka Nabadeed ee ka socda Nairobi iyo rajo dhismaha Dawlad Soomaaliyeed oo ka soo carfaya, waxa kale oo uu intaas raaciyay in ay dadka ku boorin doonaan sidii dhamaan gobolada Soomaaliya nabad iyo is af garad buuxa loogu soo dabaali lahaa.

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo mudadii uu Joogay shirka dib u heshiisiinta ahaa Hogaamiyaha Ergada reer PL ee ka qayb galaysa shirka Kenya ayaa waxa uu haatan xilkaas ku sii wareejiyay wasiirka arrimaha Diinta iyo Garsoorka Cawad Axmed Casharo.

dhanka kale lama oga mudada rasmiga ee ay qaadan doonto wada hadalada nabadeed ee PL ka dhici doono iyo qodobada laga wada hadli doono, madaxweynuhuna waxa uu ka gaabsaday in uu wax xog ah ka bixiyo qorshayaasha nabadeed ee uu u socdo, mar uu su'aal arrintaas ku saabsan oo aan wax ka waydiinay ka jawaabayayna waxa uu yiri "Nabad iyo xal wanaagsan oo lala gaaro cid kasta oo wax tabanaysa ayaan diyaar u nahay, wax kastana waxaan ka hor marinaynaa sidii aan dadkayaga u midayn lahayn, laakiin ka hor dhici mayo wadahadalada Nabadda ee aan u socono"si kastabase ha ahaatee waxaad moodaa marka la eego guud ahaan wararka ka soo baxaya Dhinacyada gudaha Soomaaliya in rajadan Nabadeed ay tahay mid si wanaagsan loogu gogol xaaray lana filayo in wax waliba ku dhamaadaan is afgarad iyo wadahadal daacad laga wada yahay.

Weriye: Maxamed-deeq Cabdulqaadir.
E-mail:
maxdeeq50@hotmail.com
Mudugonline.com

 





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
Mudugonline.com keeping you Informed.