Waxaa na soo gaaray nuqul qoraal ka soo baxay Kooxdii
Jamac Cali Jamac oo hadda uu hogaamiyo Janaraal Cade Muse dhawaantana
la baxay Magac Cusub, Kooxdaas ayaa hadda isugu yeerta "Golaha
Badbaadada Puntland" Magaca cusub oo looga jeedo sidii
kooxdaasi dardar cusub ay ugalin lahaayeen sidii ay mar gacanta
ugu dhigi lahaayeen dawlad Gogoleedka Puntland ayaa waxay taageero
iyo Isgbahaysi la leeyihiin Dawlada Riyaale ee Somaliland, Kooxda
Carta ee uu hogaamiyo Cabdiqasim Salad iyo Kooxda G8 ee uu hogaamiyo
Maxamed Qanye ayna ka tirsan yihiin Cusman Caato, Bare Hiiraale
iyo Ina Cumar Jees. Waxaa qoraalkan na so gaarsiiyay Wariyaheena
Bosaaso. Hoos ka akhri Qoraalka oo dhamaystiran:
Barnaamijka Badbaadinta Puntland ( April,
2003 )
I. Dulmar Guud
Marka Geeddisocodka taariikhda si guud loo dulmaro, shacbiga Puntland
waxaa la soo gudboonaaday duruufo qallafsan iyo dhibaatooyin isugu
jira kuwa ay guud ahaan la qabeen shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa
ayaga u gaar ah.
1. Gobollada Puntland waxay ka mid ahaayeen meelaha
ay sida weyn u naafeeyeen weerarradii ay gumeystayaasha shisheeye
ku qabsanayeen Soomaaliya oo dhan isla markaana horseeday dhaq-dhaqaaqii
gumeysi diidka ahaa ee dalka oo dhan ku fiday, uga dambaytiina lagu
soo dhacsaday qarannimadi Soomaaliya.
2. Markii lagu guulaystay hanashadi madaxbannaanida
qarannimo, dawladihii rayidka ahaa ee gacanta ku dhigay talada dalka
si weyn ayay isugu ladeen gobollada Puntland. Muddadii ay xukunka
hayeen maamulladii rayidka ahaa (1960-1969), wax horumar ah gobolladaasi
ma ay arag, haddii ay tahay dhinacyada adeegyada daruuriga ah, kaabayaasha
dhaqalaha iyo wax soo saarkaba.
3. Xilligii ay dalka ka talinaysay dawladdii Milleteriga
ahayd (1969-1991), Puntland waxaa saarnaa cadaadis dheeraad ah oo
isugu jiray cunaqabatayn dhaqaale,fursadihii shaqo oo ciriiri laga
geliyay, xarig iyo gumaad. Meela ka mid ah degaannada Puntland waxay
ciidammada qalabka sida ee dawladdu ka fuliyeen hawlgallo naxariis
darro oo isugu jira tuulooyin dab la suray, ilihii biyaha oo la
burburiyay iyo reer guuraagii oo xoolihii laga dhacay.
4. Sidaas awgeed, waxaa khasab ku noqday inay horseedaan
gadoodkii lagaga horyimi xukunkii diktaatooriga ah. Ciidankii Jabhaddii
SSDF, oo ahaa dhaq-dhaqaaqii ugu horreeyay ee dagaal hubaysan kaga
horyimi maamulkii uu madaxda ka ahaa Maxamad Siyaad Barre, intooda
ugu badani waxay ka soo jeedeen shacbiga gobollada Puntland. Inkasta
oo SSDF si weyn u naafaysay awooddi ciidan ee dawladdi Mileteriga
ahayd, shacabkii Soomaaliyeedna ku dhiirraday inuu la dagaallamo
xukuumaddii duudsiday xuquuqdii shacabka oo
dhan, haddana dhinac kale marka laga fiiriyo, shacabka Puntland
aaya xumo aan hore u soo marin ayuu SSDF ka dhaxlay. Dhimasho iyo
dhaawac fara badan oo ka soo gaaray dagaalkii hubaysnaa ee ay ciidammadii
dawladda kula jireen iyo cadaadiskii dawladdu ku haysay oo gaaray
heer naxariis darro ah ka sokow, waxaa ayaan darro ah in SSDF ay
ciidan ahaan iyo siyasad ahaanba burburtay ayada oo uu weli taaganyahay
xukunkii ay la dagaallamaysay. Taladii SSDF oo uu afduubay hoggaan
keligi talis oo uu madax ka yahay abdullahi Yusuf iyo saldhiggi
jabhadda oo ahaa Itoobiya oo uu xilligaas ka talinayay xukun askareed
shacbigiisaba ka cunaqabateeyay xuquuqdoodii asaasiga ahayd ayaa
sababay in aanay SSDF yeelan saanqaad sax ah ugu dambayntiina ay
burburto.
5. Markii ururka USC uu qabsaday magaalada Muqdisho,
26kii Jannaayo 1991, shacabkii rayidka ahaa ee ku sugnaa koonfurta
Soomaaliya waxaa lagula kacay xasuuq aan kala sooc lahayn, hantidii
guud iyo tii gaar ahaaneed ee shacabku lahaana waa la bililiqaystay.
Colaaddii ka qaraxday caasimaddii Soomaaliya
waxay isu rogtay dagaal sokeeye oo dalka oo dhan ku baahday.
6. Dadkii ka sabatabaxay, isir ahaanna ka soo jeeday
degaannada Puntland, waxay ku khasbanaadeen inay si habqan ah u
gobolladaas dib ugu soo barakacaan.
Natiijadii kacdoonkii hubaysnaa ee Soomaliya ka aloosmay
laga bilaabo 1978 waxay noqotay inay meesha ka baxdo xukuumaddii
mileteriga ahayd, hase ahaatee dhaq-dhaqaaqyadii hormuudka ka ahaa
kacdoonkaas uma tabaabushaysan kumana guulaysan in badbaadiyaan
jiritaankii dawladnimo. Ka dib markii dawladnimadii Soomaaliya ay
jiritaan beeshay, laga bilaabo 26 Jennaayo 1991, Somaaliya waxay
u kala googo'oday degaanno ay ka kala jiraan duruufo kala geddisan.
Dawlad Goboleedka Puntland waa is-maamul ku meel gaar ah oo u taagan
aaya ka talinta shacbiga mandaqaddas ku nool tan iyo inta lagu guuleysanayo
in dib loo yagleelo dawlad Somaliyeed oo ah dimuqaraaddi Federaali
ah.
II. Woqooyi Bari Soomaaliya (1991 1998)
Muddadii u dhexaysay 1991 ilaa baratmihii 1998, laguma
guulaysan in mandaqaddu yeelato hannaan siyaasi ah iyo habraac sharci
ku dhisan oo la isku raacsanyahay oo loo cuskado hanashada awoodda
siyaasadeed. Haykalka siyaasiga ah e rasmi ahaan ka talinayay gobolladii
Woqooyi Bari soomaaliya (Woqooyi Mudug, Nugaal iyo Bari), wuxuu
ahaa ururkii SSDF oo dib loo abaabulay markii ay burburtay dawladdi
Somaaliya. SSDF, muddadii haykalka siyaasiga ah ee Woqooyi Bari
Somaaliya, waxay u kala jabnaa laba garab oo mid walbi iskiis u
sheeganayay inuu yahay hoggaanka dhabta ah ee ururka. Inkasta oo
uu jiray loollan siyaasadeed oo kharaar, kaas oo hakiyay horumar
wax ku ool ah oo la gaari lahaa, haddana dhinac kale marka laga
fiiriyo, waxaa mar walba shacbigu ka digtoonaa kuna guulaystay inaan
hoggaanka loo sii deyn cid kasta oo wadatay damac qab-qab-qablenimo.
Xakamayntii damacii qab-qalanimo waxay ahayd guul
weyn oo ay gaareen shacabka Puntland oo suurta gelisay inay nabad
ku wada noolaadaan, degaannada iyo beelaha kale ee Soomaaliyeedna
aanay la doonaan daandaansi colaadeed, ayaga oo isla markaas awood
u yeeshay inay iska caabbiyaan weerarro gardarro ahaa oo ururka
USC uu ku hayay gobolka Mudug wixii ka horreeyay 1993. Waxaa ayaduna
xusid mudan in qof kasta oo Soomaali ah oo u tegay gobolladaas si
socdaal ah amaba ku negaansho uu xurmo iyo soo dhoweyn ka helay.
Laga bilaabo horrankii 1995, waxaa gobollada Woqooyi
Bari Soomaaliya ka jiray dhaq-dhaqaaq dadweyne oo leh qaab shirar
wada tashi oo ku bilawday heer beeleed una gudbay heer gobol. Natiijadii
ka dhalatay dhaq-dhaqaaqaas dadweyne waxay noqotay in saddexdii
gobol ee WBS laga dhiso is-maamul goboleedyo leh sharciyad iyo qaab
dhismeed isu dhow oo isla saanqaadi kara. Muddadii koobnayd ee Ismaamullada
gobolladu jireen wax la taaban karo ayay ka qabteen adeegyada bulshada
waxaana bilawday taabbusho ballaaran oo loogu googol-xaarayay in
la dhiso maamul u dhexeeya saddexda gobol oo leh sharciyad buuxda
oo looga bixi karo fadhiidnimada siyaasadeed ee SSDF.
Dadaal aan kala go'o lahayn ka dib waxaa magaalada
Garoowe lagu qabtay, muddadii u dhexaysay 26kii Febraayo ilaa 3dii
Maarso, shirweyne wada-tashi oo ay ka qayb-galeen 303 ergey oo ka
kala socday qaybaha bulshada oo dhan. Gabagabadii shirkaas waxaa
la go'aamiyay in la qabto Shirweyne Dastuuri ah oo rasmi ahaan lagu
dhiso Dawlad Goboleedka Puntland.
III. Shirweynihii Dastuuriga Ahaa ee Koowaad (
15 May 1st Agoosto 1998)
Shirweynihii Dastuuriga ahaa ee Puntland, sidii ku
tala-galku ahaa, wuxuu magaalada Garoowe ka furmay 15ki May 1998.
Dawlad Goboleedka Puntland waxaa rasmi ahaan loogaga dhawaaqay madashii
shirweynaha dastuuriga ahaa, 30kii Juun 1998 oo ku began markii
ergooyinkii shirweynihii dastuuriga ahaa ee Puntland ay meelmariyeen
Axdiga Ku Meel Gaarka ah.
Inkasta oo qabashada shirweynihii dastuuriga ay ku
suurta gashay rabitaan dadweyne, haddana duruufa jiray awgood hoggaamintii
shirku waxaa afduubay kooxdii wadatay damaca qab-qablenimo oo turunturrada
ugu weyn ku ahayd inuu mandaqadda maamul wax ku ool ihi ka hanaqaado.
IV. Maamulkii Koowaad ee Puntland (1998 2001)
Maamulkii kowaad ee Puntland, sida ku cad Axdiga ku
meel Gaarka ah, waxaa loogu tala-galay inuu saddex sano gudahood
ku qabto doorashooyin xor ah, ayada oo la raacayo dastuur shacabku
ka baaraandegay aftina lagu ansixiyay. Hadafka kooxda maamulka mandaqadda
gacanta ku dhigtay marna ma ahayn inay gutaan waajibaadkii shacabku
u xilsaaray, ujeeddada keliya oo ay lahaayeena waxay ahayd inay
Puntland ka dhigtaan saldhig awoodeed oo ay kaga qayb-galaan xukun
qaybsi heer qaran ah.
Ku tala-galka xukuumaddii koowaad ee Puntland wuxuu
ahaa inta aanay dhammaan saddexda sano oo Axdigu gooyay in Cabdullahi
Yuusuf lagu hubsado inuu noqdo madaxweyne ama Ra'iisul wasaare Dawlad
qaran oo Soomaaliyeed. Sidaas awgeed marna iskuma hawlin gudashada
xilkii ka saarnaa Puntland gudaheeda, xooggooda oo dhanna waxay
saareen sidii ay u kasban lahaayeen taxaaluf ay la galaan qab-qablayaal
kale ee Soomaaliyeed. Si loo meel-mariyo qorshihii ay wateen Cabdullahi
Yuusf iyo kooxdiisu, Puntland waxay ku soo rogeen xukun diktatoori
ah oo si weyn u kala dhantaalay jawigii wada tashiga iyo is-qaddarinta
ku dhisnaa ee mandaqaddaas ka jiray intii ka horreysay curashada
maamulki koowaad ee Puntland. Inkasta oo uu lumiyay xuquuqdii muwaaddinino
iyo kuwii ummadnimoba, muddadii maamulkii koowaad uu ka talinayay
Puntland uu si sharciya talada u hayay (Juune 1998- Juun 2001),
haddana shacabka Puntland wuxuu ku mintiday inuu ka digtoonaado
siyaasad kasta oo lagu khatalayo oo looga gol lahaa abaabul coladeed
oo dhexdooada ka qaraxda.
Markii ay gabaabsi noqotay muddadii saddexda sano
ahayd ee loogu talagalay inuu maamulkii koowaad ee Puntland uu dhammaystiro
dhismaha is-maamul xukuumadeed oo si toos ah shacabku u doorto waxay
ku beegantahay ayada oo hindisihii Cabdullahi Yuusf uu ku raadinayay
madaxnimo Soomaaliyeed aanay waxba ka hirgelin. Mashaqada siyaasadeed
ee maamulkii koowaad la soo gudboonaatay waxay ahayd inay u baahdeed
wakhti dheeraad ah ayaga oo isla markaas hubay inaan shacbiga la
soo marsiinayn inay mar kale doortaan isla shakhsiyaadkii lagu doortay
shirweynihii koowaad ee dastuuriga ahaa.
V. Mowqifkii Guddoomiyihii Maxkamada Sare: Difaaca
Sharciyadda Puntland.
Axdiga ku Meel-Gaarka ah ee Puntland waxaa ku cad
inaan saddexda sano ee ku meel gaarka aan sina loo kordhin Karin,
waajibka dastuuriga ah oo maamulka saaranina uu yahay inuu gobolladaas
gaarsiiyo inay si toos ah u doortaan cidda ay aayahooda u xilsaarayaan.
Sidoo kale Qod. 34.2 ee Axdigu waxaa si aan muran la gelin Karin
ugu cad: " Sabab kasta awgeed haddii Golaha xukuumaddu diyaarin
waayo dastuur, inta lagu jiro xilliga kala guurka ah, Golaha Wakiillada
iyo Golaha Xukuumaddu way jiritaan beelayaan xilka madaxweynuhuna
wuxuu ku wareegayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, asaguna markiisa
wuxuu isugu yeerayaa shiray isugu yimaadaan beelihii dhistay Puntland
si ay aayahooda go'aan uga gaaraan". Ayaga oo iska indha tiraya
isla sharciyaddii talada loogu dhiibay, Cabdullahi Yuusf iyo kooxdiisu
waxay 27kii Juun 2001 ku dhawaaqeen inay saddex sano oo hor leh,
oo ka bilaabata 1da Juulay 2001, ay xukun xukunka hayn doonaan.
Dinaca kale Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, wuxuu 1dii
Julay 2001 soo saaray Wareegto Sharci, taas oo uu ku caddaynayo
in asaga oo gudanaya waajibaadka uu farayo Qod. 34.2 ee Axdiga ku
meel-gaarka ah, uu la wareegay xilkii Madaxweynaha laga bilaabo
isla maalinta uu qoraalkaas soo saaray. Isla markaas wuxuu ku dhawaaqay
u yeeridda Shirweyne Dastuuriya ee labaad, si dadku aayahooda go'aan
uga gaaraan, asaga oo caddayay inaanu han siyaasiya oo shakhsi ah
lahayn xilkana ku wareejin doona cid kasta oo lagu doorto shirweyna
labaad.
Go'aankii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare wuxuu helay
taageero shacbi oo ballaran, gobollada Puntland oo dhanna waxaa
ka bilaawday qaban-qaabo xawli leh oo loogu diyaargaroobayo ka qayb-galka
shirweynaha 2aad ee dastuuriga.
Ka dib markii ay hubsadeen sida aan kala harka lahyn
ee shacabka Puntland ugu diyaargaroobayo Shirweynihii 2aad ee dastuuriga
ah, Cabdullahi Yuusuf wuxuu 5tii Agoosto 2001 ku tallabsaday weerar
toos ah oo shakhsi ahaan uu asagu hoggaaminayay oo uu ku qaaday
magaalada Bosaso. Werrarkaas gardarrada ahi wuxuu la kulmay iska
caabbin dadweyne oo xoog leh, maalintii labaadna asaga iyo ciidammadiisiba
waa la soo baacsaday.
Iska caabbintii weerarradii garadrrada ahaa, waxay
dardar gelisay qabanqaabadii shirweynihii labaad ee dastuuriga ahaa,
ayada oo dhinaca kale uu Cabdullahi Yusuf uu magaalada Galkacyo
ka wadey abaabul ciidan iyo u diyaargarow rogaal celin weerar.
Shirweynihii Dastuuriga ahaa ee labaad, sidii ku tala
galku ahaa, wuxuu rasmi ahaan ka furmay magaalada Garoowe 16kii
Agoosto, wuxuuna xirmay 14kii Nofembar 2001, waxaana madashaas lagu
doortay madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen. 21kii Nofember ee isla
bishaas ciidammo uu hoggaaminayo Cabdullahi Yuusf ayaa weerar ku
soo qaaday magaalada Garoowe, ugu dambayntiina waxay ku guulaysteen
inay 6dii May 2002 ay ka magaalada Bosaso ka qabsadaan maamulkii
sharciga ahaa ee lagu doortay shirweynihii labaad ee Dastuuriga
ahaa.
VI. Xaaladda Puntland ka Taagan
Tan iyo intii ay dhammaatay sharciyaddii maamulkii
ku meel-gaarka ee koowaad, koox uu hormuud u yahay cabdullahi Yuusuf
oo wadata damac qab-qablenimo ayaa Puntland dhexdeeda ka wada weerarro
colaadeed oo is daba joog ah oo aanay weli ka waantoobin ee ay sii
hurinayaan. Guud ahaan haddii la soo koobo, xaaladda wakhtigaan
ay Puntland ku sugantahay waxaa lagu soo ururin karaa:
1. Maamulkii sharciga ahaa ee lagu doortay shirweynihii
dastuuriga ahaa ee labaad wuu gabay inuu shacbiga Puntland ka difaaco
weerarrada colaadeed ee ay ku soo qaadday kooxda uu hormuudka u
yahay Cabdullahi Yuusuf. Intaas waxaa dheer in maamulkii sharciga
aanu hoggaamin dagaalka xaqa aha ee shacabka Puntland
iskaga caabinayaan in la muquuniyo, sidaasna lagu baabi'iyo jiritaankooda
ummadnimo.
2. dhinac kale, inkasta oo qab-qablayaasha Puntland
ay dumiyeen maamulkii
sharciga ahaa, haddana laguma sheegi karo inay yihiin maamul jira,
dhinac walba marka laga fiiriyona waxay ku cadyihiin, Miliishiya
Burcad ah oo ka amar qaadata Qab-qable dagaal. Dhibaatooyinka ay
kooxdaasi ku hayso Puntland, waxaa ka
mid ah:
(a) Laga bilaabo 5tii Agoosto 2001 waxay Puntland
ka wadaa weeraro is-daba-joog ah oo sababay dhimasho iyo dhaawac
fara badan, burbur dhaqaale iyo barakac.
(b) Waxay gacanta ku dhigeen ilihii dhaqaale ee la
wadaagay sida Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Bosaso, Garoonka
diyaaradaha ee Galkacyo,cashuurta dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo cashuurihii
dawladda hoose ee magaalooyinka waaweyn.
(c) Waxay gacan-saar la leeyihiin burcad dhaqaale oo isugu jira
kuwa soo daabaca lacago been abuur ah iyo qaar kale oo dullaaliin
u ah shirkado kalluumaysi oo ajnebi ah oo boob naxariis la'aan ah
ku haya badaha Puntland.
(d) Miliishiyada Cabdullahi waxay si bareer ah u toogteen
shaksiyaad birma-geydo ah oo ay ka mid yihiin Suladan Axmad Maxamad
Hurre,Ganacsade Faarax Maxamad Siciid (Farax Dheere), iyo Duqii
hore ee magaalada Qardho Cabdirisaaq Maxamad Jaamac.
(e) Miliishiyada Cabdullahi Yuusuf ka amar qaadata beryahan dambe
waxay bilaabeen inay jidgooyooyin ka samaystaan dariiqa isku xira
Qardho iyo Bosaso, waxayna ku kacaan falal burcadnimo oo isugu jira
dhac iyo dad aan waxba galabsan oo ay dil iyo dhaawac u geysteen.
(f) Waxay madasha shirka dibuheshiisiinta Soomaaliya
ee ka socota Keenya ka sheegteen inay yihiin madaxda sharciga ah
ee Puntland.
Qaddarinta laga siiyay shirka nabadaynta Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf
iyo ergada aan matilin shacabka Puntland waxay dhiirri gelin u tahay
damaca qab-qablayaasha iyo sii hurinta colaadda.
3. Tan iyo markii Miliishiyada sharci dumiska ahi
ay gacanta ku dhigtay magaalada, Bosaaso waxaa aloosmay abaabul
ciidan iyo mid siyaasadeed oo shacabka Puntland ku diiddanyahay
muquuninta. Ujeeddada keliya ee laga leeyahay abaabulkaas waxa weeye
in la difaaco dibna loo hanto sharciyadda Puntland ee ay qab-qablayaasha
dagaalku ku tunteen welina duullanka ku yihiin. Taariikhda Bani'aadamka,
iyo gaar ahaan tan Soomaaliya ayaa si walba uga marag kacay in waxa
keliya oo laga dhaxlo diktatooriyadda ay tahay burbur aan kala har
lahayn oo ugu dambaynta aanay ka badbaadin kuwa jidaysta amar ku
taaglaynta qudhoodu. Dhinac kale marka laga eego, gadood kasta oo
lagaga horyimaado muquunin guul ma keeno haddii aanu lahayn hoggaan
siyaasadeed oo leh himilo xaq ah iyo istraateejiyad cad oo lagaga
adkaanayo cadowga guushana lagu hananayo.
Sidaas awgeed, waxaa la asaasay Golaha Badbaadinta Puntland (GBP).
VII. Himilada Golaha Badbaadinta Puntland
Himilada GBP, guud ahaan, waa mid ka tarjumaysa sidii
shacabka Puntland ku dhisan lahaa maamul dimuqaraadi ah oo danta
guud ku maamula si caddaalad ah. Mabada asaasiga ee GBP ka duulayeso
waxa weeye:
(i) Maamul caddaalad ku shaqeeya oo keliya ayaa kasban
kara kalsoonida
shacabka.
(ii) Ummad ku kalsoon maamulka ay ayagu samaysteen,
dhexdeedana isku kalsoon, ayaa nabad iyo xasillooni heli karta.
(iii) Markii la isla helo maamul sharci ah, caddaalad
, isku-kalsooni ummadnimo, iyo nabadgelyo ka dhalata, ayuunbaa horumar
la gaari karaa.
Bartilmaameedyada GBP ku dadaalayso inuu shacabka
Puntland wakhtiga dhow gaaro, kuwaaso u googol xaari kara himilada
wakhtiga fog, waxaa ka mid ah:
1. Dib u hanashada iyo sii adkaynta jawigii nabad
ku wada noolaanshaha iyo
xasilloonida ee Puntland ka jiray wixii ka horreeyay 5tii Agosto
2001, oo ku began markii Cabdullahi Yuusf uu Puntland dhexdeeda
ka bilaabay weerarrada
colaadeed, kuwaaso asaga iyo raggiisu aanay weli ka waantoobin.
2. Abuuritaanka jawi bulsho oo ka reebban is-muquunin
leh qaab qabiil, degaan,
amaba koox siyaasadeed oo gaar ah oo shacabka intiisa badan ku sandullaya
dana gaar uu ah oo aan lala wadaagin. Mabadiida asaasiga ah ee GBP
waxaa ka
mid ah shacbigu leeyahay aaya ka talintiisa, wixii danta guud la
xariirana lagu maamulo wada tashi, sharci iyo Axdi Bulsho oo la
wada degsaday lana xurmeeyo.
3. Dhismaha maamul leh Sharciyad dhammaystiran, ayada
oo laga duulayo in isla
helidda labada himilo ee hore (nabad ku wadanoolaansho iyo aaya
ka talin loo
dhanyahay) ay tahay shardiga keliya oo lagu heli karo maamul leh
sharciyad
dhammaystiran.
VIII. Istraateejiyada Siyaasadeed
Si looga dhabeeyo xaqiijinta himilooyinka guud iyo
bartilmaameedyada wakhtiga dhow, GBP waxay ku hawlgelaysa istrateejiyada
soo socota:
1. Kala diridda Miliishiyada fallaagada ah: maa daama
hadda aanu Puntland ka jirin maamul sharci ah, xasaradda ka jirtana
ay tahay mid ay wadaan kooxda uu
hormuudka u yahay qab-qable Cabdullahi Yusuf, tallaabada ugu horraysa
ee
horseedi karta ambaqaadidda himilada shacabka Puntland waa ayada
oo la kala
diro miliishiyada fallaagada ah. Si wax looga beddelo dhaqanka tobannaankii
sano ee ugu dambeeyay Soomaaliya ka jiray oo ah in caada laga dhigtay
dembiyada aadanaha laga galo, waxaan laga fursanayn in shakhsiyaadka
qaarkood la horkeeno maxkamad laguna soo oogo jariimooyinkii taxanaha
oo ay
galeen. Kala diridda miliishiyada waxaa loo adeegsan doona qaabab
siyaasad
iyo ciidan isugu jira. Hadafka GBP waxa weeye in laga maarmo dad
kale oo
Puntland dagaal dhexdeeda ah kaga dhinta, haddii aanay ka fursanwaa
noqon.
Sidaas awgeed GBP wacyi gelin farabadan ayay ka waddaa miliishiyada
Cabdullahi Yuusuf dhexdeeda si ay ugu soo wareegaan dhinaceeda amaba
ay u
kala noqodaan degaannadii ay ka kala yimaadeen. Miliishiyada ku
sii adkaysata sii wadidda dhibaatada ay ku hayaan shacabka, ayaga
oo u adeegaya dan
cadow, waxaa khasab noqonaysa in hab ciidan wax lagaga qabto.
2. Dhisidda Maamul sii Haya Xilka: Kala diridda miliishiyada
fallaagada ah ka dib, GBP waxay dhisi doontaa maamul ka hawlgala
magaala madaxda Puntland,
Garoowe, kaasoo sii haynaya xilka Dawlad Goboleedka Puntland ilaa
iyo inta
lagu guulaysanayo dhismaha maamul leh sharciyad dhammaystiran.
3. Adkaynta Nabad ku Wada noolaanshaha Shacabka: Himilada
koowaad ee GBP
waxa weeye in shacabka walaalaha ahi uu si nabadgelya ah ku wada
noolaado,
lana suuliyo wax kasta oo dhalin kara fidmo colaadeed oo ka aloosanta
Puntland dhexdooda, amaba Puntland iyo degaannada kale ee Soomaaliyeed.
Siyaasadda GBP ee ku aaddan soo celin iyo adkaynta nabadda waxaa
saldhig u ah:
(a) Marka la soo afjaro colaadda kooxda Cabdullahi
Yuusuf ka waddo Puntland, GBP uma hanqaltaagi doonto inay la timaaddo
muquunin cusub iyo inay cidna ku sandullayso hindise ayada u gaar
ah.
(b) Xadgudubyada loo geystay qaybo ka mid ah shacabka
Puntland, waxaa si toos ah u geystay Kooxda Cabdullahi Yuusuf ama
cid iskuhallaynaysa awoodda kooxdaasi ay ku leedahay mandaqadda.
Marka shacabka Puntland iska qabto kooxdaas, GBP waxaa ka ka go'an
inay xakamayso, isla markaasna dadweyna uga digaysaa, falal aargoosi
ku dhisan oo keeni kara xasarad colaadeed oo sokeeyaha dhexdiisa
ka dillacda. GBP waxay xoogga saari doonta hirgelinta dibuheshiisiin
ballaaran oo ku salaysan: xaqiiqa raadin dhab ah, garsoor, sulux
iyo qaab kasta oo waanwaaneed oo waafaqsan shareecada islaamka iyo
xeer dhaqameed ka Somaaliyeed.
(c) Ciidammada GBP, oo ah asaaska ciidammada ammaanka
ee DGPL, waa ciidan dadweyne oo u taagan difaaca dadka rayidka ah,
ayaga oo kaashanaya dadweynahana waxay u carbisanyihiin sugidda
nabadgelyada iyo xasilloonida.
4. Qabashada Shirweyne Saddexaad ee Dastuuri ah: Guusha
siyaasadeed ee
shacabka Puntland gaaray waxa weeye jidaynta in shirweyne dastuuri
ahi yahay madasha uu ka soo bixi karo maamul xalaal ah oo ku meel
gaara ah oo u googol xaara doorashooyin xor ah. Runtu waxay tahay:
Maamulkii lagu doortay
shirweynihii koowaad wuxuu wakhtigiisi dhammaaday 30 Juun 2001,
isla markaana maamulkii lagu doortay shirweynihii labaad wuxuu dhab
ahaan jiritaan beelay 6-dii May 2002 ka dib markii uu hananwaayay
difaaca sharciyadda Puntland. Sidaas awgeed, sida keliya oo lagu
heli karo maamul leh sharciyad dhammaystiran waa qabashada shirweyne
saddexaad oo ka dhaca magaalada Garoowe, caasimadda Dawlad Goboleedka
Puntland. Si loogu guulaysto qabashada shirweyne saddexaad oo mira
dhal ah, GBP waxay raaci doonta qorshe hawl-ulineed oo si cad u
qeexaya hawlkasta, wakhtiga la qabanayo iyo cidda qabanaysa. Tilmaamaha
guud ee Barnaamijka qabashada shirweynuhu
waxaa ka mid ah:
a) Marka lagu guuleysto kala diridda miliishiyada
fallaagada ah, wada tashi ballaaran ka dib, waxaa isla markiiba
la magacaabi doonaa Guddi Qabanqaabo oo shardiga keliya oo lagu
xulayaa uu yahay kartida ay u leeyihiin gudasha xilka adag ee horyaal.
(b) Guddiga qaba-qaabadu wuxuu adeegsandoona qaabab
tala-wadaag oo furan oo isugu jira doodo furan oo heer degmo iyo
heer gobol ah, kulamo cilmi baaris ah, wuxuuna adeegsandoonaa isgaarsiinta
casriga ah,qalabka warbaahinta, si looga bogto lafa-guridda istraateejiyada
aaya ka talinta. Waxaa mudnaan la siin doonaa kaalinta Jaaliyadda
Puntland ee ku nool dalka dibaddiisa ay ka qaadanayso qabanqaabada
iyo ka qayb-galka Shirweynaha saddexaad.
c) Guddiga Qabanqaabada waxaa hawlihiisa hagidoona
xeer-nidaamiye u gaar ah oo si cad u qeexi doona madaxbannanida
xilgudashadooda, habraaca wada shaqaynta guddiga dhexdiisa, iyo
xiriirka wada shaqaynta ay la yeelanayaan GBP iyo hay'adaha maamulka
sii haynaya xilka Dawlad Goboleedka Puntland.
(d) Ugu dambayntii, degaannada/beelaha Puntland waxay soo xulan
doonaan ayaga oo madax-bannaan ergada rasmiga ah ee ka matilaysa
shirweynaha.
5.Xilwareejin: Marka madasha shirweynaha laga dhawaaqo
madaxda ku soo baxda doorashada, isla markaasna lagu dhaariyo ergooyinka
rasmiga ah hortooda, GBP waxay si rasmi ah ugu wareejnaysaa masu'uuliyadda
maamulka Dawlad goboledka Puntland, oo laga bilaabo isla munaasabadda
xilwareejinta yeelanaya sharciyad dhammaystiran. Isla Madashaas
waxaa ku soo afjarmaya muddadii GBP sii haysay xilka Dawlad Goboleedka
Puntland.
6.Muddada Sii Haynta: Muddada GBP ay sii haynayso xilka DGPL waa
inuu
noqodo mid ku filan fulinta ballanqaadyada ku cad barnaamijka Golaha
isla
markaasna aan noqon wakhti dheer oo u muuqan kara in GBP uga gol
leedahay
inay ku sii xidadysato awooda maamulka. Sidaas awgeed markii dhinacya
badan
laga dersay, GBP waxay xilka Puntland sii haynaysa mudda ugu badnaan
sannad
ah oo ka bilawda marka rasmi ahaan loogu dhawaaqo in GBP ay gacanta
ku dhigtay maamulka Puntland. Sababa kasta oo dhaca awgood, muddada
sannadka ah lama kordhin karo.
IX. Qaab-Dhismeedka GBP
GBP waa dhaq-dhaqaaq dadweyne oo dimuqaraaddi ah oo
leh hoggaan midaysan oo ku socda istraateejiyad siyaasadeed iyo
mid ciidan oo u adeegaya hanshada himilooyinka xaqa ee shacabka
Puntland. Goluhu wuxuu leeyahay qaab dhismeedka soo socda:
Golaha Hoggaaminta: Wuxuu ka koobanyahay 25 xubnood,
waana hay'adda ugu sarraysa dejinta siyaasadda iyo istraateejiyada,
iyo guud ahaanba hoggaaminta Golaha.
Guddiga Fulinta: wuxuu ka koobanyahay toddoba xubnood
oo kala ah Guddoomiye, Laba Guddoomiye ku xigeen, iyo Guddoomiyayaasha
Guddi Hoosaadyada Golaha. Guddiga Fulinta ayaa u xilsaaran fulinta
siyaasadda iyo istraateejiyada GBP.
Guddi Hoosaadyada:Golohu wuxuu leeyahay affar guuddi
hoosaad oo ka kala mas'uul ah hawlqaybsiga golaha dhexdiisa ah ah.
Guddi hoosaadyada goluhu waxay ka yihiin: Guddiga Siyaasadda, Guddiga
Difaaca, Guddiga Abaabulka Bulshada, Guddiga Dhaqaalaha.
Guddiyada Degaannada:Degaannada Puntland waxaa ka
jira guddiyo heer tuuloo, xaafad, degmo iyo gobol oo hirgeliya talana
ka geysta siyaasadda GBP.
Guddiyada Jaaliyadaha:Meel kasta oo ay ku nooshahay
jaaliyad Puntland oo dalka dibaddisa ah waxaa ka hawlgelayan guddiyo
midaysan oo kaalin wax ku ool ka qaata hirgelinta siyaasadda GBP.
Golaha Badbaadada Puntland
Weriye C/risaaq Cumar Ismaaciil (Sheekhaduun)
Mudugonline.com