[2003/April/_includes/slogan.htm]

Wararka Mudugonline

Riyaale oo xisbigiisu ku guulaystay doorashadii Somaliland

Hargaysa, 19 April 2003 (MOL)-Ka dib doorashadii ka dhacday Somaliland ee dhamaatay maalintii Isniintii hore ayaa waxaa si xiisa leh asbuucan loo sugayay natiijada Doorashadaas oo la filayay in lagu dhawaaqo Maalintii jimcaha ee shalay ahayd. dib u dhac yar ka dib oo ay keentay roobab badan oo wadanka ka da'ay oo daahiyay in sanduuqyada doorashdu ka soo xaroodaan gobolada ayaa iminka waxaa maanta si rasmi loogu dhawaaqay in Xisbiga talada haya ee UDUB ay tiro aad u yar ku guulaysteen. gudiga doorashada Somaliland ayaa sheegay in natiijadaani tahay mid ku meel gaara oo tirinta codadka dib loogu noqon doono. Maxkamada sare ee Somaliland ayaa ku dhawaaqi doonta natiijada kama dambaynta ah.

Sidaan ayaa loogu kala guulaystay Doorashadii: Xisbiga UDUB=205,595 oo u dhiganta 42.80% codadka guud.
Xisbiga Kulmiye= 205,515 oo u dhigma 42.07% codadka guud, Xisbiga Ucid=77,433 oo u dhiganta 15.85% codadka guud.

Xisgbigba Talada haya ayaa ku guulaystay doorashada 80 cod oo kaliya, Doorashada ayaa la sheegay in lagu guulaysanayo aqlibiyad oo hal cod lagu kala badin karo. Tiradaan haddii aan wax iska badlin markii dib loo tiriyo ayaa noqonaysa in sidaas ay doorashada ku badiyaan Xisbiga hadda talada haya ee madaxweyne Riyaale.

Waxaa kadib markii natiijada koowaad ee doorashdu soo baxday lagu arkayay taageerayaasha xisbiga Axmed Siilaanyo ee Kulmiye oo aad uga caraysan sida doorashadu u dhacday. dhinaca kale taageerayaasha xisbiga Udub ayaa ku dabaaldagaya jidadka magaalada iyagoo calamo ruxaya. Ciidamada Poliska Somaliland ayaa sugaya Amaanka wax dhibaata ahna illaa hada kama dhicin doorashooyinkaas. waxaa iyana xusid mudan inaan doorashooyinkaasi ka dhacin gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo Somaliland sheegato laakiin ka tirsan Dawlad Goboleedka Puntland.

Mudugonline.com

Warqad Sir ah oo Cabdiqasim u diray Xasan Abshir

Nayrobi, 19 April 2003 (MOL)-Warqad sir ah oo uu ku saxiixan yahay Cabdiqasim Salad Xasan Madaxweynaha Dawlada KMG ah ee Carta oo uu u diray Xasan Abshir oo ah Wasiirka Koowaad ee Dawlada Carta ayaa nuqul ka mida ah na soo gaaray. Warqadaas oo sida ku Cad lagu amrayo Xasan Abshir iyo Cabdale Derow inay ku soo noqdaan magaalada Xamar una hogaansamaan awaamiirta Dawlada ayaa waxaa meel uga tagay gudoomiyaha Baarlamaanka Carta Cabdala Derow.

Dhawaanta ayaa Xasan Abshir iyo Derowba cadeeyeen inaysan Muqdishu dib ugu noqonayn inta uu dhamaanayo shirka dib u heshiisiinta Somalida ee hada socda iyagoo fahmay qidad lala damacsanaa oo Cabdiqasim rabay inuu shaqada uga eryo labadaas nin isaguna waqtiga Dawladiisa Carta ku kororsado taas oo hadda ay ku adag tahay inuu sharciyan sameeyo maadaama gudoomiyihii Baarlamaanka iyo ra'iisal wasiirihiiba wadanka ka maqan yihiin. Dawlada Carta ayaa iminka waxaa u haray wax ka yar 2 bilood waqitigii lagu soo doortay. Illaa hadda wax la taaban karo oo Dawladaas Samaysay ayaan la hayn iyadoo haba yaraatee aan ka hirgalin wadanka wax dhaafsiisan Dhawr Hoteel oo Muqdishu ku yaal oo lagu waardiyeeyo.

Halkaan Guji si aad u akhriso nuqulka warqadaas oo uu ku saxiixan yahay Cabdiqasim Salad.

Mudugonline.com



Hogaanka Ciidanka Daraawishta oo wali safaro ku jooga Sool iyo Sanaag

Garoowe, 19 April 2003 (MOL)-Sida uu noo soo sheegayo Wariyaheena Magaalada Bosaaso Sheekhaduun hogaanka sare ee ciidamada Daraawishta ayaa wali kormeero ku maraya meelo ka mida goboalada Sool iyo Sanaag. Kormeeradaas oo la xiriira hubinta nabadgalyada xaduudaha Puntland ayaa la sheegay in ay xasilooni ka jirto deeganada ay tageen madaxda Ciidanku.

Intii ay joogeen Sool iyo sanaag taliyayaasha ciidanka daraawishu waxay soo booqdeen goobo taariikhi ah, waxay kaloo soo siyaarteen qabriyada dad sharaf ku leh deegaanka. Sawirka kore waxaad ku arkaysaan Taliyaha Carays oo hor taagan Qabrigii allaha u naxariistee Bulo Cali Shire xaaskii Seyid Maxmed Cabdule Xasan. Isla goobtaas waxaad arkaysaan sawirka hoose Abaanduulaha Ciidanka Daraawishta Gorayo Cawl oo isna hortaagan isla googbtaas.

Intii ay waftigaas joogeen gobolada Sool iyo Sanaag waxay u guur galeen meesha ay marayso xaalada maleeshiyo la sheegay inay isku aruursadeen magaalada Ceel afweyn oo uu hogaamiyo Cade Muse, Maleeshiyaas oo u cararay dhanka Xaduudka Somaliland ka dib dagaalkii deegaanka Qardho aya la sheegay inay taageero ciidan ka heleen Dawlada Somaliland. Ciidanka Daraawishta ayaa hadda ku jira heegan sare xuduudka u dhaxeeya xaduudka Somaliland iyo Puntland.

C/Risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Ergadii TNG ee Shirka oo ku soo noqotay Muqdisho

Muqdisho (AllPuntland): Waxaa maanta (Sabti) magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaaminayo raysul-wasaare ku xigeenka maamulka C/qaasin Salaad Xasan oo lagu magacaabo Cismaan Jaamac Cali Kaluun oo uu ka mid yahay Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, maamulka C/qaasin ninka lagu magacaabo Maxamed Cabdi Yuusuf iyo sidoo kale xubno ku jira maamulkooda NTG-ga.

Wafdigaan oo ka kooban in ka badan toban xubnood ayaa sida la sheegay uga yimid shirka Soomaaliyeed fulinta amarka C/qaasin Salaad Xasan oo xubnahaasi ogaysiiyay inay soo xeroodaan.

Sida ay sheegayaan wariyayaasha jooga Muqdisho, waxaa lagu wadaa inuu dhawaan maamulka C/qaasin u furmo shir ay xilka uga qaadayaan raysul wasaare Xasan Abshir Faarax iyo Guddoomiyaha baarlamaanka C/lla Deeroow Isaaq oo ka dhaga adaygay fariin uu C/qaasin horey ugu diray oo ahayd inay soo galaan magaalada Muqdisho.

AllPuntland



Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

[2003/April/_includes/slogan.htm]