[2003/April/_includes/slogan.htm]


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

SEVERE ACUTE RESPIRATORY SYNDROME (SARS)
Dr. Muse Yusuf Shirwac (Qeybdiid) MD. TB and Respiratory diseases specialist

Monday, April 14, 2003

SEVERE ACUTE RESPIRATORY SYNDROME (SARS)

Tan iyo bartamihii bishii feberaayo

waxaad la socoteen in aduunka gobo ka mid ah uu ka dilaacay cudurka la yiraahdo SARS. Hay’ada Caafimaadka aduunka (WHO) waxay bogageeda internetka iyo saxaafada caalamka ku wargelisay in xanuunka SARS uu isaga gudbayo qaaradaha caalamka. Ilaa iyo haddana laga helay dalal ku dhow ilaa iyo 30 dal oo ka mid ah qaaradaha. Aduunka, ilaa iyo hadana aan loo hayn wax dawo ah.

Hay’adu waxay qaylo dhaanteeda ku dartay in taxadar laga ahaado lalana socdo macluumaadka ka soo baxa dadaalada loogu jiro in xanuunkaas la xakameeyo.

TAARIIKHDA SARS

Xanuunkan markii ugu horeysay dhamaadkii bishii Nofeembar 2002 dii, ayuu ka dilaacay magaalada la yiraahdo Guang Dong, oo ku taal koonfurta dalka Shiinaha, nasiib darose dowlada shiinahu wey ka qarisay caalamka xogtaas ku saabsan xanuunkan cusub, waxayna baahisay dhammaadkii bishii Diseember 2002 dii, mar uu ku dhacay dad gaaraya 300 oo qof, inkastoo ay raali gelin ka bixisay qarinta xanuunkaas.

Xanuunkaas oo hadda ku baahay dalal badan oo caalamka ka mid ah. Markii ugu horeysa ee uu shiinaha ka soo gudbo, wuxuu sababsaday takhtar ka mid ah takhaatiirtii shiinaha oo la dagaalamayey cudurkan ayaa u soo gudbay dalka Hong Kong, wuxuuna ku dagay Hotel ku yiil magaalada lana yiraahdo Foshan. Takhtarkaasi wuxuu xanuunkii u gudbiyey toddoba qof oo ajnabi ah oo al deganaa isla Foshan Hotel.

Sidaas ayuu xanuunku ugu baahay caalamka, takhtarkiina wuxuu isla xanuunkii u dhintay khamiis 20 maarso 2003.

MAXAA KEENA CUDURKA SARS

Dadaal badan oo ay sameeyeen hay’ada caafimaadka aduunka iyo xarunta ilaalinta iyo ka-hortaga (CDG-Atlanta), ayaa waxaa lagu ogaaday in xanuunkan uu keeno mid ka mid ah bahda viruska ee la yiraahdo Paramyxovirus family, hase yeeshee taarikhdu markay ahayd 3 April 2003 da, ayaa laba kooxood oo takhaatiira oo ka mid ah kooxihii ku howlanaa cilmi barista cudurkan waxay dalka markeykanka kaga dhawaaqeen in xanuunkan uu keeno Viruska la yiraahdo Coronavirus (eeg, Medical Journal).

CALAAMADAHA LAGU GARTO CUDURKA SARS

Xanuunkan waxaa lagu gartaa calaamadaha soo socda,

Xumad sare oo ka badan 30 C,

Mid ama laba ka mid ah calaamadaha hargabka/duriga sida, qufaca, cabur, jirxanuun iyo neefta oo ku dhibta,

Waxaa kale oo lagu xisaabtamayaa hadii qofka xanuunka laga baarayo uu horay xiriir ula lahaa qof kale oo uu horey xanuunku ugu dhacay (close contact), ama horay u tagay ama u dhoofa ama booqda meel uu cudurkan ka jiray.

SIDEE U FIDAA XANUUNKAN SARS

Ilaa hadda waxaa la ogayahay in xanuunkan u fido,

Neef ama Virusku la socdo oo kuu soo gudubta,

Close-contact- xiriir aad la yeelato qof xanuun qaba,

Adigoo u dhoofa ama booqda goob xanuunku ka jiro,

DAAWEYN (TREATMENT)

Inkastoo dadaal badani uu socdo ilaa hadda laguma guuleysan in la helo daawadiisa, laakiin waxa kaliya oo la isticmaalaa waa syntomatic treatment.

SIDEE LOOGA HORTAGAA XANUUNKAN SARS

Maadaama aysan ilaa iyo hadda jirin daawada xanuunkan, haddana culumada caafimaadka waxay bixinayaan talooyinkan hoos ku qoran.

Haddii aad isku aragtid calaamadaha aan kr ku soo sheegnay sida ugu dhaqsaha badan ula xiriir takhtar,

Haddii xanuunka SARS lagu sheego degaankaaga caadeyso inaad isticmaasho marada afka iyo sanka daboosha (maskaro),

Iska ilaali inaad u safarto goob lagu sheegay xanuunka SARS,

Howlwadeenada caafimaadka oo iyagu ah kooxaha halista u ah cudurkan (risk groups), caadeyso inaad isticmaasho maaskaada sanka iyo afka, goloofiska gacmaha iyo in aad had iyo jeer goobta bukaanka qaba SARS lagu nadiifiyo biyo leh jeermi dilaha Cholorin iyo inaad xirato dhar aan dhaafin goobta shaqada,

Waxaa si aad ah laguugula talinayaa in dadka uu ku dhaco xanuunkan lagu hayo goob karantiil (Isolation posts).

BAAQ

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa baaq ku saabsan in howlwadeenada caafimaadka ay sameeyaan la socod cudurka SARS (surveillance for cases of SARS) haddii aad la kulantana isla markiiba aad wargeliso, bukaankana la karantiilo, lana joojiyo isu socodka dadka. (eeg, WHO’s global alrt on 15 march),

Xafiiska WHO ee Soomaaliya waxaana ugu baaqayaa in ay ka qaataan doorka ay ku leeyihiin howlahaan oo aan hadda ii muuqan, kuna daydaan xafiisyada la mid ka ah ee caalamka, ayna howlwadeenada caafimaadka Soomaaliyeed u gudbiyaan macluumaadka cudurkan si looga taxadaro,

Howlwadeenada caafimaadka Soomaaliyeed gaar ahaan takhaatiirta, waxaana si kalgacalnimo ah uga codsaneynaa in ay la socdaan macluumaadka cudurka SARS, cidii awoodana ay si joogta u booqdaan websaaydyada internetka eek ala ah.

http://www.cdc.gov/neidad/sars

http://www.who.int/en

Waxaan kaloo idinka codsanayaa in xogta la wadaago oo la isu gudbiyo.

Mahadsanidiin.

Allaha naga badbaadiyo.

Dr. Muse Yusuf Shirwac (Qeybdiid)

MD. TB and Respiratory diseases specialist

E-mail qeybdiid@hotmail.com

Tel: 00252-525-5220-Mob
Tel. 00252-523-5220-Res.

Bosasso.
NER - Somalia




Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
[2003/April/_includes/slogan.htm]