Mudugonline.com keeping you Informed.    


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

Press release!
Unitedkablalax-102pol.

unitedkablalax@yahoo.com

Date: 15 April 03
 

 Unitedkablalax Networks: 
 
Taageerid shirweynaha dib-u-heshiisiinta iyo qaran dhisidda Soomaaliyeed ee Nairobi-Kenya.
 
 
Waxaa farxad baaxad weyn noo ah in aannu ku wargelinno dhammaan beesha Kablalax Daarood ee gudaha iyo dibadda dalkaba in uu si fiican, guul iyo niyad-sami xambaarsan uu ku dhammaaday kulan hawleedkii muhiimka ahaa ee u socday in muddo ah guddiga guud ee midnimada iyo iskaashiga beesha Kablalax Daarood ee qaaradda Yurub.
 
Guddiga oo sida aynu ka warqabno socdaallo kala duwan ku maray dalalka yurub gaar ahaanna dalalka UK, Denmar, Swede, GermanyN orway iyo Holland waxay halkaasi kulanno iyo wada tashi kula yeesheen waxgaradka jaaliyadaha beesha Kablalax Daarood ee dalalkaasi gaar ahaanna sidii ay mawqaf muuqda uga yeelan lahaayeen shirweynaha dib-u-heshiisiinta iyo qaran dhisidda Soomaaliyeed ee ka socda dalka Kenya-Nairobi.
 
Kulannadaasi oo u dhacay si aad u qiimo badan, dhaliyeyna weji cusub iyo iftiin weyn oo u sugan beesha Kablalax Daarood waxaa halkaasi loo gartay guddiga in ay sii wadaan xilkooda qaaradda Yurub isla markaasina si ku meel gaar ah u metelaan codka iyo aragtida fog ee beesha Kablalax Daarood ee aduunweynaha inta laga gaarayo shirweynaha caalamiga ah ee beesha oo la filayo in uu qabsoomo dhowaan.
 
  1. Adkaynta axdiga nabad raadinta Soomaaliya, oo ah mabdaá asaasiga u ah abaabulka iyo qorshaha beesha Kablalax Daarood dibadda iyo gudaha dalkaba.
  2. Soo jeedin baaq nabadeed Soomaalinimo oo ku saabsan in laga gudbo colaad dambe oo ka dhex dhacda dadweynaha Soomaaliyeed, dhammaan wixii khilaafaad ahna lagu xaliyo caqli iyo hab xadaari ah oo ku salaysan wada hadal Soomaalinimo, dulqaad iyo isfaham.
  3. In beesha Kablalax Daarood ay si midaysan u siinayso taageero buuxda oo isugu jirta maadi iyo macnawiba shirweynaha dib-u-heshiisiinta iyo qaran dhisidda Soomaaliyeed ee ka socda magaala madaxda Nairobi ee dalka Kenya, una mahad celinayso dawladda dalka Kenya sida xilkasnimada leh ee ay u daadahaynayso shirweynaha iyo arrimaha la xiriira.
  4. In gudoomiyaha guddiga guud ee midnimada iyo iskaashiga beesha Kablalax Daarood ee Yurub uu socdaal hawleed mihiim ah ugu kicitimi doono qaar ka mid ah dalalka deriska, kulanno kala duwanna la yeelan doono jaaliyadaha beesha Kablalax ee dalalkaasi, hogaanka shirweynaha dib-u-heshiisiinta iyo qaran dhisidda Soomaaliyeed ee dalka Kenya-Neirobi,hogaan dhaqameedyada, ganacsatada iyo waxgaradka beesha Kablalax Daarood ee ku sugan shirweynaha, hogaan dhaqameedyada iyo waxgaradka walaalaha Daarood Ismaaciil, mudanayaasha hogaan dhaqameedyada iyo ergooyinka Soomaaliyeed iyo sidoo kale madaxda iyo wakiillada ururada bulsho(Rayadka) ee sida qiimaha badan ugu hawlan qabanqaabada iyo socodsiinta hawlaha shirweynaha.
  5. In si buuxda loo goáansaday, laguna rajo weyn yahay qabanqaabadiisa dhowaan iyo ka qayb gal ergooyin iyo waxgarad tiro badan oo ka socda gudaha iyo dibadda dalka goobta lagu qaban doono shirweynaha koowaad ee caalamiga ah ee beesha Kablalax Daarood, goobtaasi oo lagu heshiiyey in ay noqoto magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi.

Dhammaad,,,

Unitedkablalax Networks

Guddiga guud ee midnimada iyo iskaashiga beesha Kablalax Daarood-Yurub.
unitedkablalax@yahoo.com


 





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
Mudugonline.com keeping you Informed.