Toddobaakan
waxa ku soo kordhay Shirka Soomaalida
.
Shir Guddoonka oo qaabilay
Culimada Soomaalida
Isniin 7/4/03 , Mudane
Kipligaat wuxuu kula shiray Pink Room
culimada Soomaalida shir dib u heshiisiinta
ka soo qeyb gashay wuxuu u sheegay ineyan
marnaba dhaceyn in la khilaafo qaanuunka
4.5 iyo inaan qofna lagu kordhineyn tirada
ergada oo ah 361 ergey ,iyo iney maankooda
ka saaraan kiristiyaan iyo cid kaloo magac
diin ku socota in la siinayo ergo , nimanka
kiristiyaanka ee Soomaalida ah waxey iga
codsadeen inaan Baadg-ka ergeynimo siiyo
waxaan u sheegay inaan tirada la kordhin
karin , laakiin jiifka iyo cunnada waxaan
kala hadlay hey’ado xiriir la leh kaniisadaha
si ay arrimahaasi uga saacidaan weyn iga
aqbaleen ,waxaan kaloo ku saacidey waraaqo
u saamaxaya iney soo booqan karaan xarunta
shirka , cid kasta oo isku dayda iney
magac diin wax ku kharribto oo hor istaagta
geeddi socodka nabadda waan ka saareynaa
shirka oo ma ogolin rabshado ceynkaa oo
kale .
Tacsi:
Cali Diiriye Cusmaan, Max'ed
Max'ud Jaamac ( MJ) Cusmaan Ciise Cirro,
Xuseen Cali Cilmi, Aadan Cumar dheere,
Ceydiid, Bashiir Max'ed, C/Laahi Dheere,
Sanyare waxey dhammaan tacsi u dirayaan
ehelladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Yuusuf
cali Barre oo xaley ku geeriyooday magaalada
Nairobi, waxaa tacsida la ogeysiinayaa
ehelladiisa iyo qaraabadiisa ee ku kala
nool gobolka Mudug, Yurub iyo Mareykanka,
waxaana isagana alle uga baryeynaa Jannadii
firdowsa inuu ka waraabiyo. Amin..Amiin..
Diplomaasiyiin
Reer Galbeed oo toddobaadkan soo booqday
xarunta shirka dib u heshiisiinta Soomaalida
Talaado 8/4/03 , wuxuu shir
guddoonka Mudane kipligaat xafiiskiisa
ku qaabilay wafdi Iswidhish oo uu horkacayey
nin ka tirsan golaha wasiirada dalka Iswidhin,
qiyaas hal saac iyo rubi ayuu shirkaasi
socday : 11.15 – 12. 30
Khamiis 10 / 4/ 03
11.30 – 12.30 wuxuu shir
guddoon mudane Kipligaat ku qaabilay xafiiskiisa
Mudane Fred Racke oo ah Danjiraha wareega
ee dalka Netherland u qaabilsan dalalka
Harooyinka waaweyn iyo Geeska Afrika .
Mowliid
Macaane Maxamuud oo warbixin siiyey Assiyaasa
Mowliid Macaane oo ah guddoomiyaha
SAMO isla markaana ah afhayeenka isbaheysigii
G8 ayaa warbixin la xiriirta howlaha
shirka ku siiyey wargeyska Assiyaasa
xarunta IGAD Media ,isagoo ka jawaabaya
war website-ka Horn Afric Online uu faafiyey
oo cinwaankiisu ahaa SRRC Reject Suggestion
from Kipligaat wuxuu :hadalkiisa ku
billaabay in Mudane Kipligaat qoraal ama
oraah midna uusan soo hor dhigin weligii
oo la xiriirta ka tashiga qaabka ay noqoneyso
dowladda lagu dhisayo Mbagathi hadduu
Alle idmo. Qaabka ay noqoneyso dowladda
cusub cid la keli noqon karto ma jirto,
waana arin go’aan ka gaaristeeda u taal
dhammaan ergada Soomaaliyeed ee wejiga
3aad . wuxuu kaloo ka warramay in 27kii
Oktoobar 2002 iney hoggaamiyeyaasha go’aansadeen
in tirada baarlamaanka ay noqoneyso 450
xubnood oo loo qeybsanayo 4.5, waana wejiga
3aad oo aad uga duwanaan doona qaabka
hadda lagu joogo Mbagathi, ayadoo lagu
xiri doono ka mid noqoshada baarlamaanka
shuruudo waa siduu hadalka u dhigee .
Sidaasoo kale maraan wax
ka weydiinay guddiga isku habeynta qoraalka
ay soo gudbiyeen 6 guddi Farsamo? wuxuu
ku jawaabay : waxaan u arkaa in lagu naas
nuujinayo shakhsiyaad dan leh, oo aad
mooddo iney ka xishoonayaan ahaanshahooda
Soomaalinimo. Soomaalida waxey tiraahdaa
: xalaal maalin cad ayaa la qashaa, maxaa
keenay in meel mugdi ah lagu magacaabo
guddigaasi, ayadoo aan la gala tashan
hoggaamiyayaasha Soomaalida iyo ergada
kale? Sida ku xusan qodobka 6aad ee qaabka
hoggaaminta shirka (Rules of Procedure)
waxaa ku cad in guddiga hoggaamiyayaasha
ay yihiin kuwa leh awoodda hoggaaminta
shirka, go’aanka kama dambeyska waxaa
leh shirweynaha (planary ).
Haddii la doonayo in shirkani
dhedhen loo yeelo oo Soomaalida iyo beesha
caalamka u cuntamo, waa in la raacaa
laguna dhaqmaa heshiiskii la saxiixay
ee qaabka hoggaaminta shirka kaasoo ay
goob joog ahaan u saxiixeen IGAD, wakiillada
beesha caalamka, markhaati ahaana uu u
saxiixay madaxweynihii hore ee Kiinya
Mudane Daanial Arap Moi .
ARAGTIDA
WARGEYSKA
YAA KU HABBOON INUU
XUBIN BAARLAMAAN NOQDO?
Qofka ku habboon inuu noqdo
xubin baarlamaan waa qof leh aqoon ugu
yaraan heysta shahaado dugsi dhexe, waxaa
haboon inuu yahay qof u bisil qabashada
mas’uuliyaddaasi, oo garan kara waxa ay
u baahan yihiin bulshada ama degaanka
uu matalo sida : adeegyada waxbarashada,
caafimaadka, biyaha, shaqooyinka iwm .
waa inuu yaqaanaa af Soomaaliga ka sokow
afafka Inigriiska ama Carabiga ama Talyaaniga,
haddii 3-daas luqadood uu wada yaqaan
kaba sii fiican .
Qabiil wax ku qeybsiga
waxey ku eg- tahay hadduu Alle idmo marxaladan
oo ah mid looga gudbayo dowlad la’aanta
dalka ka jirta, laakiin ma habboona iney
tani lumiso nuxurka laga doonayo xubin
baarlamaan, oo markaa beelaha ay keensadaan
qof aan weligii iskuul gelin oo aan wax
shahado ah heysan, qofka ceynkaasi ah
ma qaadi karo mas’uuliyad noocey noqotaba,
waayo aqoon uu ugu doono waxa ay rabaan
ummadda ama deegaanka uu matalayo ma laha
sida adeegyada lagama maarmaanka ah.
Ayadoo qofka uu qabiil
ku imanayo haddana waxaa lama huraan ah
in mas’uuliyiinta beelaha loo sheego in
dadka ay u soo xulanayaan xubin baarlamaan
iney noqdaan dad aqoon leh oo anfici kara
qaranka iyo qowmayadda Soomaaliyeed. Xal
joogto ma noqon karto in mar walba qabiil
lagu doorto xubnaha baarlamaanka waayo
Tusaalahan ayaa caddeynaya : Haddii nin
Reer Qurac uu xubin baarlamaan noqdo ,
oo uu markaa u yimaado qof beeshaasi u
dhashay oo doonaya in ceel biyo loo qodo
deegaanka, cusbitaal iyo dugsi waxbarashana
loo dhiso , oo markaa uu ku yiraahdo mudanihii
baarlamaanka bal marka hore isu key sheeg
yaad ka tahay Reer Qurac ? markuu u sheego
oo ay u caddaato iney labo jilib kala
noqdeen sida Reer Qumbe iyo Reer Qansax,
oo uu ugu jawaabo anigu waxaan ka ahay
Reer Qumbe waxba uma hayo Reer Qansax,
sidaa soo kale hadduu u yimaado qof Reer
Qansax ah oo uu ugu jawaabo anigu Reer
Qalinle ayaan ka ahay ee adigu ma tihid
Reer qalinle sidaa aawadeed waxba kuuma
hayo
Tani waxey keeneysaa in
beel kasta, jilib kasta iyo jifi kasta
kalksooni darrada halkaa ka iman kartaa
aawadeed ay aad ugu dadaasho iney xubin
baarlamaan ay ku yeelato baarlamaanka
dalka waana arin aan suuro gal aheyn,
waayo haddii dadkoo idil xubno baarlamaan
noqdaan yaa noqonaya shacabkii ama rayadkii
loo talin lahaa, dalkuse dhaqaale ceynkaas
oo mushahar looga dhigo ma leeyahay? jawaabtu
waa maya .
Deegaan baa lagu soo doortaa
mudanaha baarlamaanka ee dalalka kala
duwan ee caalamka, deegaanka mudanaha
laga soo doorto waxaa dhici karta iney
ku nool yihiin beelo fara badan, waxeyna
xaq u leeyihiin iney kala hadlaan Mudanahooda
adeegyada ay u baahan yihiin sida : waxbarashada,
caafimaadka Iwm. hadduu wax u qaban waayo
doorashada xigta ayey tuurayaan oo ay
dooranayaan qofka ay aamnisan yihiin inuu
wax u qabanayo.
CABDALLA
DEEROW OO U JAWAABAYA C/QAASIM.
Guddoomiyaha barlamaanka
TNG-da Mudane Cabdalla Deerow ayaa ku
tilmaamay toddobaadkan isku dayga C/qaasim
uu ku doonayo inuu ku cusbooneysiisto
muddo 3 sano oo kale iney tahay damac
xumo iyo daneysi shakhsiyadeed, wuxuu
intaa raaciyey muddo 2 sano oo aan Muqdisho
fadhinay waxba may naan qaban, maanta
inuu ummadda ka doorto kuwii ka cadaado
yeeshay iney danta guud ka hor yimaadaan
waa ayaan darro .
Dhanka kale waxaa toddobaadkan
soo gaaray xerada Amgaaathi lacag dhan
US$ 260,000 , lacagtan C/qaasim wuxuu
ugu talo galay inuu ku kasbado xubno ergada
ka mid ah oo shirka inta ay ka tagaan
dabadeed aada shir ku sheegga uu doonayo
inuu Muqdisho ku qabto, si uu u fashaliyo
shirka dib u heshiisiinta ee Kiinya ka
socda, lacagtani qaabkii hore ee ay u
qeybini jireen iyo waddooyinkii la soo
marsiini jirey waa laga baddalay, waxaa
masuuliyaddeeda lahaa ninkii uu horey
uga wakiilka ahaa arrimaha ceynkan oo
kale, balse qeybinta lacagta ee la siinayey
qofkii baaj heysta ee yiraahda Muqdisho
ayaan aadayaa waxaa lagu baallimanayey
xaafadda Islii, qofkii waxaa la siinayey
US$ 500, wakiilka C/qaasim waxaa kaloo
la shaqeynayey 3 qof oo kala ah : qof
ka tirsan ururada bulshada, Itixaad ganacsade
ah oo C/qaasim xidid la ah oo 6 street,
Islii xafiis ku leh, iyo nin ka tirsan
raggii ka qeyb galay shirkii Carta.
Maxaa laga faa’iiday jawaabta
waa waxba kama uusan faa’iidin C/qaasim,
balse waxaa ka faa’iidey ergada lacagtaasi
wax ka heshay oo aaminsan in lacagtaan
magacooda looga soo baryay dalalka carabta
oo intey jeebka dambe gashteen dabadeed
sii watay ka qeyb galka shirka, iyagoo
haddii ay shirka sii joogaan ay markey
ugu yar tahay halkan kala laabanaya iyagoo
xubno baarlamaan ah, laakiin wax Muqdisho
u yaal oo aan indha xumo iyo afduub mooyee
ayan wax wanaag ku arkeyn ilaa ay Soomaaliya
ka hesho dowlad soo celisa ammaanka iyo
kala dambeynta.
Ilaahow
waxba dhoor san maayee dhagaxyo soo daadi
Shirka jaraa’id uu C/qaasim
ku qabtay guriga uu deggan yahay ee Muqdisho
shaleyto, markaad eegto beenta iyo sida
xishood darrada uu u hadlay isagoo adeegsaday
ereyada haddii shirkan fashalmo, ereyga
haddii Rasuulka (scw) wuu reebay, Ummadda
Soomaaliyeedna kheyr iyo wanaag ayey ka
rajeynayaan shirkan oo hadda gebagebo
maraya hadduu Alle idmo, kalsoonidii xubnaha
TNG-da ayuu waayey. Wuxuu isaga bi’yey
ayuu dusha ka saaray dadweyana Muqdisho,
dalka Itoobiya iyo beesha Caalamka. Shirkii
Carta wixii lagu soo dhisay isaga ayey
ka socon waayeen oo diiday inuu beeshiisa
ka saaro guryaha iyo beeraha ay bililiqada
ku heystaan, isagaa soo sameystay lacago
been abuur ah, deeqihii caalamka uu kaga
soo qaaday magaca ummadda Soomaaliyeed
jeebka ayuu ku shubtay ilaa dhaqan xumo
tii ugu darneed ay Muqdisho ka dhacday
sida wiilasha yaryar oo la kufsado taasoo
billaabatay Luuliyo 2002, doollarka Carta
ka hor wuxuu ahaa 797,000 sh so markii
wixii Carta lagu soo dhisay Muqdisho la
keenay 33 malyan sh.so ayuu gaaray.
Warbixinta c/qaasim ee
shaleyto waxey ka dhigan tahay : Ilaahow
waxba dhoorsan maayee dhagaxyo soo daadi
Casharka
Toddobaadka
HABDHAQANKA DAGAALLADA
IYO DUULAMADA SOOMAALIDII HORE
Dagaaladii qabaa’ilka Soomalida
dhex mari jirey waxay lahaayeen hab la
raaco iyo magacyo la yaqaan oo mid waliba
leeyahay micno gaar ah iyo u jeedo loogu
talagalay.
-dagaal
qab iyo kibir iyo wax aan qiimo laheyn
sida: wiil wiil kale uleeyey ama gabar
la dharbaaxay, Awr la xaday IWM ayuu ka
bilaaban jiray. Sidaan ku soo xusnay dhammaadka
fasalka
“Maxaa dagaallada Soomaalidu ku
bilaaban jirey”
Dagaallo ujeeddo leh oo
lagu magacaabay afar magac oo kala ah:
- Duulaan
- Raacdo
- Gaaddan (Raacdo Reeb)
- Wareemato (Killer Band)
Afarta magac ee dagaallada
ku magacaaban haddii aan mid waliba gaarkiisa
u falanqeyno waa sidatan.
DUULAAN:
Duulaan waa col weyn, hubeysan
oo gadduunsaday dagaal, dil iyo dhac.
Howlgalka duullaanka waxaa ka mid ah markii
colka la dumo, abaabulka iyo qorshuhuna
u dhamaadaan waxaa la caleemo saari jirey
abaanduulaha colka madaxda u noqonaaya
iyo ku xigeenadiisa, haddii abaanduulaha
la dilo, la dhaawaco ama uu bukoodo ciddii
hogaamin lahayd duulaanka colka.
Shuruudaha abaandulaha
lagu caleensaarayo waxaa ka mid ahaan
jirey:In uu yahay geesi dagaal yaqaan
ah, haybad iyo dulqaad leh aqoona u leh
hab maamulka colka iyo sida loo dagaal
geliyo, dhaawacana u dagaalama oo aan
ku tagin tolkii ceeb u keenin dagaalkana
haybad iyo burji ku leh, duulaamo hore
liban ku soo hooyey waxaa loo duulay yaqaan.
MAAMULKA IYO AMARADII
ABAANDUULAHA:
Sida badan colka waxaa
ku koobnaan jirey qabiil kaliya, labo
ama sedex qabiil oo isku hayb wadaag ah
gobolna wada degan.
Marka hore abaanduuluhu
colka u qeeban jirey qabiil qabiil haduu
dhowr qabiil ka kooban yahay, iyo jilib
jilib iyo sida ay isu xigaan si ay dhaawacooda
uga tagin, wuxuu xubin jirey hubka la
sito iyo wareegada la wado iyo tirada
ragga si uu wax walba isugu jaan-gooyo,
markaa ka dib wuxuu u sheegi jirey ninka
gabyaaga ah, iyo faaliyaha. Marka colku
dareerayo, hubka loo sameeyo iyo meesha
la isku sugayo intaan weerarka la qaadin.