Mudugonline.com keeping you Informed.    


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

ISKU MURAN KA TAAGAN DHUL BANAAN MAGAALADA BOOSSASO

Bosaaso, 12 April 2003 (MOL)-shir balaran oo ay saaka isugu yimadeen Qaar ka mid ah isimada, odayaasha iyo xubno ka socda maamulka puntland oo ay ku jiraan wasiiro iyo maamulka gobolka bari ayaa saakay ka dhacay xarunta madaxtooyada ee magaalda boosaso.

shirkaasi oo u jeedadiisu ahayd sidii loo kala saari lahaa dad shacab ah iyo dawlada oo isku haya dhul banaan oo ay horay u degenayd wakaaladii biyaha ee soomaaliya dhulkasi ayaa waxaa sheegteen ilma siciid Adan oo sheegay in uu lahaa aabahood ayana haystaan dukuminti cadaynaaya. sidoo kale maamulka gobolka bari ayaa soo bandhigay dukuminti kaa la mid ah oo cadaynaya in dawladu lahayd booskan.

isku qabshada dhulkaan ayaa keentay ka dib markii maamulku sheegay in la xaraashayo boosaskii dawladii hore si wax logaga qabto dhismaha hor marineed ee ayriboorka boosaso dood dheer ka dib waxaa hadalkii qaatay ninka u ah kusimaha C/laahi yuusuf madaxweynaha maamulka puntland Axmed Kasigaab oo ah wasiirka Hawlaha guud iyo gaadiidka oo sheegay in go'aanka gaarista dhulkaani ay dawlada u taal tasoo qaar badan oo dadkii dhulka sheeganaayey aaney ku qancin.

gudoomiyaha gobolka bari xaaji bakiin oo aan wax ka waydiiyey dhulkasi ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo walow gudomiye ku xigeenkiisu qiray in dhulkaasi yahay mid hanti dawladeed ah.

Mudugonline.com

Ciraaq oo qaaday wadadii Somaliya ee 1991

Ottawa, 12 April 2003 (MOL)- Waxaa ka bilaamay wadanka ciraaq xasuuq iyo bililaqo aad u ba'an, Bililaqada ka jirta Ciraaq ayaa aad ugu eg tii ka bilaabatay wadanka Somaliya sannadkii 1991 markii la riday xukunkii kali taliska ahaa iyadoon la sii qorshayn waxii lagu badali lahaa xukunka la riday.

Waxaa la bililaqaystay bangiyadii wadanka oo dhan, waxaa sidoo kale la bililaqaystay xafiisyadii Dawlada, guryihii saraakiishii Dawladii Sadaam. waxaa wax la bililaqaystay iyo wax la gubay laga dhigay waxii qiimo leh oo yaalay meel kasta oo Dawladu leedahay iyadoo loo aabayeelin hantidii qaranka oo qaarkood gubeen qalabkii cusbitaalada.

Dad wax ma garata ah oo huaysan ayaa meel walba galaya, waxaa bilaamay dil iyo aargoosi xaafadaha qaar dad lagu laayay. waxaa xaqiiq ah haddii aan si de deg ah arintaan wax looga qaban in Ciraaq noqonayso Somaliya oo kale.

Mudugonline.com





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
Mudugonline.com keeping you Informed.