Jawaab ka bixin Qoraalkii
Cali Ciise Salwe.
Afhayeenka Beesha Cumar Maxamuud ee Magaalada Manchester/UK
Xuseen Maxamed (Xuubsireed).
Asalaama Calaykum
Marka hore waan ku salaamay, marka xiga waanu wada
aragnay qoraalkaagii ku qornaa Punt/state, waxaana hubaala in ay
aad u wanaagsantahay dadku in ay fikradooda soo bandhigaan ama banaanka
u soo saaraan, walaale aduunka aanu ku noolnahay afartiisa geesood
umad waliba oo meel wada dagan wax uun bay tabanayaan laakiin waxa
la isku dhaafay waxay tahay horumar caafimaada oo aan marnaba dhiig
ku daadan, waxaan filayaa nin caafimaad qaba ama caqli leh ama wax
garada in uu san ku farxin dilkii (Suldaan Axmed maxamuud Hure,
iyo Faarax dheere) Alaha U naxariisto iyo nin waliba oo magac iyo
sharaf iyo horumar u soo jiidaya dadkayaga iyo dalkayaga waa Puntillane.
Qoraalkaagana walaale waxaa ka muuqda waa guubaabo
dagaal kicina ama iska horkeen dadka ah, wuxuuna u egyahay nin caadifad
iyo ciil uu hogaaminayo laakiin aan caqliga kaashan oo meel fogna
aan wax ka fiirin oo markaa waxa horyaala ku cabir qaatay, Runtiina
kuma khaldanid in aad fikirkaaga dhiibato laakiin wax waliba oo
iska hor imaad keenaya adeer waa laga wanaagsan yahay, walaale Maamulka
puntilland ka jira ma aha jabhad Cumar maxamuuda oo meesha maamulaysa
ee waa maamul umada reer puntilland ku abtirsada oo dhan ay ku jiraan
haday Ciidan noqon lahayd iyo haday maamul dawladeed noqon lahaydba,
adeer Harti oo dhan ayaa ku midaysan maamulkaan ee ma ahan jabhad
Cumar maxamuud ay leedahay oo Mudug laga maamulo oo Gobolada Puntilland
wada haysta ,adeer Cumar maxamuud kama tira badna dadka birana ma,
aha hadaan beesha Ciise maxamuud maamulkaan wax ka wadin ama aysan
raali ka'ahayn marnaba Garoowe kama uusan socdeen mana ay hawaysteen
in ay ka taliyaan, hadaan beelaha reer bari maamulkaan aysan raali
ka'ahayn ama aysan wax ka wadin marnaba kama socdeen kamana jireen
mana ay haweysteen.
Markii Boosaaso kacdoonku ka dhacay waanu wada ogsoonayn
sidii mudada gaaban ay isaga soo cayrsheen diideena maamulkaan barqa
cad, waxaa lawada ogsoon yahay in aan xoog cidina lagu qabsan karin,
markii danbena waxaan filayaa in aad daawatay cajaladihii laga soo
duubay oo ka markhaati kacaysay in ay raali ka yihiin maamulkan
iyaguna ay uyeerteen kuna soo dhaweeyeen magaalooyinkooda, adeer
nabadu waa qaali dadka in lagu guubaabiyo in ay kala fogaadaan ama
ay ku abuuranto Cuqdad aad u kala fogaysa waa wax laga fiican yahay.
Beel aan wax tirsanayn ma jirto , adigoo sheeganaya
beesha maamulka madaxda u ah puntilland hadaad wax tirsanaysid maxaad
moodaysaa beelaha kale ee aanu wada dhalanay, iska daa Puntilland
e Soomaali oo dhan ayaa qof waliba oo aad xog waraysato gobolkuu
doono ha kasoo jeedee uu wax tabanayaa dhibaatda badan keedna waa
gaajada wadanka ka jirta oo dadka is tusaysa iyo dagaalka sokeeye
oo saamayn ku wada yeeshay nolol maalmeedka umada soomaaliyeed oo
dhan adiga aan kula hadlayo oo aan ku noolayn wadanka gudihiisa
ayaa ku hadlayay hadalo ay ka mid yihiin hal reer ayaa dhaqaalihii
umada ay gacanta ugu jirtaa iyo Beeshayda ayaa dad qabsatay, marka
adeer is eedaynta dagaal kicinta ah bur bur hor leh mooyee wanaag
iyo horumar ma keenayso umadaa ilaahay isku si wax uma wada aragto
oo aniga iyo wiilkayga ayaa kala aragti duwanaan karna laakiin waxaa
lama huraana waa nabada, isu soo dhawaynta dadka wada dhashay oo
xag aduun iyo xag aakhiraba aad wanaag ka helaysid iyo dal jacaylka
oo aad muhiim ugu ah dadkayaga maxaa yeelay hadaad wax waliba ka
hor marisid horumarka dhulkaaga adeer dawlad adaa ah, ku mashquul
horumarka dhulka intaad ku mashquuli lahayd eedayn iyo kala fogayn
dadkaaga ah.
Halkaan
ka akhri qoraalka Cali Ciise Salwe
Wabilaahi tawfiiq
Afhayeenka Beesha Cumar Maxamuud ee Magaalada Manchester/UK
Xuseen Maxamed (Xuubsireed).
E-mail = Mohamoud_hussein@yahoo.co.uk
Tel = 44./7985525950
MUSLINKA HA ISKU DIRIN
YAAN IBLAYS DOWYO KAA RIDIN
Asalaamu caleekum.
Waxaan akhriyay qoraal ku soo baxay puntlandstate
oo uu qoray nin lagu magacaabo, Ali ciise salwe qoraalkaas oo ciwaan
looga dhigay talada murugtay aa bahweynta cumar maxamuud.
Hadaba walaalayaalow, waxaan layaabay dhibaatada wayn
oo xambaarsan yahay qoraalkan labaxay talo, lakiin ah in umadda
laysku gubo lana huriyo colaad isagoo adeegsanaya ficil sheedaan,
ficilkaas oo ah gubaabo, isku dir qabiil, been abuurasho qabiil,
dhiig la daadiyo, bur burin magaca beesha cumar maxamud.
Wuxuu sharaf dhac ku sameeyay, haybaddii, sharaftii,
wanaagii, magacii waynaa, beesha cumar maxamuud. isagoo dambi ay
galin beeshu madaxa u saaray oo yiri waxay ku duuleen walaalahood,
cismaan maxamud iyo walaalahooda kale, yaan ku sii dheeraan faalade,
in yar haddaan iraahdo.
Cali ciise salwe, ina ciise salwow,yurub baad
joogtaa, dab baad rabtaa inaad shiddo iyo diradirayn jaane, muslinka
ha isku dirin yaan iblays dowyo kaa ridin.
Cali ciise salwe, ina ciise salwow, Inkastoo
dalku kala fog yahay hadalku soo duulye, kumana diirsan taladu haday
dunida aafaynayso.
Cali ciise salwe, ina ciise salwow, awoowgaa
salwe kuma suubbanayn diradiraallle, muslin nabad ah baad balo la
doonaysaa.
Hadalka kaa soo yeeray, ma aqoon daribaa mise waa
nacaybnimo, anigu waxaan u arkay aqoon dari, sabab too ah waxaad
ka hadlaysid uma lihid aqoon, hadaad u leedahay aqoon saas uma aad
hadasheen, oo maad aflagaadesan ummad dhan ama qabiilo leh shiikh
iyo shariif.
Qabiil dhan baad ku sheegtay doqomo, hadaba hadaan
kuu soo qaato hadal yar nin la yiraahdo ciise dheeg ayaa u yeeray
walaalkiis oo uu ku tuhmayay doqoniimo, wuxuuna yiri walaale waxaan
kuu tirinayaa doqomada cumar maxamuud, isna wuxuu yiri haye, ciise
wuxuu yiri adiga kow dheh, markaasu yiri anigu ma ahi doqon, ciise
wuxuu yiri waan kaa reebayaa bal kow dheh, isna wuxu yiri kow, ciise
wuxuu yiri xilahay dalaaqan adiga ma ahee doqon kale oo cumar maxamuud
ah majiro, waxaan ka wadaa xilahay dalaaqan qarnigaan doqon adiga
ahayn malaha cumar maxamud, sababa too ah nin rag ah waxaa kuma
hadlo.
Waxaad sharafta ka qaaday magacaad sheeganayso oo
ah gudoomiyaha beesha maxamed cumar, laakiin waxaan markhaati ka
ahay nin saas u hadla inuu ka dhalan maxamed cumar, iskaba dhaafe
inuu sheekto gudoomiye.
CALI CIISE SALWE, INA CIISE SALWOW, TALADU WAA AYDIN
KAA MAQANE.
Qore.G.Y. abdiasis khalif xaaji .........................10/04/003.
Email.abdiasisjama@yahoo.com
Opinions
expressed in this columns are those of the authors and not
necessarily those of Mudugonline
|
Qoraaladu
waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Mudugonline.
|
|