Puntland oo Abaar laga soo sheegay
Bosaaso, 10 April 2003 (MOL)-Waxaa saaka war saxaafadeed
ku qabtay magaalada Bosaaso wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland
C/shakuur Mire Aden, Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in abaar
ba'an iyo biyo la'aan ka jirto gobolo badan oo Puntland ah. waxaa
ka mida goboladaas Sool iyo Sanaag oo aan Mudo badan wax roob
ah ka di'in. sidoo kale degmooyinka Bargal, Iskushuban, Qandala,
Calula, Badar Beyla iyo Qardho, iyo waliba gobolka bari oo dhan
ayay saameysay abaartaas, sidoo kale waxay abaartaas saamaysay
meelo ka mida gobolka Nugal iyo Mudug.
C/shakuur ayaa sheegay in wafti uu ku jiro kormeer
ku soo mareen meelo badan oo ka mida meelaha abaartu ka jirto
ayna ku soo arkeen dhibaatooyin badan.Waxuu intaas ku daray in
Dawlada Puntland ay waxii awoodeeda ah ka qaadan doonto hawlahaas
siiba biyo dhaaminta iyo shidaal ay u diri doonaan gooabaha ay
abaaruhu sameeyeen, waxuu kaloo sheegay inuu rajaynayo in ururada
deeq bixiyaashu arimahaas ka qayb qaataan.
Mudugonline.com
Kurdiyiinta oo qabsaday magaalada Kirkuuk
Ottawa, 10 April 2003 (MOL)- Waxaa maanta idaacadaha
la iska arko laga arkayay ciidamada Jabhada Kurdiyiinta Ciraaq
oo ay caawinayaan ciidamada Maraykanka oo gacanta ku dhigay maaalada
qaniga Saliida ku ah ee Kirkuuk. Taas waxay ka dambeeysan guul
shalay Ciidanka Maraykanku ku gaareen dagaalkii Magaalada Baqdaad
oo ay in badan gacanta ku dhigeen. waxaa la arkayay shalay oo
dhan bartamaha Baqdaad dad shiico Ciraaqiyiin ah oo aad uu faraxsan
guusha Maraykanku gaareen iyagoo jajabinayay taalooyinkii Sadam
oo mid ka midana dariiqa ku jiidayay. Dawlada Turkiga ayaa digniin
u jeedisay haddii jabhada Kurdiyiintu sii joogaan magalaada Kirkuuk
in ciidamadeedu soo gali doonaan dagaalka Ciraaq taas oo Maraykanka
ku ah dhibaato weyn oo aysan u suuro gali doonin inuu kala hor
istaago inay isdagaalaan labadiisa xulufo ee Turkiyiinta iyo jabhada
Kurdiyiintu.
Qabsashada qaybo ka mida Magaalada Baqdaada ayaa
lama filaan ku noqotay dad badan oo Carbeed oo wali rajo ka qabay
in ciidamada ciraaqiyiinta iyo dadka Ciraaq mudo sii dagaalami
doonaan oo aan Caasimada si sahlan gacanta loogu dhigi doonin
sidii ay saadaalinayeen saraakiisha Maraykanku.
Dhinaca kale Waxaa wali Maraykanka wal wal ku haya
in aan dad badan soo bixin soo dhawyntooda oo dadkii shalay Baqdaad
isugu soo baxay aysan ka badnayn kun qof, taas oo cadaynaysay
in Ciraaqiyiintu kuligood soo dhaweynayn ciidanka xooga wadankooda
ku soo galay. Waxaa taa sii cadaysay maanta oo askari Maraykan
ah lagu dilay bombaano uu soo tuuray ciraaqi nafti hure ah waxaa
kaloo Maanta wali ka socda dagaal xaafado ka mida Magaalada Baqdaad.
Magalaada Najafna waxaa lagu dilay Cabdul Majid
al-Khoei oo ahaa mid ka mida hogaamiyayaasha Shiicada la socday
ciidamada Maraykanka. lama oga cida ka dambaysay dilkiisi.
Sadam iyo dawladiisana illaa shalay cidna lagama
arag lamana oga inay wali magaalada ku jiraan iyo inay ka baxeen.
Dawlada Maraykanka ayaa ku eedaysay dawlada Siiriya inay u ogolaatay
Dawladii sadaam inay wadankooda u cararaan. Siiriya waa beenisay
eedayntaas.
Mudugonline.com
Warar hadda naga soogaaray
Ceel-Afweyn
(Nin lagu dilay halkaas iyo nin gaaray halkaas)
Ceel-Afweyn, Khamiis, April 10, 2003 (AllPuntland)-
Nin lagu magacaabo Axmed Cali Fooraro ayaa ku geeriyooday 2 kalana
way ku dhaawacmeen deegaanka Ceel-Afwayn ee Sanaag qaybta Somaliland
halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada uu hogaaminayay Gen.
Cadde Muuse ka dib markii ay maleeshiyadaas dhexdeeda ay dirir
dhex martay.
Gacan ka hadalkan maleeshiyada ayaa lagu macneeyay
inuu ka dhashay ka gadaal markii ay ku murmeen cidda gacanta ku
haynaysa gaari Tikniko ah oo lagu magacaabo Zuu, warar goor hore
soo baxay ayaa sheegaya in maleeshiyada beesha gacanta ku haysay
gaarigaasi ay ku qabsadeen maleeshiyo beel kale oo iyagu doonayay
inay kala wareegaan gacan ku haynta gaarigaasi.
Ilaa iyo haatan lagama hayo wax wara oo intaasi
dheer oo faah faahinaya sidda wax u dheceen.
Dhinaca kale waxaa halkaas gaaray Maxamed Xaaji
Aaden oo mar wasiir Xanaanada Xoolaha ka ahaan jiray maamulka
Puntland, mar dambana ku biiray garabkii Jamac Cali Jaamac iyadoo
ugu dambayntii xabsiga lagu hayay ka gadaal markii Daraawiishta
Puntland ku qabteen isaga iyo maleeshiyo uu wato dagaalkii Qayaadsame.
Maxamed Xaaji oo Xabsiga looga siidaayay cafis maxaabiiseedkii
Puntland ayaa maalmahaan dambe si caadiya isaga joogay Garoowe,
ma jiraan ilaa hadda wax hadal ah oo uu ka bixiyay tagitaankiisa
Ceel afweyn oo ay ku sugan yihiin Mucaaradka Puntland ee uu taageero
maamulka Somaliland.
AllPuntland