WAFTIGII UU HOGAAMINAAYEY TALIYAHA CIIDANKA
DARAAWIISHTA OO DIB UGU SOO LAABTAY BOOSAASO
Bosaaso, 09 April 2003 (MOL)-Waxaa shalay gabal
gaabadkii dib ugu soo laabtay magaalada boosaso wafti uu hogaaminayo
taliyaha ciidanka daraawishta puntland Col C/laahi cali Mire carays
iyo wasiir ku xigeenka wasaarda warfaafinta puntland C/shakuur
mire adaan.
Waftigaasi ayaa booqashooyin ku tagay magaaloyinka
baran iyo laasqoray oo ka tirsan degaanka gobolka sanaag.
Ugu horayntii waxaa waftigu booqday magaalada baran
halkasoo ay shirar kula yesheen masuuliyinta degmada duqawti iyo
iygoo meel fagaare ah kala hadlay dadka deegaanka.
Waxayna u bandhigeen in la dhaqajiyo mamaulka iyo
adkaynta amniga iyo ka hor tag xaalufka, waxaana dadakii halkaasi
joogay ay la qateen taladaa ay soo jeediyeen masuuliyiintu. Waxaa
kaloo laga hadlay in ay meesha ka baxday maamulkii somaliland
wadankana ay gacanta ku hayso puntland waxuu kaloo taliyahu meesha
ka saaray in hadii dad u dhashay degaandaasi ay keenaan soomaliland
aan puntland gacanta ka laaban doonin.
 |
Midigta:
Col C/laahi cali Mire carays iyo Bidixda:C/shakuur mire
adaan oo salaan qaadanaya.
|
Mudugonline.com
TALIYAHA DARAAWISHTA PUNTLAND OO BOOQDAY
QABRIGII DAAROOD IYO DOOBIRO DIR
Badhan, 09 April 2003 (MOL)- Taliyaha ciidanka daraawishta
iyo waftigii la socday ayaa booqasho gaaban ku tegay halka loo
yaqaan Haylaan oo dhinac waqooyi ka xigta magaalada Baran halkas
oo ah goob ay tagaan dadka wadadada timo waynta ah oo ah meel
taariikhi ah ayna ku xabaalan yihiin odaygii ay ka soo farcameen
dadka ku abtirsada daarood iyo hooyadoodi Doobiro dir.
Goobtaasi waa goob aad u qurux badan oo ay ka dhisanyihiin
masaajido iyo meel lagu nasto oo dadka martidaa lagu soo dhoweeyo.
Markii aan goobtaasi tagnay waxaa nagu soo dhoweeyey
qaar ka mid ah dadkii halkaasi ku nool oo qaadayey ducada shalaadka
ama digriga.
Intaasi ka dib waxaan booqashadayadaasi ku soo aadanay
magaalada laasqoray oo aan iyana kula kulanay dadkii degaanka
ahaa kuwasoo iyana soo dhoweeyey fikirkii taliyaha iyo waftigii
la socday waxaana halkasi ka bilaamay hawlihii ururinta canshuuraha
iyo dhaqaajintii maamulka waxaana booqanay intii aan joognay meshaasi
wershada kaluunka iyo wershada hargaha oo ah wershad ay maal gashadeen
rag degaankaasi ah oo ka yimid dibadaha.
Mudugonline.com
NABADAYN LAGA WADO DEGAANDA PUNTLAND
Badhan, 09 April 2003 (MOL)- Waxaa ka bilowday degaanka
gobolka sanaag Ceel afwayn nabadayn ay wadaan isinka beesha Warsangeli
iyo isinka beesha habar jeclo kuwasoo bilabay nabadayn ay ku dhex
dhexaadinayaan dadka isku haya siyaasada puntland.
Suldaan siciid iyo boqor bur madow ayaa iminka ku
sugan degaanka ceel afwayn halkasoo ay kulamo kula yesheen rag
masuulka ah malayshiyada halkaasi saldhigoodu yahay.
Taliyaha ciidanka daraawishta Carys ayaa isagu u
sheegay weriyahayaga in ay dhowdahay xiliigii ay soo afjarmi lahaayeen
colaadaha puntland waxuu kaloo sheegay ay wada qateen nabdaynta
labadooda docood oo ay wada hadleen waxuu kalo sheegay in shir
lagu qaban doono magaalda baran.
C/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com