Dagaalkii Baqdaad oo wali socda iyo
Maraykanka oo isku dayay inay dilaan Sadam.
Ottawa, 08 April 2003 (MOL)-Dagaalkii Maraykanku
ku qaaday Baqdaad ayaa wali socda, dagaalkaan oo sii kululaaday
ka dib markii shalay ciidanka Maraykanku weerar ku qaadeen labo
qasri oo waawayn oo ku yaal bartamaha Magaalada ayaa Waxay ciidamada
Iraq iyo kuwa maraykanku isweydaarsanayeen rasaas, hoobiyeyaal
tan iyo waabarigii waxaana dagaalkaasi ka dhacayay agagaarka qasriga
weyn ee Saddam Hussein.
Wasiirka warfaafinta ee Iraq Maxamed Saciid Assaxaf
ayaa saxaafada u sheegay in ciidamada Ciraaq ay ku howlanyihiin
dabargoynta ciidamada magaaladooda weerarka ku soo qaaday ee huwanta.
"Waa ay isdhiibayaan ama waxaa lagu gubayaa taangiyadooda,"
ayuu yiri. Wasiirka oo maalmihii hore oo dhan la soo taagnaa inkiraad
in ciidan Maraykan ah magaalada soo galeen ayaa hadda waxaa moodaa
in uu qirtay in magaalada dhexdeeda la isku dagaalayo. dhanka
kale Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa weeraray Xaafada
Mansour ee caasimadda oo ah goob ay deganyihiin dad rayid ah ka
dib markii basaasiinta maraykanku ay heleen warar sheegaya in
Saddam Husseen iyo wiilashiisi ay kulan ku yeelanayeen aaggaasi.
illaa dhawr iyo toban qof oo shicib ah ayaa ku dhintay weerarkaas
lamana oga in Sadam ku jiray meeshaas. shirqoolka lagu dilayo
madaxda Dawlada ciraaq ayaa ah siyaasad cusub oo Maraykanku ku
soo daray siyaasadiisa dibada oo la rumaysan yahay in Maraykanku
ka soo minguuriyay siyaasada yahuudu kula dhaqanto madaxda palastiiniyiinta
oo ay shirqool ku laayaan arintaasna ahayd mid ka mamnuuc ah dunida.
dadka ciraaqiyiinta ayaa dhibaatooyin badan ka soo
gaareen dagaalka ka socda magaalada, qaar ka mida saxaafada ku
sugan Baqdaad ayaa soo wariyay in saacadahii hore ee dagaalka
ay cusbitaalada la keenayay illaa dhawr boqol oo dhaawac dad shicib
ah. waxaa kaloo oo maanta Hoteelkii Saxaafadu ay deganaayeen Maraynku
ku qarxiyay Bombaano waxaana halkaas ku dhintay labo weriye oo
uu ku jiro weriyihii Al-Jazeera qaar kalena waa ku dhaawacmeen.
Dinaca kale waxaa soo ifbaxday cajalad kale oo la
sheegay inuu soo diray Binu laadin oo Maraykanku dagaal uga saaray
wadanka Afganistan walina la ogayn meel uu joogo. Cajaladaan cusub
ayaa la sheegay inuu ku dhiiri galinayo Muslimiinta inay naftooda
u huraan difaaca walaalahooda Ciraaqiyiinta. Bin laadin oo aan
jaceyl u qabin kali taliyaasha bariga dhexe ayaa horey u sheegay
in Sadam xuseen yahay gaal yar uusana u hiilinayn balse u hiilinayo
Muslimiinta Ciraaqiyiinta ah.
Mudugonline.com
Dagaal shalay ka dhacay degmada Mediina
Muqdishu, 08 April 2003 (MOL)-
Waxaa shalay mar kale dib uga xaray xaafada Mediina ee magaalada
Muqdishu dagaal u dhaxeeyay Taageerayaasha Muuse Suudi iyo
Cumar filish oo isku haya maamulka xaafada Mediina iyo deegaanka
u dhow. wali lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaas waxaase
la sheegay in dad rayid ah ay ku dhinteen dagaalkaas.
Cumar
Filish ayaa waxuu ahaan jiray ku xigeenka Muuse suudi ka hor intii
uusan xulafo la noqon Cusmaan Caato iyo Maxamed Qanyare waxayna
hadda ku bahoobeen isbahaysi lagu magacaabo G8.
Mudugonline.com
Winston Tubman oo sheegay in shirka Mbagathi
guulaysan doono
Nayrobi, April 08, 2003 (MOL)- Ergeyga Gaarka ah
ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya Winston
Tubman ayaa rajo fiican ka muujiyay shirka dib u heshiisiinta
ee hadda ka socda xaafada Mbagathi ee magaalada Nayrobi. waa guulaysanayaa
shirka dib u heshiisiintu ayuu yiri ergaygu. waxuu xusay in shirarka
laga abaabulay magaalada Muqdishu ee u dhaxeeyay Kooxda carta
iyo isbahaysiga G8 ee Cusmaan caato aysan wax carqalad ah ku ahayn
shirka, shirkaan Mbagathi waxuu sheegay in Somali oo dhan joogto
cid ka maqan oo aan ahayn Somaliland-na uusan ogayn. waxuu intaas
ku daray inuu rajaynayo Somaliland laf ahaanteedu in ay ka soo
qayb gasho shirka. Mr tubman waxuu sheegay inuusan arag wax cadaynaya
eedaynta ay markasta hogaamiyaasha qaarkood sheegaan in shirka
dawlado kale ku hayaan faragalin.
Mr. Tubman ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay
ku qanacsan tahay taageeraysana shirka dib u heshiisiinta, waxuu
sheegay marka wajiga seddexaad dhamaado oo la shiso Dawlad KMG
ah in hay'adaha qaramada midoobay ee caawinaada bixiya oo hadda
Nayrobi xafiisyada ku leh loo rari doono gudaha Somaliya si ay
uga qayb qaataan dhidib u aasida Dawlada curdanka ah ee la dhisi
doono. Waxuu ugu dambeyntii Mr. tubman ku booriyay hogaamiyaasha
shirka ka caga jiidaya inay shirka yimaadaan oo ka qaybqaataan.
dhanaca kale shirarkii u dhaxeeyay Dawlada KMG ah
ee Carta Lagu soo dhisay iyo isbahaysiga G8 ayaa wax natiijo ah
ka soo bixin ka dib markii ay ku fashilmeen inay shirka ku soo
daraan Muuse Suudi oo la'aantiis aysan fulin karin heshiisyadii
ay horey u gaareen. Dawlada KMG ah ayaa rajaynaysay in iyadoo
aan shirka Mbagathi ka bixin ay ku guulastaan isfaham dhex mara
iyaga iyo hogaamiyaasha kale ee Muqdishu ku sugan si markaas ay
u fashiliyaan shirka Mbagaathi, rajadaas ayaa hadda gabaabsi u
eg.
Mudugonline.com