Khasaarooyinka Maraykanka ee dagaalka
Ciraaq oo sii badanaya
Ottawa, 06 April 2003 (MOL)-waxaa wali xulufada Maraykanka
iyo Ingiriisku wadaan dagaalkii qaraaraa ee ay ku qaadeen Dalka
Ciraaq. Magaalada Bagdaad ayaa illaa xalay waxaa ku socday duqayn
aan kala joojis lahayn iyadoo Maraykanka ciidankiisu doonayaan inay
niyad jabshaan ciidamada difaacaya magaala madaxda Bagdaad. Garoonkii
diyaaradaha ee shalay Maraykanku sheegay inay qabsadeen ayaan wali
si hubaal ah loo ogayn cida haysata, waxaa wali ka socda dagaalo
garoonka iyo aagaga u dhowba.Sida ay Al-Jazeera maanta ka soo xigatay
wasiirka warfaafinta Ciraaq ayuu sheegay in dagaalkii shalay ay
ka dileen ciidanka Maraykanka 50 askar ah ayna ka gubeen ilaa 16
tangiyada Maraykanka Abrams loo yaqaan. wariyayaal ayaa ciraaqiyiintu
soo tuseen mid ka mida taangiyadaas oo dad aad u faraxsan ku dul
bood boodayeen. Maraykanka ayaa sheegay inaan warkaas waxba ka jirin
ayna dileen illaa 2000 oo askarta ciraaqiyiinta ah.
dhinaca waqooyiga ciraaq deegaanada ay degaan dadka
Kurdishka ah oo iyaguna xulafo la ah Maraykanka ayaa waxaa ciidamada
Cirka Maraykanku si qaldan gantaal ula heleen kolonyo gaariyaal
ah oo siday ciidamada gaarka ah ee loo yaqaan comandoska. wariyaha
BBC-da John simpson oo la socday kolonyadaas ayaa ku tilmaamay arintaas
in Maraykanka gool xun iska dhaliyeen iyadoo meel walba uu ku arkayay
gawaari iyo dad mayd ah oo gubanaya. shil kale ayaa 3 askari oo
maraykan ah ku dhinteen 5 kalena ku dhaawacantay ka dib markii diyaarad
F18 ah ay gantaal ku soo riday. shilalkaan ayaa aad u sii badinaya
dhimashada iyo khasaaraha soo gaaraya ciidamada Dawlada Maraykanka
oo u malaynayay inay Ciraaq ku qabsan doonaan si sahlan.
Dhinaca kale Sarkaal u dhashay wadanka Iiraan ayaa
maanta beeniyay war ay horey u faafiyeen saxaafada ingiriisku oo
ay sheegeen in la helay lafo dad oo maqaasiin laga buuxshay oo loo
malaynayo inay yihiin dad ay xasuuqeen ciidamada Ciraaqiyiinta.
Sarkaalkaas ayaa sheegay in lafahaas yihiin ciidamo Iiraaniyiin
ah oo ku dhintay dagaalkii Cariiq iyo Iiraan oo Dawlada Iiraan ka
codsatay Ciraaq inay meydkii dadkaas loo soo bixiyo si ay wadankooda
ugu aastaan.
Dawlada Maraykanka ayaa la filayaa iyana inay magacaabaan
asbuucaan sarkaal ka tirsanaan jiray ciidamada Maraykanka oo haatan
hawl gab ah inuu madax ka noqdo Ciraaq. Dawlada Maraykanka aqalkeeda
cad ayaa laga xukumi doonaa Dawlada ciraaq inta loo samaynayo dawlad
ku meel gaara oo badasha tan milariga ah ee hadda la samaynayo.
Waxaa la saadaalinayaa inay Maraykanku damacsan yihiin inay sameeyaan
dawlad Maqaarsaar ah oo aan lahayn awood saaxiibna la noqota Maraykanka
iyo Israa'iil.
Maxamed Sayid Tantawi oo ah sheekha Al-azhar ayaa
sheegay maanta in Sadam Xuseen u fiicnayd inuu wadanka isaga baxo
si uu uga badbaadiyo duulaanka iyo qasaaraha loo gaystay wadankaas,
waxuu kaloo sheekhu sheegay inay banaan tahay in lala jihaado gaalada
ku soo duushay Ciraaq uuna taageersan yahay dadka Muslimka ah ee
ciraaq u aaday inay la dagaalaan Maraykanka.
Mudugonline.com
Cumar Jamaal oo damiinasho lagu soo daayay
Ottawa, 06 April 2003 (MOL)- Cumar Jamaal oo ahaa
madaxa Somali Justice Advocacy Center ee magaalada Minneapolis ayaa
lagu sii daayay dabiin lacag oo dhan $6500. Jamal ayaa waaxda socdaalka
Maraykanku ku xireen asbuucii hore laguna soo eedeeyay wax isdaba
marin iyo been ka sheegid codsigiisi qaxootinimada ee uu isugu dhiibay
wadanka Maraykanka sannadkii 1998. Waaxda socdaalka ayaa waxay maxkamada
ka sheegeen in dad Somali ahi u soo basaaseen Jamaal inuu ku noolaan
jiray wadanka Kanada arintaasna uusan u sheegin maxkamadii qaxootinimada
u aqoonsatay.
Dawlada Maraykanka ayaa ku talo jirta inay wadanka
ka tarxiilaan Jamaal oo dhawr jeer ka caraysiiyay nabad sugida wadanka
waxii ka dabeeyay qarxintii xuruntii ganacsiga New york. Jamal ayaa
poliska iyo dawlada Maraykanka dhawr jeer ku eedeeyay inay ugaarsanayaan
Somali aan wax dambi ah lahayn qaasatan markii la xiray shirkadii
al-barakat oo Maraykanku ku eedeeyeen in loo adeegsan jiray hawlaha
argagixisanimada.
Arinta Jamal haysata ayaa dad badan oo ka shaqeeya
hawlaha jaaliyadaha cabsi galisay in haddii ay wax ka sheegaan una
doodaan xaqa jaaliyadahooda in iyagana loo heli doono dambi. Jamal
oo ka hadlay Masjid ku yaal Cedar-Riverside ee magaalada Minneapolis
ayaa sheegay in arintiisu aysan la xiriirin ugaarsi, Somaliduna
aysan u qaadan in iyaga so gooniya loo daba joogo.
Haddii Maraykanku Tarxiilo Jamal ayaa waxaa suura
gal ah in dawlada Kanada aysan u ogalaan doonin inuu wadankeeda
dib loogu soo celiyo marba haddii uu wadanka ka maqnaa waqti badan
meesha kaliya ee loo tarxiili karana noqonayso Somaliya oo haatan
aan Dawlad ka jirin. Dawlad Maraykanka ayaa si kadis ah dad badan
oo Somali dhawaanahan Somaliya ugu tarxiilaysay dadkaas oo qaarkood
deganaasho ku lahaayeen wadanka Maraykanka.
Jaaliyada Somalida ee Minneapolis ayaa la sheegay
inay si weyn uga qayb qaateen soo dabiinashada Jamaal oo ahaa xubin
firfircoon kana mid ahaa hogaamiyaasha Jaaliyada.
Mudugonline.com
kalsooni xumo laga muujiyay guddiga isku
habeynta ee dhawaanta la magacaabay
Nayrobi, 06 April 2003 (MOL)-
Wararka ka imaanaya madasha shirka Somalidu ka socdo ee magaalada
Nayrobi ayaa sheegaya in Ergada shirka ka qayb galaya iyo gudiyadii
farsamada ee 6-da ahaa oo hawshoodi soo dhameeyay inay ka xumaadeen
magacaabida gudi magaciisa lagu sheegay "guddiga isku habeynta"
gudigaan
oo shaqadiisu noqon doonto isku habaynta iyo isku shaandhaynta talooyinkii
gudiyadii farsamada ay soo jeediyeen. gudigaan cusub ayaa dad badan
ka muujiyeen rajo xumo xubnaha la magacaabay oo aan lagu kalsoonayn
awgeed.
Gudigaan
oo ay ku jiraan shaqsiyaad lagu yaqaan qabyaalada iyo nacayb beelo
gooniya ayaa la sheegay in aan magacaabidoodi cidna lagala tashan.
waxaa ka mid gudigaan prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo aad looga
yaqaan jaaliyada Somalida ee Minneapolis aragtidiisa naceybka
ah ee ku aadan gobolada Puntland la isku yiraahdo iyo dadkooda.
mar aan la xiriiray nin ka mida ergada oo aan rabin in magaciisa
la sheego ayaa yiri "war iga daa IGAD arinteeda ma garanyo
kuwii Buufiska qabay ee qurbaha ku wareeray ayay leeyihiin wax
xaliya....."
waxaa kaloo gudigaas cusub ka mida Dr. Gaandi oo intii aan shirka
laga soo wareejin Eldoret ay feerar xun isdhaafsadeen Mawliid
macaane oo ah hogaamiyaha beelaha Jareer weyne.
Mudugonline.com
Shuban Ka dilaacay Dhinowda
Dhinowda, April 06, 2003 (AllPuntland)- Tuulada
Dhinawda ee ka tirsan gobolka Mudug gaar ahaan degmada Jiriiban
ayaa laga soo sheegayaa in uu halkaasi ka dilaacay Shuban balaaran
oo ay u jiifaan dad faro badan .
Gudoomiyaha degmada Jiriiban Maxamed Maxamuud Muufo
ayaa saxaafadda u sheegay in aan ilaa iyo haatan la garanayn waxa
uu cudurkaasi yahay balse loo malaynayo cudurka daacuunka, wuxuu
gudoomiyuhu Intaasi ku daray in shubankaasi uu sababay kulayl
iyo abaaro daran oo halkaasi ka jira, wuxuuna hay’adaha caalamka
iyo kuwa gobolkaba ka codsaday in dadkaasi gar gaar lala gaaro,
isla markaana halkaasi loo diro dad soo ogaada waxa uu yahay cudurkaan.
allpuntland
Baaq
ay soo wada saareen beelaha Majeerteen iyo Mareexaan
Nairobi, Axad, April 06, 2003 (AllPuntland)- Magaalada
Nairobi ee dalka Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa shirar
ku lahaa beelaha Mareexaan iyo Majeerteen, shirarkaas oo looga hadlayay
xalinta khilaafka iyo colaada dhextaalay labadaas beelood ayaa waxaa
laga soo saaray baaq ay ku saxiixan yihiin 41 xubnood oo labada
beelood ka kala tirsan, qoraalka baqaasi ku qornaa ayaa nuqul ka
mid ah AllPuntland soo gaaray, wuxuuna u qornaa siddaan:
Halkaan
ka aqriso baaqa oo dhamays tiran......