Mudugonline.com keeping you Informed.    


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

Maalintii 17 ee dagaalka ciraaq iyo sida wax u dhaceen iyo dicaayadihii oo sii batay.

Ottawa, 05 April 2003 (MOL)-Asbuucaan dagaalka Ciraaq waxuu ku bilaamay Ciidamada Maraykanka oo difaac kaga jira meelo u dhaw Magaalooyinka Najaf, Karbala iyo Kut, iyagoo la sheegay inay sugayaan ciidan kale oo xoojin ah. Waxaa taas ku xigtay maalintii Jimcaha oo Ciidamadii Maraykanku sheeganayaan inayba haatan u talaabeen gacantana ku dhigeen Garoonkii dayuuradaha ee Bagdaad ka dib markii si xawli ah ay ku jiireen difaacii Caraaqiyiinta. dhinaca ciraaqiyiinta ayaa sheegay inaysan ciidanka Maraykanku wada qabsan Garoonka ee ay dhuumasho ku soo galeen qaarkoodna laga yaabo inay ku yimaadeen diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Ciidamada Maraykanka ee galay gagida diyaaradaha ayaa la sheegay in ay isla maantaba bilaabeen inay u soo dhaqaaqeen dhinaca magaalada walow aysan gaarin meel fog. dagaal aad u ba'an ayaa la sheegay inuu ka socdo dhinaca Garoonka diyaaradaha oo magaalada u jira ilaa 20KM, sawaxanka iyo diryaanka hubka culusna uu sas ku riday dadka rayidka ah, dad badan ayaa ka soo qaxay dhinaca dagaalku ka socdo. Wasiirka Warfaafinta ciraaq ayaa sheegay inay ciidankoodu dib u qabsadeen Garoonka diyaaradaha Bagdaad, waxuu sheegay in waxii ka haray ciidankii soo weeraray garoonka diyaaradaha ku dhuumanayaan meel u dhow garoonka laguna daba jiro. dawlada Maraykanka ayaa warkaas ku tilmaantay wax lagu qoslo iyagoo sheegay in ciidankoodu diyaar u yahay in ay soo galaan bartamaha magaalada markii ay iyagu doonaan. War kale oo sheegayay in nafti hure Ciraaqi ah isku qarxiyay bombaano dhinaca gagida diyaaradaha ayaa Maraykanku beeniyeen.

Waxaa Dagaal Ba'an ka socdaa Magaalada Kerbala. meel aan ka fogayn Kerbala ayaa la sheegay in Maraykanka looga soo riday diyaaradaha qumaatiga u kaca. isla shalay Magaalada Kut-na waxaa shaqadiisa laga cayriyay COL. JOE W. DOWDY oo watay guutada 1-aad ee Ciidamada Marines-ka, lama sheegin sababta loo cayriyay ninkaas oo arintaas niyad jab u keenayso ciidankii uu watay. dhinaca xaduudka Siiriya laba gabdhood oo Ciraaqiyiin ah ayaa Bomb ay si biimo ah isugu qarxiyeen waxay ku dileen 3 askarta qaaska ah ee Maraykanka oo joogay Jid isbaaro u taalay. waxaa habeen hore ciidanka Maraykanku isbaaro meel u taalay ku dileen dad socaal ahaa oo dhawr iyo toban ah oo Caruur iyo dumar u badan oo ay sheegeen in ay diideen inay joogsadaan. Ciidamada Maraykanka oo ka baqaya dad nafti hurayaal oo is qarxinaya ayaa bilaabay in meelo fog ka toogtaan gaadiidka daweynaha iyagoon hubin cida la socota gaadiidkaas.

Waxaa asbuucaan aad u sii siyaaday dicaayadaha dagaalka ee labada dhinacba ka imaanaysa siiba dhinaca isbahaysiga iyagoo saraakiisha Maraykanku bilaabeen inay warka si hoos ah u siiyaan warfaafintooda waqti ka dibna markay ka gaaraan ujeedadoodiina ay beeniyaan warkaas, arintaan oo ka dhacday meelo badan ayaa waxaa ka mida ahaa war laga helay Ciidamada Ingiriiska oo sheegayay in ciidamadooda comandoska ah ay dileen saraakiil Ciraaqiyiin ah oo uu ku jiro gaashaanle sare ay gacantana ku hayaan Janaraal Ciraaqi ah. dhamaadkii asbuucaan ayaa la sheegay in aan warkaas waxba ka jirin. Waxay Ingiriisku dhawr jeer horey u faafiyeen warar Been ah iyagoo adeegsanaya saxaafada Ingiriiska oo ay ku jito BBC-du.

Dhanka Ciraaqiyiinta ayaa iyaguna aan dab yar shidanayn iyagoo sheegay shalay in Ciidanka Maraykanka ee soo galay gagida diyuuradaha aysan nabad ku waabariisan doonin oo ay isticmaali doonaan wax aan horey loo arag. Saaka wali Ciidankii Maraykanku waa joogeen meeshoodii waliba waxay ku hanjabayaan inay u soo socdaan Bartamaha Magaalada Bagdaad. ciraaqiyiintu waxay shaqadii ka joojiyeen laba beri ka hor wariyaal ka socda Al-Jazeera oo haddana dib loogu ogolaaday inay shaqadooda bilaabaan. dicaayadaha ka imaanaya dhinaca ciraaqiyiinta ayaa waxaa ugu kululayd dicaayad run ah dadka Ciraaqiyiintuna aad ugu farxeen ka dib markii shalay TV-ga ciraaq laga arkay Sadam Xuseen oo socod ku maraya xaafad ka mida Bagdaad. Sadaam oo ay ka muuqatay kalsooni badan ayaa dadka u sheegay inay guul u dhaw dahay. Dadka ayaa aragtida Sadam siisay kalsooni iyagoo awal ka walwal qabay dicaayadaha reer galbeedka ee sheegayay in habeenkii u horeysay ee dagaalka gantaalihii Maraykanku soo riday ay galaafteen Sadam iyo dadkii u dhawaa.

Dagaalkaan ayaa waxaa la aaminsan yahay inuu gaystay qasaare aad u balaaran oo dad badan oo Ciraaqiyiin ah ku dhinteen, laguna burburiyay dhaqaalihii Ciraaq intiisu badnayd. dhanaca Dawlada Ciraaq ciidankeeda ayaa iyadana la sheegayaa in askar badan ku naf waayeen dagaalkaan. Xulafada dhinacooda ayaa 75 oo Maraykan ah la hubaa inay dagaalkan ku dhinteen 7-na la haystayaal yihiin iyo 8 aan la ogayn meel ay jiraan. dhinaca Ciidanka ingiriiska ayaa laga dilay 27 inta la ogyahay dhaawacooda saxdaana aan la garaynayn labada dhinac.

Mudugonline.com





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
Mudugonline.com keeping you Informed.