Mudugonline.com keeping you Informed.    


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

Ciidamo Maraykan ah oo laayay haween iyo caruur

Ottawa, 01 April 2003 (MOL)-Maalintii shalay ayaa ciidamo Maraykan ah oo isbaaro dhigtay meel u dhow magaalada Najaf ee dalka ciraaq ayaa waxay rasaas ku fureen gaari bus yar ah oo ay saaraayeen caruur iyo iyo haween Ciraaqiyiin ah. waxaa la soo sheegay illaa 7 qof in halkaas ku nafwaayeen.

Ciidamada maraykanka ayaa sheegay in gaarigaasi xabada lagu furay ka dib markii uu ku joogsan waayay xabado digniin ah oo ciidanku cirka u rideen. Ciidamada Maraykan ayaa la sheegay inay ka cabsi qabeen in gaariga ay saareeyeen dad nafti hurayaal ah oo raba inay qarxiyaan ciidamada Maraykanka sidii dhawr maalin ka hor ka dhacday goob aan ka fogayn isla meesha shilkaasi ka dhacay. ciidamada Maraykanka ayaa amar lagu siiyay inay is difaacaan taas oo laga cabsi qabo inay ku dhintaan dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan rasaasta aan la hubsan ee shicibka lagu ridayo. madaxda ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in ciidamadaas wax laayay shaqadooda guteen xaalada lagu jiro awgeed.

Dhinaca kale wali waxaa socda weerar aan kala go' lahayn oo ciidamada xulafadu ku wadaan kuwa ciraaq, meelaha dagaalada ugu weyn ka dhacayaan ayaa la sheegay inay ka mid yihiin magaalada Najaf, magaalada hindiya. weerarada ciidamada Maraykanka ayaa asbuucaan u badnaa dhanka cirka iyagoo isku dayaya inay wiiqaan ciidmada aadka looga boqo ee aadka u tababaran ee Jamhuuriga.

Mudugonline.com


Kooxda Carta oo ka shiray sidii loo badali lahaa Hassan Abshir

Muqdishu, 01 April 2003 (MOL)- Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in shir ay shalay yeesheen golaha wasiirada kooxda Carta looga wada hadlay sidii loo badali lahaa Hasan abshir oo hadda kooxdaas u haya jagada wasiirka koowaad. shirkaas oo albaabadu i xiraayeen ayaa la sheegay in waxyaabihii laga wada hadlay oo dhan ay ahaayeen sir. waxaa kaloo la sheegay in shirkaas looga hadlay sidii waqtiga loogu kordhin lahaa dawlada KMG ah ee carta oo waqtigii uga harsan yahay in ka yar 5 bilood.

Hasan Abshir oo isagu hadda ku sugan madasha shirka dib u heshiisiinta ayaa la sheegay in aysan haatan isku si wax u arag isaga iyo madaxweynaha Kooxda Carta Cabdiqasim Salad hasan oo sheegay in shirka dib u heshiisiinta Somalida aan waxba ka soo baxayn uuna haatan qabanqaabinyo sidii waqtiga loogu kordhin lahaa kooxdiisa. Hasan Abshir ayaa isagu wali ku qanacsan inuu sii joogo shirka dib u heshiisiinta. Wali lama oga inuu Hasan Abshir iska casili doono jagada uu u hayo kooxda Carta iyo inuu noqon doono ra'iisal wasaare dibad wareeg ah si dad badan filayaan.

Mudugonline.com


Shirkii hogaamiyaasha Muqdishu ee USC oo durba ay haraysay khilaaf

Muqdishu, 01 April 2003 (MOL)- Wararka ka imaanaya shir ay maalintii Axada isugu yimaadeen hogaamiyaasha USC ee Muqdishu ku sugan ayaa sheegaya in durba khilaaf soo kala dhex galay hogaamiyaashaas, Raga shirkaas ka qayb qaatay oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Qanyare, Cusmaan Caato iyo Cabdiqasim Salad ayaa la sheegay in aan wax heshiis ah lagu gaarin.

Muhiimada shirkaan laga lahaa oo ahayd sidii hogaamiyaasha beelaha USC ee Muqdishu isugu afgaran lahaayeen sidii Kooxda Carta waqtiga loogu kordhin lahaa iyo sidii loo fulin lahaa heshiis ay horey u gaareen hogaamiyayaasha Muqdishu intii aysan ka soo caroon shirka dib u heshiisiinta ee ka socda wadanka Kenya oo ahaa sidii loo furi lahaa dekada iyo garoonka Muqdishu loona qaybsan lahaa raasalmaalka ka soo baxa.

Caqabadii ugu horeysay ayaa noqotay iyadoo hogaamiyaha Muuse Xaaji Suudi uu diiday inuu shir la yeesho inta hogaamiyaha Kooxda Carta sheeganayo magac madaxweynenimo oo aan Somali u aqoonsanayn. waxaana iyana jira hogaamiyaal kale iyo beelo aan ku qanacsanayn sida ay kooxahaani wax u rabaan inay u hirgaliyaan heshiiskaas oo aan markii horeba loo dhamayn.

Mudugonline.com


Xaflad lagu soo bandhigay waxbarashada Dugsiga Farsamada Galkacyo

Gaalkacyo, Isniin, Mar 31, 2003 (AllPuntland)- Dugsiga farsamada ee Hay’adda Gottenberg Initiative ee magaalada Gaalkacyo waxaa saaka lagu qabtay xaflad lagu soo bandhigayay waxa ay ardayda dhigata goobtaasi ay barteen . Waxaana bandhig aqooneedkaas ka soo qayb galay madax ka kala socotay dawladda Puntland iyo maamulka gobolka oo ay ka mid yihiin Wasiiru dawlaha aminga ee Puntland Warsame Cabdi Shirwac (Seefta-banaanka), Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo warshadaha Cilmi Cali Guuleed iyo Gudoomiyaha gobolka Mudug Cabdirashiid Cali Xaashi (Dhuubane). Waxaa ugu horayn hallkaasi hadal dheer ka soo jeediyay maamulka Dugsiga farsmada oo ka war bixiyay sidda ay waxbarashadu u socoto, waxayna sheegeen in waxbarashada dugsigu oo soo socon doonta muddo 55 Asbuuc (Todobaad) ay ardaydu soo qaateen 10 Asbuuc, ayna faa'iidaysteen wax yaabo kala duwan oo ay ugu horayso Toornada iyo Biraha, ardayduna waxay halkaasi ku soo bandhigeen qaar ka mid ah waxa ay ka barteen dugsigaasi farsamada.

Allpuntland




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
Mudugonline.com keeping you Informed.