[2003/April/_includes/slogan.htm]


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

Qoraalada Maanta ee akhristayaasha waxaa ka mida:

ÞJawaab ka bixin waraysigii (Generaal Cade Muuse)
ÞQabqablayaasha Mudug

Jawaab ka bixin waraysigii (Generaal Cade Muuse)

Waxaan aad iyo aad uga mahad celinayaa kuna faraxsanahay waraysigii Generaal Cade muuse uu bixiyay asbuucii la soo dhaafay 29/03/03, kaasoo muujinayay isu soo dhawaansho xaga nabada ah iyo muhiimada ay leedahay wada dhalashadu, aad iyo aad ayaan anigu u aaminsanahay in siyaasada la, isaga hor imaankaro ama dad walaala ah ay is khilaafi karaan oo ma, ahan wax xaaraana ama wax lala yaabo, wiil iyo aabihii oo dadka isugu dhow ayaa is khilaafi kara oo fikrad isaga hor imaankara laakiin intee in le'eg ayay kala maqanaan karaan weeye su'aashu, waxaa hubaala in aysan dad badan oo aan ka soo jeedin Gobolada Puntilland ay aad uga xumaanayaan isu soo dhawaanshaha iyo is af garadka Reer puntilland, ama in ay nabadi ka dhalato puntilland laakiin waxaa ilaahay mahadiisa in Dadka reer Puntilland ay yihiin dad xadaarad leh meel fogna wax ka fiiriya, waxaase jira wax magarato tira yar oo reer puntilland oo meel fog aan wax ka fiirin iyagoo websideyo u furtay in ay ku fidiyaan dacaayado kala fogaynaya dadka wada dhashay oo aan wadankii ka qorayn wax aan xumaan ahayn.

umadaha ku nool qurbuhuna waxay weheshadaan ama ay akhbaaraha wadanka kala socdaan badankood Internetka iyagoo inta badan miciin bada kuwa ku abtirsada Puntilland, hadaba waxaan kula talinayaa oo aan waliba ka baryayaa in ay ka fogaadaan maskaxda aadka u hoosaysa ee ah dacaayadaha kala fogaynaya dadka, oo wax aan dhibaato iyo mashaakil ahayn kordhinayn, nin walboo ka soo jeeda goboladaas waxaa ku waajiba ama xil kasaaran yahay dhiniciisa in uu ku fakaro siday Puntilland u hor mari lahayd dhinac walba oo mar waliba kaalintii kaga soo aada u buuxin lahaa, Qof waliba oo gobolka ka soo jeedaa waa muhiim xilbaana saaran, waxa ugu yar oo uu qaban karaa waa isagoo Iskuul fura, Ceel qoda ganacsi ka sameeya wadanka.

Dhalinyarada soo koraysa ku guubaabiya muhiimada ay leedahay wadaniyada iyo Dhulka aan ka soo jeedno arimahaas oo adigana ku anfacaya bulshadana horay u marinaysa, intaa iyo wax la mida hadaad qabato wax badan ayaad qabatay qofna in aad ka sugtid ma,aha in uu horumar kuu sameeyo, Nin waliba xilbaa saaran, kuwa hada maamula ama maamulka Puntilland ku magacaaban kaama xigaan wadanka siday ay U qabteen mas'uuliyadaas ayaad hadaad ka soo bixi karto oo aad dadkii isu keeni karto ay kuu furantahay kuuguna banaan tahay, maxaa yeelay waa dhulkaagii Puntilland, qof martiya ayaa mar walba la maamulaa nina gurigiisa marti kama noqon karo marka.

Waxaa xaqiiqa in ay dani noogu wada jirto gacmaha oo la isqabsado, nabada oo muhiimada ugu horaysa la siiyo, horu marka wadanka oo laga wada fakaro, iyo caqliga oo la kaashado cadifadana laga fogaado, maxaa yeelay meela kuma gaarsiinayso Dacaayad Xumaana oo dadka kala fogaynaysa abaabul dagaal oo dad walaala'ahi ku dhinayaan cadow aad miciin bido oo sida la wada ogsoonyahay aan kab uu kaa gooyo mooyee aan waxba kuu qabanayn, waxaa lawada ogsoonyahay dadka Cadawga u ah Puntillan in aysan kala jeclayn dadka reer puntilland oo kan u tagay oo martida u noqday iyo kan wali puntilland ku sugan ayna u kala du wanayn oo ay u yihiin Reer puntilland haday noqoto in ay ku taageeraana waxay ay kuu qabanyaan ma, aha wanaage waa in aad Dhulkaagii bur burisid dadkii isku laysid lug iyo gacana ku yeeshaan dhulkaaga, walaalayaal wax tabashadu waa wax u furan qof waliba laakiin dhib walba oo ku haysa in aad ka hor marisid wadaniyada dhulka oo adan maslaxadii caamka ahayd u bur burin anaa raba iyo sidaan rabo hadii la, ii yeeli waayo nabadaa hor is taagayaa, mabda ahaan waxaan qabaa in ay 100% Xaaraan tahay in Dad reer puntilland ah xabad isu qaataan Wabilaahi Tawfiiq,

Afhayeenka Beesha Cumar maxamuud ee Magaalada Manchester/UK
(Xuseen Maxamad Xuubsireed)
E-mail : mohamoud_hussein@yahoo.co.uk


Qabqablayaasha Mudug

Asalaamu caleekum akhritiyaahsha sharafta badan.
Waxaa layiri intaadan falin ka fiirso.

Waxaa layiri hadal intuu uurkaaga ku jiro amaano yahay.

Waxaa layiri nimaan talinjirin haduu taliyo nimaan tagijirin baa taga.

Waxaa layiri baqal fardo lamirataa waxay ismoda faras.

Waxaa layiri doqontu waxa xun waxay moodaa wanaag.

Waxaa layiri rag waxaa udaran calooshi laciyaar iyo ciil kamabaxe.

Waxaa layiri qabiilo riyo qaleen ninbaa u soo jiida
.

Hadaba walaalayaal waxaan oga danleeyahay hadaladaas aan kor ku soo sheegay,kuwa iska dhigaya inay ka
aragti dheeryihiin dadka u dhashay puntland. Kuwaas oo ka hadlayay arimo ayan galikarin ayna ka hadlikari, waxaana ka hadlikara dadka jecel nabadda reer puntland iyo dadka shaqadoodu tahay sida odayaasha,isimada, ama maamulka. Waxay iska dhigaan dad ka hadlaya khalad dhacay, laakiin waxay isticmaalaan arayo ay u qabaan in
lafahmeen, may oga xitaa caruurtu inay fahmayso. Waxayna wadaan fidmo, waxayna ku qaraabtaan magaca
dadka reer mudug. Sida inayihiin odayaashii ama wax garadkii reer mudug.

Hadaba halkeebaa lagu arkay dad iska dhigayaa odayaal hadan ummadda isku dirayaa, hadda ka horna waxay ku
qaraabteen magaca beesha cumar maxamud. War ma anaa waalan mise cadanbaa laga heesayaa,waxaan
oga danleeyahay maah maahyadan,beesha cumar maxamud waxaa u hadli jiray rag aad u qoto dheer ama hadal kooda ka fiirsada magacna usoo jiida beesha laguna yaqaanay in cadkooda ladhaafin mid aylahayn ayqaadan, markii larabo in qabiil kale lalaxaajoodo waxay samayn jireen doqontooda waxaa lagu darijiray xoolaha,markay xaaladu caadi tahayna waxay soo fariisan jireen meesha ragu fadhiyo si ay wax ufahmaan.laakin waxaa ii muuqata waayahan inay soo baxayaan ragii xoolaha loo dirijiray. Hadal yar waxaan leeyahay beesha cumar maxamuudey wallee waa laguuyaabaa sanadkan, markaan arkay ragga ku hadlaya magacaaga iyo hadalkay leeyihiin.

Yaan ku dheeraan hadalka waxaan uga danleeyahay kuwa ku soo qoray pundlandstate.oo labaxay magacyada
abdiwaaxid iyo khalif,waxaan idinleeyahay horta soo barta oo badsada fadhiga odayaasha si aad wax oga baratan, nin da` diina jira oo kayimid mudug saas uma hadlijirin.

Qore.G.Y.abdiasis khalif 31/03/003.




Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
[2003/April/_includes/slogan.htm]